Qaraxyo loo adeegsaday qalabka isgaarsiineed ee ay isticmaasho Xisbullah oo maalintii labaad ka dhacay Lubnaan

Kusoo dhawaada tebinteenna tooska ah ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Israa'iil oo duqeymo cirka ah ka fulisay koonfurta Lubnaan

    Duqeynta Israa'iil

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Israa'iil ayaa xaqiijisay in ay duqeymo cusub fulisay.

    Israa'iil ayaa duqeymo cirka ah ku qaaday koonfurta Lubnaan iyadoo hoggaamiyaha Xisbullah, Xasan Nasrallah uu waday qudbadda cambaareynta weerarkii aaladaha lagu xiriiro kuwaas oo qarxay maalmo kahor.

    Wariyaha BBC-da ee Beirut ayaa sheegay in uu maqlayay guuxa diyaarado dul wareegsanaya magaalada.

    Diyaaradahaas ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen kuwa dagaalka Israa'iil.

    Israa'iil ayaa xaqiijisay in ay duqeymo cusub fulisay.

    Khudbadda Xasan Nasrallah waxa uu ku canbaareeyay qaraxyadii aaladaha lagu wada xiriiro, iyo weerarka cusub ee ay Israa'iil sheegatay

    Wasiirka difaaca Israa'iil Yoav Gallant oo kulan la yeeshay saraakiisha millatariga Israa'iil waxa uu sheegay in talaabada ka dhanka ah Xisbullah "ay sii socon doonto", laakiin ay leedahay "khatarta weyn". ayuu yiri.

  2. Qodobbada muhiimka ah ee khudbadda Xasan Nasrallah

    Khudbadda Xasan Nasrallah

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Xasan Nasrallah ayaa sida laga filayay waxa uu ku hadlay erayo adag oo ka dhan ah Israa'iil.

    khudbadda uu jeediyay Xasan Nasrallah, ayaa ahayd mid aad loo sugayay, waxa ayna ahayd mid uu uga falcelinayo weerarada ay Israel ku heyso Lubnaan iyo dhacdadii labao maalmood ka hor dhacday oo ahayd qaraxii qalabka lagu wada xiriiro.

    Xasan Nasrallah ayaa sida laga filayay waxa uu ku hadlay erayo adag oo ka dhan ah Israa'iil.

    mar uu soo hadal qaaday xaaladda guud waxa uu yiri, "cadowgu waxa uu soo dhaafay dhamaan xadkii, xeerkii iyo dhamaan khadkii casaa" sidoo kale waxa uu canbaareeyay qaraxii qalabka is gaarsiinta oo ay ku waxyeeloobeen in ka badan 3,000 oo qof sidoo kalena ay ku dhinteen ugu yaraan 37-qof.

    weerarkaas ayuuna ku tilmaamay mid xasuuq ah, isagoona qiray in tani ay tahay dhabar jab aan horay loo arag oo soo gaartay kooxda, waxaa kale oo uu intaa raaciyay in la bilaabay baaritaan arinkaas la xiriira.

    "Tan waxa ay ka dhigantahay danbi dagaal ama ku dhawaaqis dagaal, waxkasta kasta oo aad doorato in aad ugu dhawaaqdo, waa mid mudan oo ku habboon in lagu sharaxo, tani waxa ay ahayd ujeedada cadawga ayuu yiri.

    dhanka kale waxa uu wacad ku maray ciqaabta arinkaan, ma jiraan calaamad muujineysa sida jawaabtani noqon doonto, weerarka ka dhanka ah Israa'iil ayaa sii socon doona hadii aysan xabad joojin ka dhicin Qasa, ayuu yiri Xasan Nasrallah.

    hadalkaan ayaa ku soo aadaya xilli Israa'iil ay dhankooda sheegtay in ay diyaar garoobayaan, waxaana la saadaalin karin nooca weerarka ay kooxda Xisbullah qaadi karto, balse Lubnaan ayaa ku jirta ka soo kabashada dhibaatooyin sanado ka hor soo gaaray.

