Madaxweyne ku xigeenka gobolka waqooyiga
Itoobiya ku yaalla ee Tigray ayaa ka digay in go`aanka aqalka sare ee ah in
gobolkaasi laga goosto taageeradii la siin jiray ay ka sii dari doonto xiisadda
dalkaasi ka taagan.
“Xukuumaddu
waxay gobolka Tigray ka saareysaa nidaamka federaalka taasna waa mid aan gebi
ahaanba la aqbali karin,” ayuu yiri Abraham Tekeste.
Hadalka ninkan ayaa imaanaya kaddib markii
Aqalka Sare ee dalkaas uu ugubaaqay Ra`iisul
Wasaare Abiy Axmed in xukuumaddu ay maalgelinta ka goosato dowladda Tigray kaddib
markii uu gobolku qabtay doorashooyin-goboleedka kana dhega adeygay amarka
guddiga doorashooyinka.
Guddiga doorashooyinka ayaa qaadacay dhammaan
doorashooyinka uu gobolku qabsaday.
Balse dowladda Tigray ayaa diidday go`aankaas,
toddobaadkii la soo dhaafayna waxay ku dhawaaqday inaysan qaadan doonin amarka
dowladda federaalka, iyadoo sheegtay in xilligeeda uu dhammaaday.
Afhayeenka Aqalka Federaalka ee Itoobiya Adem
Farah ayaa ku eedeeyay dowladda Tigray inay si sharci darro ah u qabatay
doorashooyinka gobolka.
Madaxweyne ku xixgeenka dowladda Tigray ayaa
sheegay in dowladda federaalka ay sanadkii hore gobolkaas ka uruurisay 7bn oo
Birta Itoobiya ah ($1.9m; £1.4m) isla markaana ay qorsheyneyso inay sanadkaanna
ka uruuriso 8bn.
Lacagta ayaa laga uruuriyaa gobollada kale waxaana
loo qeybiyaa dowlad-goboleedyada, iyadoo la marayo hannaan la isku raacsan
yahay.
Wuxuu ugu baaqay dowladda inay u dhaqanto si
mas`uuliyad leh, oo aysan qaadin tallaabooyin sababi kara in dadweynaha Tigray
ay waayaan adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha.
Dowladda gobolka Tigray ayaa u yeertay xubnaha
kaga jira baarlamaanka iyo dowladda federaalka. Qaarkood ayaa haatanba gaaray
caasimadda gobolkaas, Mekelle.