Geedkii laga jaray buurta Daalo: "Wuxuu leeyahay xabag dawo ah, mirihiisuna waa la cunaa"
Tebin toos ah
Tebin toos ah
Gabadha kaliya ah ee madaxda ka ah mid kamid ah gobollada South Sudan oo ballan qaaday wax ka qabashada amniga

Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Sarah Cleto Rial, waa barasaabka cusub ee gobolka Baxrul Qazal Gabadha kaliya ah ee madax ka ah mid kamid ah gobollada dalka South Sudan ayaa ballan qaaday in amniga ay dib ugu soo celin doonto gobolka Baxrul Qazal, gobolkaas oo muddo lix sanno ah ay colaado ragaadiyeen.
Ms Rial waxay sheegtay in howsha ugu horreyso ay qabaneyso ay tahay xoojinta nabadda iyo arrimaha dib u heshiisiinta.
Madaxweyne Salva Kiir ayaa bishii Juun Rial u magacaabay barasaabka gobolka Baxrul Qazal.
Waxaana xilkan loo dhaariyay toddobaadyo ka hor markii ay kasoo laabatay Mareykanka.
Geedkii laga jaray buurta Daalo: "Wuxuu leeyahay xabag dawo ah, mirihiisuna waa la cunaa"
Geed noociisu ka sii dabar go’ayo guud ahaan Geeska Afrika iyo geyiga Soomaalida ba, oo ku yaalla Buurta Daallo ee gobolka sanaag, ayaa waxa shalay jaray askar ka tirsan ciidanka Jamhuuriyadda iskeed madax banaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.
Waxa goynta geedka loo aaneeyey halis uu ku noqday dhalinyarada u dalxiis tagta buurtaas oo u bareera halista si ay isugu soo sawiraan.
Hadaba ma jirtay si kale loo badbaadin lahaa geedkaa bilicda iyo faa’iidada ba u lahaa deegaankaas? Maxaase u gaar ah ee dadku uga damqadeen in geedkaa la gooyo?
“Faa’idooyinkiisa waxaa kamid ah, wuxuu leeyahay xabag, xabagtaas oo dawo ahaan loo isticmaalo, xabagtiisuna ay aad iyo aad qaali u tahay oo dawada loo isticmaalo, mirihiisa waa la cunaa”
Axmed Ibraahin Cawaale oo ah cilmi baare ku takhasusay deegaanka ayaa Axmednagaashe ugu waramay khadka telefoonka ee magaalada Hargaysa.
Qoraalka Codka, Geedka laga jaray buurta Daalo Dr.Aamina:"hooyo Xaawa Cabdi shaqadeedii waan sii wadaynaa"
Ra'iisul wasaaraha Faransiiska oo gaaray Beyruut
Ra'iisul wasaaraha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa gaaray magaalada Beyruut kaddib qaraxii ka dhacay halkaas.
Wuxuu sheegay in loo baahan yahay jawaab deg deg ah oo ku aadan xal u helidda qalalaasaha siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee saameeyay Lubnaan.
Macron wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in haddii aan wax isbaddal ah looga dhawaaqin Lubnaan in dalkaas uu dhibaatad kusii jiri doono.
Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda Lubnaan wuxuu sheegay in guddiga baarayaa qaraxii ka dhacay Beyruut la siiyay muddo afar maalmood ah si loo ogaado cidda ka dambeysa masiibada.
Lubnaan waxaa looga dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq ah lagu xusayo dadkii ku dhintay qaraxa.
Wararkii ugu dambeeyay ee Beyruut

Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Qaraxii ka dhacay Lubnaan Wasiirka dhaqaalaha Lubnaan ayaa diray codsi caalami ah uu dalkiisa ugu raadinayo taageero dhaqaale kaddib qaraxii talaadada gilgilay magaalada Beyrut.
Raoul Nehme wuxuu sheegay in dowladda aysan heynin dhaqaale ku filan oo ay kula tacaasho saameynta uu qaraxa ku reebay dalkaas kaas oo burburiyay caasimadda.
Booqashadii ugu horreeyay ee qof madax ah oo ka socda caalamka ayaa noqonayaa Ra’is
Ra’iisul wasaaraha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa noqonayaa hogaamiyihii ugu horreeyay ee ku dhawaaqay in uu booqanayo Lubnaan.
Waxaa la filayaa in uu bilaabo olole dhaqaale loogu raadinayo Lubnaan isla markaana uu ugu baaqo hogaamiyeyaasha dalkaas in isbaddallo ay la yimaadaan xilli shacabka ay ku eedeynayaan dowladda musuq maasuq inay ka gaabiyeen ka hortagga qaraxii ka dhacay halkaas.
Shacabka Lubnaan oo si caro leh uga codsaday dowladda inay jawaab ka bixiso qaraxa

Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Burburka ka dhashay qaraxa Madaxda dalka Lubnaan ayaa si weyn loogu dhaliilay inay ka gaabiyeen, ka hortagga qaraxii in ka badan 137 qof ku dilay caasimadda Beyrut.
Waxaana qaraxa ku dhaawacmay ku dhawaad 5,000 qof halka tiro dad ah la la'yahay. waxaana Lubnaan ka bilowday labo toddobaad oo xaalad deg deg ah.
Shacabka dalkaasi ayaa tilmaamaya inay ahayd in xilli hore si wanaagsan oo taxadar leh looga fekero, keydinta maadada ammonium nitrate ee Talaadadii ku qaraxday dekadda caasimaddaasi.
Shacabka waxay mas'uuliyiinta dowladda ku eedeeyeen inay wadaan falal musuq maasuq ah iyo maamul xumo.
Dhanka kale, mas'uuliyiin ka shaqeynayay dekaddaasi ayaa la geliyay xabsi guri, xilli uu socdo baaritaan ku aaddan sida ay wax u dhaceen.
Madaxweyne Mishaal Cown ayaa sheegay in 2,750 tan oo ah maadada ammonium nitrate si aan ammaan ahayn loogu keydiyay makhaasiin halkaa ku yaallay muddo lix sano ah.
Ninkii dhagaxaanta qaaliga ah hal maalin kaga taajiray oo rajo kale muujiyay

Xigashada Sawirka, Tanzania Ministry of Minerals
Qoraalka sawirka, Laizer Saniniu wuxuu weli ku rajo weyn yahay in uu soo helo dhagaxaan kale oo qaali ah Nin u dhashay dalka Tanzania oo dhawaan noqday maalin taajir kaddib markii uu soo helay dhagaxaan qaali ah ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay in uu raadin doono dhagaxaan kale mustaqbalka dhaw si uu lacag uga sameeyo.
Laizer Saniniu ayaa sheegay in daraasad uu sameeyay nin isaga u qaabilsan sahanka dhulka ay ku abuurtay kalsooni ah in uu dadaal dheeraad ah muujiyo.
Wuxuu ka digay in ganacsiga uusan aheyn mid fudud sida qaar ay u maleynayaan.
Ninkan ayaa muddo ka badan 15 sanno ah kusoo dhex jiray macddan qodista balse markii ugu horreysay uu ku macaashay dhagaxaan qaali ah uu soo helay.
Ninkan oo lagu magacaabo Saniniu Laizer ayaa macdanta ama dhagaxa uu helay waxaa uu gaarayaa 6.3 kilo, waxaana lagu magacaabaa Tanzanite. Waa dhagax la sheegay in u dunida uu ku yar yahay.
Macdanta Tanzanie ayaa laga helaa oo keliya waqooyiga dalka Tanzania, waxaana laga sameeyaa waxyaabaha la isku qurxiyo.
Khasaare xooggan oo ka dhashay dab ka kacay xarunta keydka dawooyinka Jabuuti
Xarun dawooyinka iyo qalabka kale ee caafimaadka lagu keydiyo oo ku taala caasimadda Jabuuti ayaa dab xoogan oo qabsaday waxa ku bas beelay hanti badan oo aan qiimaheeda ilaa hadda la shaacin.
Lama xaqiijin sababta dhabta ah ee dhalisay dabkaasi oo saacado qaatay demintiisa.
Waxaa ka warramaya weriye Maxamuud Cismaan Bulxaan.
Qoraalka Codka, Dab ka kacay xarun lagu keydiyo dawooyinka Jabuuti Kulan wacan saaxibbayaal kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka
