Malaayiin xujey ah oo maanta taagan buurta Carafo

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee BBC Somali

Kooban

  • Madaxweynaha Kenya oo dibadbaxayaasha ku ballansaday X Spaces
  • Rag hubeysan oo arday ku afduubtay Itoobiya
  • Rishi Sunak oo iska casilay xilka raysal wasaaraha UK
  • Xisbullah oo weerar aargoosi ah ku qaadday Israa'iil kadib dilkii taliyaheeda sare
  • Ku dhowaad 100 meydadka muhaajiriin laga soo saaray Badweynta Atlaantikada
  • Goorma ayuu bannaynayaa kursiga Raysalwasaarihii hore ka cusubna iman doonaa?
  • Maxaa helay xisbigii hayey tallada UK ee Conservativeka oo si daran loo diray
  • Ninkii hore u hoggaamin jriey xisbiga shaqaalaha oo isla xisbigiisii ku garaacay doorashada UK
  • Doorashadii UK oo lagu kala baxay iyo Xisbigii oommanaa 14 sano oo guulaystay

Tebin toos ah

Foos Ciid

  1. Dowladda Soomaaliya oo magacawday Guddigga Aaska Qaran ee Prof. Jawaari

    Soomaaliya

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddigga Aaska Qaran ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

    Xubnaha Guddigga oo ka kooban 12 Xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, waxaana sidoo kale xubno ka ah guddiggaasi Aaska Qaran xubno ay kamid yihiin Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelaay, . Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Shiikh Cabdiraxmaan Beene Beene – Taliyaha Booliska General Sulub Axmed Firin iyo Xubno kale .

    Allaha u naxariistee Guddoomiyhii hore ee Golaha Shacabka Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

  2. Sawirrada Ciidul Adxa oo laga soo qaaday Gaza ilaa Moscow

    Maanta oo Axad ah oo ku beegan 16-ka June Muslimiinta Caalamka ayaa u dabaaldagaya maalinta koowaad ee Ciidul Adxa

    Ciidul adxa

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ciidul adxa

    Xigashada Sawirka, reu

    Qoraalka sawirka, Maalinta 1-aad ee Ciida ayaa waxaa la soo bandhigay muxaadaro gaar ah ka dib waxaa loosoo jeediyay wacdi diini ah oo ay ka soo qeyb galeen dad muslimiin ah oo isugu jira waayeel iyo dhalinyaro oo lagu qabto masaajidda iyo fagaarayaasha.
    Ciidul Adxa

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ciidul Adxa

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ciidul Adxa

    Xigashada Sawirka, reu

    Qoraalka sawirka, Ciidul-Adxa waa fasaxii labaad ee sanadkan oo kusoo aaday Marinka Gaza inta lagu guda jiro dagaalka socda, kaas oo soo bilowday todobadii Oktoobar ee la soo dhaafay.
    Ciidul Adxa

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ciidul Adxa

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ciidul Adxa

    Xigashada Sawirka, EPA

    Ciidul Adxa

    Xigashada Sawirka, reu

    Ciidul Adxa

    Xigashada Sawirka, EPA

    Ciidul Adxa

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ciidul Adxa

    Xigashada Sawirka, reu

    Qoraalka sawirka, Muslimiimta oo Salaadii Ciida ku tukaday Magaalada Moscow
  3. Warbixin ku saabsan sidii maanta looga ciiday gobolka Waqooyi Bari Kenya

    Kenya
    Kenya

    Magaalooyinka Gobolka Waqooyi Barrie e kenya dadweyne aad u badan ayaa isugu soo baxay fagaaarayaasha magaaladaas si halkaasi ay ugu tukadaan si jamac ah salaadda Ciidul-adhxa ,

    Barasaabyada seddexda goboll ee kala ah Garisa ,Wajeer iyo Mandheera ayaa kala qeeybgalay tukashada salaadda Ciidda .

    Wasiirka Difaaca Kenya Aadan Barre Ducaalle ayaa sidoo kale salaada Ciidul-adhxa kala qaybgalay shacabka Garissa.

