Jaaliyadda Soomaalida UK oo sheegtay iney soo wajahday halis

Tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. Dowladda Senegal oo qabatey shixnad daroogo tii uggu badneyd

    Daroogo

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Daroogo

    Dowladda dalka Senegal, ayaa qabatey daroogadii uggu badneyn abid ay la wareegaan, taasoo ah nooca loo yaqaano Cocaine.

    Dalkan ayaa dhaca dhanka galbeed ee qaaradda Africa, iyadoo warkani ay soo tabisay wakaaladda wararka ee Reuters, iyadoo kasoo xiganeysa ciidanka badda dalkani.

    Culeyska daroogada la qabtey, ayaa gaaraya 2,026kg, taasoo laga soo qabtey Markab ku dhex socday badda, intii lagu jirey hawlgal ay si wadajir ah u sameeyeen ciidanka cirka Faansiiska, iyo ciidamadda badda Senegal.

    Warku wuxuu intaa ku darayaa in markabka laga soo qabtey masaafo u jirta xeebta dalka Senegal 363km, iyadoo ay saarnaayeen rakaab gaaraya illaa iyo shan qof.

    Galbeedka Qaaradda Africa, ayaa noqotey surinka loogga sii gudbiyo daroogada qaaradda Yurub iyo qaaradda America, qeybteeda koonfureed.

    Bishii ina dhaaftey ee January, madaxda dalkani dariska la ah ee Gambia, ayaa qabatey ku dhawaad daroogo gaareysa saddex tone oo daroogada nooca Cocaine-ta ah, taasoo lagu soo dhex qariyey shixnad cusbo warshadeed oo ka timid dalka Ecuador.

    Sawiro lasoo galiyey bar ay leeyihiin ciidanka badda ee Senegal, ayaa dadka lagula wadaagay sawiro, la leeyahay waxey kamid ahaayeen hawlgalkii dhacey axaddii.

  2. Guddoomiyaha Guddiga maamulka doorashooyinka Gobolada Waqooyi oo sheegay in la guda galayo doorashada xildhibaanada

    Guddoomiye Khadar Xariir

    Xigashada Sawirka, OPM

    Qoraalka sawirka, Guddoomiye Khadar Xariir

    Guddoomiyaha Guddiga maamulka doorashooyinka Gobolada Waqooyi ee (Somaliland), Khadar Xariir Xuseen, ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay bilaabi doonaan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Soomaaliland.

    Ku dhaaaqistani ayaa timid kadib kulan uu maanta Ra’iisul Wasaare Rooble la yeeshay guddiyada doorashooyinka Heer Federaal, iyo guddiga gaarkaah ee Somaliland.

    Guddoomiyaha ayaa intaa ku darey in la isla qaatay in labo toddobaad ee inagu soo fool leh doorashooyinka si wanaagsan, oo hufan ay u bilaaban doonaan.

    Waxaa kaloo la isla gartey in goobtii doorashada loo asteeyey lasoo indha indheeyo, Odayaashii iyo ergadii wax soo xuli laheydna la dadejiyo, iyo in kuraasta uggu horeysa doorashadooda ay qabsoomi doonaan labada isbuuc gudahood

    Guddoomiyaha Guddiga maamulka doorashooyinka Gobollada ee Waqooyi, ayaa carabka ku dhuftey iney balan qaadayaan in doorashada waqtigeeda aysan dib ugga dhici doonin, si hufanna ay u qabsoomi doonto.

  3. Xasan Nasrullah: Xisbullah waxaa heegan uggu jira 100,000 oo dagaal yahan oo diyaar u ah iney dagaalamaan

    Hassan Nasrallah

    Xigashada Sawirka, Al Manaar Tv

    Qoraalka sawirka, Hassan Nasrallah

    Xoghayaha guud ee ururka ka dhisan dalka Lubnaan ee Hizbullah, Xasan Nasrullah, ayaa ku eedeeyey taliyaha ciidamada Samir Geagea, inuu kicinayo naceyb ka dhex abuurma Muslimiinta iyo Kiristaanka, si uu uggu riixo dalkani dagaal sokeeye oo mar kale qarxo, ka gadaal markii iska hor imaad hubeysan uu ka dhacey magaalada caasimadda Beirut maalmo yar kahor.

