Taageerayaasha Isra’iil oo looga digay in ay ka qaybgalaan ciyaar kubadda koleyga ah oo caawa ka dhacaysa dalka Taliyaaniga
Golaha Amniga Qaranka ee Isra’iil ayaa kula taliyay taageerayaasha kooxda kubbadda koleyga ee Maccabi Tel Aviv in ay ka baaqdaan kulan ciyaareed ay caawa kula leeyihiin dalka Taliyaaniga kooxda Virtus Bologna.
Qoraal la soo dhigay barta X ayay dawladdu ku sheegtay in kadib dhacdadii habeen kii la soo dhaafay, ay jiraan oraahyo lagu baahiyay internet-ka oo loogu hanjabayo dadka Isra’iiliyiinta ah, iyadoo laga cabsi qabo in ay dhacaan weerarro lamid ah kuwii xalay.
Natiijada ka dhalatay dhacdadii xalay, Isra’iil waxay ku boorisay dadkeeda in aanay xaadirin kulan ciyaareedkaa kubadda koleyga ee ka tirsan tantanka EuroLeague ee ay la leeyihiin kooxda Taliyaaniga ah ee Bologna.
Golaha Amniga Qaranka waxa kale oo uu kula taliyay dadka in aanay qaadan calaamado muujinaya ama astaamo muujinaya yuhuudnimadooda ama Isra’iilnimadooda.
Warbaahinta Taliyaaniga ayaa sheegaysa in kooxda kubadda koleyga ee Maccabi Tel Aviv ay haystaan gabaadka booliska kahor kulanka caawa dhacaya.