Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka ka socda Laascaanood

Tebinta Tooska ah ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Daawo sida loo soo badbaadiyay inanta yar ee 178 sacaadood burburka dhismaha ku hoos jirtay

    Gabadhan yar ayaa laga soo badbaadiyay burburka dhismo dabaqyo ah oo ku yaalla koonfurta dalka Turkiga, in ka badan toddobaad kadib dhulgariirkii khasaaraha geystay. Miray waxa uu burburka ku jirtay 178 saacadood - toddobo maalmood iyo badh.

    Fiidiyowga ayaa muujinaya shaqaalaha oo ku faraxsan kuna dhawaaqaya "Ilaah baa weyn" markii laga soo saaray mugdiga. Meel kale, haweeney ayaa la badbaadiyay ka dib 175 saacadood oo ku hoos jirtay dhismo dumay

    halkan ka daawo.

    Qoraalka Muuqaalka, Video shows young girl rescued week after Turkey quake
  2. Muddaharaad culus oo ka socda guud ahaan Israel

    Ugu yaraan todobaatan kun oo qof ayaa ku biiray mudaaharaad ka dhacay bannaanka baarlamaanka Israa’iil ee magaalada Jerusalam, kuwaas oo ka cadhaysan hindise sharciyeed ay sheegeen in uu dhaawacayo madax-bannaanida garsoorka.

    Ra'iisul wasaarihii hore ee dakaas Yair Lapid ayaa u sheegay dadkii isugu soo baxay meeshaas in isbaheysiga cusub ee midigta fog uu Israa'iil u rogi doono kalitalisdadka geliya xaal madaw. Gudaha aqalka baarlamaanka ee Knesset guddigu waxa ay u codeeyeen in sharciga loo diro akhrinta koowaad, fowdo ayaa ka dhalatay iyadoo sharci-dajiyayaashu ay golaha dhexdiisa aad ugu murmayaeen.

    Waxaa jiray weedho ay ku dhawaaqayeen sida "Fashiiste" iyo "khaa'inul waddan" xilli dadka qaar si qiiro leh u ilmaynayaan kolka la eego muuqaalkooda, Raiisel wasaaraha Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dib u habeyntu ay ka hortagi doonto xad gudubka garsoorka.

    Dhanka Waxa loo haystaa eedaymo musuqmaasuq oo uu diiday.

  3. Somaliland oo dagaalka Laascaanood ka socda ku eedaysay madaxweyne Farmaajo

    .

    Xigashada Sawirka, VS

    Somaliland ayaa markii u horraysay ku eedaysay ka qayb ahaanshaha dagaalka socda Laascaanood madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

    Sida uu barta Twitter-ka ku sheegay wasiirka gaashaandhigga ee Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa soo qoray in dagaalkan ay qayb ka yihiin ciidammo lagu soo tababaray dalal kala duwan.

    "Qorshaha lagu khal-khal gelinayo xasiloonida Somaliland ayaa soo socday muddo sanado ah, iyadoo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Farmaajo, uu ciidamo [ u diray] dalalka Ereteriya iyo Turkiga, si ay tababar ugu soo qaataan, ujeedkooduna ahaa in ay la dagaalamaan Somaliland. HubkII loogu deeqay Soomaaliya ayaa sida oo kale lagula dagaallamey Somaliland." ayaa lagu sheegay qoraalkaas.

    BBC-du waxa ay isku deyday in ay la xidhiidho xafiiska warfaafinta ee Madaxweynihii hore Farmaajo, se nooma ay suuragalin in ay falcelin ka bixiyaan eedaynta Somaliland u soo jeedisay.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  4. Xukun xabsi labo bilood ah oo lagu riday suxufi Cabdalla Axmed Muumin

    Cabdalla Axmed Muumin

    Xigashada Sawirka, Maxkamadda gobolka Banaadir

    Qoraalka sawirka, Cabdalla Axmed Muumin

    Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun xabsi labo bilood ah ku riday suxufi la yiraahdo Cabdalla Axmed Muumin oo lagu helay dambi ah inuu diiday amar ka soo baxay dawladda oo ku aadanaa inaan la faafin karin, dacaayadna loo sameyn karin afkaarta Al-Shabaab.

