Shiinaha waxaa ka go`an inuu sare u qaado
saameynta uu ku leeyahay hay`adaha waaweyn ee ay taladu ka go`do sida Qaramada
Midoobau iyo Ururka Caafimaadka Adduunka.
Taasi waxaa daliil u ah codsiga uu Shiinuhu ku
doonayo in la taageero tallaalka Covax.
Mashruuca tallaalka coronavirus ayaa la
doonayaa in sanadka soo socda ilaa labo milyan oo xirmooyin tallaal ah lagu
gaarsiiyo dadka dunida ku nool, gaar ahaanna dalalka soo koraya.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid
doblomaasiyadeed, iyadoo Shiinuhu uu doonayo inuu soo celiyo sumcaddiisa ku
aaddan wax ka qabashada xanuunka safmarka ah, ee dalkiisa ka soo bilowday.
Mareykanku tallaalka xanuunkan kuma bixinayo
dadaal la ek kan uu Shiinuhu ku bixinayo.
Madaxweyne Donald Trump ayaa WHO oo tallaalkan taageereysa
ku tilmaamay inay tahay "musuqmaasuq".
Afar iyo toban qof oo lagu dilay rabshado ka dhacay galbeedka Itoobiya
Afar iyo toban qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerarro hor leh
oo ka dhacay gobolka galbeedka Itoobiya ku yaalla ee Benishangul-Gumuz, sida ay
sheegeen maamulka gobolka.
Afar qof oo la
sheegay inay weerarka fuliyeen ayaa sidoo kale la dilay.
Waa weerarkii saddexaad ee loo geysto dad shacab ah tan iyo
bishii September iyadoo isku dhacyada isirka ku saleysan ee ka dhaca dalkaas ay
caqabado ku yihiin dowladda.
Rabshado ayaa weli ka taagan gobolkaas inkastoo saldhigyo
booliis laga sameeyay, kaddib labo weerar oo hore oo ka dhacay kuwaasoo ay ku
dhinteen dad dhowr ah oo ka soo kala jeeda qowmiyadaha Amxaarada iyo Agew.
In ka badan 40 saraakiil oo dowladda ka tirsanaa ayaa xilka laga
qaaday markaas, halka 15 kalena lagu hayo baaritaan ku saabsan dayacaad amaba
inay qeyb ka ahaayeen rabshadaha.
Maamulka gobolka Benishangul-Gumuz ayaa sheegay in mid ka mid ah
dadkii weerarka ku dhintay uu ahaa ajnabi, balse lama shaacin dalka uu ka soo
jeedo.
Sanad kaddib markii uu ku
guuleystyay abaalmarinta Nobel Peace Prize, maamulka Ra`iisul Wasaare Abiy
Ahmed ayaa weli wajahaya caqabado la xiriira rabshadaha ku saleysan isirka, gaar
ahaan kuwii bilihii la soo dhaafay ka dhacayay galbeedka dalkaas.
Itoobiya: Korontada qorraxda laga dhaliyo oo laga hirgeliyay gobolka Doollo
Degmooyinka fog fog ee dhulka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa laga soo sheegayaa dhibaatooyin ay ka mid yihiin koronto la’aan, taas oo keenta in ay adeeg bixin kari waayaan goobaha caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kale ee dawliga ahi. Haddaba, waxaa shalay xarigga laga jaray mashruuc ballaaran oo korontada qorraxda laga dhaliyo ah oo laga hirgeliyey degmada Qorilley ee gobolka Doollo. Hibo Axmed Cumar, oo ah ku xigeenka madaxa xafiiska isku xirka Dowlad Deegaanka, ayaa Axmednagaashe uga warantay mashruucan iyo waxa uu yahay.
Qoraalka Codka, Quwadda korontada laga dhaliyo qorraxda
Aabbe Sacuudiyaan ah oo baraha bulshada soo dhigay isagoo gabadhiisa garaacaya oo la xiray
Dowladda
Sacuudiga ayaa shalay xirtay aabbe la sheegay inuu baraha bulshada soo dhigay
muuqaal aad la iskula wadaagay, kaas oo muujinaya isaga oo gabadhiisa yar garaacaya.
Afhayeen
u hadlay booliiska oo ku sugan Maka ayaa sheegay in ninkan oo ku jira da`da
40meeyada, uu iska duubay muuqaal isaga oo garaacaya gabadhiisa.
Muuqaalka
oo labo daqiiqo iyo 19 seken ah ayaa laga arki karay gabadha oo xabadka u
jiifta. Aabbaheed ayaa garaacaya, waxaa laga maqli karay iyadoo oyneysa kana
baryeysa inuu joojiyo.
