Cabdi Maxamuud Cumar oo cafis dalbaday

Warbixintan iyo kuwo kaleba kaga bogo tabintan tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

Tebin toos ah

  1. Cabdi Maxamuud Cumar oo Cafis dalbaday

    Cabdi Maxamuud Cumar
    Qoraalka sawirka, Cabdi Maxamuud Cumar

    Madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa waxa uu ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ka codsaday inuu cafiyo isaga iyo dadka la eedaysan.

    Hadalkan ayuu ka sheegay Cabdi Maxamuud Cumar, maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa oo markii seddexad la horkeenay.

    Muddo 42 maalmood ah ayey xirnaayeen isaga iyo xubno maamulkiisa ka mid ahaa, ayadoo ay dacwad oogeyaashu dalbadeen in loogu daro toban malamood oo kale oo dheeraad ah, si ay u soo dhamaystiraan eedaymaha ay ku soo oogayaan.

    Hore waxaa u jiray in Cabdi Maxamuud iyo xubnaha la xiran ay ka cabanayeen in aan qorraxda la tusin, iyo in ehelkooda aan luqadda Amxaariga ku hadlin lagu khasbo in ay afka Amxaariga ku hadlaan.

    Xaakimka maxkamadda ayaa si adag ula hadlay dacwad oogeyaashii ka socday xeer ilaalinta, “ma waxaad doonaysaan in sannad ay jiitanto arrintan.Hpore waxaan idiin siinnay fursadihii aad dalbateen in aad doonaysaan. Tobankan maalmood marka ay dhamaadaan waa in aad la timaadaan eedeymaha iyo caddaymaha dacwaddiinna” ayuu yiri xaakimku.

    Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maxkamadda ka dalbaday in isaga iyo xubnaha la xiran “laga gaarsiiyo ra’iisul wasaaraha Itoobiyaha inuu cafis u fidiyo, maadaama uu wakhti is cafis lagu jiro”.

    Hore ayuu Cabdi Maxamuud Cumar cafis uga dalbaday dadka deegaanka Soomaalida.

  2. Maraykanka oo dalaka Cameroon ugu baaqay in uu caddaaladda horgeeyo qaar ka mid ah ciidammadooda

    Dawladda Maraykanka ayaa Cameroon ugu baaqday in ay caddaaladda horkeento ciidammada ka soo muuqday barnaamijka dabo galka ah ee Africa Eye, kuwaas oo ka dambeeyay tacaddiyada ka dhanka ah shacabka, sida ay ku warrantay VOA.

    Afhayeenka wasaaradda difaaca Maj Sheryll Klinkel ayaa sheegtay in milatariga Maraykaka uu Wasaaradda Arrimaha Dibadda kala shaqaynayo “sidii dawladda Cameroon ay u xaqiijin lahayd la xisaabtamidda cid kaste oo lagu helo in ay arrintaas ku lug lahayd”.

    Baaritaanka ay samaysay BBC Africa Eye ayaa diiradda lagu saaray u kuurgalidda muuqaal naxdin leh oo baraha bulashada aad la isula wadaagay.

    Muuqaalka waxaa ka soo muuqday labo dumar ah iyo labo carruur ah oo yaryar kuwaas oo qori caaraddii lagu kaxaystay.

    Lahaysteyaashii ayaa indhaha laga xiray, dhulka qasab lagu seexiyay isla markaasna 22 xabbadood lagu dhuftay.

    Baaritaanka BBC ayaa soo bandhigay meesha uu falkaasi ka dhacay, goorta uu dhacay iyo cidda masuulka ka ah dilkaas.

    Dawladda Cameroon ayaa markii hore muuqaalka ku tilmaantay “war been ah” balse markii dambe waxay xirtay qaar ka mid ah askartii muuqaalka ka soo muuqatay.

    Ciidammo Maraykan ah oo 300 gaaraya ayaa ku sugan dalka Cameroon, waxayna qayb ka yihiin dadaal caalami ah oo lagu doonayo in lagu xakameeyo rabshadaha xagjirka ee ku soo badanaya Galbeedka Afrika.