    Nasrallah ayaa ka dalbadey dhammaan qeybaha bulshada Lubnaan inay kahor tagaan gacan ku dhiig laha, waa sida uu hadalka u dhigaye, dambiilaha dhiigga u ooman, si loogga hortago inuu qarxo dagaal sokeeye.

    Nasrallah ayaa kasoo muuqdey khudbad uu sii daayey Tv-ga Al Manaar ee Hezbollah, fiidnimadii isniinta, isaga oo uu ku hareereysan yahay sawirka toddobadii dhibbane ee lagu dilay dhacdooyinkii 14-kii October, isagoo leh “ciidamada Lubnaan ayaa bilaabey dagaalka, waxeyna geysteen xasuuq.“

    Nasrallah ayaa ku dhawaaqeyintii uu wadey khudbadda iney jiraan tiro dagaal yahano ah oo diyaaru ah iney ka dagaalamaan safka xisbigiisa, kuwaasoo gaaraya illaa iyo 100,000, marka laga reebo xulada iyo ururadaaan militaryga aheyn..

    Tani waa makii ugu horeysay oo uu ururka Hizbullah sheego tirada dagaal yahanadiisa si guud. Wuxuu intaa ku darey xoghayaha in sababta uu shaaca ugga qaadey tirada dagaal yahanadooda iney tahay in haatan xaaladdu ay mareyso heer halis ah.

  4. Shaacinta jadwalka doorashada kuraasta dhiman ee Aqalka sare ee maamulka Jubbaland

    Doorashada Jubbaland
    Qoraalka sawirka, Doorashada Jubbaland

    Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Federaalka Jubbaland (SEIT), oo gudanaya waajibadkiisa shaqo, ayaa soo gudbiyey jadwalka doorashada afartii kursi, ee ka dhinneyd doorashada Aqalka Sare ee sanadka 2021-ka.

    Talaada oo ah maanta, ayaa waxaa loo asteeyey shaacinta jadwalka iyo diyaarinta agabka doorashada.

    Arbacada oo bari ah, ayaa waxaa loo qorsheeyey diiwaan gelinta, qabashada codsiyada murashaxiinta iyo shubitaanka lacagta.

    Bari danbe oo Khamiis ah, ayaa uggu danbeyn iyana loo asteeyey hadal jeedinta murashaxiinta iyo doorashada.

  5. Hoggaamiyaha Liberia oo abaal mariyey nin dib u celiyey lacag uu helay

    Tuloe

    Xigashada Sawirka, Spoon TV Live/Facebook

    Qoraalka sawirka, Tuloe

    Madaweynaha Liberia, George Weah, ayaa soo dhoweyn sharafeed u sameeyey 18 jir ku shaqeysa mootada, kaasoo helay US $50,000, una soo celiyey haweeney ganacsato ah, oo lacagtii kaga luntay gobolka waqooyi bari ee Nimba

    Madaxweyne Weah, ayaa kula kulmay Emmanuel Tolue xaflad ka dhacdey caasimada magaalada Monrovia isniintii, isagoo guddoon siiyey lacag iyo deeq waxbarasho

    Ninkan yar ee ku shaqeysta mootada,ayaa maalmihii u danbeeyey noqday geesiga qarankiisa, ficilkii uu sameeyey darteed.

    Ninkan yar ayaa helay lacag ku duuban boorso, isagoo dib uggu celiyey qofkii lahaa milkiyadda lacagtaas, oo ah Musu Yancy, iyadoo codsiga dalabkeeda ka gudbisay raadiyo, in qofkii helaa lacagta luntay uu dib uggu soo celiyo.

