Wuxuu xaqiijiyey inuu isagu jooggo
Afghanistan, isagoo intaa ku darey in aanu dagaalku dhammaan.
Si lama filaan ah ayey
Taliban ula wareegeen caasimadda Afghanistan ee Kabul. Dalalka caalamka ayaa
walaac waxa ay ururkani ka damacsan yihiin dalkani.
Afhayeenka Taliban,
kaasoo qabanayey shirkiisii jaraa’id ee uggu horeysay, ayaa sheegay in dhammaan
jihooyinka xuduudaha ay iyagu gacanta ku hayaan.
Soo shaac bixista
Madaxweyne kuxigeenkii hore farriintiisa, ayaan la ogeyn waxa aykaga jawaabi doonaan ururka Taliban.
Xildhibaanad hore oo
reer Afghanistan ah, Elay Ershad, oo la hadleysay BBC-da, ayaa fajaciso ku
tilmaantey ururka Taliban iyo xukunka dalka Afghanistan ee ay la wareegeen.
Waxey dhanka kale ka hadashey in wixii uu ku kacey Madaxweyne Ashraf Ghani ay
aheyd calool xumo, maadaama uu u cararey dalka dariska la ah ee Tajikistan.
Ershad, ayaa ku eedeysay
inuu ka qaatey Madaxweynaha madaxtooyada diyaarad qumaatiga u kacda axaddii,
isagoo u sheegay dadkii la shaqeynayey inuu shir la leeyahay wasiirka
gaashaandhiga. Laakiin mar danbe la ogaadey inuu gabi ahaanba isaga cararey
dalka.
“Aad baan u
careysanahay, ma hayo ereyo aan ku sheego ama aan ku sharraxo wixii dhacey,”
ayey tiri Ershad.
Iyadoo hadalka sii
wadata, ayey tiri Ershad “Dalkii ayuu isaga tagey, dadkiisiina wuu khiyaanay.
Ma aqaan sababta aan qofkani u aaminay, ugguna codeeyey.”
Qolo ay bah wadaag
yihiin Madaxweyne Ashraf Ghani, ayaa u sheegay BBC-da inay kula taliyeen inuu
dalka isaga cararo, si loogga fogaado in la daadiyo dhiig fara badan, inkastoo
hoggaamiyahan hore uu qorsheynayo inuu mar un dalkiisa dib uggu noqdo.
Mar la weeydiiyey
Ershad wixii ay ku oran laheyd Asharaf Ghani waxey tiri “Waxaan jeclaan lahaa
inuu dalka dib uggu soo noqdo, waxaan fiirin lahaa indhahiisa una sheegi lahaa ‘inaan
ahay haweeney, dalkana aan ku nagaadey’.”
Waxey intaa ku dartey
in haddii Madaxweyne Ashraf uu doonayo inuu ka fogaado in dhiig daato, inuu
isaga tagi karayey xukunka dalkani lix bilood kahor.
Shirka jaraa’id ee Taliban: Qodobada uggu waa weyn
Qoraalka sawirka, Shirka jaraa'id ee Taliban
Shirkii jaraa’id ee uggu
horeeyey ee ay qabtaan Taliban, illaa iyo intii ay xukunka la wareegeen, iyagoo
kaga jawaabey mawduucyo fara badan. Kuwa uggu waa weyn, waa sidan soo socota:
·Kooxdu waxey si deg deg ah ugga shaqeyneysaa dhisidda dowlad,
waxaa lagu dhawaaqi doonnaa marka la dhameystiro, sida uu sheegay afhayeenka Taliban, Zabihullah Mujahid,.
·Wuxuu sheegay in haweenku ay kaalin mug leh ka qaadan doonaan
bulshada dhexdeeda, loonna oggolaan doono iney shaqeystaan, iyadoo loo eegayo
hannaanka nolosha ee sharciga Islaamka, laakiin ma aanu sharaxin waxa taa loola
jeedo ficil ahaan.
