Mucaaradka oo dalbadey in la joojiyo doorashada ka socota Soomaaliya

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Buuqa ka taagan Korea-yada Koonfuraad ee cunista hilibka Eyga

    Eeyo

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Eeyo

    Madaxweynaha Korea-yada Koonfureed, Moon Jae-in, ayaa sheegay iney ka fikirayaan iney mannuucaan cunista hilibka Eyga.

    Qiyaastii hal milyan oo Ey, ayaa lagu gawracaa dalka Korea-yada Koonfureed, si loo cuno.

    Isagoo ka hadlayey madaxweynaha shir uu la lahaa ra'iisal wasaaraha dalkani, Mr Moon ayaa tilmaamey haatan iney jiri karto suurta galnimada in lasoo saaro awaamiir mamnuuceysa cunista hlibka Eyga.

    Waxaa kal hore la meel mariyey sharci kahortagaya in xayawaanka sida Yaanyuuraha iyo Eyda, in loola dhaqmo si aan habbooneyn.

  2. Mucaaradka oo dalbadey in la joojiyo doorashada ka socota Soomaaliya

    Golaha Midowga Murashaxiinta Soomaalia, ayaa soo saarey bayaan ka kooban dhawr qodob, oo inta badan dhaliil looggu jeedinayo doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee Soomaaliya.

    Waxey dalbadeen in la hakiyo doorashada, iyagoo ku ciladeeyey inaaney u socon habkii looggu tala galey.

    Bayaanka Midowga Murashaxiinta

    Xigashada Sawirka, Midowga Murashaxiinta

    Qoraalka sawirka, Bayaanka Midowga Murashaxiinta
    Bayaanka Golaha Midowga Murashaxiinta

    Xigashada Sawirka, Golaha Midowga Murashaxiinta

    Qoraalka sawirka, Bayaanka Golaha Midowga Murashaxiinta
  3. Bajaaj fara badan oo lagu xirxirey jigjiga

    Magaalada Jigjiga
    Qoraalka sawirka, Magaalada Jigjiga

    In ka badan 500 oo bajaaj, ayey xireen ciidamada ammaanka ee waddooyinka ee Taraafikada, ee deegaanka Soomaalida Itoobiya maalmihii lasoo dhaafey.

    Ciidamada Taraafikada ayaa sheegay in inta badan darawalada Bajaajta magaalada Jigjiga aaney heysan ruqsadda darawalnimo, iyo document-yada kale ee Bajaajta.

    Arrintan ayaa waxey sababtey in bajaaj badan lagu xareeyo dhul bannaan oo ay dowladdu leedahay. Hase yeeshee waxaa jira dad ku doodaya in Bajaaj cusub, oo ay markaa soo iibsadeen in laga xareeyey.

    Dad badan ayaa bajaajtoodii markii laga xareeyey, u aawey qoysaskii lacago ay ku dabaraan nolol maalmeed kooda.

  4. Boqor Buurmadow: Hadalka Godane ee iga soo yeeray "kaftan beeleed buu ahaa"

    Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Maxamed (Buurmadow) ayaa raali gelin ka bixiyay hadal uu horey u sheegay oo ku tilmaamay in uu ahaa mid kaftan ah oo la siyaasadeeyay.

    Hadalkan horseeday carada ee Boqor Buurmadow uu dhawaan jeediyay ayaa ahaa "mararka qaarbey igu yiraahdaan Soomaalida kale war qolladiinaan Dir miyaadnan han lahayn oo Madaxweyne iyo Ra'iisul Wasaare doonan karin waxaan iraahdaa war laba dowladoodbaa meesha ka dhisane dowladda Shabaabka Dirbaa madax ka ah oo waliba laguma tartamo iyo sidoo kale in uu ka tacsiyeeyay geerida hoggaamiyihii hore ee Shabaab Axmed Godane"

    “Waxaan joogay oo aan ka hadlayay qado beeleed, waanu kaftameynayay waan hadleynay, kaftan beeleed buu ahaa”

    Wuxuu sheegay in booqashadiisa ay ku saleysan tahay xoojinta nabadda iyo isu soo dhaweynta shacabka.

    “Aniga horey ayaan u caddeeyay cid kasta oo dhiig daadisa ama dhaqan haku daadiso ama siyaasad haku daadiso ama diin haku daadise in aan marnaba anigu taageersaneyn” ayuu yiri Buurmadow.

    Dhanka kale, wuxuu sheegay in wax xiriir ah uusan kala dhexeyn Al Shabaab.

    “Shabaab waxa naga dhexeeya iyo fikir naga dhexeeya taasna shacabka wuu ogyahay, waana la iigu yaqaanaa, mana jirto"

    .
  5. Maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadlay weerar ay Shabaabka ku qaadeen Baydhabo

    Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa maanta dagan kadib markii xalay weerraro is xigxiga ay ku qaadeen saldhigyo ciidan kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab.

    Ugu yaraan labo askari oo ka tirsan ciidamada dawladda ayaa ku dhaawacmay madaafiic lagu tuuray saldhig milatari iyo weerar toos ah oo lagu qaaday saldhig booliis.