    Ms Yancy ayaa si weyn uggu riyaaqdey daacadnimada nikan yar, iyadoo u siiyey baadi fur lacag qiimaheedu dhan tahay US $1,500

    Madaxweynaha ayaa ku ammaaney Mr Tuloe dareenkiisa gaarka ah, anshaxa iyo inuu yahay muwaadin macna leh, isagoo u noqon kara tusaale ay ku daydaan dadka kale ee reer Liberia.

    Hoggaamiyaha Liberia, ayaa balan qaadey inuu u aqoonsan doono qof martabad weyn kaga jira dalkani, isagoo ku abaal marin doono ninkani dhalinyarada ah mid kamid ah abaal marinada uggu sarreeya Liberia – isagoo ku muteystay daacadnimadiisa, oo uu kula soo soocay wanaagga iyo xumaha.

    Intaa waxaa dheer, madaxweynaha ayaa siiyey ninkani yar lacag dhan US $10,000, oo noqoneysa laba mooto oo cusub, si ay wax ugga badalaan duruufaha uu kunool yahay iyo sidoo kale iney u noqoto dhaqaale joogta ah.

    Mr Tolue, kaasoo kaga tagey iskuulka fasalka toddobaad, ayaa u weecday dhanka iyo ku shaqeysa mootada, isagoo haatan helay deeq waxbarasho, oo ah illaa iyo heer jaamacadeed.

  6. Xiriirka Kubada Cagta Jabuuti oo shaqadii ka eryey tababaraha xulka qaranka

    Tababare Julien
    Qoraalka sawirka, Tababare Julien

    Xiriirka Kubadda Cagta ee dalka Jabuuti, ayaa shaqadii tababaranimo ka eryey, Julien Mathieu, oo u dhashay dalka Faransiiska, kaasoo xulka dalkani laylinayey saddexdii sano ee uggu danbeysay.

    Tababarahan ayaa xulka kubadda Cagta Jabuuti, usoo saarey markii uggu horeysay tartanka is reeb-reebka ee Koobka Addunuka loogu soo baxayo, kaasoo ka dhici doonna dalka Qatar sanadka danbe ee 2022-ka.

    Xiriirka ayaa soo saarey bayaan ay shaqada ugga eryeen tababaraha, iyadoo BBC-duna ay heshay nuqul kamid ah, wuxuuna u qornaa sidan:

    Kadib natiijooyinkii filan waaga ahaa ee lasoo darsay kooxda qaranka Jabuuti, ee isreeb-reebka Koobka Adduunka ee Qatar 2022-ka, iyo falalka guracan ee dabeecadaha aan ku habboonayn xirfadda tababare heer sare ah.

    Xiriirka kubadda cagta ee Jabuuti, ayaa go’aan sadey iney shaqada ka ceyriyaan tababarihii xulka qaranka ee Mudane. Julien Mette.

    Madaxa Xiriirka Kubadda Cagta dalka Jabuuti, Suleymaan Xasan Waaberi, ayaa sheegay in shaqo ka ceyrinta tababaraha ay timid, kadib markii guul darooyin is daba joogga ay xulka qarankani soo wajaheen, taasoo uu ku eedeeyey inuu mas’uul ka ahaa tababaraha.

    Xulka qaranka Djibouti, ayaa laga mamnuucey iney dalkooda kula ciyaaran kooxaha kale, iyagoo hoy ay u tahay dalka Morocco.

    Waxa uu intaa ku darey dhibaatooyinka heysta madaxa xiriirka xulka qaranka iney qeyb ka tahay dhaqaale darro baahsan, oo aaney jirin qolo gaar ah oo ka caawisa dhanka dhaqaalaha, isagoo intaa ku darey madaxa xiriirka in cid kasta iyo shirkadaha dalka Jabuuti iney gacan ka geysan karaan taakulada loo fidinayo xulka qaranka.

