Hogaamiyaha Suuriya oo BBC-da uga warramay khatarta Suuriya ee caalamka iyo reer Galbeedka

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee BBC-da

Tebin toos ah

  1. Madaxweyne Putin oo goor dhow khudbad jeedin doona

    .

    Xigashada Sawirka, SPUTNIK/KREMLIN POOL/EPA-EFE/REX/Shutterstock

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu magalada Moscow ka jeediyo khudbad qaran kahor dhamaadka sanadkan.

    Hogaamiyaha Kremlin-ka ayaa sidoo kale la filayaa inuu ka jawaabo su’aalo ay weydiin doonaan qaar kamid ah shacabka Ruushka, kuwaas oo su’aalahooda hore u diray.

    Waxyaabaha u ka hadli doono waxaa kamid ah dagaalka uu dalkiisa kula jiro Ukraine.

    Khudbadda madaxweynaha uu jeedin doono ayaa imaaneysa maalmo kadib markii la khaarajiyay janaarla sare oo ka tirsan ciidamada dalka.

    Igor Krillov, waxaa uu ahaa hogaamiyaha ciidamada ilaalada hubka nukliyeerka ee Ruushka ee loo soo gaabiyo NBC.

  2. Axmed al-Sharaa oo ka hadlay inuu ogolaan doono isticmaalka khamriga ee gudaha dalka

    Hogaamiyaha Suuriya, Axmed al-Sharaa, ayaa wareysi dheer oo uu BBC-da siiyay kaga hadlay arrimo kala duwan.

    Mar wax laga weydiiyay isticmaalka khamriga ee gudaha waddanka, gaar ahaan inuu ogolaan doono, waxaa uu Sharaa yiri: “waxaa jira waxyaabo badan oo aanan xaq u lahayn inaan ka hadlo maadaama ay yihiin arrimo sharci la xirriira”.

    Waxa uu intaa ku daray, in la sameyn doono “guddi sharci dejin oo Suuriyaan ah, kuwaaas oo sameyn doona dastuurka dalka, iyaga ayaa go'aan ka gaari doona. Qof kasta oo hogaamiye ama madaxweyne ahna, waa inuu raaca sharciga”.

    Sharaa waxaa ka muuqatay degenaan intii uu socday wareysiga ay BBC-du la yeelatay, wuxuu ku labisanaa dhar rayid ah, wuxuuna isku deyayay inuu qanciyo dhamaan dadka rumeysan in kooxdiisu aanay weli ka bixin kooxaha lagu tilmaamo argagaxisada.

    Dad badan oo Suuriyaan kuma qanacsana.

    Tallaabooyinka ay qaadi doonaan hogaamiyeyaasha cusub ee dalka Suuriya bilaha soo socda, ayaa laga garan doonaa ama muujin doona nooca dal ee ay doonayaan in Suuriya noqoto, iyo dabcan qaabka ay doonayaan inay u maamulaan ama ay u hogaamiyaan.

  3. Sheekh Muuse Cadde: Jaamici, daaci, iyo caalim aad loo jeclaa

    .

    Xigashada Sawirka, Allbanaadir.com

    Qoraalka sawirka, .

    Allah u naxariistee waxaa shalay dalka Netherlands ku geeriyooday Sheekh Muuse Nuur Muuse (Sheekh Muuse Cadde) oo ka mid ahaa culumaa'udiinka Soomaaliyeed ee aadka loo yaqanno.

    Sheekha ayaa la sheegay in dhaqwaanahan uu xanuunsanayey oo caafimaadkiisu uusan fiicnayn.

    Sheekh Maxamed Guriceel wuxuu ka mid yahay culimada qurbaha ku nool, Sheekh Muusena ay aqoonta fiican isu lahaayeen.

    "Sheekha inta aan ka aqaanno wuxuu u badnaa inuu dadka u mariyo tafsiirka iyo siirada" ayuu yiri Sheekh Maxamed. Wuxuu intaa ku daray inuu ahaa nin aad uga warqaba dadka oo mar walba dhaqamadooda iyo bii'ada ay ku nool yihiin la socda.

