Tebinta tooska oo inoo soo bilaabatay saaka intaasi ayay inooga dhan tahay, halkan kala socda wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka. Mahadsanidiin.
Maxay ku heshiiyeen dowladaha Eritrea iyo Soomaaliya?
Tebinta tooska oo inoo soo bilaabatay saaka intaasi ayay inooga dhan tahay, halkan kala socda wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka. Mahadsanidiin.
Tebin toos ah
Ururka Taalibaan oo kulan dalka Qatar kula yeeshay sarkaal sare oo Amerikaan ah
Saraakiil ka socotay ururka Taalibaan ayaa kulan qarsoodi ah kula qaadatay dalka Qatar dublumaasi sare oo Amerikaan ah, sida ay BBC-da u sheegeen illo wareedyo.
Kulanka ay saraakiisha Taalibaan kula yeesheen magaalada Dooxa ku-xigeenka xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Alice Wells ayaa ah mid muhiim ah, sida uu sheegay mid kamid ah saraakiisha Taalibaan.
Kulanka tooska ee Mareykanka uu la yeeshay Taalibaan iyadoo aysan joogin saraakiil matalayso dowladda Afqanistaan wuxuu muujinaya in guul laga gaaraya siyaasadda xukuumadda Washington ay ku doonayso inay kusoo afjarto dagaalkii ugu muddo dheeraa uu Mareykanka galo.
Madaxa xiriirka kubadda cagta Afrika oo bilaabay dagaal ka dhan ah musuq maasuqa

Xigashada Sawirka, .
Qoraalka sawirka, Madaxa xiriirka kubadda cagta ee Afrika Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta ee Afrika Axmed ayaa sheegay in kubadda cagta ee Afrika ay door wayn ka qaadatay dagaalka lagu la jira ciribtirka musuq maasuqa.
Wuxuuna sheegay in musuq maasuqa uu saamayn wayn ku haya qaaradda Afrika iyo caalamka.
Madaxa xiriirka kubadda cagta ee Afrika oo Axaddii ka hadlayay dalka Mauritius ayaa sheegay inuu hayo tallaabooyin dhowr ah oo lagula dagaalamaya musuq maasuqa tan iyo intii uu xilka qabtay 16 bilood ka hor.
Wuxuu barnaamijka cayaaraha ee BBC uu u sheegay inay la yimaadeen shuruuc hor leh iyo tallaaboyin ka dhan ah musuq maasuqa.
Robert Mugabe wuu codeeyay
Waa doorashadii ugu horreysay ee Zimbabwe laga qabo kaddib xukunkii Mugabe, balse Robert Mugabe wuxuu u muqdaa nin awood leh kaddib markii dhawaan uu ka hadlay arrimaha doorashada ee dalkaasi.
Dad isu soo uruuray deegaanka Highfield oo ku yaalla duleedka magaalada Harare ayaa sacab, qaylo iyo soo dhawayn isku daray markii ay arkeen Robert Mugabe oo maanta codkiisa ka dhiibanaya doorashada.
Robert Mugabe ayaa xilka laga tuuray bishii Nofembar ee sannadkii tegay kaddib muddo 37 ah uu dalkaasi ka talinayay.
Kormeerayaasha oo amaanay sida nabadda leh ay u socoto doorashada Zimbabwe’
Markii hore, kormeerayaasha caalamiga ah looma ogolayn inay tagaan dalka Zimbabwe balse doorashadan kormeerayaal badan oo ka socda dalalka caalamka ayaa dusha kala socda howlaha codbixinta.
Markii ugu horreysay muddo 16 sanno ah, kormeerayaal ka socda Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa loo ogolaaday inay soo indha-indheeyaan doorashada Zimbabwe.
Sidoo kale dalka Zimbabwe waxaa joogaa kormeerayaal ka socda ururka Sadc iyo ha’yado aan dawli ahayn oo dalkaasi ka howlgala.
Waxayna isha ku hayaan sidii howlaha doorashada ay si habsami leh ugu socon lahaayeen.
Weriyaha BBC-da Fergal Keane ayaa la kulmay mid kamid ah kormeerayaasha oo dalkiisa Zimbabwe muddo dibadda uga maqnaa.
Ka bood X bogganOggolow X macluumaadkaDigniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahanMacluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Kooxda IS oo carruur iyo haween ku qafaashay dalka Suuriya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Qowmiyadda Druze waa qowmiyadda saddexaad ee laga tiro badan yahay ee ku nool dalka Suuriya Kooxda la baxday dowladda islaamka ee IS ayaa in ka badan 30 qof oo isugu jiro carruur iyo haween ku afduubtay dalka Suuriya, sida ay sheegeen kooxda la socoto xaaladda Suuriya warbaahinta maxalliga.
Waxaa la rumaysan yahay in carruurta iyo haweenka ay ku qabsadeen weerar toddobaadkii lasoo dhaafay ay ku qaadeen gobolka Suweydda oo ay ku badan yihiin qowmiyadda Druze ee laga tiro badan yahay.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in tiro haween ah ay ka baxsadeen kooxda halka 2 haween ay dhinteen.
Ilaa iyo hadda kooxda IS kama aysan hadlin afduubka carruurta iyo haweenka.
Maxay ku heshiiyeen dowladaha Eritrea iyo Soomaaliya?

