Qalbidhagax oo la sii daayey

Tabinteenna tooska ah oo soo bilaabatay saaka waa naga intaa. Waxaan dib u kulmi doonnaa berri subax, inta ka horraysa wararkii maanta halkan kala sii socda.

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Qalbidhagax oo la sii daayey

    Qalbi dhagax wuxuu sheegay in uu caalamka la socday

    Xigashada Sawirka, Abdirahman Mohamed Saahid

    Qoraalka sawirka, Qalbi dhagax wuxuu sheegay in uu caalamka la socday

    Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbidhagax) oo muddo sannad ku dhow ku jiray gacanta dawladda Itoobiya ayaa maanta si rasmi ah xorriyaddiisa dib ugu helay

    Qalbidhagax oo sii deyntiisa ka dib la hadlay BBC ayaa sheegay in uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay.

    Wuxuu intaa ku daray in muddadii uu xirnaa uu haystay Raadiye iyo Internet, uuna la socday waxyaabaha caalamka iyo gobolka ka dhacaya.

    Muddo sannad ku dhow ayuu xirnaa

    Xigashada Sawirka, Abdirahman Mohamed Saahid

    Qoraalka sawirka, Muddo sannad ku dhow ayuu xirnaa

    Wuxuu BBC u sheegay in sii deyntiisa ay ka dambeeyeen dawladda Itoobiya, odayaal iyo xubno ka tirsan hay’adda xuquuqda aadanaha ee Itoobiya.

    Qalbi dhagax ayaa bishii Agoosto ee sannadkii hore laga qabtay bartamaha Soomaaliya, muddo yar oo uu ku jiray gacanta dawladda Soomaaliya ka dibna waxaa lagu wareejiyey dalka Itoobiya.

    Caro xoog leh ayaa ka waxay dhalatay dhiibistiisa.

  2. Itoobiya oo guddi baaritaan u saartay rabshadihii dalka ka dhacay

    Horraantii todobaadkan ayuu qarax ka dhacay banaanbax lagu qabtay fagaaraha Meskel

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Horraantii todobaadkan ayuu qarax ka dhacay banaanbax lagu qabtay fagaaraha Meskel

    Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa guddi isku dhaf ah u saaray inay baaritaan ku sameeyaan ciddii ka dambaysay isku dhaca qowmiyadaha iyo qaraxii ka dhacay banaanbax uu ka khudbaynayey.

    Waxaa kale oo hawlaha guddigaas ka mid ah inay baaraan bangiyada la dhacay, gaar ahaan bankiga Abyssinia.

    Labada fal ee ah in banki la dhaco iyo in dharaar cad qarax laga sameeyo magaalada caasimadda ayaa ah laba arrimood oo ku cusub Itoobiya.

    Ilaa 30 qof ayaa loo xiray qaraxa

    Xigashada Sawirka, Youtube

    Qoraalka sawirka, Ilaa 30 qof ayaa loo xiray qaraxa

    Qaraxa oo horraantii todobaadkan ka dhacay fagaaraha Meskel ee magaalada Addis Ababa, in yar ka dib markii uu halkaa khudbad ka jeediyey ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, ayaa waxaa loo xirxiray ilaa 30 qof oo 9 ka mid ah ay ka tirsan yihiin booliska, midkoodna uu yahay taliye ku xigeenkii booliska Addis Ababa.

    18 dadkaas ka mid ah ayaa maxkamad la geeyey, booliskuna wuxuu codsaday in la saiiyo 20 maalmood si ay eedeymahooda u soo diyaarsadaan, hase yeeshee maxkamadda ayaa siisay inay 14 maalmood hawshaas ku soo qabtaan.

  3. Dalkii ugu dambeeyey ee Afrika oo ka haray koobka Adduunka

    Cayaar wanaag ayaa lagu reebay Senegal

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Cayaar wanaag ayaa lagu reebay Senegal

    Dalkii ugu dambeeyey ee shanta dal ee qaaradda Afrika uga qayb galayey cayaraha aduunka ayaa goor dhow tartanka uga haray si ciriiri ah.

    Senegal ayaa cayaartii ay la lahayd Colombia waxaa looga badiyey 1-0.

    Colombia ayaa sidaa kaalinta 1aad ee guruubka H ugu soo baxday.

    Kaalinta labaad waxaa soo wada galay Senegal iyo Japan oo min 4 dhibcood leh. Dhinaca farqiga goolashana isku mid ayey ahaayeen.