  4. Maxaa ka jira in hogaamiyaha Suuriya uu doonayo inuu dalka ka dhigo sida Afghaistan oo kale?

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, .

    Hogaamiyaha Suuriya, Axmed al-Sharaa, oo wareysi siiyay BBC-da, ayaa wax laga weydiiyay mustaqbalka waddankaas, iyo inuu doonayo inuu dalka ka dhigo sida Afghanistan oo kale.

    Waxaa uu beeniyay wararka sheegaya inuu doonayo inuu dalka ka hirgeliyo nidaamka ka jiraa waddanka Afghanistan.

    Waxaa uu sheegay inuu rumeysanyahay waxbarashada haweenka.

    “Muddo ka badan sideed sano, waxaan jaamacado ku lahayn magaalada Idlib”, ayuu yiri Sharaa, oo ka hadlayay gobolka waqooyi-galbeed ee Suuriya oo xoogagga mucaaradka ay maamulayeen tan iyo sanadkii 2011-kii.

    “Waxaan u maleynayaa in tirada haweenka dhigta jaamacadaha ay tahay boqolkiiba 60”, ayuu intaas raaciyay.

    Horaantii bishan, haweenka dalka Afghanistan ee qaadanaya tababarrada la xiriira umulinta iyo kalkaalisonnimada ayaa BBC-da u sheegay in lagu amray in aysan ku soo laaban fasalladooda.

    Arrinta ayaa soo afjareysa jidkii ugu dambeeyay ee ay ku heli lahaayeen tacliin sare oo dheeri ah.

    Saddexdii bishan Disembar ayey Taliban ka mamnuuceen ardayda gabadha ee Afghanistan in ay tababar caafimaad ka qaataan hay'adaha caafimaadka.

    Shan hay'adood oo kala duwan oo ku yaal dalka Afghanistan ayaa sidoo kale BBC-da u xaqiijiyay in amarka uu ka soo abxay Taliban kaas oo loogu sheegay in ay xiraan ilaa iyo amar dambe.

    Warar dheeraad ah

  5. Hogaamiyaha Suuriya oo BBC-da uga warramay khatarta Suuriya ee caalamka iyo reer Galbeedka

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Hogaamiyaha dalka Suuriya, Axmed Al-Sharaa, ayaa sheegay in dalka uu uu daashaday dagaal, isla markaana aanu khatar ku ahayn dalalka deriska la ah iyo reer Galbeedka.

    Wareysi uu siiyay BBC-da, xili uu ku sugnaa magaalada Dimishiq, ayaa waxaa uu ku baaqay in la qaado cunaqabateynta saaran Suuriya.

    "Hadda, kadib wixii dhacay, cunaqabateynta waa qasab in la qaadaa sababtoo ah waxaa la soo rogay xiligii ay jirtay dowladdii hore. Dhibbanaha iyo dulmiyaha si siman loo lama dhaqmi karo," ayuu yiri.

    Sharaa ayaa hoggaamiyey weerarkii degdegga ahaa ee lagu riday madaxweynihii hore ee dalkaas, Bashar al-Asad wax ka yar laba toddobaad ka hor. Waa hoggaamiyaha ururka Hay'at Tahrir al-Sham (HTS), oo ah kooxda ugu awoodda badan ee xoogagga mucaaradka waxaana hore loo yaqaannay Abu Maxamed al-Jolani.

    Wuxuu sheegay in HTS ay tahay in laga saaro liiska ururrada argagixisada. HTS waxaa liiska argagaxisada ku daray Qaramada Midoobay, Mareykanka, Midowga Yurub, UK, iyo dalal kale oo badan, maadaama uu ku bilowday koox ka go’day Al-Qaacida, sanadkii 2016-kii.

    Sharaa ayaa sheegay in HTS uusan ahayn urur argagixiso.

    Wuxuu sheegay in aysan bartilmaameedsan dad rayid ah ama goobaha ay degganyihiin dadka rayidka ah.

    Warar dheeraad ah