Ramli Cali oo looga adkaaday tartanka feerka

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Tunisia ma waxaa ka socda afgembi?

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Xisbiyada siyaasadeed ee ugu waaweyn dalka Tunisia ayaa ku eedeeyay madaxweynaha inuu sameeyay afgambi kadib markii uu shaqada ka eryay raiisul wasaaraha isla markaana shaqada ka joojiyay baarlamaanka

    Kais Saied, oo sidoo kale xil ka qaadis ku sameeyay wasiirka gaashaandhigga, wuxuu sheegayaa inuu u dhaqmay si waafaqsan dastuurka.

    Dhanka kalena Waxaa jiray isku dhacyo ka dhacay banaanka baarlamaanka Tunisia, kadib go’aankii madaxweyne Kais Saeid uu ku joojiyay golaha sharci dejinta habeenki xalay.

    Dadka dhaleeceeya madaxweynaha ayaa ku eedeynaya inuu afgambi sameeyay, laakiin wuxuu sheegay inuu ku shaqeeyay xuquuqdiisa oo ahayd inuu “badbaadiyo” Tunisia.

    Waxaa jiray bilo xiisad siyaasadeed, iyo jahwareer baahsan oo ku aadan sida ay dowlada u maareysay labada masiibo ee dalkaasi saameeyeey. Waa karoona iyo dhaqaallo darrada baahsan ee jirta.

    Waxaa jira walaac sii kordhaya oo caalami ah oo ku saabsan xaaladda Tunisia, iyadoo loogu baaqayo is xakameyn. Qatar waxay ku boorrisay dhammaan dhinacyada inay wada hadlaan.

    Turkiguna wuxuu muujiyay walaac qoto dheer, isagoo ku baaqay in dib loo soo celiyo sharciyadii dimoqraadiga ahaa. Jarmalka ayaa soo jeediyey in dib loogu laabto nidaamka dastuuriga ah, halka afhayeen u hadlay Kremlin uu sheegay in Ruushka uu la socdo waxyaabaha soo kordha isla markaana uu rajeynayo inaysan jirin wax khatar ku ah xasiloonida iyo amniga Tunisia.

  2. Afghanistan: Sannadkan waxaa ku dhintay shacabkii ugu badnaa

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Warbixino cusub oo ka soo baxay qaramada midoobaya ayaa caddaynaya in dadka shacabka ah ee lagu laayey Afghanistan ay gaadheen tiro rikoodh ah, qaybta hore ee sannadkan.

    UN-ka ayaa sheegaya in boqolkiiba afartan iyo todobo ay kordheen dhimashada marka loo barbardhigo isla muddadii sanadkii la soo dhaafay, tani waxay u egtahay inay noqon doonto laba iyo tobankii bilood ee ugu dhimashada badnaa gaar ahaan shacabka reer Afghanistan.

    Warbixintan ayaa ku eedeysay inta badan (kun iyo lix boqol) oo dhimasho Taliban iyo kuwa kale oo dowladda ka soo horjeeda (waxayna sheegtay in miinooyinka la farsameeyay ay ahaayeen kuwa horseeday waxyeellada ugu badan).

    Daalibaan ayaa bilaabay duulaankoodan cusub bishii May iyadoo ciidamada caalamiga ay ka baxeen dalkaas, waxayna hada qabsadeen ku dhowaad kalabadh guud ahaanba waddankaas. waxayna ku hareeraysan yihiin magaalooyin dhowr ah. Howlgalka UN-ka wuxuu sidoo kale soo sheegay in uu si aad ah u kordheen weerarada ka dhanka ah bulshada Shiicada ah ee reer Afghanistan.

  3. Ra'iisal Wasaare Rooble oo u safray London

    .

    Xigashada Sawirka, Boggiisa Facebook

    Qoraalka sawirka, .

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa u anbabaxay caasimadda London, ee dalka Britain.

    Sida lagu sheegay qoraal uu soo dhigay bartiis Facebook-ga, afhayeenka xukuumadda Maxamed Macalimow, ayaa ra'iisal wasaaruhu waxa ka qayb geli doonaa shirka caalamig ah ee kor u qaadidda tayada waxbarashada carruurta.

