In ka badan 300 oo dhaqaatiir ah oo ka howlgala isbitaallada
dadweynaha ee magaalada Nairobi, caasimadda Kenya ayaa sameeyay shaqo-joojin.
Shaqaalaha caafimaadka ayaa doonaya in loo kordhiyo mushaarka
lana wanaajiyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan sida in la siiyo qalabka difaaca
qofka (PPE).
Kiisaska ugu badan ee xanuunka coronavirus ee Kenya waxaa laga
soo sheegay Nairobi.
Dhaqaatiirta ayaa sheegay inay u dulqaadanayeen maamulka Nairobi
ee ku shaqada leh adeegyada caafimaadka.
Thuranira Kaugira oo dhaqaatiirta ka tirsan ayaa bartiisa
Twitter-ka ku soo qoray in in ku filan ay dulqaateen shaqaalaha caafimaadka.
Dhaqaatiirta ayaa doonaya tababar iyo qalabka difaaca qofka oo
tayo leh marka ay la macaamilayaan bukaannada Covid-19.
Ma aha markii ugu
horreysay oo ay dhaqaatiirta Kenya shaqo-joojin sameeyaan iyagoo dalbanaya in
mushaarka loo kordhiyo iyo in wax laga qabto xaaladaha ay ku shaqeeyaan.
Dhaqaatiirta, kalkaaliyeyaasha iyo xirfadley kale oo caafimaad
ayaa ku baaqayay in la sameeyo guddi adeegyada caafimaadka ah oo wax ka qabta
dhammaan cabashooyinkooda, balse taas laguma guuleysan.
In ka badan 30,000 oo kiisaska Covid-19 ah oo laga soo sheegay
Kenya, ku dhowaad 700 oo ka mid ah waa shaqaalaha caafimaadka.
Dhowr shaqaalaha caafimaadka ah ayaa u dhintay fayraska.