    Ducaalle ayaa munaasabada ciidda ugu hambalyeeyay muslimiinta dunida meel walba ay joogan.

    Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay doodda mamnuucidda qaadka nooca Muguka, waxa uuna ugu baaqay Ismaamulada Dowlad Goboleedyadda Waqooyi Bari ka jira ee Garissa, Wajeer iyo Mandera inay joojiyaan qaadka, kaas oo uu sheegay in uu saameyn ku yeeshay kummaan dhalinyaro ah.

    Barasaabka Gobolka Wajeer oo saalada ciida kula tukaday shacabka garoonka weyn ee Qorraxeey ayaa kasokow hambalyada munaasabadda Ciidda, waxaa uu sheegay in Dowladda Ismaamulka Wajeer ee u hoggaamiyo ay fulin doonan dhammaan balamihii ay qaaden markii ay ku jireen ololaha doorashada ee xilka Barasaabka.

    Kenya

    Xigashada Sawirka, BBc

    Kenya

    Xigashada Sawirka, BB

  4. Munaasabadda Ciidul Adh-xa iyo sidii maantay looga ciiday dalka Jabuuti

    Jabuuti

    Munaasibadda Ciidul Adh-xa ayaa maanta si weyn looga ciidday dalka Jabuuti, iyada oo kummaan qof ay isugu soo baxeen Masaajidda iyo goobaha fagaareyaash ah, halkaas oo loogu talo galay in dadku Salaadda Ciidda ku tukadaan.

    Madaxweynaha jabuuti Ismaciil Cumar Geelle, ayaa salaadda Ciidda kula tukaday faagaraha weyn ee Jamaac Nur ee Djibouti.

    Madaxweyne Ismaaciil ayaa habeenki xalay ahaa dadka ugu hambaleeyey munaasibadda Ciidda ee Cidul adhxa.

    Dadka ayaa guud ahaan wajiyaadoda laga daremayey farxadda Ciidda iyo iyaga oo iskugu hambalyeynaya si farxad leh.

    Jabuuti
  5. Siddeed askari oo Israa'iil ah oo lagu dilay Rafah kadib markii la qarxiyay gaarigoodii

    Israel

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Keydka Sawirrada, ciidamada Israel oo ku sugan xuduudka koonfureed ee Israel ay la wadaagto marinka Qaza

    Sideed askari oo Israa’iiliyiin ah ayaa lagu dilay qarax ka dhacay koonfurta Qaza Sabtidii, sida ay sheegeen millatariga Israa’iil, shilkii ugu dhimashada badnaa ee ciidanka ISarel ku dhaca dagaalka tan iyo bishii Janaayo.

    Askarta ayaa saarnaa gaari gaashaaman oo uu haleelay qarax weyn, kaasoo sida lagu sheegay baaritaan horudhac ah lagu qarxiyay "waxyaabaha qarxa oo farsameeyay ".

    Dhacdadan ayaa dhacday intii lagu guda jiray hawlgal ka dhacay xaafadda Tal al-Sultan ee Rafah, oo toddobaadyadii la soo dhaafay bartilmaameed u ahayd ciidammada Israa’iil.

    Goor sii horeysay, garabka hubeysan ee Xamaas ayaa sheegay inay gantaal ku rideen gaari gaashaaman kadib markii ay weerar gaadmo ah ku sameeyeen.

    Askartan ayaa ka soo laabtay howlgal habeen hore ka dhacay xaafadda Tal al-Sultan ee magaalada Rafah, abaare 05:15 xilliga maxalliga ah (03:15 BST) markii gaarigooda gaashaaman uu qarxay.

  6. Somaliland, kummaan qof oo isugu soo baxay Masaajidda iyo fagaareyaal si ay u oogaan Salaadda Ciidda

    Somaliland

    Munaasibadda Ciidul Adh-xa ayaa maanta si weyn looga ciidday deegaannada Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madax banaanideeda ee Somaliland, iyada oo kummaan qof ay isugu soo baxeen Masaajidda iyo goobo fagaareyaal ah oo loogu talo galay in dadku Salaadda Ciidda ku tukadaan.

    Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa salaadda Ciidda kula tukaday Dadweynaha Masjid-Jaamaca weyn ee magaalada Hargeysa, halkaas oo isaga iyo Madax kale ay dadweynaha kula hadleen.

    Muuse Biixi ayaa shacabka Somaliland ugu hambaleeyey munaasibadda Ciidda, isaga oo Ilaahay uga baryey in acmaasha wanaagsan ee ay sameeyeen bisha Dul-xaja inuu ka aqbalo.

    Madaxweynaha Somaliland, waxa uu si gaar ah uga hadlay saameynta isbeddelka Cimiladu ku yeelatay Somaliland "Waxa imika soo korodhay cimiladan isbeddeshay, oo roobabkii xilligii la filayey way kasoo hor marayaan ama way ka daahayaan, haddii uu da' o roobkuna, wuxuu la imaanayaa daadad iyo duufaanno xoog leh”. Ilaahay waxa aan ka baryeynaa cimiladaas Isbeddeshay in Alle sharkeeda innaga hayo" Ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

    Magaalooyinka kale ee Somaliland sida Burco, Berbera, Ceerigaabo, Boorama iyo deegaannada kale ayaa si weyn looga oogay Saaladda Ciidul Adhxa , oo maanta dunida Muslimka laga ciiday.

    Somaliland
  7. Ciidamada ATMIS oo ciidanka Soomaaliya ku wareejiyay saldhigga Bariire

    Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, ATMIS

    Ciidamada ATMIS ayaa shalay bilaabay wajiga saddexaad ee dhimista ciidankooda iyadoo saldhigga Bariire ku wareejisay Ciidanka Soomaaliya.

    Sareeye Guuto Anthony Lukwago Mbuusi, Taliyaha Guutada Ciidanka Uganda ee ATMIS, ayaa si rasmi ah saldhigga ugu wareejiyey Gaashaanle Muxiyadiin Axmed oo ka tirsan Ciidanka Qaranka Soomaaliya.

    Waxaa munaasabadda ka qeybgalay saraakiil sar sare oo ka tirsan ATMIS & Ciidanka Soomaaliya.

    Wajiga saddexaad ee dhimista ciidanka ATMIS ayaa waafaqsan Qaraarrada Golaha Ammaanka ee QM ee tirsigoodu yahay 2628 (2022), 2670 (2022), & 2710 (2023), kuwaas oo lagu doonaya ATMIS inay ciidankeeda dhinto 4,000 oo askari dhammaadka bisha Juun ee 2024.

    Wajiga saddexaad ayaa daba socoda dhammaystirkii najaxay ee labadii waji ee hore, kuwaas oo la soo gunanaaday bilihii Juun 2024 iyo Jannaayo 2024, xilligaas oo ATMIS ay ciidankeeda dhintay 5,000 oo askari isla markaasna 17 saldhigyo hore ku wareejisay muddadaas .

    Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, ATMIS

  8. Sawirrada Salaadda Ciida Masjidka Isbahaysiga iyo Ra’iisul Wasaaraha oo shacabka gacanqaaday

    Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, OPM Somalia

    Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, OPM Somalia

    Somaaliya

    Xigashada Sawirka, OPM Somalia

    Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, OPM Somalia

    Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, OPM Somalia

    Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, OPM Somalia

    Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, OPM Somalia

    Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, OPM Somalia

    Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, OPM Somalia

  9. Ra’iisul Wasaare Xamsa oo salaadda ciida shacabka kula tukaday Masjidka Isbahaysiga

    Somaaliya

    Xigashada Sawirka, OPM Somalia

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maantay salaadda Ciidda Carrafo boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Masjidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda Muslimiinta ah ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidda Carrafo, isaga oo xujayda sanadkan gudanaya waajibaadka xajka, Alle uga baryey in uu ka aqbalo acmaashooda suubban.

