Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay xukunka dilka ah ee lagu riday askar ka tirsan AMISOM

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Hey’adda Xuquuqul Insaanka Itoobiya oo sheegtay in dalkaasi lagu diley dad fara badan

    Dagaalada Itoobiya
    Qoraalka sawirka, Dagaalada Itoobiya

    Hey’adda Xuquuqul Insaanka ee ay dowladda Itoobiya magacawdey, ayaa sheegtay in dagaal yahanada Tigreegu ay tobannaan qof oo rayid ah ku dileen gobolka ay deriska yihiin ee Axmaarada.

    Waxey sheegtay in uggu yaraan boqol iyo sideetan iyo afar qof la diley, kuwaasoo qaarkood lagu eedeeyey iney xog-ogaal ahaayeen ama ay gacan siiyeen ciidamada federaalka dowladda Itoobiya.

    Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in dagaal yahanadu ay si aan kala sooc laheyn u duqeeyeen goobo kamid ah magaalooyinka.

    Dagaal culus ayaa ismaamulka Amxaarada ka dhacey bilihii July iyo August ee ina dhaafey, markaasoo ay Tigreegu duulaan ku qaadeen.

    Jabhadda Xoreynta Tigreega, ayaa beenisay eedeymo hore oo ahaa xadgudubyo.

  2. Qarax hub oo ay ugu dhinteen caruur magaalada Guriceel

    Qariidadda GalMudug
    Qoraalka sawirka, Qariidadda GalMudug

    Ugu yaraan saddex carruur ah, ayaa ku geeriyoodey, tiro kalana way ku dhaawacnmeen qarax ka dhacey magaalada Guriceel.

    Qaraxan ayaa wuxuu ka dhashey kadib markii caruur ay gargaraaceen haraadiga hub la sheegay iney halkaa uga tageen ciidamada dowlad goboleedka GalMudug iyo Ahlu Sunnah, ee dhawaan ku dagaalamey halkaasi.

    Qaraxa ayaa gaar ahaan wuxuu ka dhacey kaam ku yaalla duleedka Guriceel ee gabalka Galgaduud ee dalka Soomaaliya.

    Dadka dhaawacmey, ayaa lagu dabiibayaa xarumaha caafimaadka ee magaaladaasi.

  3. Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay xukunka dilka ah ee lagu riday askar ka tirsan AMISOM

    Dolwadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo dhaweynayso xukunkii maxkamadda AMISOM ee Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ay ku ridday Labo ka mid askartii lagu eedeeyay in ay dad rayid ah ku laayeen gobolka Shabeellaha Hoose kuwaasoo u dhashay Uganda, waxaa lagu xukumay dil, halka seddaxda kalena lagu xukumay min 39 sano oo xabsi ah sidoo kale waxaa magdhow la siin doonaa ehaladii dadkii la laayay.

    Wasiirka cadaaladda ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay In xukunkan fulintiisa ay dowladda Soomaaliya dabagal iyo hubin ku sameyn doonto meesha uu ka dhici doono isla markaana ehalada iyo qareenndoodu ay goob jooga ka ahaan doonaan uuna u dhici doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

    "Kiiska noocan oo kale ah hadda ka hor dalka kama dhicin laakin gudaha haka dhaco ama Uganda haka dhacdo, dowladda Soomaaliya iyo eheladaba waa laga marqaati gelin doonaa" ayuu yiri Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo BBC u warramayay.

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

  4. Diyaargarowga doorashada Aqalka Hoose oo socota xilli lasoo gabagabeeyay doorashada Aqalka Sare

    Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta ka dhacday doorashada laba kursi oolagu doortay xubnahaAqalka Sare ee dowaldda federaalkaku matalaya Galmudug isla markaana ka harsanaa aqalka sare.

    Labadaan kursi waxaa ku soo baxay mas'uuliyiinta kala Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo mar kale loo doortay ku rsigaas iyoCabdi Cismaan Xareed waxaana la sheegayaa in musharraxintii labada sanatar la tartamayay ay tanaasuleen.