Inkastoo aysan weli maxkamaddu xukmin in kiiskan uu la xiriiro tacaddiyaha lagula kaco haweenka iyo gabdhaha, haddana waxaa dalal badan ka dhaca tacaddiyo ay gabdhaha kala kulmaan xubno qoysaskooda ka tirsan.
Bishii July, dibadbaxyo ayaa ka dhacay dalka Jordan ee ay Sacuudiga deris yihiin, kaddib markii uu aabbe dilay gabadhiisa.
Nairobi: Soomaaligii lagu waayay inuu ku lug lahaa weerarkii Westgate oo la afduubtay
Waxaa
lagu soo warramayaa in la la`yahay Liibaan Cabdullaahi oo ka mid ahaa saddex nin oo
loo heystay weerarkii dhismaha laga dukaameysto ee Westgate, kaas oo maxkamaddu
ay sii deysay labo maalmood kahor markii lagu waayay caddeyn.
Sida
laga soo xigtay ha`adda u doodad xuquuqda Muslimiinta Kenya. Liibaan ayaa markii
ay maxkamaddu sii deysay wuxuu soo raacay gaari ay la saarnaayeen xubno ka
tirsan qoyskiisa, kaddibna waxaa waddada u galay oo gaariga kala degay rag
hubeysan.
Qareenka
Liibaan Mbugua Mureithi ayaa mid ka mid ah telefeshinnada Kenya u sheegay in raggan
ay sheegeen inay ka tirsan yihiin ciidamada ammaanka.
Booliiska
ayaa ka gaabsaday arrintaas.
Arbacadii,
labo nin oo u dhashay Kenya ayay maxkamaddu ku xukuntay inay gacan ka geysteen
weerarkii sanadkii 2013 lagu qaaday dhismaha laga dukaameysto ee Westgate ee
magaalada Nairobi, kaas oo ay ku dhinteen 67 qof.
Liibaan
Cabdullaahi oo ah Soomaali qaxooti ku ah Kenya lana dhashay mid ka mid ah raggii
weeraray Westgate, wuxuu ahaa eedeysanihii saddexaad maxkamadda ayaana sii
deysay markii lagu waayay caddeyn.
Itoobiya: Gobolka Tigray oo dowladda uga digay inay xiriirka u jarto
Xigashada Sawirka, BBC/Girmay Gebru
Madaxweyne ku xigeenka gobolka waqooyiga
Itoobiya ku yaalla ee Tigray ayaa ka digay in go`aanka aqalka sare ee ah in
gobolkaasi laga goosto taageeradii la siin jiray ay ka sii dari doonto xiisadda
dalkaasi ka taagan.
“Xukuumaddu
waxay gobolka Tigray ka saareysaa nidaamka federaalka taasna waa mid aan gebi
ahaanba la aqbali karin,” ayuu yiri Abraham Tekeste.
Hadalka ninkan ayaa imaanaya kaddib markii
Aqalka Sare ee dalkaas uu ugubaaqay Ra`iisul
Wasaare Abiy Axmed in xukuumaddu ay maalgelinta ka goosato dowladda Tigray kaddib
markii uu gobolku qabtay doorashooyin-goboleedka kana dhega adeygay amarka
guddiga doorashooyinka.
Balse dowladda Tigray ayaa diidday go`aankaas,
toddobaadkii la soo dhaafayna waxay ku dhawaaqday inaysan qaadan doonin amarka
dowladda federaalka, iyadoo sheegtay in xilligeeda uu dhammaaday.
Afhayeenka Aqalka Federaalka ee Itoobiya Adem
Farah ayaa ku eedeeyay dowladda Tigray inay si sharci darro ah u qabatay
doorashooyinka gobolka.
Madaxweyne ku xixgeenka dowladda Tigray ayaa
sheegay in dowladda federaalka ay sanadkii hore gobolkaas ka uruurisay 7bn oo
Birta Itoobiya ah ($1.9m; £1.4m) isla markaana ay qorsheyneyso inay sanadkaanna
ka uruuriso 8bn.
Lacagta ayaa laga uruuriyaa gobollada kale waxaana
loo qeybiyaa dowlad-goboleedyada, iyadoo la marayo hannaan la isku raacsan
yahay.
Wuxuu ugu baaqay dowladda inay u dhaqanto si
mas`uuliyad leh, oo aysan qaadin tallaabooyin sababi kara in dadweynaha Tigray
ay waayaan adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha.
Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geeriga Cali Khaliif Galeyr
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ra'isalwasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr oo maanta Jigjiga ku geeriyooday.
Farmaajo ayaa sheegay in marxuumku "uu door muuqda kaga jira sooyaalka Soomaaliya."
"Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in la magacaabo Guddi Qaran oo ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuumka, si loo maamuuso dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed," ayaa lagu yiri war qoraal ah o ka soo baxay madaxtooyada
Xigashada Sawirka, bbc
Trump oo diiday inuu ka qeybgala doodda musharraxiintaa oo lagu qaban lahaa qaab online ah
Madaxweyne Donald
Trump ayaa iska diiday inuu ka qeybqaato dood qaab online ah loo qabanaya oo uu
la geli lahaa ninka ay ku loolamayaan xilka madaxtinnimada ee Joe Biden.
Mar sii horreysay, guddiga qaban
qaabinayay doodan oo lagu wada inay dhacda 15 Oktoobar ayaa sheegay in loo
baddelay qaab online ah si looga baaqsado kulan fool ka fool ah.
Go’aanka guddiga ayaa ka dambeeyay
markii Mr Trump laga helay xannuunka Coronavirus. Waxaa lagu daweeyay
isbitaalka, waxaana la sheegay inuusan hadda qabin calaamadaha xannuunkaasi.
Masuuliyiin u hadlay Joe Biden ayaa haseyeeshee sheegay inuu
diyaar u yahay inuu ka qeybgala dooda.
Xigashada Sawirka, reuters
Qoraalka sawirka, Doodii horay u dhemxartay Biden iyo Trump ayaa lagu tilmaamay mid qas badan
Coronavirus oo saameyn ku yeeshay dhaqaalaha Afrika ee sida adag u soo kabanayay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Bankiga Adduunka ayaa
sheegay in xanuunka safmarka ah ee coronavirus uu saameyn ku yeeshay dhaqaalaha
Afrika ee sida adag u soo kabanayay tobankii sano ee la soo dhaafay.
Wuxuu bankigu sheegay
in saameyntaas ay sababi doonto in dhaqaalaha Afrika uu sanadkan hoos u dhaco 3.3%.
Balse bankiga ayaa
sheegay in sanadka soo socda uu soo kaban karo dhaqaalaha.
Afrika ayaa iska
caabbisay xanuunka, iyadoo kiisaska fayraska ee qaaradda ay ka yar yihiin inta
badan kuwa laga soo sheegayo qaaradaha kale.
Balse xayiraadaha
looga gol leeyahay yareynta faafitaanka fayraska ayaa saameyn dhaqaale ku
yeeshay dalal badan, sida Koofur Afrika.
Bankiga Adduunka ayaa
ka digay in ilaa 40 milyan oo Afrikaan ah ay wajihi karaan saboolnimo daran.
War deg deg ah, Cali Khaliif Galeyr oo ku geeriyooday Jigjiga
Qoraalka sawirka, Cali Khaliif Galeyr
Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya inuu goor dhow halkaasi ku geeriyooday Cali Khaliif Galeyr.
Geerida Cali Khaliif oo mar soo noqday Ra`iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa BBC-da u xaqiijiyay Cumar Faaruuq Warfaa, oo ah wasiir ku xigeenka madaxtooyada Dowlad Deegaanka.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in marxuumka uu ku xannusanaa Jigjiga labadii maalmood ee la soo dhaafay.
Hoggaamiyeyaasha Masar iyo Kenya oo ka wada hadlay muranka ka taagan biya-xireenka Nile
Xigashada Sawirka, State House Kenya
Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah al-Sisi iyo Madaxweynaha
Kenya Uhuru Kenyatta ayaa kulan ay yeesheen waxay kaga wada hadleen muranka ka
taagan biya-xreenka ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile, sida laga soo xigtay
saraakiisha Masar.
Labada hoggaamiye ayaa
Axaddii ku kulmay maagalada Qaahira, xilli
madaxweyne Kenyatta uu ka soo laabtay Faransiiska.
War ka soo baxay
afhayeen u hadlay Masar ayaa lagu sheegay in shirka diiradda lagu saaray danaha
labada dal gaar ahaan arrinta biya-xireenka Nile.
Kenya ma aysan soo hadal qaadin arrinta biya-xreenka iyadoo ku
gaabsatay in madaxda ay ka wada hadleen danaha labada dal, oo ay ku jiraan
nabadda iyo ammaanka gobolka, ganacsiga iyo sida ay Afrika wax uga qabaneyso xanuunka
Covid-19.
Biya-xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile ayaa lagu
wadaa inuu quwad koronto siiyo ilaa 65 milyan oo qof oo Itoobiya ku nool.
Masar waxay inta badan biyaheeda ka heshaa webiga Nile, waxayna
dhowaan ka digtay in biya-xireenku uu khatar ku yahay biyaheeda.
