Hay'adaha gargaarka oo ku eedeynaya Israa'iil inay raashinka si ula kac ah uga xannibtay Qasa

Ku soo dhawaada tebinteenna tooska ah ee wararka caalamka iyo kuwa gobolka

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Miyuu Zelensky la fadhiisan doonaa Putin? Trump wuxuu u muuqdaa inuu taas rejaynayo.,

    Zelenskyy

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Zelenskyy

    Tan iyo markii Ruushku bilaabay duullaankiisa buuxa ee Ukraine bishii Febraayo sanadkii 2022, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin weligood isma aysan arag si fool ka fool ah.

    Shalayse, Donald Trump ayaa muuujiyay in ay taasi is beddeli karto.

    Zelensky ma joogi doono Alaska berri marka Trump uu gacan qaadayo Putin, hase yeeshee madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in kulan dhex mara labada hogaamiye ee dagaalka ku lugta leh uu noqon karo "mid ka waxtar badan" kan uu isagu la leeyahay hoggaamiyaha Ruushka.

    Trump wuxuu sheegay in haddii kulankaasi noqdo "kulankii la rabay", uu wici doono Madaxweynaha Ukraine, Zelensky, si ay u diyaariyaan kulan labaad kaas oo la sheegi karo inuu ka dhici karo meelo kala duwan, Alaska-na ay ka mid tahay.

    Dimuqraadiyiinta Mareykanka ayaa dhankooda sheegay inay isku dayi doonaan inay cunaqabatayn saaraan Ruushka haddii wax horumar ah laga gaarin kulanka ka dhici doona Alaska.

  2. Kulan aan saxaafadda juuqba la odhan oo dhex maray Starmer iyo Zelensky,

    Starmer iyo Zelensky

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Starmer iyo Zelensky

    Qiyaastii saacad wadahadal ah ayaa maanta dhexmartay Keir Starmer iyo Zelensky.

    Caadiyan, marka hoggaamiyeyaasha ka baxayaan Guriga Lambarka 10 (Number 10), waxay keli ahaantood uga dhaqaaqaan waddada, laakiin maanta Starmer wuxuu go'aansaday inuu la socdo Zelensky ilaa gaadhigiisa

    Midkoodna kama aysan hadlin marka ay baxayeen sida ay wadahadalladu u dhaceen, balse mar kale waxaa dhex maray is-hambalyeyn diirran gacan qaad iyo hab isa siin niyad leh.

    Waxay ahayd astaan muhiim ah oo midnimo ah kadib wax walba oo maalmahan dhacay oo ay ku jiraan wadahadalladii dhexmaray hoggaamiyeyaasha Yurub iyo Trump shalay.

    Waxaana loo malayleynayaa in sababta Starmer iyo Zelensky midkoodna uusan waxba u dhihin kadib kulanka maanta ay ahayd xeelad siyaasadeed.

    Ra’iisul wasaaruhu wax badan warbaahinta ugama uusan hadlin maalmahan, marka laga reebo qoraallada la sii daayo kulamada kadib.

    Sababta taas loo sameeyay waa inay doonayaan inay muujiyaan midnimo sidoo kalena ay ka fogaadaan in ay yidhaahdaan wax u muuqan kara khilaaf ay kara iyaga iyo Mareykanka.

  3. Muxuu yahay fuuqan (qashirkan) uu kornaylka Mareykanka ah gudoonsiiyay madaxda

    Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Ed Norris

    Xigashada Sawirka, SONNA

    Qoraalka sawirka, Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Ed Norris

    Sawiradan ayaa ku faafay baraha bulshada iyadoo dad badan su’aalo iska weydiiyeen. Waxaa bidix-da ka taagan kornayl Mareykan ah oo lagu magacaabo Ed Norris, oo xiran dhar ciidan, isaga oo dhoolla-caddeynaya ayuu Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland la qabanayaa qolof gantaal la riday.

    Kulamada ayaa sagootin ahaa kuwaas oo lagu muujiyay iskaashiga militari ee u dhaxeeya labada dal. Qolofta gantaal ayaa laga soo qaaday duqeymo uu Mareykanku ka fuliyay Soomaaliya, oo ah taageerada joogtada ah ee Maraykanku la garab taagan yahay dagaalka ka dhanka ah Daacish iyo Al-Shabaab.

