Suudaan iyo Masar oo si wadajir ah u bilaabay dhoolatus militeri

Tebin toos ah.

Tebin toos ah

  1. Madaxweynihii hore ee Nigeria oo ku wajahan Itoobiya si uu dhexdhexaadiyo dowladda Itoobiya iyo Tigray

    Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo ayaa u safrayaa dalka Itoobiya si uu isugu dayo in uu dhexdhexaadiyo dowladda dhexe iyo maamulka Tigray, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

    Arrintani ayaa imaaneysaa kaddib markii madaxweynaha uganda Yoweri Museveni uu tiray qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka oo uu ku baaqayay in wadahadal lagu dhameeyo dagaalka Tigray.

    Waxaa weli waqooyiga waddanka Itoobiya ka soconaya dagaalkii xoogganaa ee u dhaxeeyay ciidammada federaalka ee dalkaasi iyo kuwa daacadda u ah maamulka gobolka Tigray.

    Illaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee uu dagaalkaasi sababay, hasayeeshee kumannaan kun oo qof ayaa colaaddaasi ka cararay.

  2. Museveni oo Twitter-ka ka tiray baaqiisii ahaa in wadahadal lagu dhameeyo dagaalka Tigray

    Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa tirtiray qoraal uu barta Twitter-ka soo dhigay oo uu ku baaqay in wadahadallo lagu dhameeyo dagaalka ka socda Tigray kaas oo u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo xooggaga TPLF.

    Wuxuu Museveni sheegay in dagaalka "uu horseedi doono in dad badan ay dhintaan isla markaana uu curyaamiyo dhaqaalaha"

    Wuxuu qoraalkiisa ka dambeeyay kaddib markii Uganda uu kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Demeke Mekonnen.

    Waxay u muuqataa in qoraalka laga saaray Twitter-ka.

    .

    Xigashada Sawirka, @KagutaMuseveni

    Lamana ogo sababta qoraalka madaxweynaha looga saaray barta Twitter-ka, dowladda federaalka ee Itoobiya ayaa ku gacan seyrtay baaq ahaa in wadahadal lagu dhameeyo dagaalka ka socda gobolka Tigray.

    Wuxuu Abiy sheegay in howlgalka militeri uu sii socon doono tan iyo kala danbeynta dib loogu soo celinayo gobolka.

  3. Tallaal looga hortagayo Feyraska Corona oo tijaabadiisa 95% lagu guuleystay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Tallaal cusub oo la tijaabiyay ayaa muujineysaa in boqolkiiba 95 uu ka hortagi karo cudurka Covid-19, sida laga soo xigtay daraasad ay sameysay shirkadda Moderna oo Mareykanka laga leeyahay.

    Tallaalkan ayaa kusoo beegmayaa xilli shirkadda Pfizer ay soo saartay tallaal kale oo 90% ka hortagayo Faayraska Corona kaas oo la sheegay in tijabadiisa lagu guuleystay.

    Waxay arrintani abuureysaa kalsoonida ah in tallaaladan ay ka qeyb qaadan karaan soo afjaridda safmarka.

    Labada shirkadood waxay sheegeen in baaritaan qoto dheer iyo tijaabo ay soo marsiiyeen tallaalka.

    Shirkadda Moderna waxay sheegtay inay qorsheyneyso inay diri doonto codsi ah in toddobaadyada nagu soo aadan la adeegsan karo tallaalka.

    Waxaana tallaalka lagu tijaabiyay 30,000 oo ku nool gudaha Mareykanka.

  4. Somaliland oo heshiis la gashay jaamacad ku taalla Mareykanka

    Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa heshiis la gashay jaamacadda onlineka ah ee coursera taas oo waxbarasho online ah siinaysa boqol kun oo kamida bulshada Somaliland.

    Ilaa iyo haatan in ka badan lixdan kun oo arday ayaa iska diwaangeliyay jaamacadaas.

