Wasiir Israa'iili ah oo soo jeediyay in nukliyeer lagu garaaco Qasa oo tallaabo laga qaaday

Ku soo dhawaada tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Israa'iil oo duqeyn ka geysatay Lubnaan oo ay dad ku dhinteen

    Lubnaan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Saddex carruur ah iyo ayeydood ayaa lagu dilay duqeyn ay Israa'iil ka geysatay koofurta Lubnaan, sida ay baahisay warbaahinta Lubnaan.

    Warbixinta ayaa lagu sheegay in gaarigooda ay duqeyn ku haleeshay waddo ku taalla degmada Jbeil, carruurta ayaynada'doodu kala ahayd toban, 12 iyo 14.

    Weerarrada xudduudaha kasoo gudba ee u dhaxeeya ururka Xisbullah ee Lubnaan iyo milatariga Israa'iil ayaa soo badanayay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  2. Falanqeyn: Cayaartii yaabka lahayd ee maanta dhex martay Soomaaliya iyo Tanzania

    Soomaaliya ma fileysay in maanta laga raayo? Maxamed Cumar Baakaay oo falanqeeya cayaaraha ayaa ka warramaya.

    Qoraalka Codka, Xulka Soomaaliya
  3. Wasiir Israa'iili ah oo soo jeediyay in nukliyeer lagu garaaco Qasa oo tallaabo laga qaaday

    NUikliyeer

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasiir cusub oo dowladda Israa'iil ka tirsan ayaa laga joojiyay dhammaanba kulamada dowladda ilaa amar dambe, kadib markii uu soo jeediyay in nukliyeer lagu garaaco Qasa "ay ka mid ahayd waxyaabaha suurtogalka ah".

    Amihai Eliyahu, oo ah wasiirka dhaqanka ee dalkaas, ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay raadiyaha Kol Beramah.

    Wuxuu sheegay "inaysan jirin kuwo aan dagaal ku jirin oo Qasa jooga" isla markaana in gargaar bani'aadannimo oo la siiyo rayidka Falastiiniyiinta ay ka dhignaan doonto "guuldarro".

    Mar wax laga weydiiyay in taasi micnaheedu uu yahay in sabab looga dhigi karo adeegsiga nukliyeerka, ayuusan wasiirku ka jawaabin.

    Raysal wasaare Benjamin Netanyahu ayaa degdeg uga falceliyay, isagoo sheegay in warka wasiirka uu ka fog yahay xaqiiqda.

    Eliyahu, oo ka tirsan xisbiga midig-fog ee Otzma Yehudit (Awoodda Yahuudda), ayaanan wax door ah ku lahayn dagaalka ka socda Qasa.

  4. Israa'iil oo shuruud cusub ku xirtay hakinta dagaalka

    Israa'iil

    Israa'iil ayaa sheegtay inay u hoggaansameyso suurtogalnimada ah waxa loogu yeero hakinta bani'aadannimada - balse waxay ku xirtay shuruud ah in laga hadlo arrinra dadka ay Xamaas heysato.

    Mark Regev, oo la taliye sare u ah Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in heshiis walba oo laga gaaro hakinta dagaalka ay qasab tahay in lagu soo daro sii deynta dadka la heysto.

    Regev oo weriyaha BBC ee Lyse Doucet ay wax ka weydiisay sheegashada Xamaas ee ah in 60 qof oo ay heysteen ay ku dhinteen duqeymaha Israa'iil ee Qasa, ayaa yiri:

    “Taasi ma xaqiijin karo… waxaan rumeysnahay inay qeyb ka tahay borobogaandada cilmu-nafsiga ee Xamaas,” ayuu yiri Regev.

  5. Soomaaliya oo ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo roobabka ka dhalatay

    Dolow

    Xigashada Sawirka, SOCIAL

    Raysal wasaare ku xigeenka dowladda federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in xaalad aad u daran ay ka jirto qeybo ka mid ah Soomaaliya oo ay roobabku saameeyeen.

