Mucaaradka Soomaaliya oo jawaab kulul ka bixiyay hadalkii kasoo baxay Cumar Filish
Tebin toos ah
Tebin toos ah
Itoobiya: Maxa ka jira in dadka u dhashay Tigreega si gaar ah loo beegsado?
Qalalaasaha Gobolka Tigrayga: Afar arrimood oo aad u baahan tahay in aad ka ogaato
Milatariga Itoobiya oo ku raadjooga hogaamiyayaashii TPLF
Itoobiya maxay ku dambeyn doontaa Dagaalka kaddib?
Madaxwaynaha Jubaland: Doorasho ma dhaceyso haddii aan Garbahaarey nalagu soo wareejinin
Qalalaasaha Tigrey: Itoobiya ma waxay minjaxaabisay ururka Midowga Afrika?
Milateriga Itoobiya oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen Mekelle
Wax ka ogow dhallinyaradii ku dhimatay qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho
Milatariga Itoobiya oo guulo ka sheegtay dagaalka gobolka Tigrey
Mucaaradka Soomaaliya oo jawaab kulul ka bixiyay hadalkii kasoo baxay Cumar Filish

Xigashada Sawirka, ABDIRAHMAN ABDISHAKU/FACEBOOK
Musharraxiinta mucaaradka ah ee xilka madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay hadal shaley kasoo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadiir Cumar Filish kaas oo weerar afka ku qaaday go'aanadii shaley kasoo baxay shirkii ay kusoo gabagabeeyeen magaalada Muqdisho.
Waxay sheegeen in hadalka Cumar Filish ay dhab u qaadanayaan ayaa lagu yiri war murtiyeed ay soo saareen musharraxiinta mucaaradka "Goluhu wuxuu caddeynayaa in Madaxweyne Farmajo uu qaadayo mas'uuliyadda natiijada ka dhalata falka colaad hurinta ah ee ay xukuumadiisu ku hawlan tahay"
Sidoo kale waxay ugu baaqeen dowladda inay iska ilaaliso hadallada naceybka iyo kala qeybsanaanta abuuri karo si loo qabto hanaan doorasho oo laisku waafaqsan yaahy.
"Goluhu wuxuu ugu baaqayaa hoggaanka Dowladda Federaalka ah in ay ka waantoobaan colaad hurinta iyo ficillada abuuraya naceybka, taa bedelkeedana ka shaqeeyaan sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho wadar-ogol ah"
Shaley ayay aheyd markii Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), oo ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho uu jawaab u diray musharraxiinta madaxweynenimada Soomaaliya ee go'aanka kasoo saaray shirkii muqdisho uga socday.
"Anigu fowdo ma yeelayo, bootada ay aqrinayaanna afkooda masoo dhaafeyso, car hasoo dhaafto. Haddey soo dhaafto maxaa dhacaya?, haddey soo dhaafto afkooda, meeshii laga soo diray ayey u carari doonaan," ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Filish.
Faransiiska oo shaqada ka joojiyay saraakiil boolis ah kaddib markii ay garaaceen nin madow ah

Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Ninka madowga ah ayaa magaciisa lagu sheegay Michel Mas'uuliyiinta Faransiiska ayaa shaqada ka joojiyay saddex sarkaal oo boolis ah kaddib markii ay kasoo dhex muuqdeen muuqaal muujinayao iyaga oo garaacayo nin madow ah oo ah soo saare dhan heesaha gudaha magaalada caasimadda ah ee Paris.
Waxay arrinatani dhacday Sabtidii, dadweyne fara badan ayaa ka carooday sida booliska ay ula dhaqmeen ninka booliska ah.
Isniintii booliska Faransiiska waxaa lagu eedeeyay in awood xadh dhaaf ah ay adeegsadeen xilli ay ka dhantaaleen guryo kumeel gaar ah ay deganaayeen dad muhaajiriin ah.
Waxay arrintani imaaneysaa xilli dowladda Faransiiska ay isku dayayso inay soo saarto sharci dhigayo in la baahiyo wajiyada saraakiisha booliska.
Dadka kasoo horjeedo sharcigaas ayaa sheegaya in haddii aanan la baahin laheyn sawirrada booliska dhibaatada gesytay toddobaadkii lasoo dhaafay aanan la ogaan laheyn.
Shaley ayay aheyd markii xiddiga kubadda cagta ee u dheela xulka Faransiiska Kylian Mbappe, oo isagu ah nin madow ah ayaa ku biiray koox kale oo ciyaartoy ah oo ay wada dheelaan xulka qaranka iyo ciyaartooy kale oo cambaareeyay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Faransiiska.
Abiy Axmed: Nabaddoonkii gobolka muxuu dagaal u doorbiday?
Maxaa kasoo baxay kulankii Abiy Axmed iyo ergada Midowga Afrika?
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa la kulmay ergo ka socotay ururka Midowga Afrika kuwaas oo isku dayaya sidii loo dhexdhexaadin lahaa dowladda iyo maamulka TPLF oo ku dagaallamaya gobolka Tigray.
Bayaan maanta kasoo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha kaddib kulanka uu la qaatay ergada ayaa lagu sheegay in dowladdiisa ay ku adkeysatay inay xaqiijineyso ilaalinta shacabka, in la furo marinada gargaarka iyo inay soo dhaweyneyso in qaxootiga u qaxay dhinaca Suudaan dib loogu soo celiyo dalka.
Abiy wuxuu sheegay in dowladdiisa ay sii wadi doonto tallaabooyinka ka dhanka ah TPLF.
Waxaana ergadan kamid ah saddex madaxweyne oo hore oo kala ah madaxweynihii hore ee Mozambique, Joaquim Chissano, madaxweynihii hore ee Liberia Ellen Johnson Sirleaf iyo madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Kgalema Motlanthe.
Dowladda Itoobiya waxay horraan sheegtay in ergadan aanan loo ogolaan doonin inay booqdaan Tigray.
Ma kala cadda sida ay howshooda ku gudan doonaan waa haddii aysan la kulmin labada dhinac.
Ka bood X bogganOggolow X macluumaadkaDigniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahanMacluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
TPLF oo soo magacaawday ergo uga qeybgeli doono wadahadallada

Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Qaar kamid ah dadka ka qaxaya Tigray waxay gaareen xeryo ku yaalla xadka Itoobiya iyo Suudaan Hoggaanka sare ee maamulka Tigray ayaa sheegay inay soo magacabeen xubno matali doono oo Midowga Afrika iyo beesha caalamka kala hadli doono sidii xabad joojin looga dhawaaqi lahaa gobolka xilli halkaas uu ku dhexmaray dagaal u dhexeeyo ciidamada Itoobiya iyo kuwa Tigray.
Bayaan kasoo maamulka Tigray ayaaa ugu baaqay in la furo marrinada gargaarka lagu gaarsiinayo shacabka isla markaana la sameeyo baaritaano madaxbanaan oo ku saabsan eedeymaha ah in dambiyo dagaal laga geystay gobolka.
Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa lagu wadaa in uu kulan la qaato ergada ka socda Midowga Afrika balse wuxuu ku gacan seyray baaqyada caalamiga ee ah in wadahadal lagu soo afjaro colaadda.
Dagaallo u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo Tigray ayaa ka dhacay deegaano badan oo ka tirsan gobolka balse waxaa lagu soo warramayaa in caasimadda Mekelle ay degan tahay.
16-kii askari ee Kismaayo ka lugeysay sidey Baraawe ku gaareen?
100 haween: Ilwaad Elman oo kamid noqotay diiwaanka BBC ee dumarka ugu dhiiragelinta badan dalalka carabta sanadka 2020

.
BBC waxay soo saartay liiska 100 haween ee ugu saameynta badan dunida sanadka 2020-ka.
Iyadoo dunida uu xilligan saameeyay cudurka Koroona, dumar fara badan oo ku sugan guud ahaan dunida ayaa qabtay shaqooyin ay ku caawinayaan dadka kale halka qaar ay naftooda ku waayeen kaalinta iyo dadaalka ku aadan caawinta bulshada.
Diiwaanka BBC-da ee 100 haweenka ee sanadkan 2020, waxaa lagu xusay Elwaad Elman oo ah gabar soomaaliyeed oo ka shaqeysa arrimaha bulshada iyo 10 kale oo dumar ah oo kasoo jeedo dalalka carabta.
Ilwaad Elman waa gabar Soomaaliyeed oo u dhaqdhaqaaqda arrimaha bulshada, muddana ka howlgalaysay gudaha magaalada Muqdisho.
Ilwaad oo ku soo barbaartay qurbaha waxna ku baratay ayaa markii dambe go'aansatay inay dalkeeda hooyo dib ugu laabato si ay gacan u gaysato soo kabshada dalka.
Waa gabar hogaamiye ah oosafka hore uga jirta ka shaqeynta arrimaha nabadda ee Soomaaliya, waxayna kaalin ka qaaday arrimaha dib u heshiisiinta iyo u doodidda xuquuqda dumarka.
Ilwaad waxaa dadeelkii aqoonsatay Qaramada Midoobay oo sanadkii 2018-kii u magacowday inay ka mid noqoto la taliyeyaasha dhanka nabadeynta ee Xoghayaha Guud ee Jamciyaddaasi, Antonio Guterres.

Xigashada Sawirka, Elwad Elman
Sidoo kale liiska 100 haweenka ah waxaa kamid ah Ubax Cali oo kasoo jeeddo Somaliland, waxay kamid tahay dadka aasaasay urur u doodo xuquuqda haweenka gaar ahaan in gudniinka fircooniga laga mamnuuco Somaliland iyadoo loo marayo wacyigelin iyo waxbarasho ku aadan arrintaas.
Ubax Cali waxay ka qalin jebisay jaamacadda American University ee ku taalla magaalada Beyrut ee dalka Lubnaan, waxay u dooddaa xuquuqda muhaajiriinta ku nool Lubnaan.