    Madaxa Xiriirka Kubadda Cagta dalka Jabuuti, Suleymaan Xasan Waaberi
    Qoraalka sawirka, Madaxa Xiriirka Kubadda Cagta dalka Jabuuti, Suleymaan Xasan Waaberi
  7. Batulo Gaballe oo xaqiijinta qoondada haweenka ee golaha baarlamaanka rajo weyn ka qabta

    Batulo
    Qoraalka sawirka, Batulo

    Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka ee golayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa soo dhaweeyey in labo kursi oo kamid ah murashaxiinta Aqalka Sare ka soo galaya maamul goboleedka Jubbaland loo xiro dumarka.

    Tani ayaa ka dhigeysa haweenka illaa haatan kamid noqonaya Aqalka Sare 14 Xilidhibaan.

    Boqolleyda boqolkiiba soddonka aheyd ee loo qoondeeyay haweenka, ayaa marka la eego 14-ka hadda kamid noqonaya Aqalka Sare, waxay muujineysaa iney soddonka kusii dhawaaneyso, inkastoo aanan yoolkaas wali la gaarin.

    Guddiga ayaa qaba haddii labo kursi oo kale dumarku ay ka helaan Jubaland iyo Galmudug, iney taasi dhamaystiri doonto yoolkoodii ahaa in boqolkiiba soddon haweenku ku yeeshaan Aqalka Sare, ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

    Gudoomiyaha Guddiga Xaqqjinta Qoondada Haweenka, Batuulo Sheekh Axmed Gaballe, ayaa u sheegtay weriyaha BBC-da ee Muqdisho, Ibraahim Maxamed, in loo dhaw yahay bartilmaameedkii ahaa 30% ee qoondada haweenka, uggu danbeyntiina ay rajeynayaan in inta dhiman lasoo buuxin doono.

  8. Uganda oo soo bandhigtey gawaari dagaal oo gaashaaman oo ay farsameysay

    Ciidanka Uganda

    Xigashada Sawirka, UPDF

    Qoraalka sawirka, Ciidanka Uganda

    Taliyaha ciidanka Uganda, Gen Muhoozi Kainerugaba, ayaa soo galiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka sawiro, uu ku sheegay inay yihiin gaadiidka dagaalka oo qafilan, ee ciidanka lugta ee uggu horeeeyey, kuwaasoo lagu sameeyo gudaha dalkani Uganda.

    Wuxuu sheegay in si buuxda looggu naqshadeeyey, loogana soo saarey gudaha dalkani, laakiin ma aanu bixin faah faahinta astaamaha baauurkan qafilan iyo qiimahiisaba.

    Gaarigan oo loo bixiyey magac laga keenay afka Sawaaxiliga, oo ah Shabeel, ayaa waxaa shaacintiisa usoo wakiishay taliyaha aabihii, oo ah Madaweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

    Ciidanka Uganda, ayaa ku lug lahaa sanadkii hore hawlgal bahalnmo ah, oo lagaga soo horjeeday mudaaharaadyo gilgiley caasimadda magaalada Kampala, kadib markii la xirey murashax madaxweyne Bobi Wine.

    Saraakiisha dalkani, ayaa difaacey adeegsiga xabadda, iyagoo sheegay in taa loogga gol lahaa in ciidanka iyo booliiska ay xakameeyaan xiisad markaa jirtey.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  9. Koonfur Afrika oo sheegtay in talaalka Ruushka uu horseedi karo cudurka AIDS-ka

    Sputnik V
    Qoraalka sawirka, Sputnik V

    Hey’adda hubinta tayada dawada iyo caafimaadka ee Koonfur Afrika, ayaa sheegtay ineysan oggolaan doonin tallaalka Sputnik V ee cudurka safmarka ee Covid19, ee uu Ruushku sameeyey, iyadoo cabsi laga qabo in isticmaalkiisu uu kordhiyo halista qaadista cudurka HIV/AIDS.

