Waxaa magaalada Wajeer ka taagan hadal heyn ka dhalatay geeri
ku timid dhakhtar Itoobiyaan, dhakhaatiirta ka howlgasha halkaas ayaa waxay
sameeyeen banaanbax la sheegay in caddaalad loogu raadinayo dhakhtar qalliinka
qaabilsanaa oo ka howlgali jiray cisbitaalka Wajeer.
Qaar kamid ah madaxda Soomaalida ee Kenya ayaa tacsiyeeyasay
geeri ku timid dhakhtar qalliinka qaabilsanaa oo ku dhintay gudaha magaalada
Wajeer.
Barasaabka Wajeer Axmed Cali Mukhtaar ayaa sheegay in Dr. Zinaye M Zaleke uu ku dhacay gaari
ay leeyihiin booliska oo si xowli ah ku socday isla markaana uu ku geeriyooday
isla goobtii uu ku jiiray.
“Dr.Zinaye
wuxuu kasoo jeeday Itoobiya, wuxuu ahaa nin deggan oo geeridiisa ay taabatay
dad badan maadama uu sanado badan ka howlgalayay cisbitaalka guud ee Wajeer,
waxaan uga mahadcelineynaa shaqadiisa wanaagsaneyd uu inoo soo qabtay” ayuu
yiri Axmed Cali oo qoraal soo dhigay bogga Facebook.
Dhinaca kale, barasaabkii hore ee Wajeer , Axmed Cabdullaahi ayaa sheegay in Dr Zenaye uu muddo 7 sana ah uu ka howlgalayay cisbitaalka guud ee Wajeer.
Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay “Waxay shaqaaleysiinta ninka horseeday inay yaraadaan kiisaskii dadkii qalliinka loogu diri jiray Nairobi”
Wuxuu ugu baaqay booliska inay baaritaan ku sameeyaan geerida ku timid dhakhtarka.