    Hoos ka daawo muuqaalka baaritaanka ah ee BBC-du samaysay.

  3. Diyaarad rakaab oo ku dhacday badda dalka Micronesia

    Diyaarad

    Xigashada Sawirka, JAMES YAINGELUO

    Diyaarad xamuul ayaa ku dhacday badda dalka Micronesia, sida ay sheegeen masuuliyiinta garoonka diyaaradaha ee Chuuk International Airport.

    Sawirro laga qaaday ayaa muujinaya diyaaradda shirkadda Air Niugini oo ku jirta biyaha badda, diyaaradaas waxaa laga leeyahay dalka Papua New Guinea.

    Soddon iyo shan ruux oo rakaab ahayd iyo 12 ruux oo ka shaqaynaysay diyaaradda duulimaadka ee lambarkeedu ahaa ANG73, midkoodna dhaawac halis ah ma gaarin.

    Ma cadda waxa sababay in diyaaraddu dhacdo, balse baaritaan arrintaas ku saabsan ayaa si dhakhso ah loo billaabi doonaa.

    Diyaarad

    Xigashada Sawirka, JAMES YAINGELUO

  4. Weriye Catoosh oo muddo sannad ah ka ruqseystay BBC

    Weriyaha Laanta af Soomaaliga ee BBC, Cabdirisaaq Xaaji Catoosh ayaa muddo sannad ah ka ruqseystay howshii BBC-da.

    Fasaxa sannadka ah ee Catoosh ayaa billaabanaya 1-da Oktoobar 2018-ka, wuxuuna ku egyahay 30-ka bisha Sebtembar ee sannadka 2019-ka.

    Madaxa laanta Af Soomaliga ee BBC, Cabdullaahi Cabdi Sheekh, ayaa sheegay inuu kheyr u rajaynayo muddada uu Catoosh ka maqan yahay laanta, isla markaana uu ku rajo weyn yahay inuu soo noqon doono sannad ka dib.

    Cabdullaahi wuxuu sheegay in dhageystayaasha ay la socodsiin doonaan haddii uu isbeddel ku yimaaddo xilliga uu Catoosh soo noqonayo.

    Catoosh

    Xigashada Sawirka, ABDIRIZAK ATOSH/FACEBOOK

  5. Booliiska Netherlands oo qaqabtay dad weerar argagixiso oo wayn qaadi lahaa

    Booliiska dalka Netherlands ayaa xiray toddobo nin oo lagu eedeeyay in ay qabanqaabinayeen sidii ay u qaadi lahaayeen weerar argagixiso oo ballaaran, kaasoo ay u adeegsan lahaayeen qoryo iyo waxyaabo qarxa.

    Booliisku waxay sheegeen in ay raggan isku dayayeen in ay weerarkooda u adeegsadaan AK47, bambooyinka gacanta laga tuuro iyo waxyaabaha bambooyinka laga sameeyo.

    Raggan oo da’doodu u dhaxayso 21 ilaa 34 ayaa la xiray Khamiistii.

    Saddex ayaana horay loogu xiray in ay isku dayayeen in ay u safraan dalka dibaddiisa si ay ugu soo dagaalamaan malayshiyaad ajaaniib ah.

    Dacwad oogeyaasha ayaa sheegay in ninka xuddunta u ah arrintan oo 34 jir ah uu asal ahaan ka soo jeeedo Ciraaq, sannadkii 2017kii ayaana lagu helay in uu isku dayayay in uu u safro dibadda si uu ugu soo dagaalo kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.

    Khariidad
  6. Trump oo ammaan kala dul dhacay ninka uu magacaabay ee tacaddiyada galmada loo haysto

    Maraykan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweyne Trump ayaa ammaan kala duldhacay Brett Kavanaugh oo ah xaakimka uu u magacaabay maxkamadda ugu sarraysa dalka Maraykanka, isaga oo ku bogaadiyay qaabka uu uga soo hormuuqday guddiga Senate-ka.

    Intii ay socotay doodda kulul ee qiirada leh, Brett ayaa diiday in uu tacaddi galmo kula kacay Christine Blasey Ford markii ay da'yarta ahaayeen.