    Ra’iisulwsaare Xamsa ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay isku naxariistaan isla markaana ay is caawiyaan, si farxadda Ciiddu ay u wada gaarto dhammaan bulshada gaar ahaan inta nugul.

    “ Waxa aan ugu baaqayaa dhammaan shacabka Soomalaiyeed meel kasta oo ay joogaan ay is wada cafiyaan , oo ay heshiiyaan oo ay walaaloobaan”

    Masuuliyiinta kale salaadda ciidda shacabka kula tukaday Masjidka Isbahaysiga Islaamka, waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aden Madoobe iyo masuuliyin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

    Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, OPM Somalia

  10. Jarmalka iyo Switzerland oo badiyay kulankii koobaad ee horyaalka ciyaaraha Euro 20204

    Sports

    Xigashada Sawirka, BBC Sport

    Ciyaaraha koobka Kubadda Cagta ee koobka Euro 20204 ee shalay ka furmay dalka Jarmalka , kooxaha Group A ku wad jira waxaa soo badiyay Jarmalka iyo Switzerland.

    Jarmalka ayaa ciyaartii shalay lagu furay Euro 20204, 5-1 kagasoo badiyay Scotland Halka Switzerland ay Hungry kagasoo adkaatay 3-1.

    Iminka labadaasi kooxood waxa ay haystaan koxdiibaa seddex dhibcood , haddi kulanka, ciyaarta tan xigta ay labadaasi kooxood soo badiyaan waxa ay usoo bixi doonaan wareegga labaad ee is aragga ciyaaraha.

  11. Sawirrada Xujeyda ee buurta Carrafa

    Saudi Arabia

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Saudi Arabia

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    SAudi Arabia

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Saudi Arabia

    Xigashada Sawirka, STRINGER/EPA-EFE/REX/SHUTTERSTOCK

    Saudi Arbaa

    Xigashada Sawirka, STRINGER/EPA-EFE/REX/SHUTTERSTOCK

    Saudi Arabia

    Xigashada Sawirka, STRINGER/EPA-EFE/REX/SHUTTERSTOCK

    Saudi Arabia

    Xigashada Sawirka, get

    Saudi Arabia

    Xigashada Sawirka, get

  12. Weeraryahankii hore ee Arsenal iyo Everton Campbell oo geeriyooday isagoo 54 jir ah

    Sports

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Weeraryahankii hore ee kooxaha Arsenal iyo Everton Kevin Campbell ayaa ku geeriyooday da’da 54-sano kadib markii uu xanuunsaday.

    Campbell waxa uu dhaliyay 148 gool 542 kulan isaga oo uu u saftay sideed kooxood intii uu ku guda jiray xirfadiisa ciyaareed.

    Afar koob oo waaweyn ayuu la qaaday Arsenal, wuxuuna sidoo kale u soo ciyaaray Leyton Orient, Leicester, Nottingham Forest, Trabzonspor, Everton, West Brom iyo Cardiff.

    Campbell muuqaalkiisii ugu danbeeyay isagoo ciyaaryahan ah wuxuu soo muuqday bishii Febraayo 2007 ka hor inta uusan u wareegin dhanka warbaahinta.

    Everton ayaa sheegtay horraantii bishan in uu xanuunsaday bishii May uuna "aad ugu xanuunsanayo" isbitaalka.

    “Aad ayaan uga niyad jabnay markii aan ogaanay in weeraryahankeeni hore ee Kevin Campbell uu geeriyooday ka dib markii uu muddo yar xanuunsanaa,” ayay tiri Arsenal.

    "Kevin waxaa jeclaa qof walba oo kooxda ku sugnaa, dhamaanteen waxa aan ka fekereynaa asxaabtiisa iyo qoyskiisa waqtigan adag”

    Everton ayaa tiri: “Qof walba oo Everton ah aad ayuu uga xumaaday geerida weeraryahankeenii hore ee Kevin Campbell isagoo 54 jir ah.

