Wararkii ugu dambeeyey ee duqaymaha cirka ee lagu qaaday Daacish

Kulanti wanaagsan, ku soo dhawaada tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. Jahawareer ka taagan dadaalka xabbad joojinta Qasa

    Qasa

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Qasa

    Xabbad joojinta Qasa ee u dhaxaysa Israa’iil iyo Xamaas ayaa ah mid aan cago badan ku taaganayn, tan iyo markii ay dhaqan gashay oo ahayd 19 Janaayo, iminkase waxay u egtahay mid kala daadan karta.

    Talaadadii ayaa Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu wuxuu sheegay “haddii Xamaas aysan soo celin dadka nalaka haysto wixii loo gaaro duhurnimada Sabtida, xabbad joojintu way dhamaanaysaa, Israa’iilna waxay sii wadaysaa dagaal xoog leh”.

    Dhexdhexaadiyeyaal ka socda Masar iyo Qadar ayaa BBC u sheegay in ay sii kordhiyeen isku daygooda diblomaasiyadeed ee ay ku badbaadinayaan xabbad joojinta.

    Wafdi ka socda Xamaas ayaa iyagana gaaray Qaahira si looga wada xaajoodo xiisaddan cusub.

  2. “Khamri laguma cabi doono cayaaraha adduunka ee 2034” Sacuudi Caraabiya

    Taageerayaal khamri cabaya

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Taageerayaal khamri cabaya

    Waraysi uu siiyey LBC ayuu safiirka Sacuudiga u fadhiya UK amiir Khaalid bin Bandar Aala Sacuud ku sheegay in khamri aan lagu iibin doonin meel ka mid ah dalkiisa inta ay socdaan cayaaraha adduunka ee 2034. FIFA ayaa xaqiijisay in tartankaas uu sacuudigu marti gelin doono 2034.

    “Wakhti xaadirkan, ma oggolin aalkol” ayuu yiri amiir Khaalid.

    “Wax badan oo lagu baashaalo ayaa la heli karaa oo uusan ku jirin aalkol – ma aha khasab, haddii aad doonayso in aad cabto marka aad dalka ka tagto adiga ayaa u madax banaan, laakin hadda ma hayno aalkol” ayuu sii raaciyey.

    Sacuudiga waxaa mamnuuc ka ah in lagu iibiyo ama lagu cabo khamriga.

  3. Khatarta ka imaan karta garaadka Macmalka ah (AI) oo laga digay

    AI

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, AI

    Madaxii hore ee shirkadda Google ayaa BBC u sheegay in garaadka macmalka ah ay dhici karto in si xun loogu isticmaalo dagaal baayolojiyeed.

    Eric Schmidt ayaa sheegay in haddii “argagixiso” ama dalal “kharriban” ay gacanta ku dhigaan garaad-macmal aad u xoog badan, ay dhici karto khatar weyn oo la mid ah tii Chernobyl.

    Mr Schmidt wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in xukuumaduhu ay fahmaan waxa ay shirkadaha gaarka loo leeyahay ka samaynayaan garaadka macmalka, ayna joogteeyaan qaab muraaqibayn ah.

    Laakinse wuxuu ka digay in haddii laga badbadiyo xeerarka muraaqibaynta ay taasi ka xannibi doonto dalalka inay si buuxda uga faa’iidaystaan hanaanka garaadka macmalka ee IA.

  4. Wararkii ugu dambeeyey ee duqaymaha cirka ee lagu qaaday Daacish

    Dayaarado dagaal

    Xigashada Sawirka, Anadolu

    Qoraalka sawirka, Dayaarado dagaal oo hawlgal ku jira

    Xafiiska hawlgalka dagaalka ay Puntland ka waddo buuraleyda Cal-Miskaad ayaa sheegay in duqayn cirka ah oo lala beegsaday kooxda Daacish ay ka dhacday deegaanka Shabeeb.

    Duqayntaas ayey Puntland sheegtay inay ku dhinteen ilaa 30 dagaallame oo u badan ajaanib. Sidoo kale gaari ayaa la sheegay in lagu gubay.

    Warkan ayaa soo baxay ayadoo maalin ka hor ay ciidanka Puntland guulo ka sheegteen dagaal kharaar oo Daacish ay ku soo qaadday fariisimada ciidanka Puntland. Sawirro baraha bulshada la soo galiyey ayaa laga arkayey rag la sheegay inay yihiin ajaanib dagaalka lagu dilay