Israa'iil oo dhexdhexaadineyso Ukraine iyo Ruushka

Tebinta Tooska ah

Tebin toos ah

  1. Ruushka oo gantaallo ku duqeeyay dhismayaal ay dad deggan yihiin

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Maamulka dekadda ugu weyn Ukraine, ee Odessa, ayaa sheegay in ciidamada badda ee Ruushka ee ku sugan Badda Madow ay gantaallo la dhaceen dhismooyin la deggan yahay oo ku yaalla duleedka magaalada.

    Waa markii ugu horreysay ee dhismooyinka halkaas la weeraro. Afhayeen u hadlay maamulka militariga gobolka ayaa sheegay in wax khasaaro ah aan la soo sheegin.

    Duqa magaalada ayaa booqday deegaanka.

    Ciidamada Ruushka ayaa go’doomiyay Odessa, balse waxaa joogsaday ciidamada dhanka galbeed magaalada uga soo galayay iyagoo dhulka maraya.

  2. Ruushka oo xannibay xagjiriinta isticmaala Facebook iyo Instagram

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Maxkamad ku taalla Moscow ayaa xukmisay in dhaqdhaqaaqayasha isticmaala baraha Instagram iyo Facebook ay xagjiriin yihiin, iyadoo howlgalladooda laga xannibay gudaha Ruushka, sida ay wararku sheegayaan.

    Xafiiska dacwad oogaha guud ee Ruushka ayaa sheegay in waxyaabo xagjirnimo ah lagu daabacay baraha bulshada, isaga oo tixraacaya baaqyada lagu eedeeyay ee ah rabshadaha ka dhanka ah muwaadiniinta Ruushka, oo ay ku jiraan ciidamada militariga ee jooga Ukraine.

    Horraantii bishan, dacwad oogayaasha ayaa ku baaqay in baaritaan dambi lagu sameeyo barta Meta, iyaga oo soo xiganaya dacaayadaha Ruushka iyo sharciyada xagjirnimada.

    Isticmaalka Facebook iyo Instagram ayaa horeyba looga xaddiday waddanka, iyadoo Moscow ay ku tilmaantay in lagu faafiyo "warar been abuur ah" oo ku saabsan duullaankeeda Ukraine.

    Meta ayaa sheegtay inay u oggolaan doonto isticmaaleyaasha waddamada qaarkood inay ku baaqaan rabshado ka dhan ah madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo askarta Ruushka.

    Garsooraha ayaa sheegay in xukunka maxkamadda uusan quseyn adeegga fariimaha ee WhatsApp, oo sidoo kale ay leedahay shirkadda Meta.

    .

  3. Gargaarka bani'aadannimo ee la gaarsiin lahaa Mariupol oo weli hakad ku jira

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Dadaalo lagu doonayay in gargaar bini'aadannimo lagu gaarsiiyo dad lagu qiyaasay 300 oo kun oo qof oo ku go'doonsan magaalada la go'doomiyay ee Ukraine ee Mariupol ayaa weli hakad ku jira.

    Laguma darin liis ay dowladda Ukraine sheegtay in ay isku waafaqeen ciidamada Ruushka, kaddib diidmadii Kyiv ee ahayd inay soo wareejiso magaalada iyadoo ku badalaneysa in dagaalyahannada hubka laga dhigay iyo rayidka ay si nabad ah u maraan.

    Ukraine ayaa mar kale ku eedysay Ruushka in uu xannibay kolonyada gargaarka ee Mariupol, halkaas oo ka jirta xaalado aad looga naxo.

    Mid ka mid ah dadka deggan magaalo-dekadeedka go’doonsan eeMariupol ayaa barta Facebook soo dhigtay xaaladaha ka jira magaalada.

    Mar ay waddada dhex mareysay xilli ay hakadeen weerarrada bambaanooyinka, ayaa Nadezhda waxay sheegtay in dhismaha ay deggan tahay uu yahay kan keliya ee ka badbaaday gantaallada sida tooska ah loola beegsaday guryaha kale.