    Qolofta gantaalka ayaa ahayd hadiyad sharafeed muujinaysa wada shaqeynta labada dhinac ee la dagaallanka argagixisada.

    Madaxweynaha Puntland iyo Ed Norris

    Xigashada Sawirka, Puntland

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Puntland iyo Ed Norris
  4. Madaxweynihii xiray wariyayaal ka duubay muuqaal uu ka xanaaqay

    Salva Kiir

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Salva Kiir

    Bishii Janaayo 2023, lix wariye oo ka tirsan telefishinka qaranka Koonfurta Suudaan ayaa la xiray kadib markii baraha bulshada lagu faafiyay muuqaal muujinaya Madaxweyne Salva Kiir oo u muuqda inuu ku kaadiyay dharkiisa intii lagu jiray munaasabad rasmi ah. Muuqaalka ayaa muujinayay dhibic qoyaan ah oo ku faafaysa surwaalka madaxweynuhu xirnaa xilli la qaadayay heesta qaranka, inkastoo aan muuqaalka laga baahin telefishinka.

    Ururka suxufiyiinta Koonfurta Suudaan ayaa wakhtigaas sheegay in la xiray laba kaamiro-qaade, tafatire muuqaal iyo saddex shaqaale oo ka shaqeeya qaybta kontaroolka, kuwaas oo looga shakiyay inay aqoon u lahaayeen sida muuqaalku ku baxay. Madaxa ururka Patrick Oyet ayaa xusay in dadkaasi lagu hayay xabsi in ka badan 24 saac oo sharcigu ogol yahay, halka hay’adda CPJ ay ku tilmaantay dhacdadan mid ka tarjumaysa hab-dhaqanka amni ee lagu bartay Madaxweynaha ee lagu xiro weriyeyaasha marka war aan loo bogin la soo tabiyo.

  5. Isku dhac Muqdisho ku dhex maray ciidanka dawladda iyo miliishiyo hubaysan

    Muqidhso

    Xigashada Sawirka, X

    Qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa saaka laga maqlay rasaas ka dhacaysay.

    Xaafadda tarabuunka ee degmada Hodan ayey dad goobjoogeyaal ah sheegeen inay is rasaaseyn ku dhex martay dad deganaa halkaas iyo ciidanka amniga. Gaar ahaan meesha iska hor imaadku ka dhacay ayaa lagu sheegay inay ahayd garoonkii kooxda Horseed.

    Lama oga sababta keentay is rasaaseynta, waxaase wararka qaar ay sheegayaan in ay timid markii ciidanku ay halkaa tageen si loo dumiyo xaafadaas.

    Rasaasta xaafadda ka soo dhaceysay ayaa la sheegay inay soo ridayeen dhallinyaro hubaysan, welina ma cadda khasaaraha inta uu le’eg yahay.

    Dhawaqa rasaasta ayaa hadda yaraaday inkastoo la is hor fadhiyo sida aan wararka ku helayno.

  6. Suudaanta koofureed oo beenisay inay kala hadleen Israa'iil dib u dejinta dadka Qasa

    Israa'iil iyo Koonfurta Sudan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Israa'iil iyo Koonfurta Sudan

    Dowladda Suudaanta koofureed ayaa si adag u diiday warar sheegaya inay kala xaajoonaysay Maraykanka iyo Israa'iil qorshe dib u dejin loogu dejinayo Falastiiniyiinta Qasa.

    Warbixinno soo baxay toddobaadkan ayaa lagu sheegay in dalka ugu da’da yar caalamka uu wado qorshayaal Tel Aviv ka leedahay sidii loo fududeyn lahaa barakicinta ballaaran ee dadka reer Qasa, taasoo cambaareyn xooggan kala kulantay Jaamacadda Carabta iyo Masar.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suudaanta koofureed, Semaya Monday Kumba, ayaa u sheegay BBC-da in warkaas uu yahay “been abuur ka imanaya cadowga nabadda, xasilloonida iyo horumarka Koonfurta Suudaan.”

