You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Soomaaliya iyo dalal kale oo Dooxa kaga qeybgalaya shirka looga hadlayo weerarka Israa'iil ee Qadar

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee BBC Somali

Kooban

Tebin toos ah

  1. Feeryahan hore oo caan ahaa oo meydkiisa la helay

    Xiddiggii feryahanka hore ahaa Ricky Hatton ayaa geeriyooday isagoo 46 jir ah.

    Booliiska ayaa sheegay in ninkan isagoo meyd ah saakay laga helay gurigiisa ku yaalla Hyde oo ka tirsan Tameside, Greater Manchester, UK.

    Geeridiisa ma dhalin wax shaki ah.

    Hatton ayaa xaagagan ku dhawaaqay inuu soo laabanayo, isagoo tartan feer la geli lahaa ninka u dhashay Imaaraatka ee Eisa Al Dah kaasoo loo ballansanaa 2-dii December.

    Hatton, oo ku guuleystay 45 ka mid ah 48 tartan oo uu galay muddadii 15-ka sano ahayd ee xirfaddan uu ku jiray, ayaa markii ugu dambeysay ee uu tartamo ay ahayd 2012, markaas oo tartanka uu kaga raayay ninka Ukraine u dhashay Vyacheslav Senchenko.

    Intii xirfaddiisan uu ku jiray,Hatton wuxuu ku guuleystay billado caalami ah.

  2. Maxkamad u hiillisay Aishwarya Rai kadib dacwad ay u gudbisay

    Maxkamadda Sare ee Delhi ayaa soo saartay amar ku meel gaar ah oo lagu ilaalinayo xuquuqda shakhsiyadeed ee aktaradda Bollywood-ka ee Aishwarya Rai Bachchan.

    Maxkamaddu waxay sheegtay in adeegsiga aqoonsiga qof kasta oo caan ah (magac, sawir, cod, iwm.) fasax la’aan ay dhaawici karto danaha dhaqaale iyo sumcadda qofka caanka ah.

    Maxkamadda Sare ayaa si ku meel gaar ah u xukuntay labada nin ee Aishwarya iyo jilaaga Abhishek Bachchan kiis gaar ah, iyadoo la ilaalinayo xuquuqdooda shakhsiyadeed.

    Sida ku cad amarkan, maxkamadda sare waxay ka mamnuucday hay'ado dhowr ah inay si khaldan u isticmaalaan magacyadooda, sawirradooda, iyo codkooda.

    Garsoore Tejas Kariya ayaa mar uu soo saaray amar ku meel gaar ah kiiskii Aishwarya Rai 9-kii Sebtembar, wuxuu sheegay in marka aqoonsiga qof caan ah la isticmaalo fasax la’aan, qofkaasi ay soo gaari karto khasaare maaliyadeed.

    Kiiskan ayaa la xiriira dacwad ay gudbisay Aishwarya Rai Bachchan, taas oo ay ku doonaysay in laga mamnuuco in si khaldan loo isticmaalo dhinacyo badan oo shakhsiyaddeeda ah.

    Sida laga soo xigtay iyada, shabakado badan oo internet-ka ah ma isticmaalaan oo keliya magaceeda, sawirkeeda, codkeeda, laakiin sidoo kale waxyaabo been abuur ah iyada oo si khaldan loo adeegsanayo.

    Aishwarya waxa ay sheegtay in arrimahani aanay kaliya saamaynayn qiimaheeda iyo dakhligeeda, balse ay si xun u saameeyaan muuqaalkeeda iyo sumcaddeeda.

  3. Rubio oo Netanyahu kala hadlaya weerarkii Qadar

    Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa ku sugan Israa’iil, isagoo goor hore oo maanta ah gaaray si uu ula kulmo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

    Kulankaan ayaa la filayaa in uu dhaco xili xiisadda ay ku baahday guud ahaan Bariga Dhexe gaar ahaan ka dib markii Israa'iil ay weerar ku qaadday kooxda Xamaas ee Qadar toddobaadkii hore.

    Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo la filayo in maalinta Isniinta ee September 15-keeda uu magaalada Dooxa ka furmo shir-madaxeedka Carabta iyo Islaamka, iyadoo Israa'iil ay sii waddo qorshaheeda ay ku doonayso inay ku qabsato oo ay ku maamusho magaalada Qasa.

    Booqashada Rubio, ayaa timid, ka dib markii Madaxweyne Donald Trump uu muujiyay sida uu uga xun yahay tallaabada Israa'iil ay ku ugaarsaneyso hoggaamiyayaasha Xamaas, isla-markaana ay ku weerarayso, xilli ay ku sugan yihiin dal kale, Qadar - oo muddo dheer la kaashaneysay Mareykanka dadaallada nabadda loogu raadinayo colaado dhowr ah oo ka dhacay Afrika iyo Bariga Dhexe.

    Xoghaye Rubio ayaa ka hor inta uusan u dhoofin Israa’iil u sheegay warfidiyeenka in Madaxweyne Trump uu aad uga xumaaday weerarka Israa’iil, inkastoo uusan hadda caafimaad qabin, haddana taasi aysan waxba ka beddeli doonin xiriirka Mareykanka iyo Israa’iil.

  4. Soomaaliya iyo dalal kale oo Dooxa kaga qeybgalaya shirka looga hadlayo weerarkii Israa'iil

    Magaalada Dooxa ee caasimadda Qadar waxaa maanta ka furmaya shir-wadaagga gogol-xaarka ah ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka xubnaha ka ah ururrada Jaamacadda Carabta iyo Iskaashiga Islaamka, oo ujeedkiisu daaranyahay isku-duwidda mowqifyada iyo dejinta ajandaha shir-madaxeedka deg-degga ah ee madaxda iyo hoggaamiyeyaasha carbeed ay iskugu imaanayaan oo lagaga hadlayo duqeymaha cirka ee Israa’iil ka geysatay Qadar.

    Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Jamaal Rushdi, ayaa sheegay in shirka Dooxa uu xambaarsan yahay farriin ku aaddan midnimo buuxda oo ay la leeyihiin Qatar.

    Rushdi ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Qatar ee (QNA) in shir madaxeedkan ugu horreyn looga hadli doono cawaaqib xumada ka dhalan karta weerarka Israa’iil ay ku qaadday Qadar, waxaana la filayaa in dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka ay si buuxda u muujiyaan fekerkooda.

    Dalalka ka qeyb galaya waxaa ka mid ah Soomaaliya, oo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisalaan Cabdi Cali, uu shalay gaaray halkaas.

  5. Qoysaska la heystayaasha: Netanyahu waa caqabadda keliya ee na hortaagan

    Qoysaska la haystayaasha Israa’iil ee weli ay gacanta ku hayaan Xamaas ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu yahay “hal caqabad” oo ka hor-istaagan soo laabashada ddkooda iyo in la gaaro heshiis nabadeed.

    Golaha la haystayaasha iyo qoysaska maqan: Keen Guriga Hadda waxay ku soo qoreen baraha bulshada in Israa'iil weerarki ay ku qaadday Qadar usbuucii hore ay muujinayso "mar kasta oo heshiis soo dhawaado, Netanyahu wuu burburiyaa".

    Hadalka kooxdan ayaa imaanaya ka dib markii Israa’iil ay weerar ku qaadday madaxda sare ee ururka Xamaas ee ku sugan caasimadda Qadar ee Dooxa, kaas oo Xamaas ay sheegtay in ay ku dishay shan ka mid ah xubnahaasi iyo sarkaal ammaanka Qadar ka tirsan.

    Sabtidii, Netanyahu wuxuu sheegay in ka takhalusidda hoggaamiyeyaasha Xamaas ee Qadar "ay ka takhalusi doonto caqabadda ugu weyn" ee sii deynta la haystayaasha iyo soo afjaridda dagaalka.