    Sida oo kale raysalwasaara ayaa inta uu joogo la kulmi doona Ra'iisul Wasaaraha UK Boris Johnson, iyo masuulyiin kale.

    Waa safarkii Labaad uu ugu baxay dalka dibaddiisa, waxaana uga horreeyey safarkii Jabbuuti ee uu kaga qayb galay caleemosaarka madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

  4. Waraabe dad ku laayey Tansaaniya

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Wiil hal sano iyo badh ah ayaa waxaa dilay waraabe kaas oo sidoo kale dhaawacay seddex qof gobolka Tabora, galbeedka Tanzania.

    Sida laga soo xigtay wargayska Mwananchi ee ka soo baxa dalka, Taliyaha Bilayska Gobolka Tabora, Safia Jongo ayaa xaqiijisay dhacdadan dhammaadkii usbuucan ka dhacday Tuulada Kangeme ee Degmada Kaliua.

    Warbixin booliisku soo saaray ayaa lagu sheegay in waraabuhu uu weeraray guri ku yaal tuulada abaare 9-kii fiidnimo isla markaana uu qaatay ilmaha, Waxyar kadib dhacdadii dadkii tuulada ayaa bilaabay baaritaan laakiin xayawaanka ayaa ka awood batay isagoo dhaawacay seddex qof.

    Laba ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa la sheegay inay xaaladoodu wanaagsan tahay halka mid ka mid ah ay xaaladdiisu liidato.

    Booliska iyo saraakiisha duurjoogta ayaa la tacaalay waraabaha waxayna dileen iyaga oo ku riday 49 xabadood.

  5. Suuli ka samaysan dahab iyo agab kale oo lagu qabtay askar budhcad ah

    .

    Xigashada Sawirka, SLEDCOM.RU

    Qoraalka sawirka, .

    Suuli dhalaalaya oo dahab ka kooban iyo waxyaabo kale oo raaxo leh ayaa laga helay guri weyn oo ay weerareen baadhayaasha Ruushka, kuwaas oo sheegay inay ay haysteen koox budhcad ah oo boolis ah.

    Websaydhada Gudiga Baarista (SK) ayaa la soo dhigay muuqaal muujinaya,inta ay leeg tahay hantida qaaliga ah ee gurigaas dhex taal.

    Col Alexei Safonov, oo ah madaxa booliska taraafikada ee koonfurta gobolka Stavropol, ayaa lala qabtay lix qof oo kale.

    Booliska taraafikada ayaa la sheegay inay laaluush ka qaateen bixinta rukhsad been abuur ah oo ay siiyeen meheradaha ganacsiga.

    Ruqsadaha ayaa la sheegay inay awood u siisay darawallada inay ka gudbaan baraha koontarool ee booliiska iyagoo wata alaab aan la ogolaadeen.

    Eedeysanayaasha ayaan wali ka hadlin eedeymaha loo soo jeediyay.

    Ciidamada booliska ee guud ahaan Waqooyiga Caucasus ee Ruushka ayaa ku lug lahaa howlgalka la dagaalanka musuqmaasuqa. SK waxay sheegtay inay sameysay ilaa 80 baaritaan - oo ay kujirto xafiisyada booliska taraafikada - ayna ku qabteen lacag badan, iyo gawaari nooca raaxada ah.

    .

    Xigashada Sawirka, SLEDCOM.RU

    Qoraalka sawirka, .
  6. La taliyaha madaxweyne Farmaajo ee arrimaha doorashooyinka oo gaaray Kismaayo

    La taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha doorashooyinka, Cali Cabdi Raage ayaa lagu soo warramaya in maanta uu gaaray magaalada Kismaayo.

    Dhawaan ayay aheyd markii maamulka Jubaland ay Cali Cabdi Raage u diideen in uu ka dego Kismaayo.

    .

    Xigashada Sawirka, Facebook

  7. "Waxaa khasab noqotay in ugu yaraan haweenka ay helaan qoondada boqolkiiba 30"

    Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa shaley waxa uu magacaabay guddi gaar ah oo ka kooban 13 xubnood kaas oo xaqiijin doona in haweenka ay doorashada dadban ka helaan ugu yaraan qoondo boqolkiiba 30 ah.