    Garsooraha maxakamadda ayaa sheegay in Cabdalla lagu waayay eedeymo kale oo ay kamid ahaayeen inuu sameeyay kicin dadweyne iyo qalqalgalin dhinaca amniga ah.

    Garsooraha oo soo xiganayay qodobada xeerka ciqaabta ayaa sheegay in Cabdalla lagu helay dambi ku xusan qodobka 505 ee xeerkaasi, waxaana lagu xukumay labo bilood oo xabsi ah, oo horey u qaatay 11 maalmood oo kamid ah, waxana lagala laabtay damaanad uu bannaanka ku joogay.

    Dhanka kale qareennada u doodayay suxufigan ayaa sheegay inay racfaan ka qaadanayaan go’aanka maxkamadda.

  5. Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay maalintii 8-aad

    Waxaa maalintii sideedaad magaalada Laasacaanood ka socda dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamada jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday gooni isu taagga ee Somaliland iyo xooggag ka soo jeeda deegaanka.

    Goobjoogayaal ku sugan magaalada ayaa BBC-da u sheegay in guryo dhowr ah ay maanta ku gubteen duqeynta ku socota magaalada. Somaliland ayaa ku dooday in magaalada ay kula dagaallamayso xooggag ay ku sheegtay argagixiso.

    Dhanka kale, waxaa xaalad adag wajahaya qaar kamid ah dadka ka barakacay dagaalka Laasacaanood ee u qaxay deegaannada u dhaw magaalada.

    Waxaa dadkaas kamid ah Cali Salaad Xuseen oo goor dhaweyd BBC u warramay.

    Qoraalka Codka, .
  6. Idaacadda Duhurnimo

  7. Madaxweynaha Eritrea oo ku eedeeyay Mareykanka inuu taageerayay TPLF

    Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerk

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerk

    Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa dowladda Mareykanka ku eedeeyay inay taageereen fallaagadda Tigray ee qaybta ka ahayd collaadii muddada labada sanada ahayd ka socotay dalka Itoobiya.

    Wareysi uu Axaddii siiyay wargays maxalli ah ayuu madaxweynaha ku sheegay in dowladda Mareykanka ay riixaysay heshiiskii ay dhawaan gaareen TPLF iyo dowladda si aysan fallaagada Tigray ugu fashilmin dagaalka.

    Heshiiska oo lagu gaaray dalka Koonfur Afrika bishii Novembar ee sanadkii la soo dhaaday, ayaa soo afjaray dagaal sokeeye oo lay ku dhinteen kummanaan qof halka malaayiin kale ay ku barakeen..

    Mr Isaias, ayaa sidoo kale markii ugu horreysay qiray in boqolaal kun oo qof ay ku dhinteen dagaalkaas, inkastoo uusan faahfaahin ka bixinin tirada dadka u dhashay Eritrea ee ku wax yeeloobay dagaalka.

  8. Jabuuti oo ka hadashay dagaalka khasaaraha dhaliyay ee ka socda Laascaanood

    Dowladda Jabuuti oo ka hadashay dagaalka maalintii 8-aad ka socda magaalada Laascaanood ayaa sheegtay in xukuumadda uu hoggaaimiyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay had iyo jeer u ololeynayso nabadda gobolka ayna marna faragelin arrimaha gudaha ee dalalka ay dariska yihiin.

    Qoraal uu bartiisa twitter ku baahiyay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayuu ku yiri: "Somaliland ma codsan dhexdhexaadinta Jabuuti ee xaaladda Laascaanood. markaa Jabuuti waxay ku sii adkaysan doontaa siyaasaddeeda derisnimo ee caanka ah iyo dhexdhexaadnimada."