    Sidaas waxaa ku soo dhamaystirmay Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda la gudo galo doorashada dhamaan Aqalka Hooseiyadoo guddiga doorashda ay sheegeen in ay deegaannada doorashooyinku ka dhacayaan u kala direen agabkii loogu tala galay doorashada .

    Waxaan arrintaas ka wareysannay guddoomiyaha doorashada heer federaal Maxamaed Xasan Cirro

    Qoraalka Codka, Guddoomiyaha guddiga doorashada Soomaaliya
  5. Abiy Axmed: 'Cashar ayaan ka baranay qorshihii lagu khal-khal galiyay dowladdii Mengistu'

    Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ka hadal hayay madal looga hadalay wararka been abuurka ee ku aadan dagaalka ka socda dalkaas ayaa sheegay in uusan waxbo ka jirin wararka sheegayo in kooxaha fallaagada ay 100 ilaa 200 km u jirsadeen Addis Ababa.

    Wuxuu sheegay in wararka beenta ay ‘xusuusiyaan sida madaxweyne Mangiste uu dalka uga baxay sanadkii 1991 isla markaana cashar laga bartay’

    "Annagu laba dal ma lihin. qorshihii Mengistu lagu khal-khal galiyay ee dawladdii xilligaas lagu baddalay,waxaan ka barranay cashir.Waxaan leenahay qorshe cusub la yimaada,naguma qaldi kartaan wixii hore" ayuu yiri Abiy Axmed.

  6. Cabdi Cawaale Qeybdiid oo mar kale noqday xubin ka tirsan Aqalka Sare

    Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid
    Qoraalka sawirka, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid

    Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa maanta mar kale loo doortay xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare isla markaana Galmudug ku matali doono halkaas.

    Cabdi Cawaale ayaa haatan kusoo laabtay Aqalka Sare kadib markii sannadkii 2016-kii uu ka mid noqday Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

    Wuxuu helay 83 cod kadib markii uu ka tanaasulay tartanka Cawil Nuur Cali oo ah nin aanan aad wax looga aqoonin.

    Sidoo kale doorashada maanta ka dhacday Dhuusamareeb waxaa kusoo baxay Cabdi Cismaan Xareed oo loo doortay xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya.

    Doorashada kuraastan maanta ka dhacday Dhuusamareeb ayaa ka dhigan in la soo dhameystiray xubnaha Aqalka Sare.

  7. Maxaa sabab u ah in cudururrada indhaha ku dhaca ay kusoo bataan Gobolka Waqooyi Bari Kenya?

    Waaxda Caafimaadka ee gobolka Gaarisa ayaa sheegtay in waayadii u dambeyey ay korodhay tirada bukaanka ka cabanaya cudurrada ku dhaca indhaha.

    Rooble Saciid Nuunow oo madaxa waaxda caafimaadka ee gobolka Gaarisa oo BBC-d la hadlay ayaa sheegay in 300 oo qof maalin walba ay galaan qalliinka indhaha taas oo muujinaysa in tobankii kun ee qof ee deegaanka ku nool midkood qabo cudurrada ku dhaca indhaha.

    Waxa kale oo uu intaa ku daray in ay wadaan daraasad ay arintaas ugu kuurgeliyaan.

    Hadaba xaaladdan laga dayrinayo waxaanu wax ka weydiinay Dr Cabdiraxmaan Khaliif oo in muddo ah ka samaynayey qaliinada indha degaankaas ayaa BBC uga warramay sababta ka dambeysay dhibaatadan.

    Qoraalka Codka, Cudururrada indhaha ku dhaca oo ku soo badanay Gaarisa oo ka mid ah Woqooyi Bari Kenya.
  8. Maxkamad xukun ku riday 'nin wiil yar ku faraxumeeyay Gaarisa'

    Maxkamad ku taalla magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooy Bari Kenya ayaa xukun xabsi daa’in ah ku riday nin la sheegay in masaajid uu ku dhex kufsaday wiil yar oo 6 jir ahaa, sida uu baahiyay xafiiska dacwad oogaha guud ee Kenya.