·Mar la weeydiiyey dadka qandaraaska iyo turjubaanada u ahaa
awoodaha shisheeye, Mujahid ayaa sheegay in aaney jiri doonin aargudasho lagula
kaco qofna, iyadoo kooxdu ay u fidisay cafis qof waliba, si loo gaaro nabadda
iyo xasiloonida dalka Afghanistan.
·Wuxuu kaloo sheegay afhayeenku in Taliban ay qadarin doonto
kaalinta warbaahinta madaxa bannaan, iyagoo balan qaadey in warbaahinta gaarka
loo leeyahay ay sii ahaan karto mid xor ah oo madax bannaan.
·Laakiin wuxuu ka digey in warbaahinta ay u shaqeyso si gurracan,
oo iyaga kasoo horjeeda.
·Mar la weeydiiyey halista ka dhalan karta haddii ay marti
galiyaan ururo ay kamid yihiin al-Qaeda ama kuwa kaloo argagaxiso, ayaa waxa uu
sheegay Zabihullahi Mujahid in dalkani aanan mar danbe loo isticmaali doonin goob
lagaga duulo dalal kale.
·Sidoo kale, wuxuu sheegay afhayeenka Taliban iney qorsheeyeen
inay ciidankooda ku hakiyaan daafada magaalada Kabul, si hannaanka kala guurka
looggu dhameystiro si dagan, laakiin ay soo baxdey duruuf ku qasabtey iney u galaan gudaha magaalada, si ay u hubiyaan ammaanka dadka dagan magaalada.
Taliban: Ma dooneyno inuu hal qof inaga tago
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Zabihullah Mujahid
Afhayeenka Taliban,
Zabihullah Mujahid, ayaa sheegay in ammaanka guud ee dalka Afghanistan uu sugan
yahay, kadib markii wax laga weeydiiyey in goobaha ay gacanta ku hayaan ay ka dhacayaan
dilal iyo afduubyo.
Wuxuu intaa ku darey
afhayeenka in aanu qofna qof kale afduubi karin, isagoo sheegay iney sii xoojinayaan
ammaanka iyo kala danbeynta maalinba maalinta ka danbeysa.
Wuxuu carabka ku adkeeyey
inaaney dooneyn hal qof xitaa inuu ka tago ama ka cararo dalkani, isagoo
sheegay iney magan galyo guud iyo cafis u fidiyeen dadka oo idil.
Afhayeenka wuxuu kaloo
sheegay in dalka Afghanistan aanan loo isticmaali doonin xarun ama goob lagaga
duullo dalka kale, isagoo ka jawaabayey baqdinta laga qabo in mar kale dalkani uu
hoy u noqdo dagaal yahanada al-Qaeda.
Zabihullah Mujahid,
ayaa sidoo kale sheegay in Bulshada Caalamka ay u xaqiijinayaan in dalkani
noqon doono, sida dalalka kale ee caalamka.
Haweenka oo mar kale kasoo muuqdey shaashadaha tv-yada Afghanistan
Qoraalka sawirka, Haweeney reer Afghanistan ah oo war akhrineysa
Haweenka ka shaqeeya Tv-yada dalka Afghanistan, ayaa
shaqooyinkii dib uggu noqdey, ka gadaal markii talada dalkani, ay si buuxda ula
wareegeen ururkaTaliban.
Tv-ga la yiraahdo Tolo, ayaa dib u hawl galey, iyadoo haweenka
ka shaqeeyana ay hawlahoodda u wataan sidii caadiga aheyd.
Tv-ga ayaa si ku meel gaar ah hawada loogga saarey, markii uu is
badalku dhacey.
Tv-ga Tolo News, ayaa intaa ku darey in baahintoodii ay sidii
caadiga aheyd u shaqeyn doonto haatan wixii ka danbeeya.