    Dagaalka magaalada Laasacaanood ayaa galay maalintii 8-aad, waxaana tan iyo saaka la sheegay in dhawaqa hubka jugta culus laga maqlayay xaafadaha kala duwan ee magaalada.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  9. Somaliland oo sheegtay in Puntland ay ku furayso furin dagaal oo cusub

    Jamhuuriyadda Iskeed madax-banaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa sheegtay in Puntland ay dhaq-dhaqaaq ciidan ka waddo aagga hore ee Tukaraq, ayna doonayaan in dagaalka socda ay ka bilaabaan jihooyin cusub, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland.

    "Waxa jira in aaga hore Tukaraq ay maamul goboleedka Puntland-Soomaaliya ay ka wadaan dhaq-dhaqaaq ciidan sidii horeba xukuumaddu u sheegtay, iyaga oo doonaya in dagaalka ay ka bilaan jihooyin cusub Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo mar walba lagu soo qaadayo weeraro, todoba maalmood oo joogto ah, ciidanku waxa uu difaac kaga jiraan fadhiisimadiisa." ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda ka soo baxay.

    Maamulka Puntland ayaa horay u beeniyay eedaymaha ay Somaliland u soo jeedisay ee ah inay dhaqdhaqaaq ciidan ka wadaan deegaanka Tukaraq.

    Dhowr maalmood ka hor ayay Somaliland ku sheegtay bayaan in ciidamada Puntland ay qayb ka yihiin dagaalka Laascaanood. Wasiirka Warfaafinta ee Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa beeniyay eedeyntaas isaga oo sheegay in shacabka Laascaanood ay kacdoon sameeyeen.

    Dagaalka magaalada Laasacaanood ayaa galay maalintii 8-aad, waxaana tan iyo saaka la sheegay in dhawaqa hubka jugta culus laga maqlayay xaafadaha kala duwan ee magaalada.

    Inkastoo dhinacyada dagaallamaya ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in xabbadda la joojiyo, ayaa haddana waxaa muuqata in dagaalka uu maalinba maalinka ka dambeeysa sii xoogaysanayo.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  10. Diiwaangalinta doorashooyinka Puntland ayaa dib looga bilaabay gobolka Nugaal

    Gudiga ku meel gaadhka ah ee doorashooyinka ee dawlad goboleedka Puntland ayaa laba degmo oo ku yaal gobolka Nugaal ka bilaabay diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka dawladaha hoose.

    Shalay ayay Burtinle iyo Dangoroyo ka bilaabantay hawshaasi, hase yeeshee waxa jirtay in todobaaddo ka hor khilaaf u dhexeeyey maamulka iyo siyaasiyiin mucaarad ahi ka taagnaa isla hanaankan markii la damcay in magaalada Garoowe laga bilaabo oo khilaaf xoogani ka dhashay.

    Hadaba ma khilaafkii baa la xalliyey oo sahlay in hawsha mar kale laga bilaabo Nugaal mise gudidu waxay ku adkaysteen in iyada oo aan weli xal la gaadhin ay hawshii sii wadaan?

    su'aalahaas iyo kuwo kaleba waxaa ka jawaabaya gudoomiyaha gudida ku meel gaarka ah ee doorashooyinka Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  11. Ciidamada Ruushka oo kaabiga u saaran magaalada Bakhmut ee Ukraine

    Dagaalka ka socda dalka Ukraine

    Xigashada Sawirka, BBC/GOKTAY KORALTAN

    Ciidamada Ruushka ayaa ku soo siqaya dhanka magaalada Bakhmut ee Ukraine oo ay haatan dhul ku dhaw gacanta ku dhigeen.

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku tilmaamay magaalada bariga ku taal inay tahay mid muhiimah. Ciidamada Ruushka ayaa lixdii bilood ee la soo dhaafay isku dayay inay qabsadaan Bakhmut, xilli ay Hadda xoojiyeen weerarkooda.

