Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Right Watch ayaa
sheegtay in dacwada loo haysta Weriye Cabdicasiis Gurbiye ee uu ku muteustay
xarig lix bilood ah ay tahay mid liddi ku ah “heshiisyada caalamiga ah ee
xuquuda aadanaha” ee ay Soomaaliya saxiixday.
“Heshiisyadaasi waxa ay bari yeelayaan xaqa ay dadku u leeyihiin
inay dhaleeceeyaan masuuliyiinta dowladda iyo hay’adaha dowliga ah” ayay
tiri Laetitia Bader oo ah
cilmi baare ka tirsan Human Right Watch
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa xukun lix bilood oo xarig ah ku
riday Gurbiye oo ah tifaftiraha warbaahinta maxaliga ah ee Goobjoog.
14 bishii April ayay booliska u yeereen Gurbiya ka dib markii uu bartiisa Facebook ku soo qoray qoraal uu ku dhaleeceynaya qaabka ay dowladdu uga jawaabtay Covid19.
Agaasimaha Goobjoog sheegay in sababta loo heystay weriye Gurbiye ay ahayd in uu aflagaadeeyay madaxweynaha Soomaaliya, arrintaas oo ilaa iyo hadda aysan ka hadlin madaxda dowladda federaalka.
"Go'aanka wuxuu ahaa mdi cadaalad darro oo aan sharciga loo marin, garsooraha wuxuu xukumay wax uusan aqoon u lahayn, mana la ixtiraammin xeerarka wadanka u yaala sida xeerka saxaafadda, wuxuu na ahaa go'aan cagajugleyn ah, mana lasoo bandhigin wax caddeyn oo ka dhan ah eedeysanaha", ayuu yiri agaasimaha warbaahinta Goobjoog Xassan Maxamud Maxamed oo la hadlayay BBC-da.