TOOS, Xaalad dagaal oo weli ka taagan magaalada Muqdisho, iyada oo wax faahfaahin dheeraad ah aysan kasoo saarin dowladda Soomaaliya

Sida aan wararka ku heleyno waxaa socda iska hor imaad u dhexeeya ciidamo dhanka dowladda federaalka ah iyo ilaalada qaar kamid ah mucaaradka

Kooban

Tebin toos ah

  1. Israa’iil iyo Lubnaan oo gaaray heshiis hirgelinta xabbad-joojinta ah, iyada oo Xisbullah ay tahay shuruudda ugu weyn ee heshiiska

    Israa’iil iyo Lubnaan oo gaaray heshiis hirgelinta xabbad-joojinta ah, iyada oo Xisbullah ay tahay shuruudda ugu weyn ee heshiiska

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in Israa’iil iyo Lubnaan ay gaareen heshiis lagu hirgelinayo xabbad-joojintii ay hore u wada galeen, taas oo dhaqan geli wayday

    Tani waxay imaaneysaa kadib markii ugu yaraan sagaal qof ay ku dhinteen weerarro ay Israa’iil ka fulisay koonfurta Lubnaan maalintii Arbacada oo keliya.

    Sida lagu sheegay heshiiska, shuruudda ugu weyn waa in si buuxda loo joojiyo waa weerarrada ay Xisbullah ku hayso Israai'iil.

    Sheekooyin dheeraad ah:

  2. Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaah oo sheegay in ay go'doon yihiin isaga iyo nabaddoono kale oo ku sugan guriga ra'iisul wasaarihii hore-Xasan Cali Kheyre

    Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaah

    Xigashada Sawirka, MUSTAQBAL MEDIA

    Goor dambe oo Arbacadii ah waxaa degmooyinka qaar ee Muqdisho laga maqlay rasaas xooggan, taas oo ka dhalatay kadib markii ay isku dhacayn ilaalada qaar kamid ah mucaaradka iyo ciidamada dowladda, goobaha iska hor imaadka uu dhacay waxaa kamid ah agagaarka guriga Xasan Cali Kheyre iyo madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, labadooduba waxa ay dowladda ku eedeeyeen in ay awood isticmaaleyso, halka warsaxaafadeed ay soo saartay dowladda lagu sheegay in koox af duuban oo ay maleeshiyo ku sheegtay soo weerareyn xarun ay leeyihiin Ciidanka Booliska ee saldhigga degmada Howlwadaag, "Kuwaasoo uu soo abaabulay Xasan Cali Khayre", sida lagu yiri warsaxaafadeedka

    Saqdhexe waxaa sidoo kale warbaahinta la hadlay Ugaas Cabdirisaaq, Ugaas Cabdullaahi, Ugaas Xaashi oo sheegay in isaga iyo odayaal kale ay ku go'doonsan yihiin guriga ra'iisul wasaarihii hore Xasan Kheyre "Anaga oo ka shaqeeneyna nabad waxaa nagu bilowday dagaal, hadda saacadda waa 2:00 AM, waxaa is hor fadhiya ciidan, dagaalka weli wuu socdaa waxaa duqeyn lagu sameenayaa Odayaal dhaqan iyo guddi ka socday dowladda." ayu yiri Ugaaska, isaga oo intaas ku daray in aysan waddo ammaan ah oo ku baxaan, inkasta oo BBC-du arrintaas si madax bannaan u xaqiijin karin.

    illaa iyo hadda wax war dheeraad ah kama soo bixin dhanka dowladda marka laga yimaado warsaxaafadeedka lagu cambaareenayey dhacdadii galabkii arbcada.

    Sheekooyin dheeraad ah:

  3. Kusoo dhawaada tebinteenna tooska ah oo halkaan innooga bilaabaneysa

    Waxaa idin kugu soo gubin doonnaaa xaaladda Muqdisho, Bariga dhexe iyo caalamka intiisa kaleba