    Qaar ka mid ah dagaaladii ugu xooganaa ee duulaanka ayaa ka dhacay halkan. Haddana ciidamada Kremlin-ka ayaa sii xoogaysanaya.

    Waxaa jira warar sheegaya in halkaas ay ku yaalaan gaymo ay ku jiraan meydadka ciidamado Ruush ah.

    Moscow hadda waxay haysataa awood ay ku maamusho labada waddo ee muhiimka ah ee soo gala magaalada Bakhmut.

  12. Assalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan, kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali maanta oo Isniin ah. Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee deegaanada Soomaalida iyo caalaamka intiisa kale.

  13. Tirada dadka ku dhintay dhulgariirada ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya oo sare u sii kacday

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Tirada dadka la xaqiijiyay inay ku dhinteen dhulgariirrada labada dal ee Turkiga iyo Suuriya ayaa kor u dhaaftay saddex iyo soddon kun oo qof.

    Iyada oo kumanaan kale oo meydad ah la helo maalin kasta, ma jirto wax calaamad ah oo muujinaya in tiradu ay ku dhowdahay meeshii ugu sarreysay.

    Samatabbixiyeyaashu waxay sii wadaan inay helaan dad nool, inkasta oo tiradu ay hadda yar tahay. Mid kasta oo ka mid ah dadka la soo badbaadiyo waxaa lagu soo dhaweyaa farxad.

  14. Dowladda Burundi oo koox samatabixiyaal ah u dirtay Turkiga

    .

    In ka badan 28,000 oo qof ayaa ku dhintay Turkiga iyo Suuriya kadib dhulgariirkii Isniintii ku dhuftay dalalkaas. Kooxdaan Burundi u dirtay Turkiga marka ay gaaraan dalkaasi waxaa la geyn doonaa meelaha baahid ugu badan ay ka jirto marka ay timaado in la caawiyo dadka dhibaateysan.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Burundi Albert Shingiro ayaa sheegay inaysan jirin muwaaddiniin reer Burundii ah oo ay wax yeello ka soo gaartay dhul-gariirka balse wuxuu sheegay in haweeneey lagu magacaabo Sabria Samir Kaze laga soo badbaadiyay magaalada Gaziantep oo uu aad u saameeyay dhul-gariirku.

    Dhanka kale Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sheegay inaysan samatabiyaal u dirin Suuriya sababo la xiriira in aan la geli karin meelaha ay dhibaatadu saameysey. Si kastaba ha ahaatee waxa uu carrabka ku adkeeyay inay garab taagan yihiin walaalahooda dhibaataysan ee Suuriya.

    Mar sii horreysay Afhayeen u hadlay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in la joogo xilligii ay dhammaan dhinacyada isku haya Suuriya ay gacan ka geysan lahaayeen sidii loogu gurman lahaa dadka ku waxyeeloobay dhulgariirkii dhacay Isniintii.

  15. Qaramada Midoobey: Dunidu waa ay dayacday shacabka ku nool gobolka Idlib

    Qauake

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxa arrimaha gargaarka bani’aadannimo ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in beesha caalamku ay dayacday dadka ku dhibaateysan woqooyi-galbeed Suuriya, halkaasi oo kumannaan qof ay ku dhinteen dhul-gariiryadii dhawaan ku dhuftay waddamada Suuriya iyo Turkiga.

    Martin Griffiths ayaa sheegay in shacabka ku nool dhulka ay fallaagadu maamusho ee Suuriya ay dareensan yihiin in dunidu ay dayacday.

    Waxa uu sheegay in ay waajib tahay in sida ugu dhakhsaha badan loo saxo khaladkaasi laga galay dadka ku nool dhulka uu mucaaridka maamulo ee dalka Suuriya.

    Hadalkan ayuu ka jeediyay mar uu booqasho ku marayay xudduudda waddamada Turkiga iyo Suuriya, halkaasi dhawaan uu ka gudbay gargaar bani’aadannimo oo aad u yar oo ku wajahan gobolka mucaaradku uu maamulo ee Idlib.