    Waxaa loo eegay "cayaar wanaag"., taasoo micnaheedu yahay in la fiiriyo kaararkii ganaaxa ee loo taagay cayaartoyda intii uu tartanku socday.

    Japan waxaa ciyaartoydooda la siiyey 3 kaarka hurdiga ah, halka Senegal cayaartoydoodana loo taagay 6 kaarka hurdiga ah intii uu tartanka socday, sidaa ayeyna Senegal uga hartay wareegga 16ka kooxood ee kala baxa ah.

  4. Baarlamaanka Ingiriiska oo warbixin ka qoray sirdoonkooda

    Hay'adaha sirdoonka ee UK waxay ka qayb galeen su'aalo weydiinta maxaabiista Guantanamo Bay

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Hay'adaha sirdoonka ee UK waxay ka qayb galeen su'aalo weydiinta maxaabiista Guantanamo Bay

    Guddi ka tirsan baarlamaanka Britain ayaa shaaciyey warbixin si aan jixinjix lahayn uga hadlaysa kaalinta ay Britain ku leedahay maxaabiista la isu dhoofiyey iyo barnaamijyada jirdilka, wixii ka dambeeyey weerarradii 9/11, ayadoo sheegtay in Britain ay qaadday oo ay u dulqaadatay ficillo aan loo qiil samayn karin.

    Guddigu wuxuu sheegay in hay'adaha sirdoonka ee UK ay goobjoog ka ahaayeen dad xiran oo si xun loola dhaqmay, oo ay soo jeediyeen, hindiseen, ama ku raaceen hawlgallo ay qolooyin kale qorsheeyeen.

    Waxaa kaloo jira tobanaan kiis oo hay'adaha lagu wargeliyeyin si xun u dhaqmid ay dhacday.

    Laakinse guddigu wuxuu intaa ku daray inuusan rumaysnayn in Britain ay si siyaasadeeda waafaqsan dusha uga eegeysay si xun u dhaqmid uu Maraykanku sameeyey.

  5. Saxafiyad lagu dhaawacay Muqdisho

    Farxiyo Mire oo laga daweynayo dhaawacyadii soo gaaray

    Xigashada Sawirka, Human rights journalists

    Qoraalka sawirka, Farxiyo Mire oo laga daweynayo dhaawacyadii soo gaaray

    Nin Bastoolad ku hubaysan ayaa maanta abaarihii 1:30 duhurnimo ku dhaawacay wariye Farxiyo Mire meel u dhow isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho.

    Rasaasta oo laba xabadood ahayd ayaa wariye Farxiya kaga dhacday caloosha iyo kelyaha, sida uu BBC u sheegay guddoomiyaha suxufiyiinta xuquuqul insaanka, Ismaaciil Sheekh Khaliifa.

    "Ninkii gaystay falkaas foosha xun waxaa gacanta ku dhigay ciidanka booliska, baaritaan ayaana ku socda oo ma rabo in aan ka hor dhaco" ayuu yiri Ismaaciil.

    Wuxuu intaa ku daray in xaaladda wariye Farxiya Mire aysan ahayn mid khatar ku jirta oo lagu dabiibayo isbitaal magaalada ku yaalla.

    Farxiyo Mire waa saxafiyad u shaqaysa Raadiyo Muqdisho.

  6. Maxkamad: Booliska Kenya ayaa ka dambeeyay dilka Monson

    Alexander Monson

    Xigashada Sawirka, Qoyska

    Qoraalka sawirka, Alexander Monson

    Maxkamad ku taalla Kenya ayaa go’aamisay in Alexander Monson uu ku dhintay gacanta booliska kenya.

    Garsoorayaasha hoggaaminyay baaritanada dilka Monson ayaa soo magacaabay ilaa afar sarkaal oo boolis ah oo lagu tuhmaya inay ka dambeeyeen dilka.

    Alexander Monson oo u dhashay dalka Ingriiska ayaa sannadkii 2012-dii lagu xiray xabsi u yaalla deegaanka Diani ee gobolka xeebta Kenya waxaana lagu eedeeyay in uu isticmaalayay xashiiska, kaddibna halkaasi ayuu ku dhintay.

    Qoyska Alexander Monson ayaa ku doodaya in wilkooda uu garaac u dhintay balse booliska ayaa sheegay inuu dhintay kaddib markii uu iska badiyay isicmaalka daroogo.

    Balse maxkamadda ayaa sheegtay in dilka Alexander Monson ay ka dambeeyeen booliska islamarkaasna la maxkamdeeyo.