Kenya waxay
korjoogto ka tahay guddi dhexdhexaadin ah oo Midowga Afrika uu u saaray
xallinta lhilaafka Masar iyo Itoobiya.
Orodyahan jebiyay rikoor 15 sano ka yaallay tartanka orodka 10,000m
Xigashada Sawirka, Getty Images
Orod yahanka Joshua
Cheptegei oo u dhashay dalka Uganda ayaa sanadkan qaaday koobka oroddada
10,000m ee ragga, halka Letesenbet Gidey oo Itoobiya u dhalatayna ay jebisay
rikoorka oroddada 5,000m ee haweenka.
Tartankan oo ka dhacay
magaalada Valencia ee dalka Spain ayaa Cheptegei, oo 24 jir ah, wuxuu orodkaas
ku dhammeystay 26 daqiiqo iyo 11.00 seken, isagoo koobka ka qaaday Kenenisa
Bekele oo muddo 15 sano ah haystay rikoorkaas, waxaana u dhaxeeyay farqi ah lix
seken.
Gidey, oo 22 jir ah, ayaa
iyadana orodkaas ku soo afjartay 14 daqiiqo iyo 6.62 seken, waxayna koobka ka
qaadday Tirunesh Dibaba oo sanadkii 2008 ku soo afjartay 14 daqiiqo iyo 11.15
seken.
"Waan
faraxsanahay," ayay tiri Gidey, oo sidoo kale tartanka orodka 10,000m oo
ay sanadkii hore kaga qeyb gashay Dooxa ku guuleysatay billadda qalinka.
Cheptegei ayaa guulo
is daba joog ah ka soo hooyay tartanka oroddada muddo toban bilood gudahood ah.
Bishii December ee sanadkii hore wuxuu ku guuleystay tartanka orodka 10km iyo kan 5km oo uu ku guuleystay bishii February.
Sidoo kale bishii
August, wyxyy jebiyay rikoor kale oo uu Bekele heystay muddo 16 sano ah, waana
tartanka 5,000m, waxaana u dhaxeeyay farqi labo seken ah.
.
Itoobiya: Nin la sheegay inuu dhimirka ka xanuunsan yahay oo afar qof oo isku qoys ah ku dilay Deegaanka Soomaalida
Tuulada Faarax Liibaan oo qiyaastii 18km u jirta degmada
Xarshin oo ka tirsan Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa lagu soo
warramayaa in nin la sheegay indhimirka
uu ka xanuunsan yahay uu afar qof oo hal qoys ka wada tirsanaa ku dilay shan
kalena uu ku dhaawacay, sida ay xaqiijiyeen maamulka degmada.
Afar kale oo carruurta qoyskaasi ka tirsan ayuu sidoo kale
dhaawac soo gaaray, waxaana haatan lagu dabiibayaa isbitaaalka guud ee
magaalada Jigjiga, iyada oo carruurta dhaawac culus uu ninkaasi u geystay
qalliin lagu sameeyey balse ay weli xaaladdooda liidato.
Dhacdadan ayaa deegaanka ka abuurtay naxdin. Ninkii dhibka
geystay waxaa haatana gacanta ku haya booliska deegaanka.
Nagorno-Karabakh: Iiraan oo ka digtay 'dagaal gobolka ka dhaca'
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Madaxweyne Rouhani ayaa ku baaqay nabad iyadoo dagaal uu dhex marayo labo dal oo deris la ah Iiraan
Iiraan ayaa ka digtay in
dagaalka soo cusboonaaday ee u dhaxeeya dalalka ay deriska yihiin ee Azerbaijan
iyo Armenia uu sababi karo dagaal ballaaran oo gobolka ka dhaca.
Madaxweyne Hassan Rouhani ayaa sheegay inuu rajeynayo in
xasilooni uu ku soo dabaalo gobolka kaddib maalmo uu ka socdo dagaal culus oo
ka bilowday gobolka Nagorno-Karabakh.
Gobolkan wuxuu rasmi
ahaan qeyb ka yahay Azerbaijan balse waxaa ka taliya dad isir ahaan ka soo
jeeda Armenia.
Dagaalka haatan socdan waa kii ugu xumaa muddo tobnaan sano ah,
labada dhinac ayaana midba kan kale ku eedeeyay inuu isagu bilaabay.
Madaxweyne Rouhani ayaa sidoo kale sheegay inaan la aqbali karin
madaafiic habow ah oo ku soo dhaca ciidda Iiraan.
Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo aaday xilli ay soo baxeen warar
sheegaya in madaafiic ay ku dhaceen xaafado ku yaalla xadka waqooyi ee ay
Iiraan la leedahay Armenia iyo
Azerbaijan.