    Isla xilligaasi ayuu afhayeen u hadlay Qaramada Midoobey waxa uu sheegay in gargaar bani’aadannimo oo ka yimid dhanka dhulka ay maamusho dowladda Suuriya uu u xayiran yahay ogolaansho la’aanta fallaagada Islaamiyiinta ahi ee xukunto gobolka Idlib.

  16. Fannaadda Rihanna oo 7-sano kaddib kusoo laabatay masraxyada haddaba xaggey ku maqneyd?

    Rihanna

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Taageerayaasha Rihanna waxa ay si weyn u filayaan bandhigeeda Super Bowl ee wakhtiga nasashada, waana mid ka mid ah bandhigyada muusigga ee ugu weyn looguna jecelyahay.

    Rihanna ma aysan sameynin ama ma aysan sii dayn wax album heeso ah tan iyo 2016, sidaa darteed rajooyinka ayaa sarreeya, gaar ahaan dhalmada kaddib sannadkii hore.

    Taageerayaasha ayaa rajaynaya in 34-jirkan bandhiggeeda Super Bowl uu dib ugu soo celin doono masraxa muusiga dabayaaqada sanadkan.

    1.Hantida

    Hantida xiddigta pop waxay gaartaa 1.7 bilyan oo doolar. Qiyaastii $1.4 bilyan kama aysan sameynin muusig iyo heesaha balse waxay ka timid qiimaha shirkadeeda isqurxinta, Fenty Beauty.

    2. Caannimada

    Waxa ay ku dhalatay 34 sano ka hor Saint Michel, oo ku taal jasiiradda Barbados.

    Caannimadeedu waxay ka timid bandhig faneedka Evan Rodgers oo ay la socdeen laba ka mid ah saaxiibbadeedii sannadkii 2003dii.

    3. Isbedelkeeda hooyo-nimo

    Isbadalka ugu weyn ee ku yimid fannanadda xiligan ayaa ah hooyo-nimada, taasoo sida ay u sheegtay Apple Music, ka dhigtay inay aad uga taxadarto mashaariicda ay dooraneyso, sababtoo ah waxay ogtahay in wax kasta oo ay doorato ay sababi karto in ay ka fogaato wiilkeeda waqti dheer.

    3. Jebinta Rikoorrada

    Marka laga reebo in ay tahay gabadha heesaaga ah ee ugu mushaarka badan, ama ay heshiis la gashay Jay-Z iyada oo 16 jir ah, xiddigtu waxaay jabisay nooc kasta oo rikoor ah, Tusaale ahaan, Rihanna waxay leedahay 40-ka hits ee ugu sarreeya marka loo eego Beatles.

  17. Dhageyso: Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Laascaanood iyo xaaladda magaalada

    Dagaalka magaalada Laasacaanood ayaa galay maalintii 7-aad, waxaana tan iyo saaka dhawaqa hubka jugta culus laga maqlayay xaafadaha kala duwan ee magaalada.

    Inkastoo dhinacyada dagaallamaya ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in xabbadda la joojiyo, ayaa haddana waxaa muuqata in dagaalka uu maalinba maalinka ka dambeeysa sii xoogaysanayo.

    Xukuumadda iyo mucaaradka jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland ayaa ku baaqay in xal aan xabbad ahayn lagu dayo arrinta Laasacaanood.

    Axmed Cismaan Kaarshe waxa uu kamid yahay dadka ku nool Laasacaanood, waxaan goor dhaweyd uu BBC-da uga warramay xaaladda maanta ee magaalada.