  3. Askar Israa’iiliyiin ah oo lagu dilay xadka Lubnaan

    2 askari

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Askartaan ayaa lagu dilay xadka u dhaxeeya Israel iyo Lubnaan

    Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in laba ka mid ah askartooda lagu dilay meel u dhow xuduudka waqooyi ee Israa’iil ay la wadaagto Lubnaan.

    Labada nin oo ay da’doodu kala tahay 43 iyo 20 jir, ayaa waxaa lagu dilay “dagaal”, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Israa’iil, iyadoo intaas ku dartay in lagu dilay meel u dhow xadka Lubnaan.

  4. Lubnaan oo ku dhawaaqday in garoonka Beirut aan lagu isticmaali Karin aaladda lagu wada xiriiro ee dhawaan qaraxday

    Xasan Nasrallah, ayaa la filayaa in uu dhawaan ka hadlo

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Tallaabadaan ay muujineyso heerka cabsida sii kordheysa ee ka taagan dalkaas.

    Maamulka duulimaadyada rayidka ah ee Lubnaan ayaa dhamaan duulimaadyada caalamiga ah ee garoonka Beirut waxa ay ka mamnuuceen qalabka yar ee lagu wada xariiro.

    Sababta keentay mamnuucidda ayaa ah kadib markii dhawaan qalabka lagu wada xiriiro uu ku qarxay in ka badan 3,000-oo qof.

    Maamulka ayaa sheegay in qalabkaan aan lala soo galikarin garoonka sidoo kale aan lagu soo qaadi karin shandadaha xamuulka.

    Wariyayaasha ku sugan dalkaas ayaa sheegay in tallaabadaan ay muujineyso heerka cabsida sii kordheysa ee ka taagan dalkaas.

    Kadib dhacdadaas kooxda Xisbullah oo taagero ka hela Iran ayaa sheegay in arrintaan ay Israel ka danbeyso, jawaabteedana ay helidoondo.

    Ra'iisul wasaaraha Lubnaan, Najib Mikati, ayaa qaramada midoobay ugu baaqay in Israel ay joojiso dagaalka tignoolajiyada.

    Dhanka kale waxaa la filayaa in arrinkaan uu ka hadlo hogaamiyaha Xisbullah, Xasan Nasrallah.

    Tani waxa ay ku soo beegmeysa laba maalmood kahor markii ay qarxeen qalab ay ku wada xiriirayeen in ka badan 3,000 oo qof kuwaas oo u badnaa xubnaha xisbullah, qaraxa qalabka lagu wada xiriiro ayaana sababay dhimashada dad ka badan 30 iyo boqolaad dhaawacyadoodu ay halis yihiin.

  5. Golaha loo dhanyahay ee qaramada midoobay oo dalbaday in Israa’iil ay joojiso qabsashada dhulka Falastiin

    Safiirka falastiiniyiinta ayaa ku tilmaamay codbixinta mid isbedel ah

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Safiirka falastiiniyiinta ayaa ku tilmaamay codbixinta mid isbedel ah

    Golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay ayaa ansixiyay qaraar ay soo diyaariyeen falastiiniyiinta, kaas oo ugu baaqaya Israa’iil inay joojiso “joogitaanka sharci darrada ah ee ay ku haysato dhulka Falastiiniyiinta” 12 bilood gudahood.

    Qaraarkan ayaa waxaa u codeeyay 124, halka 14 dal oo ay Israa’iil ku jirto ka soo horjeesteen, 43 kamid ah ma aysan codeyn. falastiin oo ahayd cidda dacwadda gudbisay ma codayn karto.

    Qaraarkan ayaa daba socda ra'yi latalin ah oo bishii Luulyo ka soo baxay maxkamadda sare ee qaramada midoobay kaas oo lagu sheegay in Israa'iil ay qabsatay Daanta Galbeed.