    Wuxuu carrabka ku adkeeyay in aanay jirin wax wada-hadallo ah oo ay la yeesheen Israa’iil ama Maraykanka taasoo arrintan la xiriirta.

  7. UEFA oo qortay “Jooji dilka carruurta. Jooji dilka rayidka".

    UEFA ayaa soo bandhigtay boor weyn oo ay ku qornayd: “Jooji dilka carruurta. Jooji dilka rayidka.”

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ururka Kubadda Cagta Yurub (UEFA) ayaa soo bandhigtay boor weyn oo ay ku qornayd: “Jooji dilka carruurta. Jooji dilka rayidka.” Carruur ka kala yimid dalal dagaallo saameeyeen, oo labo ka mid ahi ka yimaadeen Qasa, ayaa bandhiga boorka qeyb ka ahaa. UEFA ayaa sheegtay in fariintu tahay “mid cad oo toos ah,” iyadoo tani daba socoto balanqaadkii UEFA Foundation ee taageerada carruurta ku nool goobaha colaadaha.

    Qoraalka ayaa lagu soo bandhigay cayaartii dhex martay PSG iyo Tottenham ee ka dhacday dalka Talyaaniga.

    Tallaabadan ayaa timid kadib markii Mohamed Salah uu si adag u dhaliilay UEFA, isagoo sheegay inay si tabar daran uga hadleen geeridii Suleiman al-Obeid, oo loo yaqaanay “Pelé-ga Falastiin,” iyadoo aan la sheegin in Israa’iil ku dishay Qasa. Dhaliisha Salah oo malaayiin qof ay aragtay ayaa cadaadis ku noqotay UEFA, taasoo ka fogaatay inay magacaawdo Israa’iil. Salah, oo ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan Premier League, ayaa hore ugu baaqay xabbad-joojin degdeg ah iyo gurmad bini’aadantinimo oo loo diro Gaza.

  8. Maxkamadda ciidamada oo toogatay xubno Al Shabaab ka tirsan

    Toogasho

    Xigashada Sawirka, Maxkamadda ciidamada

    Goor dhoweyd ayaa waxaa dil toogasho ah lagu fuliyey seddex nin oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab.

    Sida ay shaacisay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, 3da qof ayaa lagu kala magacaabaa Abuukar Axmed Maxamed (Anwar), Xamsa Jeylaani C/laahi (Abtiga) iyo Xassan Cali Xuseen (Garaad).

    Seddexdaas nin ayey maxkamadda sheegtay in hore xukun dil ah loogu xukumay, waxayna intaa ku dartay inay “dilal iyo qaraxyo hore uga gaysteen caasimadda iyo gobolka Shabeelaha hoose”.

    Fulinta xukunnada dilalka ayaa dib u soo billowday, ka dib markii in muddo ah ay hakad ku jireen sababo la xiriira fagaarayaasha toogashada.

  9. Hay'ado badan oo Israa'iil ku eedeeyey inay si ula kac ah u xannibtay gargaarkii Qasa

    Gaadiid gargaar sida

    Xigashada Sawirka, AP

    In ka badan 100 hay’adood oo kuwa gargaarka ah ayaa ku eedeeyey Israa’iil inay sii waddo inay gargaarka bani aadminimada xannibto Qasa, inkastoo ay ballan qaadday inay ogolaanayso mucaawino dheeraad ah si loo yareeyo dhibaatada ka dhalatay gaajada halkaa ka jirta.

    Hay’adda Oxfam ayaa sheegtay in gargaar ku kacaya in ka badan 2 malyan oo doollar la diiday.

    Hay’adda Care waxay iyadana sheegtay in gargaar loogu talagalay hooyada iyo dhallaanka oo ku kacaya in ka badan 2 malyan oo doollar la sugayo muddo 5 bilood ah inuu deegaankaas galo.

    In badan oo hay’adaha gargaarka ah waxay sheegeen in Israa’iil aysan ogolaan wax gaadiidka mucaawinada sida ah inay galaan tan iyo markii ay xannibaaddu bilaabatay bishii Maarso

    Hay’aduhu waxay ka digeen xeerarka cusub ee ay wax ku kala saarayso Israa’iil inay gabi ahaanba yihiin kuwo iyaga hor istaagaya.