Israel ayaa sheegtay in ay kordhinayaan duqeynta Lubnaan

Xigashada Sawirka, Reuters
Militeriga Israel ayaa sheegay in ay kordhinayaan weerarka ay ku qaadeen Xisbullah ee dalka Lubnaan kaddib duqeyntii shalay ee boqolaalka qof ku dhinteen.
Wasiirka difaaca, Herzi Halevi, ayaa sheegay in ay kordhinayaan ololahooda iyagoo dhinac kasta ka weeraya. Beirtu ayaa ah meelihii ugu dambeeyay ee la duqeeyay.
Wasiirka caafimaadka Lubnaan Firass Abiad ayaa sheegay in ka badan 550 haween iyo carruur ah ay ka mid ahaayeen dadka dhintay.
Ma ahan markii ugu horeysay ee dad ka qaxan dhulka u dhow xadka Isreal iyo Lubnaan dagaalka dartiis.
Dad aad u badan ayaa ka qaxaya guryahooda koonfurta Lubnaan. Xisbullah waxay sheegtay in ay weerartay fariisimo militeri oo ku yaal waqooyiga Israel.
Qaramada Midoobay waxay sheegtay in 200,000 dad lagu qiyaasay in ay ka qaxeen labada dhinaca ee xadka ilaa iyo markii uu xoogeystay dagaalka bilowda toddobadii Oktoobar
Dhinaca kale, hoggaamiyayaasha caalamka ayaa isugu yimid shirka sanadlaha New York ee Qaramada Midoobay. Dadaallo looga hortagayo in dagaalka uu ku baaho gobolka bariga dhexe ayaa ah ajandaha ugu weyn ee shirkooda.
Mas’uul sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in Washington ay wadato fakar gaar ah oo ay dooneyso in ay kala hadasho saaxiibadeed, kuwaas oo taageeradooda ay muhiim tahay. Wuxuu sheegay in ay doonayaan in isbahysigooda ay toos ula xiriiraan Xisbullah.