  4. Ukraine:halkan ka ogow magaalada sida gaarka ah uu u daneynayo Putin

    Ra’iisal wasaare ku xigeenka Ukraine Iryna Vereshchuk ayaa sheegtay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu si gaar ah u doonayo in uu la wareego mgaaladda Mariupol – sababtoo ah waxa uu ku guul daraystay in uu magaaladan qabsado 2014-kii xiligaasi oo Ruushku gacanka Crimea xoog kaga qabsaday Ukraine.

    Ugu yaraan 300,000 oo qof ayaa loo malaynayaa in ay weli ku xayiran yihiin gudaha magaalada go’doonsan ee Mariupol iyaga oo aan lahayn koronto, cunto iyo biyo welina ay duqeymo xooggan ku socdaan.

    Putin

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  5. Aaska dadkii lagu laayay Mambaas oo qof kale lagu dilay

    Wararka ka imaanaya DDS ayaa sheegaya in qof kale uu maanta ku dhintay halkaa, laba kalena ay ku dhaawacmeen ka dib markii boolisku ay rasaas ku fureen dad joogay meel lagu aasayey dad isla la shalay la sheegay inay boolisku ku laayeen deegaanka Mambaas oo aan ka fogeyn magaalada Jigjiga. qofka maanta dhintay ayaa ahayd qof dumar ah.

    Social

    Xigashada Sawirka, Social

  6. Aqalka Congress-ka Maraykanka oo la hor mgeeyay hindise ku saabsan Somaliland

    Sida aan ka soo xiganay barta rasmiga ah ee Aqalka Congress-ka Maraykanka,Guddi hoosaadka dibadda ee aqalka Congress-ka Maraykanka ayaa soo gudbiyey hindise-sharciyeed dhigaya in Somaliland loo aqoonsado dal madax bannaan. Hindisahan ayaa la filayaa in golaha la hor geeyo si loogu codeeyo.

    SOMALILAND
  7. DAAWO: Gantaal Ku dhacay goob laga dukaameysto oo kutaala Kyiv

    Qoraalka Muuqaalka, Xarun laga dukaameysto oo ku taal Kyiv oo uu Ruushka gantaal ku garaacay
  8. Diyaarad ay leedahay shirkadda China Eastern Airlines oo burbutay

    Diyaarad ay leedahay shirkadda China Eastern Airlines oo ay saarnaayeen 132 qof ayaa ku burburtay gobolka Guangxi, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Shiinaha.

    Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay shilkan diyaaradeed iyo sababta ka dambeysa.

    Goobaha la socodka duulimaadyada ayaa sheegaya in diyaaraddu ay hawada ku jirtay in ka badan saacad, ayna ku dhoweyd halkii ay ku socotay.

    Diyaarad ay leedahay shirkadda China Eastern Airlines
  9. Madaxweynaha Koonfur Galbeed : Ma jiro maamul soo saaray 77 xildhibaan oo federaal ah

    Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdi Casiis Lafta-Gareen ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay xildhibaanada labada aqal ku metelaya baarlamaanka Soomaaliya, maalmo kadib markii maamulkiisa uu soo gabagabeeyay doorashada.

    Madaxweyne Cabdi Casiis Lafta-Gareen ayaa sheegay in Konfur Galbeed haysato xildhibaanada ugu badan ee maamulada dalka Soomaaliya ka jira, , waxaa uu xildhibaanadda u sheegay in tiro badnidooda laga arko waxtar muuqda oo ay la yimaadaan.

    “77 xildhibaan ayaa haysataa Koonfur Galbeed Soomaliya ,waxaan rabnaa awoodda iyo tirada intaas la’eg waxtarkeeda in Koonfur Galbeed laga arko oo ay ka muuqato,” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

    Dhinaca kale, Lafta Gareen ayaa xildhibaanada uga digay in la kala qeybiyo, isagoo sheegay iney ka shaqeeyaan oo kaliya midnimadooda iyo sidii ay isugu xirnaan lahaayeen.

    Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed

    Xigashada Sawirka, Social

  10. Maxkamad ku taala Uganda oo amartay in Soomaalida la siiyo dhalasho dalkaas

    Maxkamadda sare ee magaalada Kampala ayaa ku amartay xafiiska socdaalka ee Uganda, in dadka asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya la siiyo dhalashada Uganda hadii ay buuxinayaan shuruudaha sharciga Uganda.