    Haweenka oo arrintaas soo dhaweeyay ayaa waxa ay ku doodayaan in arrintan ay ku timid mar haddii aanay dadweynuha codkooda toos u dhiibanayn, haweenkana mar walba garabka la geliyo.

    Guddoomiyaha guddiga la magacaabay Batuula Sheekh Axmed Gaballe ayaa carrabka ku adkeeysay inay qasab tahay in la fuliyo arrintaasi, haddii ay dhici waysana ay qaadici doonaan wixii ka soo baxa doorashada.

    Qoraalka Codka, Qoondada haweenka ee Soomaaliya
  8. Ramli Cali oo looga adkaaday tartanka feerka

    Ramli Cali oo Soomaaliya ku mataleysay tartanka ciyaaraha feerka ee ka socday magaalada Tokyo ee dalka Japan ayaa looga adkaaday tartanka.

    Maria Claudia Nechita oo ka socotay dalka Romania ayaa uga guuleystay feerkan xilli ay dhexmartay ciyaar adag.

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  9. Rabshado ka socda dalka Tunisia

    Guddoomiyaha baarlamaanka Tunisia Rached Ghannouchi

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Guddoomiyaha baarlamaanka Tunisia Rached Ghannouchi

    Rabshado ayaa ka socdaa afaafka hore ee baarlamaanka Tunisia kadib go’aankii xaley madaxweyne Qeys Saciid uu ku joojiyay shaqada baarlamaanka dalkaas.

    Guddoomiyaha baarlamaanka Rached Ghannouchi ayaa loo diiday in uu galo xarunta baarlamanaka.

    Taageerayaashiisa xisbiga Ennahdha iyo taageerayaasha madaxweynaha ayaa dibadbaxyo ay isaga soo horjeedaan ka dhigaya halkaas.

    Warar soo baxaya ayaa sheegayaa in ciidamo ay la wareegeen saldhigga dowladda ee Tunis iyagoo shaqaalaha ka horjoogsanaya inay gaaraan halkaas.

    Dadka dhaleeceeya siyaasadda madaxweynaha waxay ku eedeeyeen in uu waday falal afgembi ah.

    Madaxweynaha wuxuu sheegay in sababta uu u qaaday tallaabadaas ay aheyd badbaadinta dalka.

    Waxaa muddo bila ah dalka Tunisia ka taagneyd xiisad ka dhalatay sida dowladda ay ula tacaashay cudurka Karoona iyo dhaqaale xumida.

  10. Dowlad Deegaanka Soomaalida oo sheegtay inay difaaceyso shacabka Garba Ciise

    Dagaallo u dhexeeyo Soomaalida iyo Canfarta ayaa ka dhacay deegaanada dhaca xadka
    Qoraalka sawirka, Dagaallo u dhexeeyo Soomaalida iyo Canfarta ayaa ka dhacay deegaanada dhaca xadka

    Xukuumadda Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay inay difaaci doonaan dadka Soomaalida ah ee deggaanka aagga degmada Garba Ciise iyo deegaannada ku xeeran.

    "Xukuumaddu waxay xaqiijinaysaa in ay diyaar u tahay in ay qaadato mas'uuliyadda ka saaran difaaca shacabka Galbeedka Sitii ee dhibaatooyinka isdabajooga ah la soo darseen tan iyo intii ay ka gadoodeen go’aankii qaldanaa ee xoog loogu hoos geeyay maamulka Canfarta" ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

    Hadalkan ayaa imaanaya kaddib dagaal Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay aaggaasi oo la sheegay inay ku dhinteen Soomaali badan kaddib markii ay halkaasi weerrar kula wareegeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka deegaanka Canfarta.

    Dhanka kale dowlad deegaanka Soomaalida ayaa waxa ay ciidammada ammaanka ee federaalka ku eedeeyeen inay ka gaabiyeen mas'uuliyaddii ka saaran difaaca shacabka deegaankaasi.