    Safiirka falastiiniyiinta ayaa ku tilmaamay codbixinta mid isbedel ah "halgankeena xoriyada iyo cadaalada".

    Balse dhigiisa Israa’iil ayaa ku tilmaamay “argagixiso dublamaasiyadeed”.

  6. FBI-da Mareykanka oo sheegtay in xogtii ololaha ee Trump loo gudbiyay kooxdii Biden

    Kooxaha wax jabsada ee Iiraan ayaa xogta la jabsaday ee ku saabsan ololihii doorashada Donald Trump u qaybiyay dadka ku lug lahaa ololihii Biden, sida ay sheegeen FBI-da iyo hay’adaha sirdoonka Maraykanka.

    Saraakiisha Mareykanka ayaa hadda rumeysan in macluumaadka laga soo qaatay ololihii Trump loo diray mas’uuliyiintii ololaha dabayaaqadii bishii June iyo horraantii July ka hor inta uusan Biden ka tanaasulin tartanka madaxtinimada.

    Ilaa hadda ma jirto wax cadeyn ah oo muujinaya in kooxda weerarka geysatay ay wax jawaab ah ka heleen cid ka mid ah dadkii xogtaasi helay.

    Bishii Agoosto, saraakiishu waxay ka digeen in Iran ay rajaynayso inay "hubiso" oo ay wiiqdo kalsoonida hay'adaha Maraykanka ka hor doorashada November.

    Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in Iran ay adeegsatay "ingineerinta bulshada iyo dadaallo kale" si ay si toos ah u gasho ololaha Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga, farsamadaas oo ay sheegeen in Iran iyo Ruushku u adeegsadeen dalal kale oo adduunka ah.

  7. Dr Fartuun: Sheekada dhakhtaradda ragga timaha u beerta iyo caqabadaha ay la kulanto

    .

    Xigashada Sawirka, Fartun

    Drs Fartuun Xasan Maxamed waa dhaqtarad ragga timaha ugu beerta magaalada Muqdisho, waxa ayna BBC-da u sheegtay in ay tahay haweeneyda kaliya ee tinta beerta marka laga soo tago in ay jiraan haween caawiyeyaal u ah dhaqaatiirta tima beerista ee gudaha Soomaaliya.

    Xirfadda tima beerista ayay ku dhalatay in ay bilowdo sanadkii 2016 kadib markii ay ka soo laabatay waxbarasho ay ugu maqneyd dalka dibadiisa xilligaas oo ay la howlgashay dhaqaatiir Turki ah oo Muqdisho u yimid olole timo beeris ah, markii ay in muddo ah la shaqeysay ayay aragtay baahida loo qabo timo beerista, waxa ayna dabayaaqadii 2018 Muqdisho ka furatay xarun loogu magacdaray ‘Infinity hair and skin care’.

    Dhaqtaradda oo markeedii hore baratay culuum la xiriirta caafimaadka ayaa kadib markii ay aragtay baahida ka taagan dhanka timo beerista, waxa ay bilowday barashada beerista iyo daaweynta timaha. Halkan kasii akhri

  8. Dhacdo lagu dilay lix dhallinyaro ah oo uu kamid ahaa imaam iyo mu'addin laguna dhex dilay masaajiid

    Doollo

    Xigashada Sawirka, Social

    Waxaa shalay gelinkii dambe magaalada Wardheer ee gobolka Doollo ee dowlad deegaanka Soomaalida lagu aasay lix nin oo dhalinyaro ahaa oo Masaajid gudihii lagu dilay.

    Dhacdadaan oo ay dadka deegaanku aad uga naxeen ayaa la sheegay inay salka ku hayso aano qabiil, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay ay halkaa ku dagaallamyeen beelo walaalo ah oo halkaa wada dega.

