Itoobiya oo sheegtay in TPLF ay ka qabsatay magaalooyin dhowr ah

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Maxaa sannadkan ku cusub carwada buugaagta ee Muqdisho laga daahfuray?

    ,

    Xigashada Sawirka, Facebook

    Carwada sannadlaha ah ee buugaagta lagu soo bandhigo ayaa sannadkii lixaad laga daahfuray magaalada Muqdisho.

    Carwadan ayaa lagu soo bandhigaa buugaag kala duwan ayadoo ay ka soo qayb galaan qalinleey isugu jira Soomaali iyo ajaanib.

    Asaasaha iyo agaasimaha carwadan Mohamed Diini, ayaa hadal ka jeediyey daahfurkii carwada oo saacad ka hor ka bilaabatay Muqdisho.

    "Waan ku faraxsannahay in aan sanadkii lixaad qabanno bandhigga buugaagta Muqdisho oo aan ka wada shaqayno horumarka, akhiska, qoraalka iyo aqoon is waydaarsiga."ayuu yiri agaasime Maxamed Diini.

    Agaasimaha ayaa sidoo kale soo dhaweeyey dadka sannadkan ka qayb qaadanaya bandhigga buugaagta.

    Furitaankii carwada ayaa lagu xusay Allah ha u naxariistee qoraagii dhawaan geeriyooday ee Maxamed Daahir Afrax oo goobta laga sheegay in uu qayb weyn ka soo qaatay horumarinta afsoomaaliga, sugaanta, sheeko faneedka iyo hal abuurka.

    C/qaadir Nuur Xuseen (Maax) guddoomiyaha akadeemiyada cilmiga, fanka iyo suugaanta ayaa madasha ka yiri “Waxa aan ku talinayaa in buug laga qoro iyo in meel loogu magac daro si loo xoojiyo waxqabadkii iyo dedaalkii uu ugu jiray afka iyo dhaqanka”

  2. "Raysal Wasaaruhu maahan garsoore seeri la taagan"

    ,

    Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimow, ayaa qoraal uu bartiisa Facebook-gga soo dhigay ku sheegay in Ra’iisal waxaare Rooble ay ka go’an tahay in isaga oo kaashanaya Golaha Wadatashiga Qaranka in la la dhawro hufnaanta doorashada , waana sababta uu had iyo jeer guddiyada kala duwan ee doorashooyinka iyo guddiga xallinta khilaafaadka kulamada uu la yeesho uu ugu adkeeyo in ay doorashada u maamulaan si daahfuran.

    Macallimuu ayaa asagoo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Ra’iisul Wasaaruhu maaha garsoore seeri la taagan oo kiis walba laga doonayo in uu gaar u xalliyo”.

    Afhayeenka ayaa intaas ku daray in xalka kaliya ee dalkan uu uga gudbi karo marxaladda uu maanta taagan yahay ay tahay in doorasho qabsoonto.

    Dhanka kale waxaa jira cabashooyin baryahan dambe ka imaanayey Golaha Midowga Musharrixiinta mucaaradka ah oo sheegayey in hannaanka ay doorashadu u socoto uusan ahayn mid hufan ayagoo sheegay in waxa socdaa uu yahay “boob” ee aan doorasho lagu tilmaami Karin.

    Guddiga doorashooyinka ayaa ayaguna dhankooda sheegay in doorashadu ay ku socoto si habsami leh iyo habraacii loogu talagalay isla markaana beeniyey in uu jiro wax boob ah.

  3. Midowga Yurub oo tartan dhanka "kaabeyaasha dhaqaalaha" kula jira Shiinaha

    ,

    Midowga Yurub ayaa dejiyay qorsheyaal uu ku maalgalinayo in ka badan saddex boqol oo bilyan oo doolar oo lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaalaha, mashaariic casriga ah iyo wax ka qabashada isbaddalka cimilada adduunka wixii loo gaaro sannadka 2027-ka.

    Guddoomiyaha Golaha Midowga Yurub, Ursula Von der Leyen ayaa sheegtay in barnaamijka Global Gateway uu noqon karo mid looga maarmi karo Shiinaha.

    Hindisaha Shiinaha ee Belt and Road ayaa balaayiin doolar ku maalhgaliyey in ka badan 70 dal sideeddii sano ee la soo dhaafay.