    Wuxuu hadalkan ka sheegay mar uu maanta booqasho ku tagay xarunta dhexe ee Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka.

    Wuxuu sheegay in ilaa dhowr iyo toban qof ay ku dhinteen gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno kala duwan oo ka mid ah Jubaland, sida Doolow, Baardheere, Garbahaarrey, Luuq, Buurdhuubo ilaa Jamaame.

    "Waxaa la xaqiijinayaa in qoysas ballaaran iyo bulshooyin dhan ay go'doonsan yihiin sida Luuq oo kale. Waxaan ka baaraandegeynaa howlo fara badan oo miiska noo saaran" ayuu yiri.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in deegaanno ka tirsan Koofur Galbeed sida Qansaxdheere, Diinsoor, Baydhabo iyo Buurhakaba ay sidoo kale ka jirto xaalad ba'an, gaar ahaanna ay beeralleydu gaartay saameyn ba'an.

    Wuxuu bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay isu gargaaraan oo inta wax heysata ay caawiso inta waxyeelladu gaartay.

  6. Maxaa ugu dambeeyay xaaladda Qasa?

    Qasa

    Xigashada Sawirka, EPA

    Ilaa iyo haatan wararka ugu dambeeyay Xamaas waa:

    • Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinkenis ayaa ku jira wejiga xiga ee booqashadiisa diblomaasiyadeed ee uu ku joogo Bariga Dhexe, isagoo ku sugan Ramallah oo uu kula kulmayo Madaxwyenaha Maamulka Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas
    • Labadan mas'uul ayaa ka wada hadlaya dadaallada "lagu soo celinayo xasiloonida iyo ammaanka" ee Daanta Galbeed, sida laga soo xigtay Waaxda Arrimaha Gudaha Mareykanka
    • Cabaas ayaa sidoo kale ku baaqay "xabbad-joojin degdeg ah", iyadoo dalabaad taas la mid ah uu ka yimid dalalka Carabta
    • Subaxan wasaaradda caafimaadka ay Xamaas maamusho ee Qasa ayaa sheegtay in in ka badan 30 qof lagu dilay duqeymo cirka ah oo ay Israa'iil ka geysatay xerada qaxootiga al-Maghazi. IDF ayaa sheegtay inay baareso dhacadadaas
    • Wararka kalena, ilo ayaa BBC u sheegay in ilaa 20 qof oo dhaawac ah loo oggolaan doono in laga soo qaado Qasa oo loo gudbiyo Masar iyaodo la marayo marinka Rafax
    • Arrintan ayaa daba socota hadalkii QM ee ahaa in ku dhowaad 1.5 milyan oo qof ay ku barakaceen Qasa, iyadoo in ka badan 700,000 oo qofna ay ku nool yihiin xarumaheeda
  7. Sawirro: Antony Blinken oo tagay xarunta Maamulka Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed

    Halkan waxa idinkugu soo gudbinaynaa sawirrada xoghayaha arimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken oo tagay xarunta maamulka falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed ee la haysto, isagoo halkaas kula kulmay madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas.

    Blinken tagistiisa Ramallah, horey looguma sii sheegin safarkiisa diblomaasiyadda ee uu ku marayo gobolka.

    Gaadiidka Galbinaya Blinken

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Gaadiidka Galbinaya Blinken
    Blinken oo ka dagaya gaariga magaalada Ramallah

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Blinken oo ka dagaya gaariga magaalada Ramallah
    Blinken iyo Maxamuud Cabaas

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Blinken iyo Maxamuud Cabaas
  8. Wasiir Israa’iil ah oo soo jeediyay in bam niyukleer ah lagu dhufto Qasa.

