Gabadh ka tirsanaan jirtay milatariga oo wajaheysa eedeymo culus

Xigashada Sawirka, PA Media
Haweeney horay uga tirsanaan jirtay ciidamada difaaca ee dalka Ireland, oo lagu eedeeyay inay xubin ka tahay ururka Islaamiga ah ee IS, ayaa wajaheysa dacwado dheeraad ah.
Lisa Smith, oo asalkeeda kasoo jeedda deegaanka Dundalk ee gobolka Louth, ayaa loo heystaa inay dhaqaale ku taageereysay koox argagixiso ah, sidoo kalena ay xubin ka ahayd.
Gabadhan 33 jirka ah ayaa maanta oo Jimce ah kasoo hor muuqatay maxkamadda degmada Dublin.
Dacwadda cusub ayaa la xiriirta lacag la sheegay inay dirtay sanadkii 2015-kii oo gaareysa €800 (£728), iyadoo adeegsaneysay bangiga Western Union.
Ms Smith ayaa u safartay Suuriya in ka badan siddeed sano ka hor, dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay ayaana dib loogu soo celiyay Ireland.
Garsooraha maxkamadda ayaa oggolaaday inay Lisa dammaanad ku joogto bannaanka.
Waxaa la filayaa inay mar kale maxkamadda kasoo hor muuqato Jimcada dambe.








