Ra’iisal wasaaraha dalka Lesotho, Thomas Thabane, ayaa ku
dhawaaqay inuu iscasili doono, balse ma uusan sheegin xilliga rasmiga ah ee uu kursiga ka
dagi doono.
Mr Thabane ayaa culays badan lagu saaray inuu iscasilo
kaddib markii lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa dilkii Lipolelo Thabane
oo ahayd marwada ra’iisal wasaaraha.
Lipolelo, oo 58 jir
ahayd ayaa toogasho lagu dilay laba maalin kahor doorashadii 2017, kahor inta
uusan Thabane noqon ra'iisul wasaare.
Mr
Thabane, oo ay da'diisu tahay 80 sano jir ayaa xaaska uu haatan qabo dhawaan
lagu xukumay inay ku lug lahaydy dilka xaaskii lala qabay.
Waxaa uu noqonayaa hogaamiyihii ugu horreeyay
ee Afrikana ah ee lagu eedeeyo inuu ku lug lahaa dil isagoo xafiiska haya.
Mr Thabane ayaa horay u sheegay inuu xilka ka dagi doona
bisha July, isaga oo sababta la xirriiriyay da’diisa.
Ra’iisal wasaaraha iyo marwadiisaba waa ay dafireen
eedeymaha la xirriira dilka marwadii hore ee Mr Thabane.
Markii la dilay xaaskiisa, waxaa uu falkii
dhacay ku tilmaamay "axmaqnimo", balse booliska waxay haatan ku
eedeeyeen in uu ku lug lahaa dilka xaaskiisa.
Qareenka difaacaya
ra'iisul wasaaraha oo lagu magacaabo Qhalehang Letsika ayaa sheegay in marnaba
aanan la maxkamdeyn karin madaxa xukuumadda inta uu xafiiska hayo, balse uusan
ka sareynin sharciga.
Xaakimka
maxkamadda ayaa kiiska u gudbiyay maxkamadda sare, taas oo arrintani u wajihi
doonta sida maxkamadda dastuuriga.
Lipolelo
Thabane oo ay si adag isu hayeen seygeedii hore Thomas Thabane ayaa lagu
toogtay meel u dhaw gurigeeda oo ku yaalla afaafka hore ee caasimadda, laba
maalin uun ka hor inta aan ra'iisal wasaaraha xilka loo dhaarin.
Wararka ku aaddan ku lug lahaanshaha marwada koobaad ee dilkaasi
ayaa waxaa aad uga hadlay warbaahinta Lesotho, waxaana ay arinta sii adkaatay
markii ay haweeneydaasi ka baxsatay dalka.
Dilkaasi ayaa sidoo kale waxbadan u dhimay sumcadda ra'iisal
wasaaraha.