    Ms Von der Leyen ayaa sheegtay in Modowgay Yurub uu la imaan doono mashruuc ka duwan kan Shiinaha, kaas oo dhaqaalaha lagu bixin doono shuruudo caddaalad ah si loo yareeyo khatarta iyo dhibaatooyinka daymaha.

  4. Itoobiya oo sheegtay in TPLF ay ka qabsatay magaalooyin dhowr ah

    .

    Xigashada Sawirka, GOVERNMENT COMMUNICATION

    Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay guullo muhiim ah ka soo hoyisay dagaalka ay kula jirto fallaagada TPLF ee ka dagaallanta waqooyiga dalkaasi.

    Dowladda waxay sidoo kale sheegtay in ciidamada ay dib u qabsadeen magaalooyin dhowr ah oo dhaca gobolka Amxaarada halkaas oo ay heysteen fallaagada TPLF.

    Dhawaan ayay aheyd markii dowladda ay shaacisay inay dib ula wareegtay deegaanno dhaca gobolka Canfarta.

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhawaan la arkayay isaga oo ku labisan tuutaha militeriga xilli uu ciidamadiisa kula sugnaa jiidda hore ee dagaalka.

    Waxaana adag in la xaqiijiyo wararka ka imaanaya furriimaha hore ee dagaalka.

    Hadalkan ayaa imanaya xilli wasiirka arrimaha dibadda ee waddanka Shiinaha uu booqasho ku tegay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa halkaas oo uu kulamo kula yeelanayo madaxda dowladda Itoobiya.

    Dagaalka u dhaxeeya ciidammada federaalka ee Itoobiya iyo fallaagada TPLF ayaa socday tan iyo bishii Nofeembar ee sanadkii tagay iyadoo marba dhinac uu guul sheegto.

  5. Putin oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Xasan Cabdi Daauud oo ah safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doono dalkaas.

    Putin ayaa khudbad ka jeediyay munaasabad lagu qabtay madaxtooyada xilli uu qaabilayay 21 danjire oo ka socday dalal kala duwan oo uu kamid yahay safiirka cusub ee Soomaaliya.

    Safiirka cusub ee Soomaaliya ayaa kamid ahaa dhowr danjire oo maanta uu qaabilay madaxweyne Putin

    Xigashada Sawirka, SNTV

    Qoraalka sawirka, Safiirka cusub ee Soomaaliya ayaa kamid ahaa dhowr danjire oo maanta uu qaabilay madaxweyne Putin
  6. Magaalada dhanka nolasha ugu raqiisan dunida

    Magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya ayaa noqotay magaalada ugu raqiisan dhanka nolosha ee adduunka halka caasimadda Israa’iil ee Tel Aviv lagu tiriyay magaalada dhanka nolosha ugu qaalisan dunida maadama uu saameeyay sicir barar arrintaas oo ka qeyb qaadatay sare u kaca dhanka nolosha.

    Waxaa kaalinta labaad kala galay Paris iyo Singapore marka ay timaaddo magaalooyinka ugu qaalisan adduunka, waxaana ku xigay Zurich iyo Hong Kong, sida uu daabacay wargeyska The Economist.

    Caasimadda Suuriya, Dimishiq
    Qoraalka sawirka, Caasimadda Suuriya, Dimishiq
  7. Boosaaso: Waxaa ka socdaa dadaallo xal loogu raadinayo xiisadda

    .

    Xigashada Sawirka, PSF

    Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka ee dowlad goboleedka Puntland ay wadaan dedaallo ay ugu kala dabqaadayaan ciidammada dowladda iyo ciidammada la dagaallama argagixisada ee PSF loo soo gaabiyo.

    Xaaladda magaalada ayaa deggan hasayeeshee waxaa maalmihii la soo dhaafay magaaladaasi ku qulqulayay ciidammo badan oo ka tirsan Puntland, walow intooda badan la dajiyay bannaanka magaaladaasi.

    Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay inay ku rajo wayn yihiin inay si nabad ah ku soo dhammeeyaan khilaafka taagan, waxaanay carabka ku adkeeyeen in aanay aqbali doonin in magaalada lagu dagaallamo.