    Dadkaas fursaddan helay ayaa waxbarashadii u bilaabantay waxaanay qaadan doonaan shahaado caalami ah oo la aqoonsanyahay marka ay dhamaystaan waxbarashadooda .

    Xukuumadda ayaa ujeedada ay heshiiskan u gashay ku macnaysay baahi dhinca aqoonta iyo fursadaha shaqo oo aan is lahayn oo jirta.

    Agaasimaha wasaaradda shaqo-galinta iyo arrimaha bulshada Cabdirashiid Ibraahim Cabdiraxmaan howshaan iyo sida ay ku timid uga waramay wariyaha BBC ee magaalada Hargeysa.

    Qoraalka Codka, Somaliland oo heshiis la gashay jaamacad ku taalla dibadda
  5. Itoobiya oo sheegtay inay qabsatay magaalo muhiim ah oo ku taalla Tigray

    Gobolka waxaa weli ka socdaa dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo dagaalyahanada TPLF

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Gobolka waxaa weli ka socdaa dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo dagaalyahanada TPLF

    Warbaahinta ay maamusho dowladda Itoobiya ayaa ku warrantay in ciidammada dowladda ay la wareegeen gacan ku heynta magaalo istaraatiiji ah oo ku taalla koonfurta gobolka Tigray halkaas oo uu dagaalka ka socdo.

    Labo toddobaad ka hor ayay aheyd markii magaaladan ay weerar kasoo qaadeen dagaalyahanada TPLF.

    Dowladda Itoobiya waxay sheegtay inay qabsadeen magaalada Alamata- oo dhacda gudaha Tigray kaddib markii ay isaga baxeen xooggaga TPLF.

    Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin TPLF oo ku aadan arrintani, inkasta oo weli TPLF ay gacanta ku heyso caasimadda Mekelle.

    Dagaal ayaa todobaadkii hore dhex maray ciidamada dawladda Itoobiya iyo ciidamo daacad u ah xisbiga xukuma gobolka Tigray - TPLF.

    Shaley ayay aheyd markii hogaamiyaha Gobolka Tigray ee Ethiopia (Debretsion Gebremichael) uu xaqiijiyay in ciidamada Tigray ay duqeeyeen garoonka diyaaradaha ee caasimada Asmara ee Eriteriya.

    Dhacdadaani ayaa waxay sare u sii qaadeeysaa xisaadda colaadeed ee u dhaxeysaa dowladda Itoobiya iyo xoogagga deegaanka Tigray.

  6. Suuqa madow ee Nairobi ee lagu iibiyo carruurta la soo xaday

    Qoraalka Muuqaalka, Suuqa madow ee Nairobi ee lagu iibiyo carruurta la soo xaday
  7. Itoobiya oo ka hadashay weerar lagu qaaday rakaab saarnaa bas

    .

    Mas'uuliyiinta ku sugan gobolka dhaca galbeedka Itoobiya ee Benishangul-Gumuz ayaa sheegay inay laayeen koox hubeysneyd oo lala xiriiriyay weerar lagu qaaday dad rakaab ahaa oo saarnaa bas.

    Ugu yaraan 34 qof ayaa Sabtidii lagu dilay weerar lagu qaaday dad rakaab ahaa oo saarnaa bas marayay degmada Dibate, waxaana weerarka fuliyay koox aan la garaneyn.

    Booliska gobolka ayaa sheegay in 16 qof ee weeraka ka dambeysay 'ay soo dirsadeen' TPLF oo ka taliso gobolka Tigray.

    Balse ma aysan sheegin wax caddeyn ah oo muujinayo in raggaas ay ka tirsanaayeen TPLF.

    Ciidamada Itoobiya iyo kuwa maamulka TPLF ayaa ku dagaallamaya Tigray, dowladda waxay ku eedeysay maamulkaas inay wadaan dhaqdhaqaaqyo ay carqaladeynayaan amniga dalka balse TPLF ayaa beenisay eedeymahaas.

  8. Suudaan iyo Masar oo si wadajir ah u bilaabay dhoolatus militeri

    .