    Markii ay socotay dhagaysiga dacwadda qoyska Alexander Monson in la weeraray , booliskana ay sameeyeen qorsheyaal ay ku daboolayaan dhacdada.

    Qoyska Monson ayaa soo dhaweeyay go’aanka maxkamadda oo ay ku tilmaameen caddaalad.

  7. Falanqayn: Cayaarta Senegal iyo Colombia

    Tageerayaasha xulka Senegal

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Tageerayaasha xulka Senegal

    Xulka Senegal iyo Colombia ayaa maanta wada cayaaraya sacaddu marka ay tahay 17:00 galabnimo ee Geeska Afrika.

    Cayaaryahanka daafaca uga dheela Senegal Kalidou Koulibaly wuxuu yiri “ waxaanu nahay xulka ay qaaradda oo idil ay isha ku hayso”

    Xulka qaranka ee Senegal waxay rajo ka muujinayaan inay noqdaan xulka kaliya ee Afrika ka socdo ee u gudbo wareega labaad ee cayaaraha Koobka Adduunka.

    Senegal ayaa soo bandhigtay shaaxda 4-4-2 markii ay la cayaarayeen Poland oo ay ka guulaysteen halka 4-3-3 ay u wareejiyeen shaxdooda markii ay barbarada la galeen xulka Japan.

    Senegal

    Xigashada Sawirka, BBC Sport

    Moussa Wague oo 19 sanno jir ayaa noqday cayaaryahankii ugu da’da yaraa oo Afrikaan ah oo dhaliya gool cayaaraha Koobka Adduunka, wuxuuna shabaqa gool ku hubsaday shabaqa xulka Japan.

    Xulalka Masar, Morocco, Nigeria iyo Tunisia ayaa ku haray wareega koowaad ee cayaaraha Koobka Adduunka.

    Haddii xulka Senegal uu maanta ka guulaysto Colombia waxay wareega laabaad foodda isku dari doonaan xulka Ingriiska ama Belgium.

    Daafaca Senegal Kalidou Koulibaly wuxuu yiri “ Annaga ayay nagu xirantahay inaan Afrika ka farxino sii calanka Senegal iyo Afrikaba uu uga soo muuqdo cayaaraha Koobka Adduunka”

  8. Dab ka kacay agagaarka Masaajidka ugu wayn Addis Ababa

    Dab ayaa qabsaday xarumo ganacsi oo ku yaalla agagaarka masaajidka ugu wayn caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

    Dabkan ka kacay agagaarka masaajidka Anwar ayaa burburiyay dukaamo badan oo halkaasi ku yaallay, wuxuuna dhaliyay khaasare .

    Waaxda dab damiska ayaa damisay dabka ka hor inta uusan gaarin masaajidka Anwar.

    Barta online-ka ee Addis Standard ayaa sawirrada dabka soo gelisay Twitter-ka.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  9. Nin loo xiray dilkii safiirkii Mareykanka ee Libya

    Qaraxii safaaradda Mareykanka Libya

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Qaraxii safaaradda Mareykanka Libya

    Maxkamad ku taalla Mareykanka ayaa 22 sanno oo xarig ah ku xukuntay nin la sheegay inuu ka qayb qaatay dhacdo lagu dilay safiirkii Mareykanka ee dalka Libya.

    Garsoorayaasha maxkamadda ayaa ku dooday in Axmed Abu Khattaala uu ahaa qofkii hoggaaminyay weerarkii safaaradda Banqazi lagu qaaday sannadkii 2012-kii.

    Balse garsoorayaashu si cad uma aysan sheegin inuu ka dambeeyay weerarka balse waxay ku rideen xukun aan sidaasi u cuslayn.

    Dilkii loo gaystay safiirka Mareykanka ee Libya Christopher Stevens iyo saddex qof oo kale ayaa baaritanno lagu hayay , iyadoo xoghayihii arrimaha dibadda Mareykanka Hilary Clinton lagu eedeeyay inay ku guuldaraysatay inay difaacdo nolosha dublumaasiyiinta.

  10. Guldarradii Jarmalka oo taariikhda gashay

    Cayaartoyda Jarmalka oo niyad jabsan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Cayaartoyda Jarmalka oo niyad jabsan

    Waa markii ugu horreysay uu xulka Jarmalka lagu reebo wareega koowaad ee Koobka Adduunka tan iyo sannadkii 1938-dii.