Xigashada Sawirka, UBAH ALI
Dumarka kale waxaana kamid ah.
- Nasriin Cilwaan oo kasoo jeedo Ciraaq heysatana dhalashada Britain.
- Safraa Qamri oo Suuriyaan ah.
- Naadin Ashraf oo u dhalatay Masar.
- Iimaan Qaalib oo reer Yaman ah.
- Xayaat Murshad oo kasoo jeedda Lubnaan.
- Hudaa Abwaz oo reer Morocco ah
- Saarah Al Amiiry oo kasoo jeedda Imaaraatka Carabta
- Wacd Al Khadiib oo reer Suuriya ah.
- Maaqi Jabraan oo kasoo jeedda Masar.
- Naadin Kacdaan oo reer Suuriya ah.
Ha'yadda FAO oo ka digtay ayax mar kale kusoo fool leh Soomaaliya
Hay'adda cunnada iyo beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO ayaa ka digaysa in wixii ka dambeeya todobaadka labaad ee bisha Diseembar la filayo in koronkoro cusub oo ayax ah lagu arki doono Soomaaliya iyo Itoobiya, iyagoo gadhi doona ilaa iyo waqooyiga Kenya.
Koronkoradan ayaa ka dhalatay bay hay'addu leedahay roobabkii ka dhashay duufaantii Gati ee horraantii todabaadkan ku dhuftay meelo ka mid ah waqooyiga Somaliya, taas oo keentay duruufo u saamaxaya ayaxu inuu ku tarmo goobaha ay duufaantu ku dhafatay.
Maxamed Khaalid Cali waa sarkaal ka tirsan hay'addaas FAO, waxa uu khadka taleefanka ugu warramay Faarax Lamaane, waxa uu marka hore ka warramayaa waxyaabaha ay ku salaynayaan saadaasha ay samaysay hay'addiisu.
Qoraalka Codka, Ayax Sucuudiga oo saraakiil ku eedeeyay inay ku lug lahaayeen musuq maasuq ka dhacay wasaaradda gaashaandhigga

Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Maxamed Bin Salmaan, Dhaxal sugaha Sucuudiga Mas'uuliyiinta Sucuudiga ayaa shaaca ka qaaday inay bilaabeen baaritaan ku saabsan musuq maasuq ka bilowday wasaaradda gaashaandhigga ee dalkaas kaddib markii la lunsaday lacago dhan 325 malyan oo doolar.
Guddiga la dagaalanka musuq maasuqa Sacuudiga ayaa sheegay in baaritaan lagu sameynayo tiro saraakiil ah iyo ganacsato xilli ay jiraa kiisas musuq maasuq ah oo gaarayo 158.
Saraakiisha loo heysto eedeymahan waxaa kamid ah shaqaale ka tirsan wasaaradaha maaliyadda, caafimaadka iyo waxbarashada.
Sannadihii dhawaa waxaa sii kordhayay awoodaha iyo galaangalka amiirkan da'da yar, Maxamed Bin Salmaan. wuxuu qaaday tallaabooyin ka dhan ah musuq maasuqa.
Sanadkii 2017-kii, boqolaal qof oo isugu jiro amiirro, wasiiro iyo ganacsato ayaa lagu xiray huteel lagu raaxeysto oo ku yaalla Riyad kuwaas oo loo heystay dambiyo la xiriira musuq maasuq.
Weerarka lagu qaadayo caasimadda Tigray ‘Ma noqon doono dambi dagaal oo la geysto'

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Dagaalka u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo xooggaga TPLF ayaa galay toddobaadkii saddexaad Wasiir ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa BBC-da u sheegay in howlgalka militeri ee la filayo in lagu qaado caasimadda Tigray ee Mekelle in uusan noqon doonin dambiyo dagaal oo laga geysta halkaas.
Bikila Hurisa wuxuu sheegay in howlgalk lagu bartilmaameedsan doono oo kali ah hogaamiyeyaasha TPLF ee galay ‘khiyaano qaran’ si loo soo gabagabeeyo howlgalka militeri.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya wuxuu sheegay in militeriga ay isku dayi doonaa sidii shacabka ku nool Mekelle looga ilaalin wax dhibaato ah.
Wuxuu ugu baaqay shacabka in guryahooda ay joogaan.
Shaley ayay aheyd markii Abiy Axmed uu sheegay in la galayo wajigii ugu dambeeyay ee dagaalka ka dhan ah maamulka Tigray, ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo in howlgalka uu bilowday iyo in kale.
Qaramada Midoobey waxay ka digtay in weerar lagu qaado Mekelle ay horseedi doonto in waxyeelleyn loo geysto dadka rayidka ah isla markaana ay dhici karto suurtagalnimada ah in la geysto tacaddiyo halis ah oo ka dhan xeerarka caalamiga ah.
