Tabinteennii tooska ahayd ee maanta waa naga intaas, tan iyo barri nabadgalyo.
Jawaar Maxamed oo eedeyn u jeediyay Abiy Axmed
Tebin toos ah
Tebin toos ah
Jawaar Maxamed oo ku eedeeyay Abiy Axmed in uu wado handdadaad

Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Ra'iisul wasaare Abiy Axmed Jawar Maxamed oo ka tirsan mucaaradka Itoobiya ayaa ku eedeeyay Ra'iisul wasaare Abiy Axmed in uu wado handdaad isla markaana xisbiga haya talada uu wado tallaabooyin sharciga ka baxsan oo uu awoodda kusii xoojisanayo.
"Ma jirto awood dastuuri ah oo uu kusii joogi doono..waxaa jiri doonaa wakhti ay awoodda iska banaanaan doonto" ayuu yiri Jawaar.
Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka digay in uu tallaabo ka qaadi doono siyaasiyiinta mucaaradka ee isku dayayo in awoodda ay la wareegaan iyagoo ka faa'ideysanayo jahwareerka uu horseeday cudurka corona.
"Hase yeeshee, cudurka safmarka ee Covid-19 ee dalka Itoobiya soo gaaray ayaa nagu kalliftay inaan doorashada dib u dhigno."
Dr Abiy Axmed oo xaaladda dalka Itoobiya uu ku sugan yahay warbaahinta dalka Itoobiya shacabka farriin uga tabiyey wuxuu sheegay shacabka waxyaabaha ay xuquuqdooda ku meelmarsadaan iney ka mid tahay doorashada guud oo dalka ka qabsoonto taasoo ah xuquuq dimuqraadiyadeed oo ay muwaaddiniintu leeyihiin.
UN: Calooshood u shaqaystayaal Ruush ah oo ka dagallaamaya Liibiya

Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Sannadkii lasoo dhaafay ciidammo taabacsan Janaraal Haftar waxay qaadeen duullaan ay ku doonayaan inay ku qabsadaan caasimadda Tripoli Calooshood u shaqeystaal ka tirsan shirkad gaar loo leeyahay oo dhanka militariga qaabilsan ayaa ka howlgala dalka Liibiya, sida ay sheegeen diblumaasiyiin ka tirsan Qaramada Midoobey.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in calashood u shaqeystayaashu ay si qarsoodi ah u qoreen 1,200 qof si ay u taageeraan Janaraal Khaliifa Haftar.
Waxaana warbixinta loo gudbiyay guddiga qaabilsan cunaqabateynta ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey, sida ay sheegtay Reuters.
Dagallaamayaashan waxay tageero dhanka farsamada ah u fidinayaan Janaraalka iyagoo u hagaajinayo baabuurta militari ee uu burburka soo gaaray, sidoo kale waxay ka qeybqaadanayaan howlgallada militari, sida laga soo xigtay Reuters.
Janaraal Khaliifa Haftar wuxuu dagaal kula jiraa dowladda ay taageerto Qaramada Midoobey ee Liibiya.
Liibiya waxaa ka taagan dagaallo sokeeye tan iyo sannadkii 2011-kii markii xilka laga tuuray madaxweyne Mucamar Qadaafi.
Kenya oo soo daadgureysay meydadka dadkii kaga dhintay shilkii diyaaradeed ee Bardaale

