Dalka Koonfur Afrika, ayaa waxaa
waayadii danbe aad ugu soo badanayay Soomaalida lagu laylanayo halkaa, iyadoo
hantidooduna dhac loo geysto.
Xalay ayaa waxaa magaalada Cape
Town lagu dilay ganacsade Soomaali ah oo sida la sheegay rag hubaysani ay
goobtiisa ganacsiga ku dileen, waana dilkii 7-aad ee Soomaalida lagu laynayo oo
muddo 2 toddobaad gudahood ah halkaa ka dhaca.
Axmed Maxamed Sheekh Xuseen, oo ka
mid ah Soomaalida deggan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika oo BBC-da
la hadlay, ayaa sheegay in iney bataan dembiyada dilka ka dhaca halkaas ay
sabab u tahay, dhaqaalaha oo uu hoos u dhac ku yimid sababo la xiriira
Covid-19, taasna ay keentay in burcadda ay toos u bartilmaameedsadaan
ganacsatada, gaar ahaan kuwa Soomaalida.
‘‘Waxay arintan la xiriirtaa, isku
dhac ay burcadda isku dhaceen, iyagoo ku dagaalamaya sidii ay dadkeena
masaakiinta ah ee ganacsiyada meelaha ku heysta ay u dhici lahaayeen, oo annagaa
xoolo ka qaadaneyna iyo idinku ka qaadan meysaan, ayay isugu dhaceen’’, ayuu
yiri Axmed.
Booliiska dalkaas ayaa sheegay in 72 saacadood
gudahood ay ku soo qabteen burcaddii geysatay dilka, haatanna ay xabsi ku
jiraan.