    Laamaha amniga ee dowlad deegaanka ayaa la sheegay in ay hadda gacanta ku hayaan falkana oo ay baarayaan.

    Caaqil Maxamed Maxamuud oo ka mid ah odayaasha deegaanka kana mid ah dadka wada dadaallada nabadda BBC-da uga warramay sida ay wax u dhaceen.

    “Xilli waabari ah ayaa fal aad u xun lagula kacay lix nin oo dhallinyaro ah, waxa ay ahaayeen dhallinyaro xer ah, waana fal aad u foolxun waxaa kujiray imaamkii iyo mu’addinkii”, ayuu yiri Caaqil Maxamed.

    “Iyaga oo masaajidka Kujira oo saladda subax u diyaar garoobaya ayaa waxaa Meesha yimid gaari yar oo rag hubeysan ay kasoo degeen intaa kadibna dilka ayaa dhacay”, ayuu sii raaciyay Caaqil Maxamed Maxamuud.

    Waa arrin loo aaneynayo aano qabiil wallow ay dowladdu kudaba jirto balse wax war ah oo rasmi ah oo weli kasoo baxay ayaan jirin.

  9. Hoggaamiyaha Xisbullah oo dhawaan la filayo in uu ka hadlo xaaladaha kasoo cusboonaaday Lubnaan

    Lubnaan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Mareykanka ayaa sheegay in uu ku lug leeyahay dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan oo looga hortagayo in ay sii xumaato colaadda u dhaxeysa Israa’iil iyo Xisbullah.

    Ugu yaraan soddon iyo laba qof ayaa ku dhintay laba maalmood gudaha Lubnaan qaraxyo ka dhashay bogaga iyo idaacadaha ay isticmaalaan Xisbullah.

    Kumanaan kale ayaa ku dhaawacmay.

    Kooxda ay Iran taageerto ayaa eedeyn u jeedisay Israa’iil, waxaana la filayaa in hogaamiyahooda Xasan Nasrullah uu arrintan khudbad ka jeediyo saacadaha soo socda.

    Israa'iil kama aysan hadlin qaraxyada -- laakiin wasiirka gaashaandhigga, Yoav Gallant, ayaa ka hadlay weji cusub oo dagaalka ah, iyada oo xudunta culeyska ay u guureyso waqooyiga.

  10. Qaraxyo loo adeegsaday qalabka isgaarsiineed ee ay isticmaasho Xisbullah oo maalintii labaad ka dhacay Lubnaan

    Lubnaan

    Xigashada Sawirka, AFP

    Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay in ka badan 450 kalena waa ay ku dhaawacmeen mowjad labaad oo qaraxyo ah oo ka dhashay aaladaha isgaarsiineed ee wireless-ka ee Lubnaan, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalka Lubnaan.

    Aaladaha gacanka ee ay adeegsadaan kooxda hubeysan ee Xisbullah ayaa ku qarxay xaafadaha koonfureed ee magaalada caasimadda ah ee Beirut, dooxada Bekaa, iyo koonfurta Lubnaan oo ah meelaha loo arko inay yihiin dhufeysyadooda.

    Qaar ka mid ah qaraxyada ayaa dhacay intii lagu guda jiray aaska qaar ka mid ah 12 qof oo ay wasaaraddu sheegtay in lagu dilay isla qaraxyadan aaladaha ee ay isticmaalaan xubnaha Xisbullah ee Talaadadii. Xisbullah ayaa weerarkaas ku eedaysay Israa'iil. Israa'iil kama aysan hadlin.

    Weeraradan ayaa yimid xili wasiirka difaaca Israel Yoav Gallant uu ku dhawaaqay "waji cusub oo dagaalka" iyo iyadoo qayb kamid ah ciidamada Israel dib loogu daabulay waqooyiga.

    Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ka digay "khatarta halista ah ee kororka weyn" wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay "xakameeyaan ugu badnaan".