    Wasiirka Hiddaha Israa'iil Amichai Eliyahu

    Xigashada Sawirka, Haaretz

    Qoraalka sawirka, Wasiirka Hiddaha Israa'iil Amichai Eliyahu

    Wasiirka Hiddaha ee Israa’iil Amichai Eliyahu ayaa maanta oo Axada sheegay “in mid kamid ah ikhtiyaaraadka Israa’iil ee dagaalka Qasa ay ku jirto in bam Niyukleer ah lagu dhufto Marinka Qasa”.

    Wasiirkan xagjirka ah ee dhinaca midigta u janjeera ayaa waraysi idaacadeed ku sheegay in Qasa kaliya ay joogaan dagaalamayaal, kaalmo kasta oo bini’aadanimo oo la gaarsiiyana ay ka dhigan tahay fashil, wuxuna sheegay in weerar niyukleer oo lagu qaado Qasa uu ku jiro ikhiyaarkaadka dagaalka.

    Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Bin Yamin Netanyahu ayaa laga soo weriyay inuu yiri soo jeedinta Elyahu in ay tahay mid waaqaca ka fog, Israa’iil iyo ciidamada Israa’iilna ay ku dhaqmayaan qaynuunka caalamiga ah, iyadoo laga fogaanayo in cid aan dagaal ku jirin la waxyeeleeyo.

    Wasiirka difaaca Israa’iil Youf Galant ayaa sidoo kale diiday hadalka Elyahu, wuxuna sheegay in aysan wax raad ah lahayn, isagoo qoraal uu soo dhigay barta X intaa ku daray “in wax wanaagsan ay tahay in kuwa noocan ah aanay kamid ahayn kuwa ka masuulka ah amaanka Israa’iil.”

    Hogaamiyaha Mucaaradka Israa’iil Yair Lapid ayaa ku baaqay in xilka laga qaado wasiirka.

    Lapid ayaa qoray in bayaanka Elyahu uu yahay mid laga naxo, waalan, uuna qoray wasiir aan masuul ahayn.

    “In kuwa xagjirka ah ay ku jiraan dawladdeena, annaga ayay na khatar galinaysaa, waxayna carqaladaynaysaa ahdaafta dagaalka oo ah in laga adkaado Xamaas, lana soo celiyo la haystayaasha” ayuu yiri Yair Lapid.

  9. War deg deg ah, Wakaaladda Warrarka Falastiiniyiinta:Tobannaan qof ayaa ku dhintay duqeyn Israa’iil ka gaysatay xerada Magaasi ee bartamaha Qasa.

    Sida ay sheegayso wakaaladaa warrarka falastiiniyiinta waxa korodhay tirada dadka ku dhintay duqeynta Israa’iil ee xerada Magaasi ee bartamaha Marinka Qasa, waxayna gaartay 51 qof, iyadoo tobannaan kalena ay ku dhaawacmeen.

    Dadka dhibaatadu soo gaartay ayaa u badan caruur iyo haween sida wakaaladdu sheegtay.

  10. Xaalad afduub oo ka taagan garoonka magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka.

    Kooxaha gurmadka iyo dabb damiska ayaa la geeyay hareerraha garoonka

    Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/SHUTTERSTOCK

    Qoraalka sawirka, Kooxaha gurmadka iyo dabb damiska ayaa la geeyay hareerraha garoonka

    Booliska magaalada Hamburg ee wadanka Jarmalka ayaa la tacaalaya xaalad looga shakisan yahay afduub kaddib markii nin hubeysan oo kaxaynayay gaari uu ka gudbay xayndaabka amniga.

    Waxa gaariga saaran ugu yaraan labo qof oo uu ku jiro ilmo yar, sida ay boolisku sheegeen.

    Saraakiisha ayaa la xiriirayay darawalka gaariga, oo madaarka soo galay sideeddii habeenimo xiliga Hamburg.

    Xaaska eedeysanaha ayaa lagu soo waramayaa in laga soo xigtay suurtagalnimada afduubka ilmaha yar.