    Wasiirka warfaafinta ee dawlad goboleedka Koonfur Galbeed, Ilyaas Cali Nuur ayaa BBC-da u sheegay inay iska caabiyeen kooxdii weerarka kusoo qaaday isla markaana ay baacsadeen.

    Halkan ka dhageyso wareysiga

    Qoraalka Codka, Shabaab oo xaley weerar ku qaaday Baydhabo
  6. Daawo: Boqor Buurmadow oo BBC-da uga warramay safarkiisa Muqdisho iyo Baydhabo

    Boqor Cismaan Aw Maxamuud Maxamed, oo ku magac dheer “Boqor Buurmadoow” kana mid ah odayaasha dhaqanka ee u nool Jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, ayaa 14 kii bishan ka degay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

    Sidoo kale waxa uu safar ku tagay magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ku sugan yihiin qoysas ay dhawaan Somaliland ka soo masaafurisay magaalada Laascaanood.

    Haddaba, Boqor Buurmadoow ayaa BBC-da uga war bixiyay ujeedka safarkiisa, iyo waxa uu ka aaminsanyahay qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland. Weriye Saxnuun Axmed ayuuna u waramay.

    Qoraalka Muuqaalka, Daawo: Boqor Buurmadow oo bBBC-da ka halday safarkiisa Muqdisho iyo Baydhabo
  7. Caro ka dhalatay hadalkii Boqor Buurmadow ee "Dowladda Shabaabka Dir baa madax ka ah"

    Boqor Buur madow xilli uu ku sugnaa Baydhabo
    Qoraalka sawirka, Boqor Buur madow xilli uu ku sugnaa Baydhabo

    Mas'uul kamid ah maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu gudbiyay dacwad ka dhan Cismaan Aw Maxamuud Maxamed “Boqor Buurmadow si loo soo xiro.

    Guddoomiye Ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare ) ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray inay gudbiyeen dacwad ay ku codsanayaan in lagu soo xiro Buurmadoow.

    “Gefkii ka soo yeeray Buurmadow ee uu cadowga Alshabaab ku taageeray uguna aqoonsaday "Dowlad" reerkiisu maamulo” ayuu yiri Cali Yare.

    ilaa iyo hadda ma kala cadda halka uu dacwadda ka furay Cali Yare.

    Boqor Buurmadoow oo maalmahan booqasho ku marayay Muqdisho ayaa la arkayay isaga oo jeedinayo hadal uu ku sheegayo in ‘Shababka’ ay madax ka yihiin beeshiisa isla markaana ku tilmaamay ‘dowlad aanan lagu tartamin’

    Dadka ka hadlay arrintan waxaa kamid ah wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad oo ugu baaqay Boqor Buurmadow in uu raaligelin ka bixiyo hadalka.

  8. Maxay tahay ‘beenta laga sheegay Ronaldo’ ee uu aad uga carooday?

    Cristiano Ronaldo

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Cristiano Ronaldo

    Cristiano Ronaldo ayaa ku eedeeyay tifaftiraha wargeyska France Football inuu ka sheegay been kaddib markii uu ku andacooday in laacibkan reer Portaqiis hammigiisa ugu weyn uu yahay inuu ciyaaraha ka fariisto marka uu helo abaalmarinta Ballons d'Or oo ka badan kuwa uu heysto Lionel Messi.

    Pascal Ferre oo ka mid ah qabanqaabiyeyaasha billadda Ballon d'Or ayaa hadalkaas u sheegay wargeyska New York Times.

    “Mar walba waxaan guusha u qaataa nafteyda iyo kooxda aan matalayo,” ayuu yiri xiddigga kooxda Manchester United oo ka carooday arrintan.

    Messi oo u ciyaara kooxda Paris St-Germain ayaa xalay markii toddobaad ku guuleystay abaalmarinta Ballon d'Or, halka Ronaldo oo lix jeer heysta uu soo galay kaalinta lixaad.

  9. Cudurka jadeecada oo Gaalkacyo ka dilaacay

    Cudurka jadeecada ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dilaacay Magaalada Gaalkacyo ee dhanka Galmudug iyo qaar kamid ah deegaanada hoos yimaada.

    Kiisaska xanuunkan ayaa sare ugu kacayay bilihii u dambeeyay, iyadoo maalinkii uu sii rito ugu yaraan 20 qof oo u badan caruurta ay da'adooda ka hooseyso shan sano jir, waloow ay aad u yartahay tirada dadka u dhimanaya xanuunkan.

    Sara u kaca kiisaska cudurka jadeecada ayaa sabab u ah abaaraha ka jira Soomaaliya maadaama cudurkani inta badan faafo xiliyada abaartu jirto, oo dadka xoola dhaqatada ahi u hayaamaan deegaano kale.

    Haddaba, waxaan arrimahaasi ka wareysannay, Diktoor Bashiir Cali Axmed, oo ah dhakhtar ka hawlgala qaybta caruurta ee isbitaalka weyn ee koonfurta magaalada Gaalkacyo.

