Talafashinka qaranka dalka Finland oo soo kordhiyay laan ku hadleysa afka Soomaaliga

Xigashada Sawirka, Wali Hashi
Cabdiwali Xaashi oo ah wariye ka tirsan talafishinka Yle ee dalka Findland ayaa BBC-da u sheegay in talafashinka uu u ogolaaday in la baahiyo warar iyo barnaamijyo ku baxaya afka Soomaaliga.
Talafashinka barnaamijkiisa Soomaaliga oo berri hawada soo gali doona ayaa sii dayn doona warar kooban oo Soomaalida iyo caalamka ah iyo barnaamij la xiriira sida lagu helayo dhalashada dalka Finland, iyo arrimo qaxootiga quseeya.
Talafashinka ayaa saacado kooban oo ah in barnaamijyada lagu baahiyo siiyay qeyb afka soomaaliga ah iyo daqiiqado dhanka wararka ah sida uu Wali Xaashi BBC-da u sheegay.
Laanta ku bixi doonta afka Soomaaliga waxaa ka howlgalaya Cabdiwali Xaashi iyo Xoriyo Cabdulqaadir oo labadooduba ay soo tabin doonaan wararka iyo barnaamijyada ku baxaya afka Soomaaliga.
Talafashinka qaranka dalka Finland, ayaa leh luuqado badan oo ay kamid yihiin Ingiriis, Ruush, Ukraine, laanta afka Soomaaliga ayaana noqotay luuqadii afaraad ee uu talafashinku yeesho, iyadoona la filayo in luuqado kale oo Carabigu kamid yahay ay kusoo kordhaan.