    Khilaafka ayaa ka dhashay markii madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu 24-kii bishii hore soo saaray xeer madaxweyne oo uu ku magacaabayay agaasimaha cusub ee hay'adda PSF balse hoggaanka hay'addaasi ayaa magacaabistaasi iyo xil ka qaadistii agaasimihii hay'addaasi ku tilmaamay sharcidarro.

    Maxay yihiin ciidamdaa PSF

    Sida uu sheegaya Korneel Cabdiwaaxid Maxamuud Xasan oo ahaan jiray madaxii hore ee ciidammada Daraawiishta Puntland, ciidamadan PSF ayaa ka tirsanaan jiray kuwa horey la isugu oran jiray PIS oo la aasaasay xilligii Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana markii ugu horreysay agaasime ka soo noqday Maxamed Aadan Bidaar.

    Ciidamadani markii hore waxay isugu jiri jireen milatari iyo sirdoon loogu talagalay la dagaallanka argagaixisada balse markii dambe waa la kala saaray oo milatariga waxaa ku haray PSF, halka sirdoonkuna uu noqday mid ka baxsan.

    "Ujeeddada loo aasaasay wuxuu ahaa la dagaalanka argagixisada maadaama argagixisadu ay wakhtigaasi Sebteembar 2001-dii wixii ka dambeeyay ay argagixisadu soo xoogeysatay, taliskanna muhiim uu u ahaa Geeska Afrika, Mareykankuna ay aad u daneynayeen, Cabdullaahi Yuusuf-na uu dhawr goor ka cawday argagixiso iyo arrimahaasi in ay ka jiraan bariga, baa hay'addani loo ogolaaday in ay halka ka hawlgasho {xarunna } ku yeeshaan qolodaa Mareykanka," ayuu yiri Korneel Cabdiwaaxid oo sharraxaya ujeeddada loo aasaasay ciidamadan.

  8. Waa sidee xaaladda cudurka HIV AIDS ee Soomaaliya?

  9. Cabdiraxmaan Cabdishakuur: "Waxaa inoo muuqata in waxa socda ay dhibaato ku yihiin qaranka"

    Midowga musharixiinta madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa Ra'iisal wasaare Rooble ka codsaday in la hakiyo doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee ka soconaya dalka oo ay ku tilmaameen boob qaawan oo dalka u horseedi kara qalalaase siyaasadeed.

    Waxaa ay sheegeen in walaaca ay ka qabaan doorashada ay si gaar ah ugala hadleen madaxda maamul goboleedyada, isla markaana ay kulamo la yeesheen guddiyada doorashada iyo ra'iisal wasaaraha , balse aanan waxba laga qaban.

    Arrimahaas ayaa waxaan ka wareysannay Cabdiraxmaan Cabdishakuur warsame oo kamid ah golaha midowga musharixiinta ee Soomaaliya.

    Qoraalka Codka, Cabdiraxmaan Cabdishakuur warsame
  10. Weriye walaalkii caawiyay oo shaqada laga eryay

    Andrew (Bidix) iyo Chris Cuomo sanadkii 2018

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Andrew (Bidix) iyo Chris Cuomo sanadkii 2018

    Weriyaha caanka ah ee ka tirsanaa teleefishinka CNN ayaa laga joojiyay shaqada kadib markii uu caawiyay walaalkii oo ah barasaabkii hore ee New York kaas oo loo heystay eedeymo la xiriiray tacaddiyo dhanka galmada ah.

    Go'aanka ayaa yimid markii xeer ilaaliyaha guud ee New York uu soo saaray dokumentiyo muujinaya sida shaqadiisa ay saameyn ugu yeelatay xaaladda walaalkii Andrew Cuomo.

    Andrew Cuomo ayaa bishii August xilka iska casilay markii dacwad oogayaasha ay sheegeen in uu tacaddi u geystay qof shaqaale u ahaa.

    Weriye Chris Cuomo oo teleefishinka u warramaya ayaa waday dadaallo uu ku caawinayay ninkan siyaasiga ah ay walaalaha yihiin, waxaana lagu tilmaamay ninkan uu jebiyay xeerarka saxaafadda.

    Sanadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii shaqada laga joojiyay shaqada weriyaha, waxaana laga mamnuucay in uu tebito wararka la xiriira walaalkii markii cudurka Karoona uu saameeyay New York, wuxuu horraan wareysi toos ah la yeeshay walaalkii, wuxuu ammaanay maamulkiisa xilliggii uu barasaabka ka ahaa halkaas.

    Warbaahinta ayaa horey u difaacday Cuomo oo CNN kusoo biiray 2013 xilli uu muran ka dhashay dadaalladii uu ku caawinayay walaalkii oo ahaa nin awood leh.

  11. Mareykanka: 'Muslimiintu waa bulshada ugu yar, balse ugu sadaqada badan'

    Qoraalka Muuqaalka, Muslimiinta waa 10% shacabka Mareykanka
  12. Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda magaalada Boosaaso

    .

    Xigashada Sawirka, PSF

    Iyadoo wax xal ah laga gaarin khilaafka u dhaxeeya xukuumadda Puntland iyo Ciidamada PSF-ta,ayaa waxaa dhaqdhaqyo ciidan oo horleh laga dareemayaa magaalada Bosaaso iyadoo dadka qaar ay ka qaxeen xaafadaha qaar ee magaaladaasi.

    Muddo hal todobaad ah ayaa ka so wareegtay markii madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu xilka ka qaaday agaasimaha hay'adda PSF isla markaana u magacaabay agaasime cusub.

    Madaxweyne Deni ayaa xalay hadal kulul ka jeediyay degmada Burtinle, kaas oo u muuqanayay hadal uu si dadban ugu dirayay ciidamada PSF-TA.

    Maamulka Puntland wuxuu dhawaan ciidamada la dagaalanka argagixisada ee PSF-ta ku eedeeyay in ay barakicin ka wadaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari.

    Faahfaahinta warkaas iyo sida maanta yahay xaalka magaalada, waxaa xaalidihii ugu dambeeyay ka warramaya Maxamed Xassan Dhalo oo ku sugan Bosaaso.

    Qoraalka Codka, Xaaladda magaalada Boosaaso
  13. Madaxweyne sheegay in askar tababarka dhameysata la siin doono ulo baddalkii hubka

    .

    Madaxweynaha South Sudan Salva Kiir ayaa sheegay in askarta dalkaas ee kasoo qaliin jebisay xeryaha tababarka ciidanka in la siino doono ulo baddalkii ay qaadan lahaayeren hubka.

    Wuxuu sheegay in dalkiisa ay saaran tahay muddo 3 sana ah cunaqabateynta Qaramada Midoobey ee hubka isla markaana ay jirto gabaabsi dhanka hubka ah.

    Hase ahaatee ku simaha safiirka Mareykanka ee South Sudan ayaa sheegay in aysan jirin wax gabaabsi oo dhanka hubka ah oo saameeyay dalka ay colaadda ka taagaan tahay – balse ay jirto cunto la’aan.

    "Waxaan si isdaba joog ah ugu wargelinay Qaramada Midoobay saameynta xun ee cunaqabateynta hubka ay nagu yeelatay, .waxa kaliya ee aan helnay waa shuruudo aan aqoonsanayn horumarka ilaa hadda la gaaray”

    “Waxa kaliya ah inala gudboon ah ayaa in ciidamada qalinjebiyay aan siinno ulo baddalkii hubka”ayuu yiri Madaxweyne Salva Kiir oo ka hadlayay madal ay kasoo qeybgaleen guddoomiyeyaasha goboollada oo lagu qabtay magaalada Juba Talaadadii.

    Madaxweyne Kiir iyo ninkii uu sidii weyn hardanka uga dhexeeyay ee Riek Machar, oo hadda ah madaxweyne ku xigeenka koowaad, ayaa bishii February ee sannadkii hore soo dhisay dawlad wadaag ah, qeyb kamid ah heshiis ay wada gaareen waxaa kamid ahaa in la sameeyo ciidan qaran oo midaysan oo ka kooban 83,000, xilli ay fulinayaan Heshiiskii nabadeed ee 2018-ka.

    Xayiraadda hubka ee saaran dalkan ayaa ku ekayd bishii May ee sanadkan, balse waxaa lagu daray sanad kale.

  14. Asalaamu Caleykum

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.