Waxaa jirta su’aalo la is weeydiinayo, kuwaasoo ah sida ay noqon
doonto xuquuqda haweenka, marka la eego ku hoos noolaanshaha xukunka Taliban.
Uganda oo qaadaneysa qaar kamid ah qaxootiga reer Afghanistan
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Qaxooti reer Afghanistan ah
Uganda ayaa qaadaneysa laba kun oo qaxooti reer Afghanistan ah,
ka gadaal markii dagaal yahanada Taliban ay la wareegeen awoodda dalkaasi
axaddii.
Kooxda uggu horreysa ee shanta boqol ee reer Afghanstan ah, ayaa
la filayay iney soo gaaraan galinka danbe ee maanta oo talaado ah garoonka
diyaaradaha Entebbe.
Heshiiska ayaa yimid, kadib markii ay dowladda Mareykanka ka
codsatey, sida ay BBC-da u sheegtay wasiirka qaxootiga Uganda, Esther Anyakun.
Dalka Uganda, ayaa leh taariikh dheer, oo ah soo dhoweynta
qaxootiga, iyadoo haatan ay hoy siisay ku dhawaad 1.3 milyan oo dad ah,
kuwaasoo kasoo cararey dagaallo iyomasiibooyin kalaba.
Dalkan ku yaalla Bariga Africa, ayaa marti galiyay qaxootiga
uggu badan ee dal ku yaalla qaaradan magan galyo siiyo, halka uu kaga jiro
kaalinta afraad marka la eego dunida.
Qaxootigan cusub ee reer Afghanistan-na, ayaa laga baari doonaa
cudurka Covid19, iyadoo lagu karantiili doonno goobo gaar ah, sida ay sheegtay
Anyakun.
Dowladda Mareykanka, ayaa lagu wadaa iney bixiso qarashka ku
baxaya dhammaan adeegyada loo sameynayo qaxootiga reer Afghanistan ee imanaya
dalka Uganda.
Guddoomiyihii deegaanka Garasbaaley oo lagu dilay qarax
Warrarka laga helayo
magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax gaarigiisa qabsaday uu ku dhintay
gudoomiyihii deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho Maxamad Abuukar Afrax
sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha
hadda la dilay ayaa xilka qabtay bishii May ee sanadkan, isagoo badalay
gudoomiyihii isaga ka horreeyay oo isna qarax lagu dilay isla deegaanka
Garasbaaley.
Askarta Taliban oo goobaha carruurta lagu dalxiisiyo ku damaashaadayo
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Fiidiyow ama muuqaal ay baahisay warbaahinta Faransiiska ee Mediavenir, ayaa lagu arkayay askarta ururka Taalibaan oo damaashaadayo goobaha carruurta lagu dalxiisiyo.
Shacab badan oo halkaas ku sugnaa, ayaa daawanayay lana wadaagayay asxaabtooda dhanka baraha bulshada askarta oo ku ciyaaraya gawaarida carruurta lagu ciyaarsiiyo oo goobtaas yaalay.
Hoggaamiyeyaasha dalalka Yurub ayaa walaac ka muujinaya qaxootiga iyo muhaajiriinta ka soo cararaya Aghanistaan ka dib markii ay maamulka dalkaas la wareegeen ururka Taalibaan.
Khudbad uu telefishanka ka jeediyay Isniintii, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron wuxuu ku sheegay in waddammada "Yurub kaligood aysan qaadi karin cawaaqibka xaaladda hadda jirta," ayuu yiri.
"Midowga Yurub wuxuu la imaan doonaa qorshe looga hortagayo qulqulka muhaajiriinta waaweyn ee ka imaanaya Afghanistan," ayuu yiri Macron.
Dalka Jarmalka, wasiirka arrimaha gudaha Horst Seehofer ayaa laga soo xigtay inuu sheegay inuu filayo in ilaa shan milyan oo qof ay ka qaxayaan Afghanistan.
