Intaas ayaan ku joojinay tebintii tooska ahayd!
Waadna ku mahadsantihiin la socoshadiina meel kastoo aad dunida ka joogtaan.
You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Donald Trump ayaa maanta la caleema saaray. Halkan kala eeg sida ay u dhacday dhaarinta Donald Trump.
Waadna ku mahadsantihiin la socoshadiina meel kastoo aad dunida ka joogtaan.
Booliska Nigeria ayaa gaas u adeegsaday dibad baxayaal si ay u kala ceyriyaan.
Dibad baxayaasha ayaa taageeraayay Donald Trump, sida wararka ay sheegayaan.
Koox ka mid ah dibad baxayaasha waxay sheegayaan in 11 qof ay rabshada ku dhinteen, balse booliska ayaa beeniyay.
Dibad baxa waxaa qaban qaabiyay koox dooneysa in Trump uu aqoonsado madaxbannaanida Biafran ee qowmiyadda Igbo.
Sarkaal ka mid ah Booliska Washington DC ayaa BBC-da u sheegay in 95 qof oo dibad baxayaal ah lagu xiray magaalada.
Laba askeri ayaa ku dhaawacantay dibad baxyada oo ay sameynayaan dad diidan madaxtinimada Trump.
Wararka ka imaanaya Mareykanka ayaa sheegay in magaalada Washington uu ka socdo dibad bax ka dhan ah madaxtinimada Trump.
Meelo kala duwan oo caalamka ka mid ah ayaa laga soo sheegayaa dibad baxyo ka dhan ah Trump.
Mareykanka Gudihiisa ayaa sidoo kale dibad baxyo ay ka socdaan.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK, Boris Johnson ayaa madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ugu hambalyeeyay xilka uu la wareegay, wuxuu sheegay in Britain ay kala shaqayn doonto ammaanka iyo horumarka caalamka.
Trump iyo Obama
Xilligii la dhaarinayay Obama ee 2009-kii ayaa ka dad badneyd maanta oo Trump loo dhaariyay xilka madaxweynaha Mareykanka.
Aan dib u milicsano shan arrimood oo Donald Trump uu ka yiri Soomaalida
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo reerkiisa oo dhex fadhiya kuraastii ay Obama iyo reerkiisa ay ku fariishan jireen.
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa yiri: "Markaan bilownay safarkan, waxaan sidaas ku sameynay isku kalsoonaan ka timi shacabka Mareykanka iyo awoodooda, si aan gacmaha isu qabsano oo dalkan aan u badalno."
Waan ognahay "is bedelka kama yimaado kor ee hoos ayuu ka bilowdaa".
Obama iyo xaaskiisa ayaa raacay diyaaarad milatari oo geysay Andrews Air Force Base.
Diyaarad kale ayay ka sii raaci doonaan iyagoo damaashaad iyo dalxiis u aadi doono gobolka California.
Madaxweyne ku xigeenkii hore Joe Biden iyo xaaskiisa ayaa waxay raaci doonaan tareen u soo qaadi doona gobolka ay ka soso jeedaan ee Delaware.
Malaayiin qof ayaa daafaha caalamka ka daawanayay xafladda Trump uu kula wareegay xilka madaxweynaha ee Mareykanka.
Trump inuu soo qaado " argagixisada muslimka xagjirka ah" waxay noqotay mid loo sabciyay oo daawadayaasha ay soo dhaweeyeen.
Madaxweynaha cusub ayaa Obama ku eedeeyay inuu ka fogaaday isticmaalka ereyadaas.
Obama ayaa diiday inuu in ka badan hal biyan oo qof oo Muslimiin ah oo daafaha caalamka ku nool uu la mid dhigo tiro yar oo "mintidiin" uu ku sheegay.
Sawirka madaxweynaha cusub markii la dhaarinayay. Waxaa barbar taagan xaaskiisa Melania iyo wiilkiisa Barron.
Donald Trump hadda waxaa gacanta ugu jiro lambarka sirta ee hubka nukliyerka iyo go'aanka dalkaasi.
Madaxweynihii hore Obama iyo reerkiisa ayaa si rasmi ah uga wada guuray aqalka cad.
Donald Trump iyo qoyskiisa ayaa la wareegay xafiiska Mareykanka looga arrimiyo.
"Dhageyso ereyadan. mar dambe laguma diidi doono." ayuu yiri Trump.
"Si wada jir ah ayaan Mareykanka mar kale uga dhigi kartaa barwaaqo".
"Mareykan waxaan markale ka dhigi kartaa wadan isla weyn".
"Haa, Mareykale Mareykan waxaa ka wada dhigi karnaa wada weyn".
Obama waxaa la arkay asigoo dhahaya "Shaqo wanaagsan, shaqo wanaagsan".
"ma jiri doonto wax aad ka cabsataan," ayuu yiri ka hor inta uusan amaanin laamaha ammaanka.
"Wax walbe waxaa ka muhiimsan Illaahay ayaa ina ilaalin doona" ayuu u sheegay dadkii xafladda joogay.