    Christine ayaase ooyday iyadoo guddiga u sheegtay in ay nolosheeda u cabsatay markii Brett Kavanaugh uu isku dayay in uu kufsado.

    Waxay ku eedaysay in isaga iyo mid ka mid ah saaxiibbadii ay ku qoslayeen intii ay tacadiga u gaysanayeen.

    Balse jawigii daganaa ee Christine su'aalaha lagu waydiinayay waxaa si dhakhso ah u baddalay muran adag oo dhex maray xubnihii Jamhuuriga iyo kuwiii Dimuqraadiga ee gudigga sannadka ka wada tirsanaa.

  7. Canada oo maamuus naadir ah kala noqotay Aung San Suu Kyi

    Xildhibaannada labada aqal ee dalka Canada ayaa isku raacay in ay muwaadinimo sharafeedka kala laabtaan hoggaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi.

    Meelmarinta Mawshinkan ayaa jawaab u ahaa sidii ay ugu guul darraysatay joojinta dhibaatadii loo gaystay Muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalkeeda.

    Suu Kyi ayaa ku guulaysatay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize 1991-dii iyadoo ku mutaysatay dadaalkii ay ku bixisay in ay dimuqraadiyad ka dhaliso dalka Myanmar oo sidoo kale loo yaqaanno Burma - kaas oo markaas milatari xukumay.

    Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay bishii hore ayay ku sheegtay in ay waajib tahay in baaritaan lagu sameeyo hoggaamiyeyaasha milatariga dalka Myanmar iyadoo la eegayo xasuuq ay u gaysteen Rohingyas.

    Ugu yaraan 700,000 oo ruux oo Rohingya ah ayaa rabshadaha isaga firxaday 12 bilood ee la soo dhaafay.

    Myanmar

    Xigashada Sawirka, Reuters

  8. Erdogan oo booqasho ku tagay Jarmalka oo aysan isku wanaagsanayn

    Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku sugan dalka Jarmalka isaga oo booqasho qaran oo saddex maalmood ah halkaas ku qaadan doona.

    Inta uu booqashadaas ku jirana dhawr kulan ayuu la qaadan doonaa hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel.

    Masuuliyiintan waxay doonayaan in ay hagaajiyaan calaaqaadka aadka u xumaaday ee labada dal.

    Angela Merkel ayaa Khamiistii sheegtay in ay doonayso in ay Turkiga kala shaqayso dhanka dhaqaalaha, sidoo kalana ay kala hadli doonto xaaladda banii'aadminimo ee dalkaas.

    Amaanka magaalada Baarliin (Berlin) ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la filayaa in ay isu soo baxyo ku qabtaan dad taageersan Erdogan iyo kuwo ka soo horjeeda.

    Erdogan iyo Merkel

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  9. Nikki Haley oo ka qayb gashay mudaaharaad lagu diidan yahay Maduro

    Nikki Haley

    Xigashada Sawirka, AFP/GETTY

    Danjiraha Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay Nikki Haley ayaa ku biirtay dad ka soo horjeeda dawladda Venezuela oo mudaaharaad ka dhigayay dibadda xarunta Qaramada Midoobay, arrintaas oo ah mid aan aad loo filaynin. Dadkaas ayaa dalbanayay in uu xilka banneeyo madaxweyne Nicolas Maduro.

    Waxaa la maqlayay Nikki oo sheegaysa in Maraykanku uu dagaalka sii wadi doona tan iyo inta Maduro uu xilka ka dagayo.

    Arrintan ayaa timid maalin uun ka dib markii madaxweyne Donald Trump uu bidhaamiyay in tallaabo milatari laga qaadi doono xukuumadda Maduro.

    Madaxweyne Nicolas Maduro ayaa daqiiqaddihii u dambeeyay u soo safray shirka Qaramada Midoobay ee ka dhacaya magaalada New York ka dib markii uu Trump jeediyay hanjabaadaas, Maraykankana wuxuu ku eedeeyay gardarro joogto ah.