    Qoraalka Codka, Dagaal maalintii toddobaad ka socda Laascaanood
  18. “Weli nafta miyay igu jirta”? Daawo sida labadan gabdhood ee walaalaha looga soo bad baadiyay dhismo burburay hoostiis

    Qoraalka Muuqaalka, Turkey earthquake: Moment two sisters rescued from rubble in Antakya

    Merve, oo 24 jir ah, iyo walaasheed Irem, oo 19 jir ah, ayaa ku hoos jira burburka dhisme shan dabaq ah oo ay degganaayeen oo ku yaalla Antakya, koonfurta Turkiga, kaas oo dhulgariirku burburiyay.

    Waxay ahayd laba maalmood, laakiin iyaga ayaa maalmahaas u dareemayay sidii toddobaadyo oo kale.

    Dhamaan dadka jooga goobaha ku hareereysan dhismaha ay ku hoos jiraan labada gabdhood ayaa la aamusiyay si qalbka caalamiga ee lagala hadlayo uusan codka iyo sawaxanka dadka kale u gudbinin.

    Aaladaha xasaasiga ah waxay ku dhagaystaan ​​jawaab kasta.

    Irem, qaalideydi , waan kuu dhowahay, waad i maqlaysaa, somaha?" Mustafe oo la hadlaya dhibanayaasha ayaa sidaasi yiri.

    Kuwa daawanaya ma maqli karaan, laakiin way caddahay inay ka jawaabeyso.

    Koox yar oo hablaha saaxiibadood ah ayaa aamusnaan ku sugaya.

    Waa arbaco Mustafa wuu ogyahay inay saacado qaadan doonto soo saaristooda, balse waxa uu yiri "Haddii ay lumiyaan rajadooda waxaa laga yaabaa inaysan sii noolaan."

  19. Askar militari ah oo dil loogu xukumay fuleynimo darteed

    Congo

    Xigashada Sawirka, The government of NORD-KIVU

    Toddobo askari oo u dhalatay dalka Congo ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii lagu eedeeyay in ay fulaynimo u muujiyeen cadawga, islamarkaana ay argagax isku abuureen markii ay ka carareen fallaagada M23.

    Askarta ayaa dafiray eedeymaha loo haysto, waxaana qareenadooda ay sheegeen inay racfaan ka qaadan doonaan go’aanka maxkamadda, sida ay sheegeen maamulka gobolka Waqooyiga Kivu.

    Labo qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, afar kalena dhaawacyo halis ah ayaa soo gaaray intii uu socday shilkan uu sababay falka cararka ee askarta, xeer ilaalinta ayaa ku tilmaamay in ay ahaayeen ‘fuleyaal’.

    Kumanaan qof ayaa dhawaan ka qaxay guryahoodii Goma iyo Minova iyadoo fallaagada M23 ay si tartiib tartiib ah ugu soo wajahan yihiin magaalada Masisi ee galbeedka.

    Bishii Nofembar, maxkamad milatari oo ku taal Goma ayaa saddex askari ku xukuntay dil toogasho ah, kadib markii lagu helay inay ka carareen dagaalka intii ay socdeen dagaalladii M23.

    Xukunka dilka ah ayaa weli ka socda DR Congo, hase yeeshee markii ugu dambeysay ee la fuliyo 2003, ayaa si nidaamsan loogu beddelay xabsi daa'in.

  20. Laascaanod: Garaad Cabdisalaan Xasan oo ka jawaabay eedeynta Somaliland ee dagaalka

    Golaha garaaddada ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa ka falceliyey eedayntii ay Somaliland ku eedaysay in ciidamada deegaanku ay weerareen fadhiisinada milatariga oo ay iyagu jabiyeen xabbad joojintii ay xukuumaddu ku dhawaaqday.

    Af-hayeenka garaaddada ayaa sheegay in mabda' ahaan aanay diidanayn xabbad joojin oo ay diyaar u yihiin laakiin laga maarmaan ay tahay in la helo shuruudihii ay ku hirgeli lahayd xabbad joojintaasi.

    Af-hayeenka garaaddada oo ah garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed oo la hadlay BBC-da ayaa ka warramay xaaladda haatan ee Laascaanood