    Sports

    Xigashada Sawirka, gett

  13. Gaashaanle Maxamed Dheere oo ka tirsanaa ciidanka xoogga oo qarax miino ku dhintay

    Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, SNTV

    Taliyaha guutada 8-aad ee ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad G/sare Maxamed Dheere ayaa ku dhintay qarax miino oo ay Alshabaab ku aaseen dhulka miyiga ah ee hoos yimaada Bardaale,sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

    Taliyaha ayaa hoggaaminayay howlgallo waddo furis ah oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ka wadaan halkaas, kuwaas oo uu ujeedkoodu yahay in la isku furo gobollada Baay, Bakool iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

  14. Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay go’aanka dowladda ay meydadka uga saarayso qubuuraha

    Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, Puntland State House

    Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu baaqay Maadxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in loo dhimriyo lana ixtiraamo qeyladda kasoo yeereeyso maalamahan magaalada Muqdisho ee ku aadan in dhul qubuuro ah laga saaro meydadkii halkaasi ku jiray, taas oo uu sheegay in sharciga sammaawiga ah iyo kan bulshadeed uu qubuuraha siinayo ixtiraam.

    Deni ayaa intaasi ku daray in Soomaaliya aanay maanta baahi dhuleed u qabin in ay qubuuro faagto.

    “Dhulka Soomaaliya 70% waa uu banaanyahay , dadkisuna waa yaryayahy, meel kasta iyo goob kasta ayaa haddii loo baahdo laga fulin karaa baahida dowladda”.

    Dhawaan ayeey ahayd markii Dowladda Soomaaliya gaar ahaanna Wasaaradda Gaashaandhigga ay amar kasoo saartay in meydadka ku aasan qubuuraha Iskuul booliisiyo ay ehelada meydadkaasi ka saartaan, iyada oo kuwa aan awodinna ay dowladdu sheegtay in ay gacan ka siineeyso sidii ay u saaran lahaayeen.

    Go’aankaasi dowladda ee qubuuraha Iskuul Booliisiya ayaa waxa ka dhashay fal-celin badan oo xagga bulshada iyo siyaasyiiyin magac leh intaba.

  15. Dowladda Soomaaliya oo ku howlan qorshe looga dhisayo Muqdisho garoon diyaaradeed oo cusub

    Somaaliya

    Xigashada Sawirka, SCAA

    Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay in ay socdaan qorshe Magaalada Muqdisho loogu dhisayo garoon cusub oo qaabilsan duulimaadyada diyaaradaha

    Axmed Macalin Xasan ayaa xusay in dhismaha garoonka diyaaradaha oo laga hirgalin doono Ceel-macaan uu fududeyn doonto in laga boxo ciriiriga iyo dhibaatooyinka kale ee hadda ka jira garoonka diyaaradaha ee Aden Adde.

    Maareeyaha ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu hirgalin doono dhismaha garoonkaas,isagoo tilmaamay in la soo gabagabeeyay sahan socday muddo shan sano ah oo lagu ogaanaayey jawiga iyo badqabka halka lag dhisayo garoonka ee Ceel-macaan oo ah meel ku habboon adeegga diyaaradaha.

  16. Xuutiyiinta oo gantaal la helay markab xamuul oo marayey Badda Cas

    Yemen

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Badmaaxiin ayaa ayaa si xun ugu dhaawacmay ka dib markii markabka xamuul oo marayey gacanka Cadmeed ay xuutiyiinta Yemen ku dhufteen labo gantaal oo nooca loo yaqaano Cruise, sida ay sheegeen militariga Maraykanka.

    Badmaaxiinta dhaawaca ah ayaa loo duuliyay markab kale si loogu dabiibo, sida ay sheegeen Taliska Dhexe ee Mareykanka (CentCom).

    Waxa ay intaa ku dareen in shaqaalaha markabka ay la halgamayeen dab ka kacay markabka MV Verbena - markab uu ka babanaayey calanka Palauan, lagana lahaa dalka Ukraine, oo laga maamulo dalka Poland.

    Taliska Dhexe ee Mareykanka (CentCom) ayaa markii dambe sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay burburiyeen labo doonyood oo ay wateen Xuutiyiinta, hal markab oo aan cidina wadin iyo hal diyaarad oo ah nooca aan duuliye lahayn kuwaas oo marayay Badda Cas.

  17. Cyril Ramaphosa ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha Koonfur Afrika

    South Afrika

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Baarlamaanka Koonfur Afrika ayaa mar kale u doortay Cyril Ramaphosa inuu noqdo madaxweynaha dalkaas, kaddib heshiis taariikhi ah oo isbahaysi oo ay gaareen xisbiga talada haya ee ANC iyo xisbiyada mucaaradka.

    Dawladda cusub ee midnimada qaran waxa ay ka koobantahay xisbiga ANC ee Mr Ramaphosa , xisbiga middigta dhexe ee Democratic Alliance (DA) iyo xisbiyada yaryar.

    Khudbadiisii ​​guusha, Mr Ramaphosa wuxuuna sheegay in codbixiyayaashu ay ka filayaan hoggaamiyeyaasha "inay ficil sameeyaan oo ay ka wada shaqeeyaan wanaagga qof kasta oo dalkeenna ah".

    Heshiiskan ayaa lagu soo beegay maalin ay aad u sarraysay xisadda siyaasadeed, taas oo la arkayay Baarlamaanka oo ilaa maqribnimadii u fadhiyay codaynta cidda qabanaysa talada maamulka cusub.

  18. In ka badan 2 milyan oo Xujey Muslimiin ah oo maanta taagan Buurta Carrafo

    Saudi

    Xigashada Sawirka, Social Media

    In ka badan In ka badan 2 milyan oo Xujey Muslimiin ah ayaa isugu soo baxay Buurta Carrafo ee magaalada Makka ee dalka Sacuudiga si ay u gutaan waajibaadka maalinta Carrafo oo ah rukniga ugu weyn ee xajka, waxayna halkaasi joogi doonaan ilaa uu gabalku ka dhaco.

    Soomaali kabadan 11 kun oo xaaji ayaa sanadkan ka qeybagalaya xajka, waxaana la socda masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Awqaafta iyo Xajka oo uu horkacayo Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Xajka, Mukhtaar Rooboow.

    Dowladda Sacuudiga ayaa ku boorrisay dadka ka qeyb qaadanaya gudashada waajibaadka xajka inay raacaan tallaabooyin looga hortagayo kulaylka sii kordhaya. Heerkulka ayaa la filayaa inuu kor u kaco ilaa afartan darajo Celsius.

  19. Dowlad isbahaysi oo laga dhisay Koofur Afrika

    Koofur Afrika

    Xigashada Sawirka, AFP

    Xisbiga hoggaamiyaha isbahaysiga dimuqraadiga ee Koofur Afrika ayaa mid taariikhi ah ku tilmaamay heshiiska lagu dhisayo dowlad qaran oo mideysan oo ay la galeen xisbiga kongareeska qaranka ee Afrika. John Steenhuisen ayaa sheegay inay isbeddel cusub ka sameyn doonaan dalka.

    Heshiiska oo ay ku jiraan axsaab kale ayaa la kala saxiixday kahor inta uusan baarlamaanku qaban kulankiisii ugu horreeyay tan iyo doorashadii xisbiga ANC uu ku lumiyay aqlabiyadda.

    Heshiiskan ayaa waddada u xaaraya dib u doorashada Cyril Ramaphosa oo ay noqoneyso muddo-xileedkiisii labaad iyo kii ugu dambeeyay. Balse xilalka wasiirrada ayaa la qeybsan doonaan. John ayaa sheegay in heshiiska dhowaan la dhaqangelin doono.

  20. Khabiir xal usoo jeediyay caqabadaha kala haysta waaliddiinta Soomaalida, carruurtooda iyo iskuullada UK