Suurtogalnimada ah rabshado ka dhaca Mareykanka, sababo la
xiriira doorashada aan weli kala caddeyn, ayaa saldhig u ah tebinta warbaahinta
dhowr dal. Meelaha qaar, waxaa arrintan looga gol leeyahay in lagu wiiqo
Mareykanka.
Raadiyaha dowladda ee Iiraan ayaa soo tebiyay rabshado ka dhacay
Los Angeles, Seattle iyo Minneapolis, waxayna hadalka u dhigeen in
dibadbaxayaashu "ay hubeysan yihiin oo aysan ka baqeyn booliiska".
"Rabshado, hub. Waa wax aalaaba lagu yaqaanno
doorashooyinka dalalka soo koraya," ayuu yiri qof faallo ku qoray wargeyska
Global Times ee dalka Shiinaha. "Wax ka dhacaya doorashada Mareykanka waa
wax aynaan marnaba sawiran inay ka dhici doonaan dalkan 'Astaana u ah
Xorriyadda'."
Gudaha Ruushka, telefishinnada dalkaas ayaa sidoo kale soo
bandhigaya sawirrada iyo muuqaallada isku dhaca dibadbaxayaasha iyo booliiska
ee magaalada New York iyo magaalooyin kale.
Dad badan oo wax falanqeeya ayaa qaba in natiijada ka soo baxda
doorashada ay sii kala qeybin doonto Mareykanka.
Waxaa sidoo kale jira aragti ah sida rabshado dhaca iyo arrimo
kaleba ay u wiiqi karaan dimquraaddiyadda Mareykanka.
"Ceebta
Ameerika" waa cinwaanka wargeyska Standard ee dalka Kenya ka soo baxa, waxaana
sawir looga dhigay ciidamada Mareykanka oo qoryo ku dhex wata waddooyinka.
Warbaahinta Turkiga ayaa sidoo kale tebinteeda ku dartay “rabshado”
xilli ay socoto tirinta codadka.
Sawir-gacmeed lagu daabacay barta Daily Maverick ee dalka Koofur
Afrika wuxuu tusinayaa Donald Trump oo toorrey ku haya taallada xornimada oo ay
la socoto hanjabaad.
Waxaa sidoo kale jira warbaahinta qaar oo tebinaya in Joe Biden uu
ku horreeyo codadka, iyo waxa ay taas ka dhigan tahay.
Gudaha Afghanistan, wargeyska Rah-e Madaneyat ayaa is weydiinaya
su`aasha ah: "Guusha Trump ma waxay ka dhigan tahay guusha Taliban? Guusha
Biden-se ma waxay ka dhigan tahay sii socoshada jamhuuriyadnimada Afghanistan?"
Nin faallo ku qoray barta telefishinka Al-Mayadeen ee dowladda
Iiraan taageera ayaa sheegay in dalalka Gacanka ay isha ku hayaa in “bisha malabka ee
Trump” ay sii socon doonto iyo in kale.