Jarmalka ayaa xuduudaheeda u furay boqolaal kun oo qof oo ka cararaya dagaal iyo cadaadis intii lagu jiray qalalaasaha muhaajiriinta ee Yurub ee 2015-kii.
Dareenadaas mid la mid ah waxaa muujiyay wasiirka socdaalka ee Giriigga, oo ah waddan kale oo uu ka jiro dhibaatada ugu badan ee muhaajiriinta.
Daawo: Jaahwareerkii ka dhacay garoonka Kabul 16-kii bishan Agoosto
Xaaladda maanta ee magaalada Kabul
Xigashada Sawirka, Getty Images
"Jidadku weli waa faaruq, mana jiraan gaadiid badan." Weriyaha BBC-da ee magaalada Kabul.
"Dadka way cabsanayaan waxayna u maleeyaan in suurta-gal tahay in wax walba ay dhici karaan daqiiqad kasta, marka guriyahooda ayey iskaga jiraan."
Labadii maalmood ee la soo dhaafay, qiimaha doolarku aad ayuu u kordhay taasi oo saamayn weyn ku yeelatay dhaqaalaha guud ee magaalada Kabul.
Mana jirto wax xaddidaad ah oo ah inaad dibadda u baxdo oo aad dadka banaanka joogo la hadashid.
"Waxaan ku fikirayay inaan la ii oggolaan doonin inaan filim sameeyo, inaan arko ama la hadlo dadka balse la isma hor istaagna mana jirin cid i weydiisay qofka aan ahay ama sababta aan sidaas u samaynayo." weriyaha BBC-da ee halkaas.
"Meel walba way joogaan, waxay ku sugan yihiin barxad kasta waan la hadlay oo waxaan weydiiyey sababta ay halkan u joogaan iyo shaqadoodu waxa ay hadda tahay waxay sheegeen inay halkan u yimaadeen inay magaalada ka dhigaan mid nidaamsan, waxayna baarayaan baabuurta, gaar ahaan kuwa saaxiibadood. Waxaan weydiiyey sababta, waxayna igu yiraahdeen baabuurtan waxaa horay u adeegsan jiray madaxda dowladda."
Xigashada Sawirka, Getty Images
Xigashada Sawirka, Getty Images
Xigashada Sawirka, AFP
Xigashada Sawirka, AFP
Xigashada Sawirka, Getty Images
Sheekooyinka kale ee aan ku daabacnay barta BBCSOMALI.COM
Iiraan oo sheegtay in safaaraddeeda Kabul ay weli furan tahay
Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegtay in safaaraddooda Afgaanistaan ay weli “furan tahay oo ay shaqeyneyso”.
Wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee ISNA, afhayeenka wasaaradda Saciid Khatibzadeh ayaa meesha ka saaray warar hore oo warbaahintu qortay oo sheegaya in kaliya ay furan yihiin safaaradaha Ruushka, Shiinaha iyo Pakistan.
Wuxuu intaas ku daray in qunsuliyadda Iiraan ee Herat ay sidoo kale “gebi ahaanba shaqaynaysay”.
Iiraan ayaa shaaca ka qaadday inay si qarsoodi ah u xirtay saddex ka mid ah shan qunsuliyadood oo ay ku lahayd Afgaanistaan waxayna diblomaasiyiinteeda u rartay safaaradda Kabul.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay dhigiisa dal Masar
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdiga la socda oo booqasha ku jooga dalka Masar ayaa kulan la yeeshay raysal wasaaraha dalkaasi Moustafa Madbouly iyo xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirrada.
Kulanka waxaa looga hadlay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo sii xoojinta deeqaha waxbarasho ee Soomaaliya ka hesho dalka Masar.
Xigashada Sawirka, SONNA
Diblomaasiga Maraykanka ah ee diiday inuu ka qaxo Kabul
Xigashada Sawirka, Ross Wilson
Diblomaasi sare oo Mareykan ah oo ku sugan Afgaanistaan gaar ahaan caasimadda Kabul ayaa ka hadlay “warar been abuur ah” oo ku saabsan halka uu ku sugan yahay.
