You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Tebintii tooska ahayd ee doorashada madaxweynaha
Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya maxamed cabdullaahi Farmaajo ayaa loo doortay madaxweyne ka dib markii xassan Sheekh uu qirtay guul darro markii uu dhammaaday wareegii labaad ee codbixinta. Haddba waa kuma Farmaajo?.
Tebin toos ah
Madaxweynaha cusub oo wacad ku maray inuu la dagaalami doona Musuqa
Markii uu jeedinayay khudbadii uu kuu aqbalay natiijada doorashada ayaa madaxweynaha cusub Maxamed cabdullaahi Farmaajo wuxuu wacad ku amray inuu la dagaalami doono musuqmasuqa.
Waxaa iska soo daba dhacaysa hambalyada madaxweynaha cusub
Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Yusuf Garraad ayaa codkiisa ku biirayay hambalyada madaxweynaha cusub.
Sheekh Shariif oo hambalyeeyay madaxweynaha cusub
Sheekh Shariif oo ka mid ahaa musharrixiinta madaxtinnimada Soomalaiya ayaaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub Farmaajo una mahadceliyay madaxweynihii hore xasan Sheekh
Xilka la ii doortay waa billawga la dagaalanka musuqmaasuqa
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa jeedinaya khudbadda, wuxuuna yiri Xilka la ii doortay waa billawga la dagaalanka musuqmaasuqa
Farmaajo ayaa loo dhaariyay xillka madaxweynaha Soomaaliya
Farmaajo ayaa loo dhaariyay xilka madaxweynenimo. Wuxuu guusha qaatay ka dib amrkii madaxweynihii hore xasan Sheekh uu tanaasulay inuu kula tartamo wareega seddaxaad.
War deg deg ah, Farmaajo oo noqday madaxweynaha Soomaaliya
Maxamed cabdulaahi farmaajo ayaa nqoday madaxweynaha Soomaaliya ka dib markii xasan Shekh uu ka taansulay wareega seddxaad oo ay labadooda ku tartami lahaayeen.
Tirinta codadka wareegii labaad ayaa dhamaaday
Tirinta codadka ee wareegga 2aad ayaa hadda dhamaatay. Waxaa la sugayaa in natiijada lagu dhawaaqo
Xildhibaanada oo sacabeeyay
Sacab xoog leh ayaa is qabsaday gudaha hoolka, rasaas dabaal deg ahna gudaha magaalada ayaa laga maqlayaa. Weli lama xaqiijin laakin mid ka mid ah murashaxiinta wareegga labaad ayaa tirinta codadka aad ugu horreeya. sida uu ku soo waramayo weriyaha BBC, Faarax Lamaane oo ku sugan hoolka uu shirku ka dhacayo
Farmaajo oo aad uga horeeya murashaxiinta kale
Maxamaed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aad uga horeeya murashaxiinta kale ee la tartamaysa, marka la fiiriyo codadka ilaa iyo hadda la dhiibtay, balse wuxuu u baahan yahay saddex meeloodaw labo si uu xilka u qabto
Tirinta codadka wareega labaad oo gabgabo ku dhaw
Tirinta codadka ee sanduuqa 1aad ayaa dhamaatay. Waxaa hadda socota tirinta codadka sanduuqa labaad ee wareegga 2aad.
Tirinta codadka wareega labaad oo billaabatay
Tirinta codadka wareegga labaad ayaa socota,
Wareega labaad wuu ka xiisa badan yahay kii hore
Weriyaha BBC-da Ibraahim Maxamed Aadan oo ku sugan hoolka codeynta ayaa ku soo waramaya in wareegan uu ka xiisa badan yahay wareegii koobaad. Maxaa yeelay buu yiri wareegan waxaa ku soo haray seddax musharrax halka wareegii hore ay 21 musharrax u tartameysay.
Xildhibaan loo diiday in uu lacag badan la galo hoolka doorashada
Tilifoonada gacanta iyo lacagaha ayaa laga maamnuucay in lala gala hoolka ay codbixinta ka socoto.
Weriyaha BBC-da Faarax Lamaane ayaa sheegay inuu arkay xildhibaan loo diiday inuu hoolka la galo $10,000 oo uu watay.
Sidee wareega labaad u dhacayaa?
Musharixii helaa seddax meelood laba meel ayaa noqonaya madaxweyne, hadii kale waxaa loo gudbi doonaa wareega seddxaad oo ah kan ugu dambeeya.
Codeynta wareega labaad oo si habsami leh u socota
Codeynta wareega labaad ayaa socota iyadoo xildhibaanada mid mid loogu yeerayo si ay codkooda u dhiibtaan. Waxaa ku tartamaya Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed cabdullahi Farmaajo.
Toos u daawo barnaamijka Dunida iyo maanta
Barnaamijka Dunida iyo maanta oo gebi ahaantiisba ku saabsan doorashada halkan ka daawo.
Waxaa si wadajir ah u soo jeedianaya Faarax lamaane oo Muqdisho jooga iyoAadan Saalamiin oo Lonodn jooga
War deg deg ah, Sharmarke oo haray
Mid ka mid ah musharrixiinta ku soo baxay wareega labaad Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa sheegay inuu tanaasulay oouu ka haray tartanka.
Wareega labaad ee doorashada oo billowday
Wareega labaad ee doorashada ayaa billowday waxaana ku tartamaya msuahrixiinta kala ah
Xasan Sheekh Maxamuud - 88 cod
Maxamed Cabdullaahi Maxamed "Farmaajo" - 72 cod
Shariif Sheekh Axmed - 49 cod
Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke - 37 cod
Halkan ka daawo Ibraahim Aden oo sharaxaya wareegyada doorashada