Xigashada Sawirka, TWITTER
Qoraalka sawirka, Farmaajo iyo Afwerki oo is gacan qaadaya War-murtiyeed laga soo saaray kulankii dhexmaray madaxweynaha Eritrea Isias Afwerki iyo madaxweyanaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay mandiqadda kaga taalla goob istraatiiji ah islamarkaasna ay leedahay khayraad dabiici ah, Eritrea waxay si mug ah u taageeri doontaa madaxbannaanida, siyaasadeed, qarannimada iyo midnimada Soomaaliya.
Qodobada ay ku heshiiyeen waxaa kamid ah.
1.Soomaaliya iyo Eritrea waxay sheegeen inay ku dadaalayaan ka shaqaynta iskaashi taabanaya dhinacyada dhaqaalaha ,siyaadda, dhaqanka, arrimmaha bulshada iyo amniga.
2.Xoojinta xiriirka dublumaasiyadeed ee labada dal ka dhexeeyo, waxayna mas’uuliyiinta labada dal ay sheegeen inay is dhaafsan doonaan danjirayaal.
3. Eritrea iyo Itoobiya waxay ka wada shaqayn doonaan sare u qaadidda ganacsiga iyo inuu maalgeshi ka dhexayn doono labada dal.
4. Labada dal waxay si wadajir ah ay isaga kaashanayaan sidoo loo horumarin lahaa nabadgalyda, waxbarashada iyo isdhexgalka dhaqaale ee gobolka.
Mareykanka: Doorashada Zimbabwe dusha ayaa kala soconaa
Safiirka Mareykanka u fadhiya Zimbabwe ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo bandhigay sawirro muujinaya isagoo la joogo qaar kamid ah codbixiyaasha dalka Zimbabwe iyo isagoo la hadlaya saraakiisha guddiga doorashada ee dalkaasi.
Safiirka ayaa ku sugnaa goobaha codbixinta ee ku yaalla waqooyiga iyo koonfur bari magaalada caasimadda ee Harare.
Ka bood X boggan, 1Oggolow X macluumaadkaDigniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahanMacluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 1
Ka bood X boggan, 2Oggolow X macluumaadkaDigniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahanMacluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 2
Axaddii ku-xigeenka arrimaha qaaradda u qaabilsan dalka Mareykanka Tibor Nagy ayaa la kulmay labada musharrax ee u tartamaysa xilka madaxtinimo, waxayna u ballan qaadeen inay ka shaqayn doonan sidii ay u dhici lahayd doorasho nabad ah.
Wuxuuna intaasi ku daray in adduunka uu daawanaya doorashada Zimbabwe.
Al Shabaab oo weerartay saldhig ay Amisom ku leedahay Imbareesa
Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay saddex kalena way dhaawacmeen ka dib markii Alshabaab ay barqadii maanta hoobiyayaal ku weerartay saldhiga AMISOM ee tuulada Imbareesa ee duleedka Baraawe xilli diyaaqad kuwa qumaatiga u kaca ah oo sahay siday ay xerada ku dagtay sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Illaa saddex hoobiye ayaa ku dhacay gudaha iyo hareeraha xerada.
Lama oga khasaaha ka dhashay hoobiyayaasha ku dhacay gudaha xerada laakiin hoobiye ku dhacay tuulada ayaa keenay dhimashada hal qof oo rayida ah iyo dhaawaca saddex kale sida uu BBC-da u sheegay gudoomiyaha Baraawe Xuseen Barre Maxamed.
Alshabaab ayaa todobaadkii hore sidan oo kale weerar madaafiic ah ku qaaday doon sahay u siday ciidammada Midowga Afrika ee jooga Baraawe inkastoo aan la soo sheegin khasaare ka dhashay.
Alshabaab horey waxay weerar ugu qaadi jirtay kolonyada sahayda u sida ciidammada AMISOM ee jooga Baraawe taasoo culays weyn ku keentay hawlgalka ciidammada ee magaalada Baraawe.
Xisbiga talada haya ee Cambodia oo sheegay inay ku guulaysteen doorashada

Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Hun Sen oo codkiisa dhiibanaya, wuxuu doonaya inuu mar kale dalka Cambodia kasii taliyo Xisbiga uu hoggaamiya Ra’iisul wasaaraha dalka Cambodia Hun Sen ayaa sheegay inay ku guulaysteen doorashadii dalkaasika dhacday oo aysan jirin mucaarad loolan kula jiray dowladda.
Xisbiga CPP ayaa sheegay inay ku guulaysteen dhammaan kuraasta baarlamaanka oo gaaraya 125 islamarkaasna ay heleen natiijada doorashada boqolkiiba 77.5.
Dadka dhaleecaya dowladda waxay ku tilmaameen doorashada mid caddaalad darro ah oo aan waxbo ka jirin.
Ra’iisul wasaaraha Cambodia ayaa xilka hayay tan iyo sannadkii 1985-kii
Warshadda caanaha ee Hargeysa
Deegaanka Jaleelo oo 30km dhinaca woqooyi bari ka xiga magaalada Hargeysa ayaa laga dhisay warshad weyn oo caanaha.
Warshadan ayaa saacadiiba soo saari karta toban kun oo litir oo ah caano dhay ah, taasoo maamulku sheegay inay ugu talo galeen suuqyada dalalka geeska afrika qaarkood.
Warshadda waxaa ku baxday lacag ka badan lix iyo toban milyan oo dollar, sida uu BBC-da u sheegay Axmed Cismaan Geelle oo ah milkiilaha warshadda.
Hoos ka dhagayso waraysi uu weriyaha BBC Axmed Siciid Cige siiyay.
Labo ruux oo Maraykan ah oo lagu dilay Tajikistan
Afar ruux oo ajaaniib ah ayaa dhintay Axaddii ka dib markii uu maray gaari iyaga oo baaskiil ku wada Tajikistan, masuuliyiinta deegaankaas ayaana hadda ku warramaya in laga yaabo in si ula kac ah baabuurka loo mariyay.
Labo ruux oo dalka Maraykanka u dhashay iyo labo kale oo u kala dhashay Switzerland iyo Netherlands ayaa dhintay Axaddii, iyaga oo ku sugan deegaanka Danghara oo 70km koonfur bari ka xigta magaalada caasimadda ah ee Dushanbe.
Saddex ruux oo dalxiiseyaal ah ayuu gaarigu dhaawacay, ka dibna dadkii watay gaariga ayaa ka tagay goobtii.
Safaaradda Maraykanka ee Dushanbe ayaa war qoraal ah ku sheegtay in labo ruux oo Maraykan ah la dilay, balse ilaalinta xogta shaqsiga awgeed aysan awoodin in ay faahfahin intaas ka badan bixiso.

Guddiga xuquuqul insaanka Somaliland oo la ansixiyay
Baarlamaanka Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad weyn ah ku ansixiyay komishanka cusub ee xuqaal insaanka, kaas oo ka kooban toddoba xubnood oo markii ugu horeysay laba haween yihiin.
Xubnaha cusub oo marka hore ay soo xulaan gudi madax banaani kadibna uu soo magacaabo madaxweynuhu si baarllamaanku u ansixiyo ayaa waxay ballanqaadeen inay hawshooda u gudan doonaan si dhexdhexaadnimo ah oo cadaalad ah.
Toddobadam xubnood ayaa kala ah:
1 Maxamed Baaruud Cali
2 Rooda Axmed Yaasiin
3 Weris Abshir Xaaji Diiriye
4 Muuse Cismaan warsame
5 Saleemaan Warsame Guuleed
6 Cumar Maxamuud Xuseen
7 iyo Cabdirashiid Saciid Cindi.