    Hey’adda ayaa intaa ku dartey in shirkadda kasoo dalbadey iney ruqsad u siiyaan iney tallaal kaasi keento dalkooda, ay ku guul dareysatey xogta ku saabsan badqabka tallaalkan.

    Hey’adda maamusha caafimaadka, ayaa ku nuux nuux satey in go’aanka ah inaan la oggolaan tallaalka Sputnik V la gaarey, kadib markii lala tashadey khuburada sayniska ee gudaha dalka Koonfur Afrika, iyo kuwa caalamiba, iyadoo sidoo kale la tixgaliyey xog la hayo.

    Waxay walaac ka muujisay hey’adda adeegsida tallaalka Sputnik V ee cudurka Covid19 ee dalka Koonfur Afrika, oo ah meel ay ku badan yihiin cudurka HIV-ga, ayna ka digeyso gaar ahaan ragga qaata tallaalkani iney halis uggu jiraan qaadista HIV.

    Dhawr wadan oo Afrikaan ah ayaa qaatey tallaalkan Sputnik V.

  10. Dowladda Itoobiya oo ku eedeysay mucaaradka Tigreega iney laayeen dad shacab ah

    Ciidanka joogga gobolka Tigreega
    Qoraalka sawirka, Ciidanka joogga gobolka Tigreega

    Dowladda Itoobiya, ayaa ku eedeysay dagaal yahanada mucaaradka Tigreega, iney dileen in ka badan 30 qof oo rayid ah, kuwaasoo ku noolaa waqooyi galbeed ee is maamulka Amxaarada.

    War ay soo saartey wasaaradda arrimaha dibadda, ayaa intaa ku darey in dagaal yahanada mucaaradku ay bartilmaameed sadeen si aan kala sooc laheyn dad shacab ah.

    Dagaal yahanada TPLF ee Tigreega, ayaa bilaabey weeraro cusub, oo ay ku qaadayaan maamulada Amxaarada iyo Canfarta, iyagoo ka sameynaya boob hantiyeed, ayna dheer tahay in waayeelada iyo caruurtuba u dhimanayaan baahi darteed.

    Dowladda Itoobiya ayaa u aqoonsan mucaaradka Tigreega argagaxiso.

    Ciidanka dowladda dhexe ee Itoobiya, ayaa bilaabey dagaalka ay kula jiraan mucaaradka Tigreega bishii November ee sanadkii hore ee 2020-ka.

  11. Haweeney toddobo caruura ku dhashey Pakistan

    Toddobada caruurta ah

    Xigashada Sawirka, Isbitaalka caalamiga ee Jinnah ee magaalada ABBOTTABAD

    Qoraalka sawirka, Toddobada caruurta ah

    Isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan, ayaa haweeney waxay ku dhashey toddobo caruur ah.

    Aabaha carruurtan oo la yiraahdo Yaar Mohammed, ayaa ku nuux nuux sadey iney la yaab ku noqotey iney mar qura u dhashaan toddobo caruur ah.

    Aabaha caruurta dhalatey, ayaa carabka ku dhuftey in si dhib ah ay kusoo gaareen isbitaalka, halkaasoo ALLE uggu deeqay afar wiil iyo saddex gabdhood, isagoo dhalashadaasi aad uggu farxey.

    Sida ilo ku dhaw isbitaalka ay sheegayaan, xaaladda caruurta toddobada ah ee dhalatey, iyo hooyadoodba ayaa ah mid wanaagsan.

    Yar Mohammad, ayaa ah qof kunool degmada Batgram.

    Isbitaalka ay ku dhashey caruurta xaaska Yar, ayaa la yiraahdaa isbitaalka caalamiga ee Jinnah, kaasoo ah isbitaal gaar loo leeyahay.

  12. Waqooyiga Kuuriya oo ka dul ridey gantaal biyaha badda Japan

    Kim

    Xigashada Sawirka, KCNA

    Qoraalka sawirka, Kim

    Waqooyiga Korea, ayaa maanta ka dul ridey gantaal markab, iyadoo dul marisay biyaha badda Japan, sidaasi waxaa sheegay military-ga Koonfur Kuuriya.