Maalintii Axadda, markii Taalibaan ay soo galeen caasimadda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in dhammaan shaqaalihii safaaradda loo daad gureeyay garoonka caalamiga ah ee Hamid Karzai, oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Mareykanka.
Balse Danjire Ross Wilson ayaa wuxuu ku caddeeyay bartiisa twitter -ka in isaga iyo shaqaalaha safaaraddu ay weli ku sugan yihiin Kabul “iyagoo aad ugu dadaalaya inay caawiyaan [kumanaan] muwaadiniin Mareykan ah iyo dadka reer Afghanistan ee nugul”. Waxa uu sheegay in uusan Kabul ka bixi doonin ilaa uu gaaro hadafkiisa ah bad-qabka dadkaasi.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Duulimaadyadii garoonka diyaaradaha Kabul oo dib loo furay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Duulimaadyada milateri ee daad -gureynaya diblomaasiyiinta iyo dadka rayidka ah ayaa dib uga billowday gegida dayuuradaha caalamiga ah ee Kabul.
Shan qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen qalalaase shalay ka dhacay isla garoonkaas, inkasta oo aan la hubin in la toogtay ama ay ku dhinteen isbuurasho.
Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in garoonka ay hadda ka jirto xasillooni.
"Dad badan oo shalay halkan joogay ayaa guryahoodii aaday," mid ka mid ah saraakiisha amniga ayaa u sheegay Wakaaladda wararka ee Reuters.
Si kastaba ha ahaatee, Reuters ayaa sidoo kale sheegtay in weli rasaas laga maqlayo dhinaca garoonka.
Duulimaadyada ayaa la hakiyay inta badan Isniintii. Gegida dayuuradaha ayaa ah meesha kaliya ee ay ka baxaan ciidamada shisheeye ee uu hoggaaminaya Maraykanka ee ka sugan Afgaanistaan.
Turkiga oo darbi ka dhisanaya dadka reer Afghanistaan
Iyada oo kumanaan reer Afgaanistaan ah ay ka cararayaan dalkaas, ayaa Turkiga wuxuu ku dhawaaqay in uu darbi ka dhisayo xadka uu la wadaago Iiraan xilli laga cabsi qabo in ay ku soo qulqulaan qaxooti cusub oo ka yimaada dhanka Afghanistan.
Darbiga ayaa dhererkiisu noqon doonaa 295km marka la dhammaystiro, waxaana lagu xoojiyay silig sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay wakaaladda wararka ee AFP.
"Waxaan sii xoojin doonnaa shaqooyinkeenna, waxaana xoojin doonaa fahamka ah in darbiga aan la mari karin," ayuu yiri Wasiirka Difaaca Hulusi Akar, sida lagu sheegay warbixin ay qortay Hurriyet Daily.
"Qayb weyn oo ka mid ah ayaa la dhammeeyay. Ku dhowaad 150 kiiloomitir oo godad ah ayaa la qoday."
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Taalibaan oo go'aan ka soo saartay saraakiisha dowladdii Ashraf Ghani
Xigashada Sawirka, Reuters
Kooxda Taalibaan ayaa cafis guud u fidisay dhammaan mas’uuliyiinta dowladdii Afghanistan, iyagoo ku boorriyay inay ku laabtaan shaqada iyagoo qaba “kalsooni buuxda”.
"Cafis guud ayaa loo fidiyay dhammaan ... marka waa inaad dib u bilowdaa nolol maalmeedkaaga si weliba ay kalsooni buuxda ku jirta," ayay qortay AFP, iyadoo soo xiganaysa bayaan ka soo baxay Taliban.
Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ay jirto cabsi soo food saartay Afgaanistaan.