    Booliska oo bayaan soo saaray ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin in arintan ay ka dambeyso muran dhinaca haynta ah.

    Waxay sheegeen in eedaysanuhu labo jeer uu xabado cirka u riday, wuxuna gaariga ka tuuray quraarado holcaya. Waxa uu gaarigiisa u kaxeeyay afaafka garoonka oo ah halka ay diyaaradduhu istaagaan.

    Waxa goobta ku sugan ciidamo badan oo gurmad ah, waxana loo malaynayaa in xaalad afduub ay taagan tahay sida boolisku sheegeen.

    Waxa la joojiyay dhammaan duulimaadyadii ka tagayay ama ka soo dagayay garoonka ku yaala magaalada waqooyiga Jarmalka ku taala ee Hamburg.

    Saacadihii hore ee saaka, booliska ayaa xaqiijiyay in xaalad ka taagan tahay garoonka Hamburg.

  11. Shan aag oo dagaal qaraar uu ku dhexmarayo dagaalyahannada Xamaas iyo Ciidamada israa’iil.

    Taangiyada Israa'iil

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Taangiyada Israa'iil

    Mid kamid ah hadafyada ugu waaweyn ee Israa’iil ka leedahay duulaankeeda Marinka Qasa ayaa lagu sheegay galitaankeeda qaybaha waqooyi iyo bari ee Marinka iyo in cadaadis la saaro rayidka ku nool xaafaddaha Sabra, Saytuun, Darji, iyo Askoola.

    Illaa shan aag ayuu dagaal qaraar ka socdaa, waxana ugu daran kan ka socda waqooyiga galbeed halkaas oo ay galeen tobannaan taangi iyo gawaarida qafilan ee Israa’iil, kuna teedsan xeebta, waxayna gooyeen lix illaa todobo kilo mitir gudaha Qasa.

    Markaa dabadeed waxay u dhaqaaqeen dhinaca bariga, iyadoo ay iska caddahay in ujeedku yahay go’doominta degmada Qasa, oo ah tan ugu weyn Marinka Qasa, marka la eego baaxaddeeda iyo dadka ku nool.

    Diyaaraddaha Israa’iil ayaa xoojiyay duqeynta xagga cirka ah ee ay ku hayaan hareerraha isbitaalka Qudus, halkaas oo hoy u ah kumannaan barakacayaal ah oo nabad u soo raadiyay, waxayna dad badan u arkaan in duqeynta cusub uu hadafkeedu yahay in markale ay u barakacaan dadkan dhinaca koonfurta oo aad uga fog degmada Qasa.

  12. Boqorka Urdun oo adkeeyay sida ay lagama maarmaanka u tahay xabad joojin.

    Boqorka Urdun la shirsan Xoghayaha Arimaha Dibadda Maraykanka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Boqorka Urdun la shirsan Xoghayaha Arimaha Dibadda Maraykanka

    Boqorka Urdun Cabdillaahi 2 ayaa adkeeyay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la joojiyo dagaalka Qasa, isla markaana la soo rogo deganaanshiyo aadaninimo, si uu gargaarku u gaaro marinka Qasa, dammaanad buuxdana la siiyo in aan la carqaladayn shaqada hay’addaha caalamiga ah ee gargaarka.

    Intii lagu jiray kulan uu la yeeshay xoghayaha arimaha dibadda Maraykanka Antony Blinken, waxa uu ku baaqay boqorka Urdun in la xoojiyo dadaalka caalamiga ah ee cunto, biyo, dawo iyo shidaal lagu gaarsiinayo Qasa, iyada oo aan la kala goynaynin.

    Boqorku waxa uu tilmaamay in wadada kaliya ee xal loogu helo karo khilaafka Falastiiniyiinta iyo Israa’iil uu yahay “in laga shaqeeyo xal siyaasi ah si loo xaqiijiyo nabadgalyo caadil ah oo ballaaran aasaaskeeduna yahay labo dawladdood,” sida ay faafisay wakaaladda warrarka ee rasmiga ah ee Urdun.

