Ciidamada Israel awood ma u leeyihiin in ay gudaha u galaan Lubnaan?

Xigashada Sawirka, Reuters
Ciidamada cirka Israel waxay doonayaan in ay burburiyaan inta ugu badan madaafiicda Xisbullah ee ay hadda haystaan.
Xitaa hadii ay guuleystaan iyadoon la helin heshiis xabad joojin, shacabka Israel ee waqooyiga marna si nabad ah uguma soo laabanayaan guryahooda.
In ciidamada Israel ay lugta ku galaan Lubnaan ma ahan wax u fudud. 18 bilood ayey ku jireen Lubnaan laga bilaabo 1982 ilaa iyo 2000-dii, ugu dambeyn dib ayey uga soo baxeen markii ay u dulqaadan waayeen dhimashada badan ee soo gaartay askartooda.
2006-dii ayey gudaha Lubnaan si kooban u galeen, waana dagaalkii ugu dambeeyay ee dhexmara iyaga iyo xisbullah. Xiligaas waxay la kulmeen xanuun. Xisbullah way ogyihiin taas, waana sababta ay hadda wax isaga celinayaan.
18ka sano ee ka soo wareegtay dagaalkii 2006-dii wax badan ayaa Xisbullah iska beddelay. Waxay samesyteen madaafiic ilaa iyo 150 gaaraya iyo drones kuwaas oo duqeyn kara meel kasta oo ka mid ah Israel.