Chamisa oo codkiisa ka dhiibtay goob dad badan
Nelson Chamisa oo loo arko ninka ugu kurkuroon dadka la tartamaya madaxweynaha Zimbabwe Emerson Mnangagwa ayaa codkiisa ka dhiibtay duleedka magaalada caasimadda ah ee Harare.
Wariye BBC-da ka tirsan oo sugaya in uu waraysi ka qaado Chamisa ayaa sawirkan soo dhigay Twitterka.
Ka bood X bogganOggolow X macluumaadkaDigniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahanMacluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Mnangagwa: dhammaanteen walaalo ayaan nahay
Madaxweynaha Zimbabwe Emerson Mnangagwa oo ka mid ah 23 murashax ee u tartamaya doorashada madaxweynenimada ayaa Twitterka ku soo qoray fariin nabadeed, iyadoo dadka dalkaasi ay codkooda dhiibanayaan.
Doorashadii hore waxaa hareeyay rabshado iyo cago juglayn, balse xukuumadda hadda talada haysa ayaa isku dayaysa in ay dunida tusto in doorashada u horraysa Mugabe ka dib ay noqoto mid ka duwan sidii hore.
Mnangagwa ayaa ku baaqay dulqaad isaga oo soo qoray “Ama waynu wada quusi ama waynu wada dabaalan”.
Ka bood X bogganOggolow X macluumaadkaDigniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahanMacluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Sawirrada kulanka Farmaajo iyo ONLF
Waxaa isa soo taraya wararka laga helayo kulankii dhex maray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Gudoomiyaha Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogadenia.
Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed ayaa Twitterkiisa soo galiyay sawirradan laga qaaday kulankaas.
Ka bood X bogganOggolow X macluumaadkaDigniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahanMacluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Dabka California oo sii xoogaysanaya
Dabka halista ah ee hadda ka kacaya California oo dad laayay ayaa sii xoogaysanaya, sida ay masuuliyiintu ka digayaan, inkastoo kumannaan shaqaalaha dab damiska ah ay isku dayayaan in xakameeyaan.
"Cimilada oon la saadaalin karin" iyo hawada oo qalalan ayaa horseeday in dabku uu sii xoogaysto Axaddii, sida ay sheegeen shaqaalaha dab damiska.
Waa mid ka mid ah siddeed dab oo waawayn oo hadda ka kacaya gobolka.
Dabka ka huraya deegaanka Shasta ee waqooyiga California ayaa illaa iyo hadda dilay lix ruux, waxaana ka mid ah labo carruur ah iyo ayaydood.

Xigashada Sawirka, AFP
Farmaajo iyo ONLF oo Casmara ku kulmay
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa BBC-da u xaqiijiyay in uu kulan dhex maray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hoggaanka ugu sareeya Jabhadda Xoreynta Ogaden ama ONLF.
Isaga oo ku sugan magaalada Casmara, qeybna ka ah weftiga madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayuu wasiirka sheegay in kulanka uu ahaa mid aanan horey loosii qorsheynin, wuxuuna yiri "Ugu horeyn madaxweynaha waxa uu kulan la qaatay hoggaanka saree e ONLF, kaas oo ahaa mid aan horey loosii qorsheynin, markii aan halkan nimid ayay noo yimaadeen, waa kulmay, aad iyo aad ayaa loosoo dhaweeyay, kulanka qeybtiisa hore mid furan ayuu ahaa anagana waan ka qeybgalnay, qeybta kale madaxweynaha ayay isku hareen, waxaana laga wada hadlay guud ahaan arrimaha Geeska Afrika".
Hadalka wasiirka ayaa soo baxay xilli warbaahinta Soomaalida ay aad u tabinayso war ku saabsan in madaxweyne Farmaajo uu raaligalin ka bixiyay dhiibistii dowladda Soomaaliya ay Itoobiya u dhiibtay Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ah sargaal sare oo ONLF ka tirsan, markii dambena dowladda Itoobiya ay xabsiga kasoo daysay.

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA
Dadka Zimbabwe oo u dareeray codaynta doorashada
Dadka reer Zimbabwe ayaa codadkooda ka dhiibanaya doorashadii u horraysay ee dalkaas ka dhacda tan iyo markii xilka laga wareejiyay madaxweyne Robert Mugabe bishii Nofeembar.
Waa markii koobaad ee la qabto doorasho uusan Mugabe ka qaybqaadanaynin tan iyo1980.
Emmerson Mnangagwa oo badalay ayaa isku dayaya in uu doorshadan ku sharciyaysto xilkiisa.
Ninka tunka wayn ee ay is hayaan ayaa waa Nelson Chamisa oo ah hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee MDC, kaas oo caan ka ah dhallinyarada dhexdooda.

Xigashada Sawirka, AFP

Xigashada Sawirka, Reuters
Dhulgariir 200 oo ruux ku xayiray buur dusheed
In kabadan 200 oo ruux oo ah dadka buuraha kora ayaa ku xayiran buur ku taalla jasiiradda Lombok ee dalka Indonesia, ka dib markii dhulgariir dad badan laayay uu gooyay marinnadii ay ku soo dagi lahaayeen.
Boqollaal ruux oo shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa hadda ku hawlan samato bixinta dadka ku xayiran buurta Mount Rinjani oo soo jiidata dad badan oo buuraha kora.
Dhulgariir heerkiisa lagu qiyaasay 6.4 cabirrka dhulgariirka ah ayaa Axaddii ku dhuftay meel aan sidaa uga fogayn buurta.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ugu yaraan 14 ayaa ruux ku dhintay dhulgariirka, in kabadan 160 ruux ayaana ku dhaawacamay.
Kumannaan guri ayay waxyeello ka soo gaartay dhulgariirka, boqolaal ruux ayaana hoy la’aan noqday, ka dib markii uu dhaqdhaqaaqu ka sii socday Lombok iyo jasiiradda ka ag dhaw ee Bali.

Xigashada Sawirka, Getty Images
