Shiinaha oo gaari ku dul dejiyay meeraha Mars

Xigashada Sawirka, Getty Images
Gaariga lagu hago rimuudka ee uu Shiinuhu soo saaray, kaas oo meeraha Mars toddobaad kahor ku degay, ayaa caga dhigtay meeraha Guduudan.
Gaarigan oo lagu magacaabo Zhurong, ayaa ka war dooni doona inay nolol ka jirto meerahaas, iyaga oo qiimeyn ku sameynaya.
Kuxigeenka taliyaha hogaaminaya howlgalkan, ayaa sheegtay in gaarigan loogu talagalay inuu meeraha Mars ku sugnaado muddo 92 saacadood.
Waxay sheegtay in shaqada gaariga ay qayb ka tahay himilada Shiinaha ee ah in wax badan laga ogaado Mars iyo kheyraadkeeda





