War deg deg ah, Madaxweyne Donald Trump oo ka hadlay shilkii diyaaradeed ee Hindiya ka dhacay
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo ka hadlayay Aqalka Cad, ayaa sheegay inuu u soo bandhigay dowladda Hindiya “ In wax kasta oo ay la qaban karaan ay la garab taaganyihiin” kaddib “shilka argagaxa lahaa.”
“Qofna ma ogayn waxa dhacay,” ayuu yiri. “Waxay u muuqatay in diyaaraddu si caadi ah u duuleysay.”
Madaxweyne Trump wuxuu sidoo kale sheegay inuu aaminsan yahay in shilkaani uu yahay “mid ka mid ah shilalkii ugu xumaa ee taariikhda duulista.”