    Maduro ayaa la filayay in uu ka baaqdo shirka Qaramada Midoobay sidii sannadkii hore oo kale

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Maduro ayaa la filayay in uu ka baaqdo shirka Qaramada Midoobay sidii sannadkii hore oo kale
  10. Kulanti wanaagsan akhyaarta hawada nagala xiriirtaay, kuna soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

    Waa maalin Isniin ah oo ay taariikhdu tahay 28 bisha Sebtembar sannadka 2018.

  11. Garsoore geeriyooday isagoo cayaar dhexdhexaadinaya

    Victor Marah

    Victor Marah oo ah garsoore kubbadeed oo reer Sierra Leonean ah ayaa geeriyooday ka dib markii uu sarajoogga ka dhacay isaga oo dhexdhexaadinaya ciyaar ka dhacaysay magaalada Freetown Talaadadii.

    Arrintan ayaa dhacday daqiiqado ka hor dhamaadka ciyaar aad loogu soo daawasho tagay oo dhex maraysay Kroo Bay iyo Falcon 12 FC.

    Waxaa la sameeyay isku dayo lagu doonayay in lagu badbaadiyo 27 jirkaas, isbitaalkii loola cararay ayaase ku dhawaaqay in ay naftu ka baxday.

    Wali lama oga waxa rasmiga ah ee sababay geeridan inkan.

    Marah ayaa toddobaadyo ka hor magaalada Qaahira ku soo qaatay tababar dhanka garsoorka kubadda ah oo ay bixisay hay’adda maamusha Kubbadda Cagta Afrika ee magaceeda loo soo gaabiyo Caf.

  12. Hooyooyin Kenyan ah oo culays lagu saaray in ay dilaan carruurtooda naafada ah

    Daraasad cusub ayaa lagu ogaaday in ku dhawaad kala bar hooyinka carruurta naafada ah haysta ee dalka Kenya in cadaadis lagu saaro in dhashooda khaarajiyaan.

    Daraasadddan oo labo sano socotay oo ay hir galiyay hay’adda Disability Rights International ayaa sidoo kale lagu ogaaday in dumarka carruurta naafada ah haysta mar kaste lagu eedeeyo xaaladda ay carruurtoodu ku sugan yihiin.

    In kabadan labo meeloodow saddex hooyooyinka waraysiga lala yeeshay ah waxay sheegeen in carruurta naafada ah loo arko cuqubo.

    Cilmi baareyaasha ayay u sheegeen in lagu eedeeyo in ay dunuub gaysteen ayna iyagu gacmahooda ku galab sadeen.

    Waxaa jirta ayeeyo ku talisay in ilmaha irbad lagaga duro xididka si uu si sahlan ugu dhinto. Hooyo kalana waxaa lagula taliyay in ay Acid siiso ilmaheeda yar ee naafada ah.

    Si kastaba ha ahaatee cilmi baaristan ma aysan soo bandhigin tirada qoysaska aqbalay talooyinkaas ee khaarajiyay carruurtoodii naafada ahayd.

    Balse BBC-da ayaa loo sheegay in arrimahaas loo fuliyo si qarsoodi ah, sidaas daraadeedna aan xog rasmi ah laga haynin.

    Bulshooyin badan oo dunida ku kala nool oo horay u dili jiray carruurta naafada ah ayaa dhaqankaas ka tanaasulay. Dalka Kenyana sharci darro ayay ka tahay arrintaas.

    Naafo

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  13. IMF oo dhaqaale aad u badan ku kabaysa Argentine

    Hay'adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ogolaatay in ay Argentina si degdeg ah u siiso lacag gunti-giijis ah oo ka badan middii ay markii hore qorshaysay, Christine Lagarde oo ah madaxa shirkadda Lacagta Adduunka ayaa sheegtay in ay tahay lacagtii ugu badnayd qorshayso IMF.

    Dhaqaalihii ay miisaaniyadda Argentina ku kabi lahayd saddexda sano ee soo socota oo ahaa 7 bilyan ayay hadda ka dhigi doontaa 57 bilyan oo doolarka Maraykanka.

    Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo Argentine ay wajahayso miisaaniyad yari iyo khalkhal dhaqaale oo ka sii daray markii ay dhulka gashay lacagta Argentine ee Peso.

    Peso

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  14. Hindiya oo isbadal ku samaysay sharciga gogol dhaafka

    Maxkamadda sare ee dalka Hindiya ayaa go’aamisay in gogol dhaafku uusan ahayn dambi la isu ciqaabi karo.

    Maxkamadda ugu sarraysa dalkaas ayaa meesha ka saartay sharci soo jiray 158 sano kaas oo dhigayay in nin walba oo u galmooda dumar la qabo isagoon fasax ka haysanin ninkeeda in ay arrintaasi dambi tahay.

    Ma cadda inta nin ee dambigaas loo maxkamadeeyay, mana jirto diiwaan galin arrintaas laga hayo tan iyo markii la dhaqan galiyay.

    Dadka sharcigan diidanaa ee maxkamadda dacwadda geeyay ayaa sheegay in uu faquuqayo ragga iyo dumarka.

    Xaakim Dipak Misra oo go’aanka maxkamadda akhrinaya ayaa sheegay in “gogol dhaafku uu xaalad ka yahay bulshada dhexdeeda uuna keeni karo furriin, balse uusan ahayn fal dambiyeed”.

    Wuxuu intaas ku daray in sharcigaasi uu faquuqayo dumarka “isla markaasna uu dumarka ula dhaqmayo si sumcad darro ah”.

    Dipak Misra

    Xigashada Sawirka, Reuters

  15. Booliiska magaalo Mexico ku taalla oo dhammaantood baaritaan lagu hayo

    Booliiska ka shaqeeya magaalo xeebeedka loo tamashle tago ee Acapulco ee dalka Mexico ayaa dhammaantood baaritaan lagu hayaa iyadoo looga shakisan yahay in ay ku milmeen kooxo dambiile yaal ah.

    Ciidammada badda ayaa isku gadaamay xarumihii booliiska waxayna hubka ka dhigeen 700 oo askari.

    Booliiska faderaalka iyo milatariga ayaa hadda gaaf wareegaya magaalada.

    Acapulco ayaa 1950yadii iyo 1960yadii noqotay magaalo caannimo iyo dhaqaale badni isku darsatay balse wixii intaas ka dambeeyay waxay xuddun u noqotay daroogo ka ganacsiga waxaana ku batay dilalka.

    Maxaa dhacay?

    Ciidammada badda, booliiska gobolka iyo booliiska faderaalka ayaa fuliyay hawlgal wayn Talaadadii.

    Waxay isku gadaameen xarrumaha waawayn ee booliiska magaalada Acapulco, jidgooyooyin ayayna dhigeen.

    Intaas ka dibna xarummaha ayay galeen ka dibna boqolaal booliis ah ayay hubka ka dhigeen waxayna kala wareegeen qoryihiii, rasaastii, qalabka xabbadda difaaca iyo qalabkii ay ku xiriiri jireen.

    Waxay sidoo kale xireen labo taliye oo booliis ah oo looga shakisan yahay dil. Taliyaha booliiska waddada wayn Acapulco ayaa isna la xiray ka dib markii lagu arkay isaga oo wata hub aan diiwaan gashanayn.

    Mexico

    Xigashada Sawirka, AFP

    Mexico

    Xigashada Sawirka, Reuters

  16. Trump oo farogalin doorasho ku eedeeyay Shiinaha

    Maraykan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Shiinaha Wang Yi ayaa diiday eedayn uu u soo jeediyay madaxweyne Trump taas oo ah in Beijin ay farogalinayso doorashooyinka congress ee bisha Nofembar ka dhacaya dalka Maraykanka.

    Wang ayaa sheegay in Shiinuhu uusan farogalinin siyaadaha gudaha ee dalalka adduunka midkuu doonaba ha noqdee.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

    Trump ayaa eedayntan jeediyay isaga oo hoggaaminaya shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

    Trump ayaa sheegay in Shiinuhu uusan rabin in xisbiga Jamhuurigu uu ku guulaysto doorashada maadaama oo maamulkiisu caddaadis ku hayo ganacsiga Shiinaha.