  13. Tababarraha Arsenal oo muran ka keenay gool kii xalay looga badiyay

    Ciyaartoyda Arsenal iyo Newcastle oo 4 daqiiqo sugayay in goolka Newcastle sax yahay iyo in kale

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ciyaartoyda Arsenal iyo Newcastle oo 4 daqiiqo sugayay in goolka Newcastle sax yahay iyo in kale

    Tababarraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa ku tilmaamay go’aankii garsooraha muuqaal eegista uu Newcastle ugu ogolaaday goolka mid laga khajilo oo dulinimo ah.

    Anthony Gordon ayaa Newcastle u ogolaaday goolka kaliya ee ay keeneen kaddib markii laga eegay haddii kubaddu baxday, ama khalad la galay, ama uu ofsayd jiray, kuwaas oo dhammaantood meesha laga waayay, goolkana siisay kooxda Newcastle.

    Natiijada ciyaarta ayaa keentay in la jabiyo rikoor kii kooxda Arsenal ee ahaa in xili ciyaareed kan aan laga badin horyaalka Ingiriiska.

    “Waxan halkan hadda u joogaa inaan iraahdo lama aqbali karo,” ayuu Artera u sheegay Sky Sports.

    “Uma aynaan qalmin in nalaga badiyo ciyaarta. Ciyaarta waa nalaga badiyay maxaa yeelay go’aannada cadcad. Waa wax laga khajilo. Taasi waa khajilaad.

    “Ma qiyaasi kartid fariimaha I soo gaaraya ee oranaya tani ma sii socon karto. Waxan luminayaa waqtigayga. Ma doonayo inaan gacmaha dadka ku jiro.”

  14. Booliska Faransiiska oo baadi goobaya nin tooreey la dhacay haweeney yuhuudiyad ah.

    Booliska Faransiiska

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Booliska Faransiiska

    Booliska ayaa ugaarsanaya nin toorey ku dhuftay isla markaana dhaawacay haweeney yuhuudiyad ah shalay oo Sabti ahayd magaalada Lyon sida ay sheegayaan booliska iyo duqa magaalada Lyon.

    “Ficilkan rabshadda wata waa mid aan lagu fikiraynin. Waxan taageeradayda u miijinayaa dhibanaha iyo ehel keeda,” sidaa waxa ku qoray bartiisa X duqa Lyon Gregory Doucet.

    Afhayeen u hadlay booliska qaranka ayaan faahfaahin ka bixin eedeysanaha, iyo haddii falkan ula dhaqmayaan mid yuhuud nacayb ah.

    Booliska wadamada dunida ayaa soo weriyay kororka ficillada la xiriira yuhuud iyo islaam nacaybka tan iyo markii Xamaas weerar ku qaaday Israa’iil 7 Oktoobar.

  15. Fatahadda Webiga juba oo go’doomisay degmada Luuq.

    Gaari Dameer iyo dad kii la socday oo biyaha dhex maraya

    Xigashada Sawirka, Aweys Soona

    Qoraalka sawirka, Gaari Dameer iyo dad kii la socday oo biyaha dhex maraya

    Warrarka ka imaanay gobolka Gedo ayaa sheegaya in gabi ahaanba ay go’doon gashay degmada Luuq kaddib markii webiga Juba uu ku fatahay qaybo badan oo magaalada kamid ah.

    Weriye jooga degmada Luuq ayaa BBC-da u sheegay in qofka doonaya in uu magaalada soo galo ama uu ka baxo ay tahay in uu raaco doon.

    Gudaha magaalada Xaafaddo badan ayaa laga qaxay.