    Xukunka oo uu soo saaray garsoore Musa Ssekaana ayaa kadanmbeeyay, dacwad ay sannadkii 2019-kii gudbiyeen 7 xubnood oo ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda iyo ururrada bulshada rayidka ah, iyagoo kacabanaya mas’uuliyiinta Uganda oo u diiday dhalashada dalkaasi Uganda.

    Xubnaha dacwadda gudbiyay ayaa kala ah ; Abdu Abucar Hussein, Abdullah Ahmed Shiek, Yahaya Yusuf, Xirsi Mohamed, Abdinassir Hussein Shire, Mohamed Abduwel Abdulla, Ahmed Noor Osman iyo Multiracial Community Uganda (MCU) Ltd, dadkan ayaa intooda badan noolashoda kunoolaa dalka Uganda.

    Arrintan ayaa waxaa ay war faraxad leh utahay dadka soomaaliyeed ee kunool Uganda.

    maxkamadda Uganda

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  11. Muxuu yahay amarka Ruushka ee ay Ukraine iska diiday?

    Dhowr saacadood ayaa hadda ka soo wareegtay xilligii uu Ruushku u qabtay Ukraine in ay soo wareejiyaan magaalada dekedda leh ee Mariupol ee go'doonsan, halkaas oo la rumaysan yahay in 300,000 oo qof ay ku xayiran yihiin, sahaydana ay sii yaraanaysa.

    Muxuu yidhi Ruushku?

    Milateriga Ruushka ayaa Ukraine u qabtay ilaa 05:00 wakhtiga Moscow (02:00 GMT) maanta oo isniin ah si ay dhiibaan magaalada, iyagoo ballan qaaday in taa beddelkeeda ay heli doonaan laba waddo oo nabdoon si ay dadka rayidka uga baxaan magaalada.

    Sidee ayay Ukraine uga jawaabtay ?

    Ukraine way diiday dalabka Ruushka waxayna tiri. "Ma jirto cid isasoodhiibeysa ama hub la dhigaayo," ayuu yiri ra'iisul wasaare ku xigeenka dalka Ukraine oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Ukrainska Pravda.

    Putin iyo Zelensky

    Xigashada Sawirka, BBC/Getty Images

  12. Wasaaradda Difaaca ee UK oo sheegtay hadafka ugu weyn ee uu Ruushka ka leeyahay Ukraine

    Wasaaradda Difaaca ee UK ayaa sheegtay in Kyiv, caasimadda Ukraine, ay weli tahay mudnaanta koowaad ee Ruushka, waxayna weli la kulmayaan iska caabbin xoog leh.

    Ruushka ayaa dhowrka toddobaad ee soo socda qorsheynaya in uu kordhiyo duqeymaha Kyiv.

    UK

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  13. Dagaalka Ukraine: New Zealand oo talaabo kale oo dheerad ah qaadday

    Dalka New Zealand ayaa ballan qaaday inay siinayso Ukraine lacago dheeraad ah oo gaaraya ilaa $3.46m, shidaal,qalabka isgaarsinta iyo daawooyin.

    Ra’iisul wasaare Jacinda Ardern ayaa sheegtay in lacagtan loo sii marin doono sanduuqa Nato oo qalabka isgaarsiinta iyo agabka gargaarka degdegga ah siiya ciidamada Ukraine.

    Ra’iisul wasaare Jacinda Ardern

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  14. Israa'iil oo dhexdhexaadineysa Ukraine iyo Ruushka

    Israa'iil ayaa wadda dadaallo ay ku dhexdhexaadinayso Ukraine iyo Ruushka, waxaana laga yaabaa inay noqoto goobta mustaqbalka lagu qabanayo wadahadallo nabadeed oo heer sare ah oo dhexmara Ruushka iyo Ukraine.

    "Ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Mr. Bennett waxa uu isku dayayaa in uu helo hab lagu wadahadlo," Zelensky ayaa sidaa yiri isagoo khudbad muuqaal ah oo uu u jeediyay dadka reer Ukraine maalintii Axaddii.

    ISRAEL

    Xigashada Sawirka, Getty Images