Qof u dhaq dhaqaaqa mucaaradka
Madaxweyne Vladimir, oo la yiraahdo Kara-Murza, ayaa lagu xukumay 25 sano oo xarig
ah, kadib markii lagu helay qiyaano qaran iyo eedeymo kale oo la xiriira
dhaleeceynta uu qabo dagaalka Ukraine.
Ruuxan oo wada ah suxufi
iyo siyaasi u dhashay Ruushka ee qaatay dhalashada Britishka, ayaa ah kii ugu
dambeeyay ee tiro ka mid ah mucaaradka Putin oo la xiray, ama lagu qasbay inuu
ka baxsado dalka Ruushka.
Waa uu diiday
eedeymaha loo soo jeediyay, waxaana uu si weyn u dhaliilay maxkamadeyntiisa.
Toddobaadkii hore, ayaa
wuxuu u sheegay maxkamad ku taalla magaalada Moscow: "Inuu diiwaan gelinayo
kelmad kasta oo uu dhaho."
41-jirkan ayaa door
muhiim ah ka qaatay sidii dowladaha reer galbeedka loogga dhaadhicin lahaa inay
cunaqabatayn ku soo rogaan saraakiisha Ruushka ee ku xad-gudbida xuquuqul
insaanka, sidoo kalana ku kaca musuqmaasuqa.
Xukunka 25-ka sano ah
ee lagu xukumay, ayaa ahaa tirada ugu badan ee ay dalbadeen dacwad oogayaasha,
waana xukunkii ugu dheeraa ee qof mucaarad ah lagu xukumo ilaa haatan.
Mr Kara-Murza ayaa
sanad ka hor lagu xiray magaalada Moscow, isagoo markii hore ka dhaga adeegay
awaamiir ay soo saareen saraakiisha booliiska. Eedo ka sii daran, ayaa lagu soo
oogay markii uu xabsiga ku jiray.
Kiiskiisu wuxuu qayb
ahaan ku salaysan yahay khudbad uu u jeediyay siyaasiyiin Maraykan ah sannadkii
hore, halkaas oo uu ku sheegay in Ruushku uu dembiyo dagaal ka geysanayo
Ukraine, oo ay wehliyaan bambooyinka meelaha la deggan yahay lagu garaaco, iyo
"duqeymaha isbitaallada hooyada iyo dhallaanka".