    Roobbab maahigaana oo ka da’ayay gobolka Gedo todobaad kii la soo dhaafay ayaa keenay in waadiyaasha ay ka soo rogmadaan daaddad fara badan, teetana ay ku daraan webiga oo isaguba markii hore buuxay, taasina waxay keentay fatahaad balaaran oo ka dhacday magaalooyinka Luuq, Baardheere, Doolow iyo Buurdhuubo.

    Magaala madaxda gobolka Gedo ee Garbahaarey waxa saaka la soo weriyay in tog magaalada kala qaybiya uu qaaday nin dadka deegaanka kamid ah oo doonayay in uu halkaa ka gudbo.

    Ma jiro wax gurmad ah oo illaa hadda la gaarsiiyay deegaannada ay dhibbaatadu ka dhacday, sida ay ku soo warramayaan weriyayaasha gobolka jooga.

  16. Carabta oo dalbanaysa in xabad joojin laga sameeyo Qasa, iyo Maraykanka oo sheegaya in taasi ay caawinayso Xamaas.

    UN-ta oo ka digaysa in ay buux dhaafaan xarumaheeda Qasa

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, UN-ta oo ka digaysa in ay buux dhaafaan xarumaheeda Qasa

    Xoghayaha Arimaha Dibbadda Maraykanka Antony Blinken ayaa maanta oo Axada tagaya wadanka Turkiga isagoo riixaya dadaallo diblomaasiyadeed oo ku saabsan dagaalka Qasa.

    Hoggaamiyayaasha gobolka ayuu kala shaqaynayaa waxa loogu yeeray dagaal joojin bini’aadanimo, innagoo maqalnay warka madaxweyne Biden oo Sabtidii laga soo xigtay in arintaa horumar laga sameeyay.

    Wadamada Carabta ayaa dalbanaya xabad joojin degdeg ah, laakiin Maraykanka ayaa ka walaacsan in taasi Xamaas u ogolaanayso in ay dib isu urursato.

    Dhinaca kale ciidamada Israa’iil ayaa gudaha u sii galaya Marinka Qasa.

    Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in 1.5 milyan oo qof ay ku barakaceen Qasa, iyadoo 700,000 oo qof ay gabaad ka dhigteen xarumaha Qaramada Midoobay, waxayna ka digtay in ay buux dhaafi doonaan, waxana jira khatar caafimaad oo laga baqdin qabo in ay ka dhalato.

    Sidoo kale waxay dhibaato ka taagan tahay marinka Rafax oo ah kan kaliya ee u furan Qasa ee ku xira Masar, waxayna warrarku sheegayaan in Xamaas aanay u ogoleyn dadka wata baasaboorrada ajnabiga ah in ay halkaas ka gudbaan, illaa dadka dhaawaca la gudbiyo.

  17. Wasaaradda Gaashaandiga Soomaaliya oo ka hadashay dagaal kii shalay ku dhexmaray Jowhar ciidamada Danab iyo kuwa Hirshabeelle.

    Astaanta Wasaaradda Gaashaandhigga

    Xigashada Sawirka, Wasaaradda Gaashaandhigga

    Qoraalka sawirka, Astaanta Wasaaradda Gaashaandhigga

    War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay aad uga xun tahay dagaal shalay galab ka dhacay nawaaxiga garoonka diyaaraddaha magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle, halkaas oo ay isku fara saareen ciidanka kumaandooska miltariga Soomaaliya ee loo yaqaano Danab iyo kuwa maamulka Hirshabeelle.

    War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in wasaaraddu xanuunka la qaybsanayso masuuliyiinta iyo ciidamada waxyeeladu ka soo gaartay dagaalka.

    Taliska milatariga Soomaaliya iyo maxkamadda ciidamada ayaa bilaabay baaritaanka dhacdadaasi, waxana la yiri cadaaladda ayaa la horgeyn doonaa ciddii masuulka ka ahayd.

    Shalay ayay ahayd markii dagaal culus uu ka dhacay duleedka garoonka magaalada Jowhar.

