Qoomiyadda Sidama ee Itoobiya oo dawlad goboleed loo ansixiyey

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Covid-19 iyo saameynta ciyaaraha

  2. Qoomiyadda Sidama ee Itoobiya oo dawlad goboleed loo ansixiyey

    Aftidii sannadkii lasoo dhaafay ka dhacday caasimadda Sidama ee Hawassa

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Aftidii sannadkii lasoo dhaafay ka dhacday caasimadda Sidama ee Hawassa

    Dawlad goboleed cusub ayaa si rasmi ah looga abuuray dalka Itoobiya waxaanay go’aankan lagu saleeyey natiijadii ka soo baxday aftidii bishii Noofember ee kal hore laga qaaday qoomiyadda shanaad ee ugu badan dalkaas ee Sidama oo codaysay in ay gooni ka noqoto konton qoomiyadood oo ay dhanka maamulka hal gobol wada hoostagi jireen.

    Go’aankan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyada oo qoomiyado badan ay dalbanayaan in iyagana loo yagleelo dawlad goboleeddo u gaar ah.

    Bishii July ee sannadkii lasoo dhaafay in ka badan 50 qof ayaa ku dhimatay dibadbaxyo rabshado watay oo ka dhacay gobolkaas kaddib markii ay ku eedeeyeen dowladda inay dib u dhigeyso aftida gobolka uu ku raadinyay ismaamuul gooni u ah.

  3. Covid-19: Saameynta uu ku reebay macalimiinta dugsiyada Qur'aanka

    Dalkan Kenya, saameynta uu keenay fayraska Corona ayaa waxaa kamid ah in ardayda dugsiyada Quraanka ay gebi ahaanba hakatay waxbarashadooda.

    Arintaasi ayaa dhalisay inuu meesha ka baxo dhaqaalaha ay madaarista ka heli jireen ee ay macallimiinta noolashooda ku maareyn jireen.

    Cabdifitaax Sheekh Maxamuud (Al-cadaalla) waxa uu kamid yahay macallimiinta dugsiyada Quraanka ee Nairobi, dhibaatada soo foodsaartay ayuu uga warramay weriyaha BBC Xasan Sheekh Cumar.

    Qoraalka Codka, Dhibaatada cudurka Korona uu ku reebay dugsiyada Qur'aanka
  4. Shiinaha oo dacwad ku soo oogay rag u dhashay Canada oo lagu eedeeyay basaasnimo

    Michael Spavor (Bidix) iyo Michael Kovrig (Midig) waxay ku xirnaayeen Shiinaha tan iyo bishii Diseembar sannadkii 2018-kii.

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Michael Spavor (Bidix) iyo Michael Kovrig (Midig) waxay ku xirnaayeen Shiinaha tan iyo bishii Diseembar sannadkii 2018-kii.

    Shiinaha ayaa labo nin oo u dhashay Canada kusoo oogay dacwad ah inay howlo basaasnimo ah ka wadeen dalkaas, raggan ayaa in ka badan 18 bilood ku xirnaa halkaas.

    Michael Kovrig oo ah diblumaasi hore iyo Michael Spavor oo ah ganacsade ayaa ku xirnaa Shiinaha tan iyo bishii Diseembar ee sannadkii 2018-kii.

    Xiritaanka raggan ayaa imaanaya maalmo uun kaddib markii Canada lagu xiray madaxa fullinta ee shirkadda Huawei, Meng Wanzhou kaddib codsi uga yimid Mareykanka.

    Kanada waxay ku tilmaantay xarigga raggan 'in loo maray go'aan aan sabab ku salaysnayn' halka Shiinaha uu beeniyay in tallaabadaas ay tahay mid ay ugu aarayaan madaxa fullinta ee shirkadda Huawei.

    Waxaana labadan nin lagu soo oogay dacwad ah inay 'wadeen howlo basaasnimo oo ka dhan ah sirta qaranka ' isla markaana ay xog u gudbinayeen ha'yado shisheeye.

  5. Diiqii qeylidiisa laga dacwooday oo bakhtiyay

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Diiqii qeylidiisa ay kasoo dacwoodeen deriska ayaa bakhtiyay, sida laga soo xigtay Corinne Fesseau oo ah haweeneyda iska laheyd diiqa.

    Warka ku saabsan kiiska ka dhanka ah diiqaas ayaa si deg deg ah ugu faafay caalamka, wuxuuna durbadiiba helay taageero aad u badan.

    Sannadkii 2019-kii ayay aheyd markii maxkamad ku taalla Faransiiska ay ku gacan seyrtay isku dayga lagu doonayay in lagu aamusiiyo diiqaas.

    Waxaana lagu soo warramaya in diiqa uu bakhtiyay bishii May balse lasoo sugayay warkaas inay baahiso haweeneyda iska laheyd.

    Ms Fesseau waxay marar badan isku dayday inay aamusiiso Maurice balse uma suurtagalin

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Ms Fesseau waxay marar badan isku dayday inay aamusiiso Maurice balse uma suurtagalin

    Waxay u sheegtay Raadiyaha afka Faransiiska ku hadla ee France Bleu "Waxaan soo iibsannay diiq kale oo aan u bixinnay magaca Maurice balse uma qeylin doono sida diiqii hore ee bakhtiyay"

    Diiqan oo lagu magacaabo Maurice ayaa caro ku abuuray dariska, maadaama uu subax walba xilli aroor hore ah dhawaaqo, arrintaas ayaana sababtay inay maxkmaadda u gudbiyaan dacwad ka dhan ah.

    Waxay diiqa ku eedeeyeen inuu qeyladiisa ku dhibaateeyo lamaane waayeel ah oo guri loo dalxiis tago ku leh meel u dhow guriga uu xayawaankaas joogo oo ku yaalla jasiiradda Oléron.

    Ms Fesseau, oo jasiiradda Oléron ku nooleyd muddo 35 sano ah, ayaa haddii kiiskaas looga guuleysto ku khasbanaan lahayd inay xaafaddeeda ka guurto, ama ay sameyso qaab kale oo ay diiqeeda ku aamusiiso.

    Hase yeeshee waxaa la amar lagu bixiyay in haweeneydan la siiyo lacag dhan $1,000 doolar, taasoo ay magdhow ahaan ugu qaadaneyso kharashkii uga baxay howlaha maxkamadda.

  6. Tuugo u dhacday saldhig boolis ah

    .

    Xigashada Sawirka, Star FM

    Tuugo ayaa dhac ka geystay saldhig booliska Ghana ay ku leeyihiin dalkaas, waxay tuugadu xadday qalab isugu jiro Koombiyuutar, teleefishin iyo dareeska booliska.

    Waxay aroornimadii Khamistii jabsadeen mid ka mid ah xafiisyada ku yaalla sladhigga booliska Nima ee dhaca bartamaha caasimadda Ghana ee Accra.

    Mas’uuliyiinta waxay bilaabeen baaritaanno lagu baadi goobayo kooxdaas balse ilaa hadda ma jirto cid loo soo qabtay dhacdadaas.

    Waxay dhacdadan ka yaabisay dadweyne badan maadama booliska ay shaqadoodu aheyd ilaalinta saldhigooda.

  7. Kulan wacan saaxibbayaal kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    .