Martin Ødegaard ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay ee
xilli ciyaareedka si uu uga caawiyo Arsenal inay ka adkaadaan Brighton isla
markaana dib ugu soo laabtaan kaalinta koowaad ee Premier League – balse
goolhayahooda ayaa ahaa kan sameeyay daqiiqaddii ugu xusuusta badnayd ee
ciyaarta.
Iyadoo kooxda Gunners, ay ku hoggaamiyaan kulanka 2-1, wax
cajiiba ayey ahayd 15-ki idaqiiqo ee ugu dambaysay garoonka Emirates,
ciyaaryahanka Yankuba Minteh ayaa wadnaha istaajin gaaray Arsenal markii kubad
xirfadleh ku laaday shaqaba Arsenal taas oo u muuqatay inay ku aadanayd shaqaba
basle gool ilaahayaha Gunners ayaa sameeyey badbaadin noqotay rajadii xalay ee
ciyaarta.
Tallaabo hore u qaad David Raya. Xiddiga xulka Spain ayaa
soo bandhigay awood jirdhis oo cajiib ah isaga oo kubbadda ka dul tuuray
xariiqda goolka si uu uga hortago Brighton bar bar dhac la galaan kooxdiisa.
"Waxay wax layaableh," ayuu yiri tabaraha Arsenal, Mikel Arteta, u sheegay Sky Sports.
"Waxaan lahaa aragti fiican oo ku saabsan."
"Taasi waa waxa aan ka rabno ciyaartoyda, waxaan u
baahanahay bandhigyo noocaas ah marka ay timaado daqiiqadaha muhiimka ah."
Ciyaaryahankii hore ee England, Alan Shearer, oo ka
faallooday Match of the Day, ayaa badbaadintaas ku tilmaamay "mid ka mid
ah kuwa ugu wanaagsan ee aad xilli ciyaareedkan arki doontaan".
"Waxaad arki doontaa ciyaartoyda Arsenal oo dhan inay
si toos ah Raya ugu tageen si ay ugu mahadceliyaan maxaa yeelay waxay ahayd
badbaadin weyn oo lagu sameeyay marxalad muhiim ah oo ciyaarta ah," ayuu isna
yiri Andy Reid.