    Gudoomiyaha Barlamaanka Hirshabeella Cabdixakiin Luqmaan ayaa xalay fiid kii sheegay in kolonyo ciidanka madaxtooyada Hirshabeelle oo isaga galbinaysay ay weerar ku soo qaadeen ciidanka dawladda federaalka gaar ahaan kuwa Danab, isagoo markaa u socday garoonka diyaaraddaha ee Jowhar, si uu halkaas uga dhoofo.

    Gudoomiye Luqmaan ayaa sheegay in ciidanka madaxtooyada iyo xildhibaannaba ay waxyeelo ka soo gaartay weerarka ka dhacay duleedka garoonka, mase sheegin tiro rasmi ah.

    Hirshabeelle ayaa horey dawladda federaalka ugu eedeysay inay gacan bidixaynayso maamulkeeda, dawladduse arintaasi kama jawaabin.

    Tan iyo Jimcihii waxa Jowhar ka taagnaa xiisad u dhaxaysa ciimada dawladda federaalka iyo kuwa maamulka Hirshabeelle.

  18. Arooryo suuban saaxiibbayaal, ku soo dhawaada tabinta tooska ah ee BBCSomali.om

  19. Hogaamiyaha ururka Xamaas oo booqasho ku tagay dalka Iran

    Xaniyah iyo Khamanie

    Xigashada Sawirka, IRNA

    Qoraalka sawirka, Sawir hore

    Wakaaladda wararka ee Iran (IRNA) oo soo xiganaysa sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa sheegtay in madaxa Xafiiska Siyaasadda ee ururka Xamaas, Ismaaciil Xaniyeh uu la kulmay hogaamiyaha sare ee Iran Ayatullah Cali Khamenei.

    Usama Xamdaan oo ah wakiilka sare ee Xamaas ee Lubnaan ayaa u sheegay Al-Mayadeen Sabtidii in Xaniyeh uu tagay Tehran maalmo ka hor halkaas oo uu kula kulmay Ayatollah Cali Khamenei.

    Hogaanka garabka siyaasadda ee Xamaas ayaa sidoo kale gaaray Ruushka kadib dagaalka u dhexeeya iyaga iyo Israa’iil, socdaalladan oo loo malaynayo inay ku raadsanayaan taageero.

  20. Sida kooxdan kubadda cagta ee Jabuuti 15-ka gool looga badiyey

    Xulka 15 jirrada kubadda cagta ee Uganda ayaa 15 gool iyo eber kaga badiyay xulka Jabuuti ciyaartii furitaanka Group A ee tartanka CECAFA U15 sabtidii.

    Ciyaarta oo ka dhacday Xarunta Farsamada ee FUFA ee Njeru ayaa lagu kala nastay 6-0 oo ay hogaanka ku heysay Uganda.

    Abubakali Walusimbi ayaa hogaanka u dhiibay kooxda martida loo ahaa hal daqiiqo oo kaliya, ka hor inta aysan labo gool u kala dhalin Enock Bagenda iyo Richard Okello, halka Frank Ssekanjako uu isna shabaqa soo taabtay.

    Bagenda ayaa laba gool oo kale dhaliyay ka dib nasashada isagoo ka dhigay afar gool, halka Okello uu dhaliyay gool kale si uu seddexleydiisa u dhameystiro, iyadoo Uganda ay goolasha kale u kala dhaliyeen Walusimbi, Owen Mukisa, Ronald Kogoye iyo Simon Wanyama oo isna seddexley dhaliyay.

    Tababaraha Uganda Hamza Lutalo ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qaab ciyaareedka kooxdiisa ee kubad weerar ah oo ay goolal badan ka dhaliyeen. "Waxaan u baahanahay inaan si adag u shaqeyno sababtoo ah tani waa tartan ay jiraan kulamo badan oo soo socda," ayuu yidhi.