Wiilkan oo hadda 34 sano jir ah ayaa sheegay inuu qorshaynayo
inuu wakhti badan la qaato waalidkiisa.
Maxaa ku dhacay Mao Yin?
Bishii October sanadkii 1988-kii, Mao Zhenjing, wuxuu wiilkiisa
ka soo waday xarun ku taala magaalada Xian ee gobolka Shaanxi..
Mao Yin wuxuu aabihiis
waydiistay biya uu cabo, marka waxa ay istaageen albaabka huteelka si uu biyo
ugu iibiyo, markaas ayaana cunugiisa ugu dambaysay.
Sidee lagu helay Mao
Yin?
Bishii
April, warbaahinta qaranka Shiinaha ayaa xog ka heshay nin ku nool
gobolka Sichuan oo 1,000KM u jira Xian oo sheegay inuu korsaday Mao Yin muddo
sanado ah kaddib markii la afduubtay.
Booliska ayaa
baaritan dhacaanka hiddadasidaha DNA ka qaaday Mao
Yin, si ay u ogaadan inuu wax xiriira ah kala dhexeeya Mao Zhenjing iyo Li
Jingzhi.
Baaritaanka ayaa
lagu ogaaday in Mao Yin oo la baxay Gu Ningning uu yahay wiilkii ay lamaanahan
baadigoobayeen muddada 32 sanada ah.
Wiilka madaxweynaha Rwanda oo xil sare loo magacaabay
Wiilka madaxweynaha dalka Rwanda Ivan Kagame, ayaa loo
magacaabay xubin sare oo ka tirsan guddiga
hormarinta ee dalkaas, waxaa magacaabista looga dhawaaqay xafiiska ra’iisal wasaaraha.
Waa markii ugu horreysay ee wiil uu dhalay madaxweyne Kagame xil sare loo magacaabo.
Ivan Kagame, oo ay da’diisu tahay 30 sano jir, ayaa heerka labaad ee
jaamacadda ku gaaray jaamacad ku taala dalka Maraykanka.
Ivan Kagame oo ah wiilka ugu weyn madaxweynaha ayaanan badanaa lagu arkin siyaasadda, warbaahinta iyo baraha bulshada.
Dowladda Rwanada ayaa sidoo kale qafiifisay xayiraadihii
dalka saarnaa, halka iskuulada, maqaayadaha iyo xarumaha lagu cibaadaysto ay
weli sii xirnaan doonan.
Bandawga habeenkii ayaa wuxuu bilaaban doonaa sagaalka ama saddexda fiidnimo Saacadda geeska Afrika.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Miyuu Trump ku saxanyahay weerarka uu ku wado WHO?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa eedeeymo
culus dusha kaga riday Ha'yadda Caafimaadka Adduunka ee WHO.
Wuxuu WHO ku eedeeyey inay tahay 'eey uu wato Shiinaha'.
Balse maahan markii ugu horreysay ee uu weeraro hay’adda
Caafimaadka Adduunka WHO.
BBC-da ayaa baaritan ku samaysay qaar ka mid ah eedeymaha uu
Trump soo jeediyay.
“Go’aannadii ugu halista badnaa ee ay WHO
qaada waxay ahayd inay xadidaad saarto isu safarka . Xaqiiqdii wey nala
dagaalameen”. Maraykanka ayaa wixii ka bilawday labadii bisha Febraayo xadiday safarada
Shiinaha iyo dalal kale. Balse WHO tallaabadan ma aysan cambaaraynin hase
yeeshe 10-kii bisha Janaayo waxay hay’adda jeedisay tallooyin ah inaan la
xadidinin isu safarka wadamada caalamka.
·“Waxay WHO dhaqaalaha ugu
badan ka heshaa Maraykanka, balse Shiinaha ayey la jirtaa” Maraykanka wuxuu WHO
ku biiriyaa dhaqaale gaaraya 15% sanadkiiba balse UK , Germany , Bill Gates iyo
xaaskiisa ayaa sidoo kale ku biiraya hay’adda dhaqaale badan.
Mareykanka wuxuu horey u hakiyay maalgelintii uu siin jiray Ha'yadda Caafimaadka ee Adduunka, wuxuuna wadaa baaritaanno ku aadan sida Ha'yadda u maareysay safmarka.
Markii uu bilowday shirka WHO, madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping wuxuu ka sheegay in Shiinaha uu yahay mid ''furfuran oo caddaalad ah', wuxuuna ku adkeystay in baaritaan kasta la sameyn karo marka lagu guuleysta xakameynta feyraska Korona.