Daalibaan ayaa caan ku ah inay fuliyaan ciqaab arxan darro ah waxaana lagu eedeeyay inay geysteen dambiyo dagaal.
Qoraalka Muuqaalka, .
Dhanka kale madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden, ayaa si weyn u difaacay go’aanka uu ciidamada dalkiisa uga saaray Afghanistan.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in haddii uu baalmari lahaa heshiiskii uu Trump la galay Taalibaan, uu Maraykanka mar kale faraha la geli lahaa dagaal ba’an.
Biden ayaa dhanka kale tilmaamay in haddii la weerarro ciidamada Maraykanka ee ku guda jira hawlaha daadgureynta, ay taasi ka dhalan doonto cawaaqib aan la mahdin.
Beelaha Banaadiriga oo aan ka muuqan Aqalka Sare Soomaaliya
Iyadoo ay socoto doorashada xildhibaannada Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka ayaa wali waxa taagan dood ku saabsan sharciyadda lagu qaybiyay kuraasta.
Dastuurka ku-meel gaadhka ah, qodobkiisa 72aad waxa uu sheegayaa in 54-ka kursi loo qaybiyo 18 kii gobol ee Soomaaliya ka koobneyd markii ay dhacday dawladdii Maxamad Siyaad Barre, balse markii dambe heshiis ay gaadheen madaxda siyaasaddu waxay ku heshiiyeen in hannaanka maamul goboleedyada lagu qaybsado kuraasta tiiyoo qodobka dastuurka aan waxba laga badalin.
Madaxda maamul goboleedyaduna kuma qaybin kuraasta deegaan, ee waxay wax ku saleeyeen nidaamka beelaha.
Haddaba waxa jira beelo xitaa aan hal kursi ka helin Aqalka Sare ee waqtigiisu dhamaaday iyo kan hadda doorashadiisu socoto, waxana kamid ah beelaha Banaadiriga.
Warbixintan ayuu weriyaha BBC-da Ibraahim Maxamad Aadan ku eegayaa cabashada beelaha Banaadiriga ee ku saabsan inaanay matalaad ku lahayn Aqalka Sare iyo Sababbaha ay ku waayeen.
Qoraalka Codka, .
Joe Biden: Yoolkii Afghanistan aan ka lahayn 10 sannadood ka hor baan ka gaarnay
Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden, ayaa si weyn u difaacay go’aanka uu ciidamada dalkiisa uga saaray Afghanistan.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in haddii uu baalmari lahaa heshiiskii uu Trump la galay Taalibaan, uu Maraykanka mar kale faraha la geli lahaa dagaal ba’an.
Biden ayaa dhanka kale tilmaamay in haddii la weerarro ciidamada Maraykanka ee ku guda jira hawlaha daadgureynta, ay taasi ka dhalan doonto cawaaqib aan la mahdin.
Maraykanka iyo Britain ayaa ciidamo dheeraad ah u diri raba caasimadda Afghanistan si ay gacan uga geystaan hawlaha lagu daagdureynayo boqolaalka qof ee doonaya inay ka baxaan Kabul, xilli muuqaallo argagax leh Isniintii shalay ahayd laga soo duubay garoonka diyaaradaha.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay Taalibaan inay xaaladda dejiyaan oo ay ilaaliyaan dadka shacabka ah.
Madaxweyne Biden ayaa sidoo kale qoraal uu bartisa Twitter-ka soo dhigay ku sheegay in Maraykanka uu yoolkii uu ka lahaa Afghanistaan uu ka gaaray toban sanadood ka hor.
"Waxaan u tagnay Afgaanistaan ku dhawaad 20 sano ka hor hadafyo cad, in al -Qaacida aysan u adeegsan karin Afgaanistaan saldhig ay mar kale nagu soo weeraraan. Waxaan samaynay taas - toban sano ka hor. Hadafkayagu marnaba ma ahayn inuu noqdo dhisme qaran." Ayuu ku yiri qoraalkiisa.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan