Madaxweynaha Uganda oo ku dhawaaqey golihiisa wasiirada

Tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. Afhayeenka ururka ONLF oo ka falceliay hadalka madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar

    Madaxeynaha DDS Mustafe Muxumed Cumar ayaa ururada mucaaradka deegaankaasi ku eedeeyay in ay hayso fahan daro siyaasadeed, xilli doorashada dalka ay ka harsantahay muddo labo todobaad ka yar.

    Mustafe Muxumed Cumar ayaa maanta ka hadlayay munaasabad xarigga looga jarayay isla markaana lagu dhagax dhigayay wadooyin cusub oo laga hirgalinayo caasimadda deegaanka ee jigjiga.

    Hadalkiisa ayaa imaanaya, iyadoo xukuumadda iyo ururada siyaasaddu ay isku hayaan sidii cid waliba ay u kasban lahayn kalsoonida dadka codbixiyeyaasha ahi ee dhawaan codkooga ka dhiiban doono doorashada loo ballansan yahay.

    Afhayeenka ururka ONLF Cabdiqaaddir Xasan Hirmooge, caddaani ayaa ka falceliay hadalka madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar.

    Qoraalka Codka, .
  2. Ciraaq oo sii deysay taliye lagu soo eedeyay weerarkii saldhigyadii ciidamada Mareykanka

    .

    Mas’uuliyiinta Ciraaq ayaa sii daayay taliye la yirado Qaasim Muslih oo ka tirsan maleeshiyaad caan ah.

    Qaasim ayaa la xiray bishii la soo dhaafay ka dib markii lagu soo eedeyay in loo haysto arrimo la xiriira argagixisanimo.

    Ilo wareedyo ka tirsan dowladda ayaa sheegay in aysan jirin caddeyn ku filan oo lagu sii wadi karo dacwadda lagu soo oogay.

    Xariga Qaasim Muslih ayaa lagu soo waramayaa inuu la xiriiray weeraro gantaalo ah oo lala beegsaday saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada Mareykanka.

    Wuxuu taliye u yahay ciidamo loogu yeero Abaabulka xoogagga Caan ka ah oo ay ku mideysan yihiin maleeshiyaad Shiicada ah oo ay ku badan yihiin kooxaha taageersan Iran.

    Ra'iisul Wasaaraha Ciraaq, Mustafa al-Khadimi ayaa halgan dheer u galay sidii uu u xakameyn lahaa maleeshiyaadkan balse dadaalkiisa ayaa noqday hal-bacaad lagu lisay.

  3. Dagaalka qabow ee Shiinaha iyo Mareykanka oo bilowday

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Xukuumadda Beijing ayaa ka falcelisay qorshaha uu Mareykanku ku qarashgareynayo laba boqol iyo konton bilyan oo doolar si looga hortago awoodda dhaqaale ee sii kordheysa ee Shiinaha.

    Sharciga - oo ay ansixiyeen Aqalka Senate-ka Mareykanka - ayaa sameyn doona maalgelin cilmi baaris ah oo ku aaddan meelaha ay ka midka yihiin sirdoonka macmalka ah.

    Shiinaha ayaa horeyba u lahaa qorshayaal u gaar ah oo uu ku horumarinayo tikniyoolajiyadda kaas oo uu kaga gol leeyahay inuu kula tartamo dunida gaar ahaana Mareykanka.

    Hindisaha Mareykanka waxa uu weli ku xiran yahay inuu kagudbaa Golaha Wakiillada. Saraakiisha Shiinaha ayaa sheegay in tallaabadani ay ka buuxdo waxa ay ku tilmaameen “fikrado dhan u janjeera”. Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha, oo la yirahdo Wang Wenbin, ayaa shir jaraa'id ku sheegay in Washington ay tahay inay joojiso tallaabooyinkaasi.

  4. Trump oo ku ammaaney Nigeria mamnuucidda Twitter-ka

    Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari iyo Madaxweyne hore ee Trump
    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari iyo Madaxweyne hore ee Trump

    Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, ayaa ku ammaaney dowladda Nigeria sida ay ugga manuucday dalkeeda Twitter-ka, ka gadaal markii shirkaddu ay tirtirtey qoraal uu soo galiyey Madaxweyne Muhammadu Buhari.

    Trump ayay ka xireen labada shirkadood ee Twitter-ka iyo Facebook-ga bartii uu ku lahaa dagaladooda, ka gadaal markii kooxo mudaaharaadaya ay galeen aqalka congress-ka bishii January.

    Qoraaladii uu soo galinayey baraha bulshada ee labadan shirkadood, ayaa loo aaneeyey kicinta iyo qarbudaada ay geysteen kooxihii galey Congress-ka.

    Trump ayaa intaa raaciyey in shirkadahan aaney kala saari karin waxa xun iyo waxa wanaagsan, isagoo ku tilmaamey Twitter-ka iyo Facebook-ga (Sheydaamo).

    Wuxuu ku booriyey dalalka kale in sidan oo kale ay u mamnuucaan shirkadaha Facebook iyo Twitter-ka, maadaama aaney oggoleyn shirkadahan xoriyadda hadalka.