Dhanka kale, madaxweyne Trump wuxuu warqad u qoray madaxa Ha'yadda Caafimaadka Adduunka oo uu ugu hanjabay in Mareykanka uu si joogto ah kala noqon doono maalgelintii uu siin jiray Ha'yadda.
Wuxuu u qabtay muddo 30 cisho ah si ay usoo 'bandhigaan dadaallo wax ku ool ah oo ka dhan feyraska'
Shiinaha iyo feyraska Korona: Qoraagii ka careysiiyay Shiinaha
Buug xusuus qor ah oo ay soo bandhigtay haweeneey u dhalatay Shiinaha oo ay kaga hadleysay xaaladda magaalada Wuhan markiii uu cudurka ka dilaacay ,Waxaa haataan buuggeeda loo turjumay luqadda Ingiriiska.
Fang Fang ayaa markii ugu horreysay xusuus qorkeeda kusoo bandhigtay Online-ka markaas oo ay kaga hadashay xaaladda Wuhan oo ay rumeysneyd in magaalada ay ka taagnaayeen dhibaatooyin maxalli ah.
Haweeneydan oo 65 jir ah ayaa waxaa buugeeda akhristay dad badan, waxayna malaayiin Shiinees ah u bidhaamisay xaaladda dhabta Wuhan oo ah halkii ugu horreysay uu ka dilaaco feyraska.
Horraantii sannadkan, Wuhan waxay noqotay halkii ugu horreysay dunida oo looga dhawaaqo xayiraad aan horey loo maqal balse haatan dunidii kale ayaa la geliyay bandow, magaalada waxay noqotay mid ka go'day Shiinaha intiisa kale iyo caalamkaba.
Warbixintan oo dhamaystiran halkan ka akhriso Link
Fadeexad la xiriirta xaasaskiisa oo sababtay in ra’iisul wasaaraha Lesotho uu is ku casilayo
Ra’iisal wasaaraha dalka Lesotho, Thomas Thabane, ayaa ku
dhawaaqay inuu iscasili doono, balse ma uusan sheegin xilliga rasmiga ah ee uu kursiga ka
dagi doono.
Mr Thabane ayaa culays badan lagu saaray inuu iscasilo
kaddib markii lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa dilkii Lipolelo Thabane
oo ahayd marwada ra’iisal wasaaraha.
Lipolelo, oo 58 jir
ahayd ayaa toogasho lagu dilay laba maalin kahor doorashadii 2017, kahor inta
uusan Thabane noqon ra'iisul wasaare.
Mr
Thabane, oo ay da'diisu tahay 80 sano jir ayaa xaaska uu haatan qabo dhawaan
lagu xukumay inay ku lug lahaydy dilka xaaskii lala qabay.
Waxaa uu noqonayaa hogaamiyihii ugu horreeyay
ee Afrikana ah ee lagu eedeeyo inuu ku lug lahaa dil isagoo xafiiska haya.
Mr Thabane ayaa horay u sheegay inuu xilka ka dagi doona
bisha July, isaga oo sababta la xirriiriyay da’diisa.
Ra’iisal wasaaraha iyo marwadiisaba waa ay dafireen
eedeymaha la xirriira dilka marwadii hore ee Mr Thabane.
Markii la dilay xaaskiisa, waxaa uu falkii
dhacay ku tilmaamay "axmaqnimo", balse booliska waxay haatan ku
eedeeyeen in uu ku lug lahaa dilka xaaskiisa.
Qareenka difaacaya
ra'iisul wasaaraha oo lagu magacaabo Qhalehang Letsika ayaa sheegay in marnaba
aanan la maxkamdeyn karin madaxa xukuumadda inta uu xafiiska hayo, balse uusan
ka sareynin sharciga.
Xaakimka
maxkamadda ayaa kiiska u gudbiyay maxkamadda sare, taas oo arrintani u wajihi
doonta sida maxkamadda dastuuriga.
Lipolelo
Thabane oo ay si adag isu hayeen seygeedii hore Thomas Thabane ayaa lagu
toogtay meel u dhaw gurigeeda oo ku yaalla afaafka hore ee caasimadda, laba
maalin uun ka hor inta aan ra'iisal wasaaraha xilka loo dhaarin.
Wararka ku aaddan ku lug lahaanshaha marwada koobaad ee dilkaasi
ayaa waxaa aad uga hadlay warbaahinta Lesotho, waxaana ay arinta sii adkaatay
markii ay haweeneydaasi ka baxsatay dalka.
Dilkaasi ayaa sidoo kale waxbadan u dhimay sumcadda ra'iisal
wasaaraha.
Xigashada Sawirka, AFP
Kulan wacan saaxibbayaal kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.