    Xulka qaranka ee dalka Jarmalka ayaa ka haray cayaaraha Koobka Adduunka kaddib markii xulka Kuuriyada Koonfureed ay uga badiyeen 2-0.

    Jarmalka hadda uma uusan gudbin wareega labaad ee cayaaraha Koobka Adduunka.

  11. Dad ku dhintay dab ka kacay suuq ku yaalla Nairobi

    Suuqa Gikomba ee Nairobi

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Suuqa Gikomba ee Nairobi

    Ugu yaraan 15 qof ayaa ku geeriyootay dab ka kacay suuq ku yaalla magaalada Nairobi, sida ay ku warramayaan warbaahinta maxalliga.

    In ka badan 50 qof ayaa ku dhaawacantay dabka kaaso xalay ka qarxay bartamaha caasimadda islamarkaasna gaystay khasaare hantiyeed.

    Weriyaha BBC-da Suhayba Maxamed oo ku sugan suuqa Gikomba ayaa sawirradan soo qaadday.

    Dadaallada dabka lagu xakamaynaya
    Qoraalka sawirka, Dadaallada dabka lagu xakamaynaya
    Dabka khasaare badan ayuu gaystay
    Qoraalka sawirka, Dabka khasaare badan ayuu gaystay
    Dabka Gikomba
    Qoraalka sawirka, Dabka Gikomba

    Suuqa Gikomba ayaa ah suuqa ugu wayn Nairobi, ma ahan markii ugu horreysay uu suuqan uu dab nooca oo kale ah ka dhaca.

    Balse dabkani lama ogo waxa dhaliyay.

    Gikomba waxaa suuq inta badan ay ka adeegtaan dadka danyarta ah , waxaana inta badan lagu iibiyaa dharka hudhayda

  12. Libiya: Maleeshiyaadka hubaysan ee Libya oo dagaha ka furaystay baaq caalami ah

    Ceelasha saliidda ee Libya

    Xigashada Sawirka, AFP

    Kooxaha hubaysan ee ka dagaallama dalka Libya ayaa iska dhaga tiray baaq ay usoo jeediyeen Mareykanka iyo dalal ka tirsan Yurub ee ahaa inay dib ugu wareejiyaan ceelasha shidaalka maamulka uu caalamka ictiraafsanyahay.

    Saraakiisha ku sugan bariga Libya waxay sheegeen in dhakhliga kasoo baxa ceelasha saliidda ee kala ah Ras Lanuf iyo Es Sider loogu diro bangiga dhexe laantiisa magaalada Bayda.

    Mareykanka iyo xulafadiisa waxay ka digeen isku dayada sida sharci darrada shidaalka looga doofinaya Libya taaso ka dhan cunaqabataynta Qaramada Midoobay ee saran dalkaasi.

    Dalka Libya waxaa ka jiray qulqulatooyin tan iyo markii xilka laga tuuray hoggaamiyihii dalkaasi Mucammar Qadaafi sannadkii 2011-kii.

  13. Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub oo maanta ku shiraya Brussels

    Madaxda reer Yurub waxay ka hadlayaan muhaajiriinta ku qulqulaya dalalkooda

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Madaxda reer Yurub waxay ka hadlayaan muhaajiriinta ku qulqulaya dalalkooda

    Hoggaamiyeyaasha reer Yurub ayaa maanta kullan oo ay uga hdalayaan arrimaha soo galootiga uu uga furmay magaalada Brussels.

    Dalka Talyaaniga wuxuu doonaya inuu qaabilo Qaxooti badan oo kasoo gudbaya Mediterranean-ka balse waxaa tallaabadani kasoo horjeeda dalalka qaar ee Midowga Yurub ka tirsan kuwaaso aanan rabin inay qaabilaan soo galootiga.

    Wasiirka arrimaha gudaha Jarmalka Horst Seehofer ayaa sheegay in xisbiggiisu uusan dowladda ku carqaladaynin ismari-waaga haatan taagan ee ku aadan arrimaha socdaalka.

    Horst Seehofer oo hoggaamiya xisbiga Bavarian ee bahwadaagta la ah xisbiga hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa sheegay inuu ku rajo wayn yahay in kulanka xubnaha Midowga Yurub ay maanta yeelanayaan ay qodobo waxtar leh kasoo bixi doonaan.

    Wasiirka arrimaha gudaha Jarmalka ayaa marar badan ku goodiyay in uu dib u celinaya qaxootiga soo gaara xadka Jarmalka kaddib markii dadkaasi ay iska diiwan geliyeen dalal kale oo ka tirsan midowga Yurub.