    Suudaan iyo Masar ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay bilaabay dhoola tus oo ay si wadajir ah u sameynayaan ciidammada labada dal kaas oo loogu magac daray 'The Nile Eagles 1', wuxuuna ka bilowday saldhigga ciidamada cirka ee ku yaalla waqooyiga Suudaan.

    Dhoolatuskan ayaa socon doonaa tan 26-da bisha Nofembar.

    Waa dhoolatuskii dhanka militeriga ahaa ee ugu horreeyay oo ay si wadajir ah u soo bandhigaan labadan dal tan iyo markii uu xilka Suudaan hayay toddobaatamaadkii madaxweynihii hore, Jacfar Al Numeyri.

    "Dhoolatuska si wadajirka ah ay ciidamada cirka labada dal ay u sameynayaan waxaa lagu soo bandhigayaa waxyaabo dhowr ah sida qorsheyaal iyo maamulidda ciidamada cirka labada dal, duqeymaha iyo howlgallada difaaca ah ee loo adeegsanayo iskaashiga dhanka ah diyaaradaha dagaalka labada dal, sidoo kale, ciidamada cirka waxay sameynayaan dhoolatus dhanka baadi goobka iyo badbaadinta" waxaa sidaas yiri afahayeen u hadlay ciidamada Masar, sida laga soo xigtay bayaan soo baxay/.

    Taliyeyaasha ciidamada Suudaan iyo Masar ayaa Khartuum ku kulmay 31-kii bishii Oktoobar, waxayna ku heshiiyeen in la xoojiyo iskaashiga dhanka militeriga.

    Dhoolatuska ay sameynayaan labada dal ayaa imaanayaa xilli Suudaan, Masar iyo Itoobiya ay ku guuldareysteen inay yeeshaan wadahadallada lagu xallinayo muranka ka dhashay biyo xireenta Itoobiya ay ka dhiseyso webiga Nile.

    Sidoo kale, wuxuu kusoo beegmayaa xilli Itoobiya ay dagaal kula jirto ciidamada Tigray.

    Horraantii bishii Oktoobar, Itoobiya waxay mamnuucday in diyaaradaha ay dul maraan hawada biyo xireenka.

    Muranka ka dhashay biyo xireenka ayaa saameyn ku reebay xiriirka saddexdan dal.

  9. Koonfur Afrika oo Malawi ka dalbadatay inay usoo gacan geliso waddaad "baxsad ah"

    Shepherd Bushiri iyo xaaskiisa

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Shepherd Bushiri iyo xaaskiisa

    Dowladda Koonfur Afrika ayaa sheegtay in Malawi ay kala hadashay xaaladda waddaad muran badan dhaliyay oo la yiraahdo Shepherd Bushiri iyo xaaskiisa Mary kuwaas oo dhawaan u baxsaday dhinaca dalkaas.

    Waddaadka iyo xaaskiisa ayaa Koonfur Afrika ku wajahayay dacwado la xiriiro wax isdaba marin inay lacago si sharci darro ah ay ku heleen, waxay banaanka ku joogeen damaanad.

    Mr Bushiri oo ay taageerayaashiisu u yaqaanaan Major ayaa Sabtidii shaaciyay in uu u cararay dhinaca Koonfur Afrika kaddib markii loo hanjabay.

    Wuxuu diiday in BBC-da uu kala hadlo qaabka uu ku baxsaday balse waxaa loo maleynayaa inay Koonfurka ay geliyeen koox si sharci darro ah xudduudka uga gudbisa baabuurta lasoo xado.

    Baxsashada waddaadkan ayaa xiisad ay ka dhex abuurtay xiriirka diblumaasiyeed ee Malawi iyo Koonfur Afrika.

    Dowladda Koonfur Afrika ayaa ku tilmaantay waddaadka iyo xaaskiisa inay yihiin dad dhuumaaleysi ku jiro isla markaana ay tahay in loogu gacangeliyo si caddaallada ay u wajahaan.