    Maamulka Pyongyang, ayaa soo bandhigay gantaalkan bishii ina dhaafey ee January, iyagoo ku tilmaamey inuu yahay gantaalka uggu awoodda badan adduunka.

    Tani ayaa imaneysa toddobaadyo kadib, markii Koonfur Kuuriya ay tijaabisay iyana gantaal kan lamid ah.

    Waqooyiga Kuuriya, ayaa toddobaayadii lasoo dhaafey wadey tijaabooyin gantaallo oo is xig xiga, oo ay ku jiraan gantaallo ay ku sheegtay dowladdani iney yihin kuwo guuxooda ka dheereeya, iyo kuwa ridada dheer.

    Tijaabooyinka qaar ee ay sameysay Waqooyiga Kuuriya, ayaa waxey xad gudub ku yihiin cuna qabateynta caalamiga ee saaran dalkan.

    Dalkan ayey Qaramada Midoobay ka mamnuucdey iney horumarin iyo tijaabinba ku sameyso gantaalladeeda ridada fog, iyo sidoo kale hubka nucliyerka.

  13. Axmed Madoobe oo soo gudbiyey murashaxiinta xubnaha aqalka sare ee ku harsanaa

    Madobe
    Qoraalka sawirka, Madobe

    Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa soo gudbiyey liiska magacyada murashaxiinta, afartii kursi ee ku harsaneyd ee aqalka sare ee baarlaamaanka Soomaaliga ku matali lahaa maamul goboleedkani.

    Doorashada xubnaha harsan ee aqalka sare, ayaa in muda ah hakad ku jirey, iyadoo soo gudbintani ay qeyb ka noqoneyso soo dhameytirka xubnihii ka dhinnaa gaba gabeynta doorashada aqalka sare.

    Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa soo food saarey dibu dhacyo fara badan, iyadoo uggu danbeyntii ay dhawaan bilaabatey.

    Marka la gaba gabeeyo xulashada xubnaha aqalka sare, ayaa la filayaa in loo gudbo doorashada xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

  14. Jaaliyadda Soomaalida UK oo sheegtay iney soo wajahday halis

    Jaaliyadda Soomaalida UK, ayaa bilaabay iney Soomaalida u sharaxaan sidii ay u wajihi lahaayeen xaaladda soo cusboonaadey, ka gadaal markii dhawaan ruux Soomaali ah uu diley xildhibaan Ingiriis ah.

    Dhibaatada jaaliyada soo wajahday haatanba, ayaa waxaa kamid ah iney soo gaarayaan farriimo hanjabaado ah, iyo iney is badal ku sameeyeen hab nololeedkoodii.

    Hoggaamiyeyaasha jaaliyadda ayaa ka wacyi galinaya Soomaalida nidaambkii ay ula dhaqmi lahaayeen, haddii lacalla booliisku ay la kulmaan, ama su’aallo in la weeydiiyo loo baahdo.

    Waxaa xiran wiil asalkiisu yahay Soomaali, kaasoo lagu magacaabo Ali Harbi Ali, dadiisuna tahay 25 sano jir. Wiilkan ayaa ku dhashey Ingiriiska, isagoo takhasus dhakhtarnimo diyaarinayey.

    Sidoo kale, waalidka ruuxa xiran ayey dhawaan booliiska Ingiriiska ka qaadeen taleefankiisa gacanta, si baaritaan dheeraad ah looggu sameeyo.

    Soomalida Ingiriiska

    Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada

    Qoraalka sawirka, Soomalida Ingiriiska
  15. Assalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBCSomali.com

    Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee dhulka Soomaalida, iyo deegaamadooda qurbaha, wararka gobolka iyo calaamka intiisa kalaba. Wararka waxaa idiin soo gudbin doona aniga oo ah Said Anteno.