    Qoraalka Codka, Cudurka jadeecada oo Gaalkacyo ka dillaacay
  10. Madaxweyne la afgembiyay oo la geeyay guriga xaaskiisa

    Waxaa jiray baaqyo loo jeedinayo militeriga oo ku saabsan inay sii daayaan Mr Conde

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Waxaa jiray baaqyo loo jeedinayo militeriga oo ku saabsan inay sii daayaan Mr Conde

    Militeriga Guinea ayaa sheegay in madaxweynihii la afgembiyay Alpha Condé loo wareejiyay guriga xaakiisa oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Conakry.

    Bayaan kasoo baxay militeriga ayaa lagu sheegay in Alpha Conde uu haatan la joogo xaaskiisa Hadja Djene Kaba Condé.

    Waxay intaa ku dareen inay xushmeynayaan madaxweynihii hore ee dalka isla markaana ay ka hortagi doonaan cadaadis kasta oo uga yimaada gudaha iyo dibadda.

    Militeriga Guine ayaa afgembiyay Alpha Conde 5-tii bisha September ee sanadkan, wuxuu awoodda dalkaas la wareegay sanadkii 2010.

    Dalka Guine waxaa si kumeel gaar ah looga saaray xubinimada urur goboleedka galbeedka Afrika ee Ecowas kadib inqilbaabkii militeri ee ka dhacay halkaas.

  11. Maxay madaxda Soomaalida Kenya uga hadleen geerida dhakhtar Itoobiyaan ah?

    Waxaa magaalada Wajeer ka taagan hadal heyn ka dhalatay geeri ku timid dhakhtar Itoobiyaan, dhakhaatiirta ka howlgasha halkaas ayaa waxay sameeyeen banaanbax la sheegay in caddaalad loogu raadinayo dhakhtar qalliinka qaabilsanaa oo ka howlgali jiray cisbitaalka Wajeer.

    Qaar kamid ah madaxda Soomaalida ee Kenya ayaa tacsiyeeyasay geeri ku timid dhakhtar qalliinka qaabilsanaa oo ku dhintay gudaha magaalada Wajeer.

    Barasaabka Wajeer Axmed Cali Mukhtaar ayaa sheegay in Dr. Zinaye M Zaleke uu ku dhacay gaari ay leeyihiin booliska oo si xowli ah ku socday isla markaana uu ku geeriyooday isla goobtii uu ku jiiray.

    “Dr.Zinaye wuxuu kasoo jeeday Itoobiya, wuxuu ahaa nin deggan oo geeridiisa ay taabatay dad badan maadama uu sanado badan ka howlgalayay cisbitaalka guud ee Wajeer, waxaan uga mahadcelineynaa shaqadiisa wanaagsaneyd uu inoo soo qabtay” ayuu yiri Axmed Cali oo qoraal soo dhigay bogga Facebook.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

    Dhinaca kale, barasaabkii hore ee Wajeer , Axmed Cabdullaahi ayaa sheegay in Dr Zenaye uu muddo 7 sana ah uu ka howlgalayay cisbitaalka guud ee Wajeer.

    Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay “Waxay shaqaaleysiinta ninka horseeday inay yaraadaan kiisaskii dadkii qalliinka loogu diri jiray Nairobi”

    Wuxuu ugu baaqay booliska inay baaritaan ku sameeyaan geerida ku timid dhakhtarka.

  12. WHO oo war kasoo saartay nooca cusub ee Korona ee caalamka argagaxa hor leh geliyay

    Dalal dhowr ah ayaa diiwaangeliyay nooca cusub ee feyrskan

    Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

    Qoraalka sawirka, Dalal dhowr ah ayaa diiwaangeliyay nooca cusub ee feyrskan

    Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha caafimaadka WHO ayaa sheegtay in feyraska cusub ee Karoona ee Omicron uu halis ku hayo caalamka xilli ay isa soo tarayaan kiisaska cudurkan.

    Ha’yadda waxay sheegtay in feyraskan cusub uu dhibaata daran ku reebi kara gobollada qaar.

    Madaxa WHO, Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa soo jeediyay baaq hor leh oo ku aadan in dalalka saboolka ah la gaarsiiyo tallaalka looga hortaggayo cudurka.

    Wuxuu ka digay in weli uusan dunida ka dhammaanin cudurka Covid-19.

    Feyraskan cusub ayaa horraantii bishan laga helay dalka Koonfur Afrika, caddeymaha waxay muujinayaan in si xooggan uu faafi karo cudurka.

    Koonfur Afrika waxaa lagu ammaanay sida deg deg ah ay usoo tebisay kiisaska.

    “Feyraska Omicron isbaddalo aan horey loo arag ayuu sameeyaa, qaarkood waa kuwa walaac leh” ayay tiri WHO.

    Nooca cusub ee cudurka Covid-19 ee laga helay dunida ayaa ah mid isbaddalayo oo xitaa mid kamid ah seynisyahanada wuxuu ku tilmaamay 'mid argagax leh' halka khuburrada qaar ay sheegayaan in uu yahay kii ugu xumaa abid ee la arko.

  13. Asalaamu Caleykum

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.