    "Waa markii labaad ee shacab maati ah si badheed ah loogu hor laayo hay’adaha amniga ee dawlada Fadaraalka oo masuuliyadda ilaalinta shacabkaas iyagu qaatay. Waxaa horay loo xasuuqay loona barakiciyay shacabka magaalada Cadeytu"

  11. Askar ku dhimatay qarax ka dhacay gobolka Hiiraan

    Warrarka laga helayo gobolka Hiiraan ee Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax waddada dhinaceeda la dhigay uu haleelay gaari ay lahaayeen milatariga Soomaaliya oo marayay tuulada Coomaad oo u dhaxaysa magaalooyinka Matabaan iyo Beergadiid.

    Inta la xaqiijiyay labo askari ayaa dhimatay, labo kalena way dhaawacmeen kuwaas oo la socday gaariga uu qaraxu qabsaday, sida ay BBC-da u sheegeen illo wareedyo ku dhow dhow booliska.

    Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa lala eegtay ciidanka balse weerarrada noocaan ah waxa aalaaba qaada kooxda Al-Shabaab.

    .
  12. Sawirrada Ramla: Tartamadii feerka ay horey uga qeybgashay

    9-kii bishii November 20 magaalada New Delhi Hindiya-Ramla Cali oo kasoo muuqatay ciyaar feer ah oo lagu qabtay halkaas

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, 9-kii bishii November 20 magaalada New Delhi Hindiya-Ramla Cali oo kasoo muuqatay ciyaar feer ah oo lagu qabtay halkaas
    Bishii May Ramla Cali oo la feertameysa gabadh lagu magacaabo Rachael Mackenzie, ciyarataas waxay ka dhacday magaalada Liverpool ee Ingiriiska

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Bishii May Ramla Cali oo la feertameysa gabadh lagu magacaabo Rachael Mackenzie, ciyarataas waxay ka dhacday magaalada Liverpool ee Ingiriiska
    Ramla waxay 29-kii bishii May ku guuleysatay tartan feer ah oo lagu qabtay magaalada Las Vegas dalka Mareykanka, waxay la feertameysay gabadh lagu magacaabo Mikayla Nebel

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ramla waxay 29-kii bishii May ku guuleysatay tartan feer ah oo lagu qabtay magaalada Las Vegas dalka Mareykanka, waxay la feertameysay gabadh lagu magacaabo Mikayla Nebel
  13. Halkee la kala marayaa tartanka guddoonka golaha wakiilada Somaliland?

    Madaxwaynaha Somaliland , ku xigeenkiisa iyo madaxda xisbiyada mucaaradka
    Qoraalka sawirka, Madaxwaynaha Somaliland , ku xigeenkiisa iyo madaxda xisbiyada mucaaradka

    Doorashadii ka dhacday jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland 31-kii May intii ka danbeysay ilaa imika waxa socda loollan u dhaxeeya xisbiyada oo ku saabsan cidda hoggaamin doonta shirguddoonka aqalka wakiilada.

    Sida labada dhinac u kala cod bataan ayay ugu kala guulaysan doonaan kuraasta shir-guddoonka oo aan wali la cayimin fadhiga lagu dooranayo.

    Tirada xildhibaanada ee xisbiyada u soo kala baxay wax ayaa iska badalay maadaama ay labada dhinac-ba soo bandhigeen xildhibaano kaga soo biiray dhinaca kale.

    Golaha wakiilada ayaa lagu wadaa inay yeeshaan fadhigoodii ugu horeyay , waxaana xilliga uu fadhigaasi qabsoomayo awood u leh inuu shaaciyo madaxwaynaha.

    Kulanka ugu horeeya ee ay yeeshaan golaha wakiilada ayaa xubnaha cusub ee golaha lagu dhaarin doonaa islamarkana waxa la dooran doonaa saddexda xubnood ee shir gudoonka golaha.

    Labada xisbi ee mucaaradka oo isbahaystay ayaa waxa u soo baxay 52 xildhibaan oo ah aqlabiyad aad u badan halka xisbiga talada haya ay u soo baxeen 30 xildhibaan.

    Xisbiyada mucaaradka ee Ucid iyo Wadani oo shaaciyay inay sameeysteen isbahaysi ayaa waxay shir gudoonka u so sharaxeen saddex xubnood.

    Cabdi Risaaq Khaliif Axmed oo ka soo baxay xisbiga Wadani ayay mucaaradka la doonayaan in uu qabto xilka gudoomiyaha golaha wakiilada Sooamaliland.

