You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dowladda Soomaaliya oo Shirkadaha Isgaarsiinta u gudbisay go’aanno cusub
Ku soo dhawaada tebinta tooska ee BBC Somali
Tebin toos ah
Ninkii geystay toogashadiI Jarmalka oo la sheegay inuu hore uga tirsanaa kooxaha diimaha.
Mas’uuliyiinta magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka, ayaa sheegay in ninka hubeysanaa ee Khmaistii toogashada ku dilay 7 qof xili ay ku sugnaayeen kaniisad ku taalla magaaladaasi, uu yahay xubin hore uga tirsanaa kooxaha diimaha.
Waxay sheegeen in qofka weerarka soo qaaday uu is-dilay wax yar kaddib markii ciidamada booliska gaarka ah ay xoog ku galeen xaruntaas.
Saraakiisha dalkaas ayaa sheegay in dadka ku dhintay weerarkaas aykala yihiin afar nin, laba haween iyo canug aan weli dhalan. Sideed qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarkaas.
Hogaamiyaha Jarmalka, Olaf Scholz, oo hore maayar ugu soo noqday magaalada ay toogashadu ka dhacday ee Hamburg, ayaa cambaareeyay weerarkaas kuna tilmaamay fal arxan darro ah.
Sacuudiga iyo Iraan oo 7 sano kaddib ku heshiiyay inay dib u soo celiyaan xiriirkooda diblumaasiyadeed
Iraan iyo Sacuudiga ayaa muddo 7 sano ah kaddib ku heshiiyay in dib loo soo celiyayo xirriirkooda diblumaasi.
Waxay sidoo kale hir-gelin doonaan heshiisyo iskaashi, waxayna yeelan doonaan wadahadallo ku saabsan sidii loo sii xoojin lahaa xiriirkooda.
Arrintan ayaa timid kaddib markii ay wadahadallo ku yeesheen Shiinaha, waxaana la soo wariyay in labada dhinac, ay aad u mahdiyeen doorka ay Beijing ku lahayd hannaanka.
Labada dal ayaanan xirriir toos ahyeelan tan iyo sanadkii 2016-kii, markaas la weeraray safaaradda Texraan ee magaalada Riyadh, kaddib markii uu Sucuudigu dil toogasho ah ku fuliyay wadaad shiica ah.
Sacuudiga ayaa waxaa uu aad ugu dhowaa Mareykanka, oo xiriirka uu la leeyahay Iran iyo Shiinaha uu xumaaday.
Riyadh iyo Texraann ayaa kala taageerayay dhinacyada kala duwan ee dagaalka Yemen.
"Yaa waligiis ku fakaray in saxarada digaaga uu tamar siin karo baabuur".
Dal lagu eedeeyay inay wasiiradisu u noolyihiin "sida fannaaninta caanka ah"
Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in golihiisa wasiirada cusub ay yihiin kuwo maal-qabeena ah, wuxuuna sheegay inay ka go’an tahay inuu dib u habeyn ku sameeyo dowladda.
Hogaamiyaha Isbahaysiga Dimuqraadiga (DA) John Steenhuisen ayaa madaxweyne Ramaphosa baarlamaanka gudahiisa ka weydiiyay inay cadaalad tahay in wasiiradu ay "u noolaadaan sida fannaaniinta caanka ah" halka muwaadiniinta ay ku nool yihii nolol caadi ah.
"[Waxay leeyihiin] 98 guri oo qiimahoodu ka badan yahay bilyan rand, waxay helaan koronto iyo gawaari bilaash ah oo kuwa raaxada ah oo heersare ah," ayuu yiri Mr Steenhuisen.
Mr Ramaphosa ayaa beeniyay sheegashada hogaamiyaha mucaaradka ee ah in Koonfur Afrika ay leedahay golaha wasiirada ugu badan adduunka, isaga oo sheegay in wadanku “la mid yahay waddamada kale”.
Wararkii ugu dambeeyay xaalada magaalada Laascanood
Dowladda Soomaaliya oo Shirkadaha Isgaarsiinta u gudbisay go’aanno cusub
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa shirkadaha isgaarsiinta dalka u gudbisay liiska go’aanaddii Guddiga Qaran ee ka hortagga Lacag-dhaqida iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada (NAMLC), sida ay sheegtay wakaaladda warrarka ee SONNA.
Hay’adda ayaa shirkadaha isgaarsiinta ku wargelisay inay waajib tahay in adeeggooda lacagaha Mobile-ka la iskugu diro ay rukhsad ka haystaan Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, lagana doonayo in ay si degdeg ah u fuliyaan.
"Shirkadaha Isgaarsiinta la farayaa inay diiwaangeliyaan Lafaha (SIMCARDs)-ka macamiisha, iyada oo macaamiisha cusub laga qaadayo ugu yaraan sawir iyo faraha, halka kuwii horay u qaatay na Sim-kaararka dib loogu diiwaangaliyo muddo aan ka badnayn 90 maalmood; Si waafaqsan Qod. 5-aad ee Sharciga Ka-hortaga Lacag- dhaqidda iyo Maalgalinta Argagixisada iyo Qod. 66 ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka" ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay hay'adaha isgaarsiinta.
Baledxaawo: Howlwadeennada caafimaadka oo ka digaya tirada dadka ay soo ridanayaan shuban biyoodka iyo daacuunka
Howlwadeennada caafimaadka ee magaalada Baledxaawo ayaa ka digaya in tirada dadka ay soo ridanayaan cudurrada shuban biyoodka iyo daacuunka ay sii kordhayaan.
Tan iyo bishii Janaayo isbitaallada magaaladaasi waxaa lagu diiwaangeliyay boqollaal qof oo xanuunnadaasi qaba, walow dhakhaatiirtu ay ku doodayaan in dadka u dhimanaya ay aad u yaryihiin.
Howlwadeennada caafimaadku waxa ay intaasi ku darayaan in abaarta baahsan ee ku dhufutay deegaankaasi ay dad badan ku qasabtay inay magaalada soo miciin bidaan halkaas oo aanay ku heli karin biyo nadiif ah oo ay cabbaan, taas oo ay u aanaynayaan inay qeyb ka tahay faafitaanka xanuunnadan.
Waxaa ka warramaya Axmed Caddow Maaddey, isu-duwaha caafimaadka ee magaalada Beledxaawo.
Ugu yaraan 25 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay dalka Nigeria
Booliska Nigeria ayaa sheegay in ugu yaraan 25 qof lagu dilay weerar ay kooxo islaamiyiin ah ku qaadeen waqooyi bari gobolka Borno.
Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Kalluumeysiga ee Dikwa oo ku dhow goob ay ku xooggan yihiin kooxda Boko Haram.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in rabshadaha xagjirka ah ee tan iyo 2009-kii ay ku dhinteen in ka badan 350,000 oo qof ayna barakiciyeen malaayiin kale.
Assalaamu Calaykum
Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali.
Halkan kala soco warrarkii ugu dambeeyay ee dhulka Soomaalida, warrarka gobolka iyo calaamka intiisa kalaba.