Xigashada Sawirka, AFRICAN AIRWAYS
Meydadka dadkii ku dhintay shilkii diyaaradda ee ka dhacay degmada Bardaale ee u dhashay Kenya ayaa la geeyay magaalada Nairobi xilli uu socda baaritaanka ku aadan waxyaabaha dhaliyay shilka.
Diyaaraddan oo laga lahaa Kenya ayaa sidday agab loogu talagalay ka hortagga coronavirus waxay Isniintii ku dhacday magaalada Bardaale ee gobolka Baay, Soomaaliya. Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababta ay diyaaradda u burburtay, waxaa soo baxay warar sheegaya in lasoo riday.
Waxaa jiraa warar laisla dhexmarayay oo ah in diyaaradda ay soo rideen ciidammada Itoobiya ee ku sugan halkaas, mas'uuliyiinta waxay sheegeen inay socdaan baaritaanno wadajir ah oo ay wadaan Kenya iyo Soomaaliya.
Itoobiya weli kama aysan hadlin eedeymaha loo jeediyay.
Waxaan lagu wadaa in shaaca la qaado natiijada baaritaanada shilka diyaaradda.
Daadad saameeyay deegaanka Bacaadweyn ee Soomaaliya
Kumannaan qoys oo ku nool deegaanno kala duwan oo Bariga Afrika ah ayaa ku barakacay daadad ka dhashay wabiyada oo karkaaraha jabsaday ama togag soo rogmaday.
Kooxaha saadaasha hawaduna waxa ay weli ka digayaan in dadku ay ka fogaadaan meelaha biya-dhaca ah, maadaama bartamaha looga jiro xilliga gu'ga, roob badanna la filayo in Geeska ay ka da'aan.
Deegaannada ay daadadku saameeyeen waxaa ka mid ah deegaanka Bacaadweyn ee bartamaha Soomaaliya, halkaas oo aynu khadka taleefanka ku wareysannay Axmed Daahir Macalin Cabdillaahi guddoomiyaha degmadaas oo u warramay Samiira Cabdillaahi Jaamac.
Qoraalka Codka, Deegaanka Bacaadweyn ee bartamaha Soomaaliya Shirkii muuqaalka ahaa ee baarlamaanka Koonfur Afrika oo la jabsaday

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Guddoomiyaha baarlamaanka Thandi Modise ayaa la aflagaadeeyay markii la jabsaday muuqaalka Shir muuqaal ah oo ay saaka lahaayeen guddi ka tirsan baaralamaanka Koonfur Afrika ayaa la jabsaday , waxaana la aflagaadeeyay guddoomiyaha baarlamaanka dalkaas.
Shirka markii uu bilowday waxaa shaashadda kasoo muuqday sawir anshax xumo ah iyo cod rag ah oo lagu afladeeyay guddoomiyaha baarlamaanka ay shir guddoomineysay.
Guddoomiyaha baarlamaanka waxay sheegtay in markii horeba ay ka walaacsaneyd in barta Zoom-ka ay shir ku yeeshaan.
Xildhibaanada ayaa ku tilmaamay dhacdada mid 'xannuun badan oo dhibaatadeeda leh' , sida uu ku warramay Times Live website.
Farsamo yaqaaniinta baarlamaanka ayaa markii dambe sameeyay muuqaal kale oo ay xildhibaanada ku shireen.
Warbixinnada kale ee ku jira Website-ka BBC Somali
- Saamaynta corona fayras: "Kama maaranno inaan Xuduudda ka gudubno oo taraawiixda ku soo tukano Balad-Xaawo"
- Cambaareyn ka dhalatay maxkamad nin dil ku xukuntay qaab maqal iyo muuqaal ah
- TV Venezuela ah oo soo bandhigay 'Muwaadiniin Ameerikaan ah oo qiranaya inay wadeen afgambi dhicisoobay'
- Trump: "Coronavirus wuxuu Mareykanka u saameeyey si ka daran dagaalki labaad ee adduunka"
- Islii iyo corona fayras: "Islii keligeed ma ahan suuqyada dadka ku badan yihiin, go'aankanna waa eex"
'Nin ku jees jeesay madaxweyne Sisi oo xabsi ku geeriyooday'

Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Shady wuxuu ku geeriyooday xabsiga Tora ee ku yaalla Qaahira Dowladda Masar waxay sheegtay in Shady Habash oo ahaa filin soo saare u dhashay dalkaas uu ku geeriyooday xabsiga kaddib markii uu cabay khamri sumeysan.
Shady Habash ayaa la xiray kaddib markii uu sameeyay muuqaal uu ku jees jeesayo madaxweyanaha Masar Cabdul Fataax Al Sisi.
Habash wuxuu ku dhintay xabsiga Tora ee ku yaalla magaalada Qaahira kaddib markii uu si khaldan u cabay dareeraha gacmaha lagu dhaqdo oo ay ku jirto maaddo khamri ah, sida uu sheegay dacwad oogaha guud ah ee Masaarida.
Waxaana jeermis dilaha la siinayay maxaabiista si ay gacmaha ugu dhaqdaan si looga hortaggo cudurka Covid-19, sida uu sheegay dacwad oogaha.
Kooxaha u doodo xuquuqul insaanka waxay sheegeen Habash uu waayay adeeg dawo sidaas darteedna uu xabisga ku geeriyooday.
Waxaa la xiray sannadkii 2018 iyadoo aan wax maxkamad ah la geyn, waxaana lagu eedeeyay inuu faafinayay warar been abuur ah iyo in uu ka tirsanaa urur argagixiso ah.
Habash wuxuu beeniyay in muuqaalkii uu soo saaray uusan wax lug ah ku laheyn wax lagu eedeeyay inuu ku jees jeesayay madaxweynaha.
Itoobiya oo ka digtay fataahado khasaare hor leh geysta

Xigashada Sawirka, SRTV
Qoraalka sawirka, Dadaadka saameeyay degmada Mustaxiil Daadadka ka dhashay roobabka ma hiigaanka ee ka da’aya dalka Itoobiya ayaa la sheegay iney ku dhinteen ugu yaraan 23 qof.
Komishiinka ka hortagga masiibooyinka iyo maareynta khataraha ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay iney daadku saameeyeen dad ka badan 220,000 oo qof.
Kuxigeenka Madaxa Komishiinka Demene Darota oo warbaahinta dalka Itoobiya u warramay wuxuu sheegay iney daadku khasaaro hor leh ka geysan karaan deegaannada dhulkooda uu hooseeya gaar ahaan degmooyinka ku hareereysan wabiyada.
Wuxuuna Demene sheegay in daadaku qasaaraha ugu badan ay ka geysteen deegaannada Soomaalida, Oromada iyo Ismaamulka magaalada Diridhaba.
Deegaanka Mustaxiil ayaa waxaa uu ku fatahay webiga Shabeelle mara halkaas, waxaa arrintaasi ka dhashay khasaare baahsan.
Webiga Shabeelle iyo Juba ee mara Soomaaliya waxay kasoo burqadaan dhulka buuraleyda ah ee dalka Itoobiya oo ay haatan ka da'ayaan roobab mahiigaan ah.
Wuxuu sida oo kale sheegay iney daadadku ay waxyeella u geysan karaan dhul beereed aad u badan taasina ay ka dhalan karto cunna yari.
Seyladda xoolaha Gaarisa: Gacan qaadkii wax lagu kala iibsan jiray oo lagu baddalay in ulaha laisku taabto
Wasaaradda caafimaadka ee Kenya ayaa ganacsatada ka howlgala suuqa xoolaha ee magaalada Gaarisa kula talisay inay raacaan talooyinka dhanka caafimaadka ah oo looga hortaggayo cuduruka corona, waxaana lagu taliyay in gacan qaadka ay sameeyaan marka xoolaha lagala iibsanayo lagu baddalo in ulo laisku taabto.
Ganacsatada soomaalida ee ka shaqeysata seyladaha xoolaha ayaa inta badan wey is gacan qaadaan marka lagu heshiiyo qiimaha lagu kala iibsanayo xoolaha.
Saraakiil ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee Kenya ayaa ganacsatada tusay sida ulaha laisugu taabto intii ay is gacan qaadi lahaayeen.
Wasaraadda caafimaadka ayaa barta Twitter-ka soo gelisay nidaamka cusub ee loo dejiyay xoola dhaqatada.
Ka bood X bogganOggolow X macluumaadkaDigniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahanMacluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Kulan wacan saaxibbayaal kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