  17. Kulanti wanaagsan akhyaarta hawada nagala xiriirtaay kuna soo dhawaada tabintan tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalaamka.

    Waa maalin Khamiis ah oo ay taariikhdu tahay 27 bisha Sebtembar sannadka 2018.

  18. Ururrada shaqaalaha Nigeria oo billaabaya shaqo joojin qaran

    Ururrada ugu waawayn dalka Nigeria ayaa billaabaya shaqo joojin qaran Khamiista ka dib markuu dhici soobay wadahadalladii ay dawladda kula jireen ee ku saabsanaa sare u qaadidda dhaqaalaha ugu hooseeya ee shaqaalaha la siin karo, sida ay ku warrant ay wakaaladda wararka ee Reuters.

    “Qorshahanaga ayaan ku dhaqaaqaynaa,” ayuu yiri Peter Ozo-Eson oo ah xoghayaha guud ee dalladda ururrada NLC oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Dawladda ayaa ballan qaaday in ay dib u fiirin doonto dhaqaalaha ugu hooseya ee shaqaalaha la siiyo iyadoo uu sare u sii kacayo qiimaha nolusha.

  19. Dadka Koonfur Afrika oo ka carooday gabadh makhaayad lagu dhex kufsaday

    Shacabka dalka Koonfur Afrika ayaa caro ka muujiyay war soo yeeray oo sheegaya in gabadh toddobo jir ah lagu kufsaday suuli ku yaalla makhaayad.

    Wiil 20 jir ah ayaa lagu eedeeyay in uu ka dabo galay qaybta dumarka ee suuliga ka dibna jiitay oo la galay qaybta ragga kuna kufsaday, sida ay booliisku sheegeen.

    Wiilka laga shakisan yahay ayaa isla goobtii lagu xiray, waxaana lagu dacweeyay kufsi iyo in uu daroogo watay.

    Xabsiga ayaa lagu hayaa lamana waydiinin in uu qiranayo dambiga iyo in kale.

    Koonfur Afrika ayay ka dhacaan kufsiyada ugu badan dunida oo dhan.

    Booliiska ayaa diiwaan galiyay 40,035 dacwadood oo kufsi ah muddo 12 bilood ah, arrintaas oo ka dhigan in ay 110 kufsi dhacaan maalin walba, sida ay sheegtay hay’ad xaqiiqada raadisa oo la dhoho Africa Check.

  20. Dadka Deegaanka Soomaalida ma xorriyadday xamili la'yihiin?

    Tan iyo markii uu meesha ka baxay maamulkii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida waxaa jirtay inay kordhayeen rabshadaha iyo xiisadaha ka dhacaya guud ahaan deegaanka Soomaalida.

    Xaaladda Dawlad Deegaanka Soomaalida ayay muddooyiinkii ugu dambeeyay hareeyeen rabshado salka ku haya kala duwanaanshaha dhanka siyaasadda ee bulshada dhexdeeda.

    Waxaa haatan degan xaaladda magaalada Jigjiga kaddib iska hor imaadyo maalmihii lasoo dhaafay halkaasi ku dhexmaray dhallinyaro taageersan iyo kuwa diiddan ururka ONLF.

    Maamulka Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa ku eedeeyay dad taabacsan nimaadkii hore inay ka dambeeyeen rabshadaha ka dhacayay Jigjiga oo uu ku dhawaacmay ugu yaraan hal qof.

    Laamaha ammaanka ayaa magaalooyinka Jigjiga iyo Dhagaxbuur ka xirxiray tiro dad ah oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen falalka ammni darro ee ka dhacayay dhawaanahan deegaankaasi.

    Haseyeeshee, dadka deegaanka ayaa walaac ka muujiyay rabshadaha dhawaanahan ka dhacayay deegaanka, waxayna inta badan rumeysan yihiin in xoriyada la helay aanan looga faa'iideysan sidii ay ahayd.

    Calanka Dawlad Deegaanka Soomaalida

    Xigashada Sawirka, SRTV