    Gudoomiya ku xigeenka kowaad iyo kan labaad ayaa waxay xisbiyada mucaaradka u soo kala sharaxeen labo xubnood oo ka socda xisbiga mucaaradka ee Ucid oo kala ah Cumar Jaamac Faarax iyo Cali Xaamud Jibriil.

    Dhanka xisbiga talada haya ee Kulmiye oo sheegay in ay heshiis la galeen xubno ka soo goostay xisbiga mucaaradka ee Ucid ayaa waxay jagada gudoomiyaha golaha wakiilada la doonayaan Yaasiin xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo ka socday xisbiga Kulmiye.

    Kulmiye ayaa sdioo kale waxay xubnaha ka soo baxay xisbiga Ucid la doonayaan gudoon ku xigeenka oo ay u tartamayaan Saciid Mire Faraax (Giire) iyo Cabdinaasir Yuusuf Cusmaan (Qodax)

  14. Waa tuma gabadha la feertameyso Ramla Cali?

    Maria Claudia Nechita waa gabadha maanta lagu wado inay la feertanto Ramla Cali oo Soomaaliya ku mataleysa tartanka feerka ee ciyaaraha Olimbikada Tokyo 2020.

    Maria waxay ka socotaa dalka Romania, waxay ku biirtay ciyaaraha feerka markii 13 sano jir aheyd.

    Ka hor inta aysan ku biirin feerka waxay dheeli jirtay kubadda cagta.

    .

    Xigashada Sawirka, Nechita Box Claudia/Facebook

  15. Ninkii lagu eedeeyay in uu weeraray madaxweynaha Mali oo geeriyooday

    Dowladda waxay sheegtay in ninka la dhigay cisbitaa halkaas oo markii dambe ku geeriyooday

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Dowladda waxay sheegtay in ninka la dhigay cisbitaa halkaas oo markii dambe ku geeriyooday

    Ninkii lagu eedeeyay in isku dayay toddobaadkii lasoo dhaafay in uu toori ku weeraro madaxweynaha kumeel gaarka ah ee Mali , Assimi Goïta, ayaa ku dhintay cisbitaal xilli ay ilaalinayeen ciidamada, sida ay dowladda sheegtay.

    Ninkan oo aan magaciisa la sheegin ayaa la xiray kadib markii uu ku guuldareystay in toori uu geliyo madaxweynaha xilli uu salaadda ku tukanayay masaajid ku yaalla dalkaas.

    Dowladda waxay sheegtay in xaaladda caafimaad ee ninka ay sii xumaaneysay isla markaana loola cararay cisbitaalka halkaas oo markii dambe uu ku dhintay.

    Lama ogo sababta ka dambeysa geerida ku timid ninkan.

    Assimi Goïta ayaa ka dambeeyay labo inqilaab oo ka dhacay Mali sanadkii lasoo dhaafay.

    • Ramla Cali oo maanta Soomaaliya ku mataleysa tartanka feerka

      Ramla Cali

      Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

      Qoraalka sawirka, Ramla Cali

      Ramla Cali oo Soomaaliya ku mataleysa tartanka olombikada ee ka socda Japan waxay ku tartamaysaa feerka.

      Waxay galabta la ciyaari doonta gabadha u dhalatay dalka Romania ee lagu magacaabo Maria Claudia Nechita halkaas oo ay ku wada feertami doonaan.

      Feerkooda ayaa noqonaya kii 16-aad ee tartankan.

      Ramla Cali oo ah gabadh Soomaali ayaa mar kale taariikh u sameynaysa dalkeeda, iyadoo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee ka soo jeedda Soomaaliya ee u tartanta ciyaaraha feerka ee Olimbikada.

      Sanadkii 2017 ayay aheyd markii Ramla ay ku guuleystayb tartanka feerka, waxay noqontay gabadhii ugu horreysay ee Muslim ah eek u guuleystay feer dalkaas.

      Wixii ka dambeeyay guushaas waxay go’aansatay in Soomaaliya ay ku matasho tartanka Olimbikada gaar ahaan feerka.

    • Asalaamu Caleykum

      Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.