  5. Ciidamada dowladda Soomaalia iyo Alshabaab oo uu dagaal ku dhex marey Daynuunaay

    Ciidanka dowladda Soomaaliya
    Qoraalka sawirka, Ciidanka dowladda Soomaaliya

    Wararka laga helayo gobolka Bay ee Koonfurta Soomaaliya, ayaa sheegaya in ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ay weerarreen saldhig ciidamada dawladda ku lahaayeen deegaanka Daynuunaay, oo qiyaastii 30 km u jira magaalada Baydhabo.

    Sida ay ilo wareedyo kala duwan u sheegeen BBC-da, dagaal culus ayaa ka dhacay Daynuunaay oo saldhig miltari ay ku leeyihiin ciidamada dawladda.

    Wararka halkaasi kasoo baxaya ayaa sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu kala gaaray labada ciidan ee dagaalamay.

    Isgaarsiinta Baydhabo oo muddo hawada ka maqnayd sababo aan la sheegin, ayaa haatan dib hawada uggu soo noqdey.

  6. Madaxweynaha Uganda oo ku dhawaaqey golihiisa wasiirada

    Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni
    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni

    Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa magacaabey 31 wasiir, iyo ku xigeenadooda oo gaaraya 50. Liiska ayaa waxaa ka muuqda toban wasiir oo haween ah.

    Jessica Alupo, oo ah sargaal ciidanka ka hawl gabtay, ayaa haatan noqotey madaxweyne kuxigeen, waana haweeneydii labaad ee taariikhda dalkani, ee loo magacaabay jagadan.

    Robinah Nabbanja, oo ah xubin sare oo kamid ah xisbiga talada haya, ayaa noqotey ra’iisal wasaare. Waxey kal hore aheyd wasiir kuxigeenka caafimaadka.

    Golahan wasiirada ee cusub ayaa waxaa ka muuqda xubno badan oo ka yimid dhanka iyo ciidamada. General David Muhoozi, ayaa noqdey wasaar kuxigeenka arrimaha gudaha.

    Mid kamid ah qareenada madaxweynaha, Kiryowa Kiwanuka, ayaa noqdey xeer ilaaliyaha guud ee cusub ee haatan la magacaabay.

    Sam Kuteesa, oo ah wasiir arrimo dibadeedkii uggu waqti dheeraa ee dalkani, ayaa haatan kasoo muuqan liiska cusub ee golaha wasiirada.

  7. Ardey reer Shiinaha ah oo afduubtay maamulahooda

    Maamulihii la afduubtay
    Qoraalka sawirka, Maamulihii la afduubtay

    Booliiska Shiinaha ayaa sheegay in ardey ay xireen maamulaha xaruntooda waxbarasho, kadib markii ay ka walwaleen in heerka shahaadooyinkoodda hoos loo dhigi doono.

    Warar ayaa sheegaya inuu jiro qorshe lagu doonayo in machadka Nanji lagu biiriyo xarun kaloo farsamada gacanta ah, oo ku taalla gobolka Jiangsu, taasoo la sheegay inaaney tayo badneyn.

    Ardeyda qaarkoood ayaa lasoo warinayaa iney dhaawacmeen, kagadaal markii booliiska ay u isticmaaleen kala eryiddda banaan baxooda budad iyo sunta dadka ka ilmeysiisa.

    Banaanbaxyada noocan kale ah waa kuwo kuyar dalka Shiinaha.

    Dad isticmaala baraha bulshada, ayaa soo bandhigey sawirada booliiska oo u isticmaalaya budad iyo suntan dadka kaga ilmeysiisa ardeyda.

    Haweeney kamid ah ardaydii banaan baxeysay ayaa la arkayey, taa oo uu madaxeeddu dhiig ka imanayo, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP.

  8. Dowladda Zambia oo laga dalbadey mamnuucista nigiska lasoo isticmaaley

    Nigisyo lasoo isticmaaley
    Qoraalka sawirka, Nigisyo lasoo isticmaaley

    Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa magacaabey 31 wasiir, iyo ku xigeenadooda oo gaaraya 50. Liiska ayaa waxaa ka muuqda toban wasiir oo haween ah.

    Jessica Alupo, oo ah sargaal ciidanka ka hawl gabtay, ayaa haatan noqotey madaxweyne kuxigeen, waana haweeneydii labaad ee taariikhda dalkani, ee loo magacaabay jagadan.

    Robinah Nabbanja, oo ah xubin sare oo kamid ah xisbiga talada haya, ayaa noqotey ra’iisal wasaare. Waxey kal hore aheyd wasiir kuxigeenka caafimaadka.Golahan wasiirada ee cusub ayaa waxaa ka muuqda xubno badan oo ka yimid dhanka iyo ciidamada. General David Muhoozi, ayaa noqdey wasaar kuxigeenka arrimaha gudaha.

    Mid kamid ah qareenada madaxweynaha, Kiryowa Kiwanuka, ayaa noqdey xeer ilaaliyaha guud ee cusub ee haatan la magacaabay.

    Sam Kuteesa, oo ah wasiir arrimo dibadeedkii uggu waqti dheeraa ee dalkani, ayaa haatan kasoo muuqan liiska cusub ee golaha wasiirada

  9. Kusoo dhowaada tebinta tooska ah. Maanta oo ah Arbaco, 09 June, 2021.