    Waxaana lagu soo warramayaa in ninka faraxumeynta geystay uu ahaa mu’adin, waxaana lagu eedeeyay in wiilka uu ku siray nacnac isla markaana uga digay in uusan sheegin wiilka waxa uu ku sameeyay.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  9. Galmudug oo lagu wado inay soo gabagabeyso doorashada Aqalka Sare

    Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb ay ka dhacdo doorashada labadii kursi ee ka harsanaa aqalka sanetka ee deegaanada Galmudug.

    Labadan kursi ayaa waxaa ku tartamaya1. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), Cawil Nuur Cali, 2. Cabdi Cismaan Xareed iyo Mahad Aadan Guuleed.

    Doorashada kuraastan maanta ka dhaceysa Dhuusamareeb ayaa ka dhigan in la soo dhameystiray xubnaha aqalka sare islamarkana la guda gali doono doorashada gudoonka aqalka sare.

  10. Madaxa WHO oo kasoo jeeda qowmiyadda Tigreega oo war kasoo saaray xaaladda Tigray

    Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus,

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus

    Madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ayaa sheegay in xaaladda murugsan ay ka taagan tahay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya kadib dagaallada sokeeye ee muddada sanadka ah ka socda halkaas.

    Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo isaga qudhiisu kasoo jeeda qowmiyadda Tigreega ayaa weriyeyaasha u sheegay xilli uu ku sugnaa Geneva in gobolka la go’doomiyay.

    “Wax dawo dadka ma heystaan-dadka wey dhimanayaan-dadka macluul ayaa lasoo deristay”

    Wuxuu sidoo kale sheegay in adeeggii isgaarsiinta gobolka uu hawada ka maqan yahay isla markaana shacabka aysan heysan wax lacag ah iyadoo dadka ay koronto la'aan yihiin.

    “Markaa waad garan kartaa saameynta ay dhibaatadan ku yeelan karto caafimaadka shacabka”

    Dowladda Itoobiya waxay beenisay in xaalad go’doomin ah ay gelisay gobolka oo ay hor istaagtay gargaarkii la gaarsiinayay shacabka Tigray.

  11. Wararkii ugu dambeeyay xaaladda cakiran ee Suudaan

    Shacab tiro badan ayaa isugu soo baxay waddooyinka Suudaan kuwaas codsanayo in lasoo celiyo dowladdii rayidka aheyd

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Shacab tiro badan ayaa isugu soo baxay waddooyinka Suudaan kuwaas codsanayo in lasoo celiyo dowladdii rayidka aheyd

    Dhammaan buundooyinka caasimadda Suudaan ee Khartoum, ayaa maanta oo sabti ah ​​la xiray ka hor mudaaharaadyada la qorsheeyay inay dalkaasi ka dhacaan.

    Inqilaabkii militariga ee bishii hore ee uu hogaaminayay General Abdel Fattah al-Burhan ayaa dhaliyay dibadbaxyo xiriir ah oo sababay in waddooyinkamagaalada khartouum ay dad buuxdhaafiyaan.

    Dibadbaxayaasha ayaa dalbanaya in la soo celiyo dowlad rayid ah, sidoo kalana xabsiga laga sii daayo Ra’iisul Wasaarihii la afgambiyay Abdalla Hamdok iyo maxaabiis kale.

    Dawladaha reer galbeedka ayaa sidoo kale ku baaqay in dib loo soo celiyo dawlad ku meel gaadh ah oo ay shacabku hogaaminayaan.

    Maraykanka, Midowga Yurub, Britain, Norway, iyo Switzerland ayaa sheegay in samaynta gole ku meel gaar ah oo cusub oo uu hoggaaminayo milatariga ay sii adkaynayso soo celinta dimuqraadiyadda.

    Taliyaha ciidamada Sudan, Janaraal Cabdifatax Al-Burhan, ayaa soo saaray wareegto dastuuri ah oo lagu dhisayo gole cusub oo madax banaan oo dalkaas maamula, sida uu sheegay telefishinka Sudan.

    Banaanbax looga soo horjeedo wareegtada ayaa ka dhacay magaalada Khartoum.

    Janaraal Al-Burhan ayaa loo dhaariyay in uu noqdo madaxa golaha sare iyada oo uu goobjoog ka ahaa madaxa cadaaladda Fateh al-Raxman Abdeen.

  12. Asalaamu Caleykum

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.