Israa'iil oo diiday in tallaalka Koroona ay gaarsiiso dhulka ay ka heysato Falastiin

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Israa'iil oo diiday in tallaalka Koroona ay gaarsiiso dhulka ay ka heysato Falastiin

    Israa'iil ayaa ku gacan seyrtay codsi uga yimid Qaramada Midoobey oo ahaa in shacabka reer Falastiin ee ku nool dhulka la heysto ee Falastiin in la gaarsiiyo tallaalka ka hortagga cudurka Koroona.

    Wasiirka caafimaadka ee Israa'iil Yuli Edelstein ayaa carabka ku adkeeyay in dalkiisa uusan waajib sharci ka saarneyn in tallaalka la gaarsiiyo shacabka reer Falastiin ee ku nool dhulkaas.

    Wuxuu BBC-da u sheegay in heshiiska nabadda ee Oslo uu dhigayay in shacabka Falastiin uu waajib ka saaran yahay in iyagu ay is dabaraan marka ay timaaddo daryeelka caafimaadka.

    Khuburrada xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey waxay ku doodeen arrintani ay kasoo horjeedo heshiiska nabadda.

    Falastiiniyiinta ayaa meelo kale ka codsaday tallaalka ka hortagga Covid-19 balse lama filayo in toddobaadyo gudahood ay ku helaan.

  2. Waa sidee xaaladda ardeyda barakacayaasha ah ee ku nool xero ku taalla Puntland?

    Qaramada Midoobay ayaa u asteysay 24 Janaayo inay tahay maalinta caalamiga ah ee waxbarshadaiyadoo loo dabaaldegayo doorka waxbarashada ee nabadda iyo horumarka.

    Soomaaliya waxaa jira arday badan oo aan helin fursad ay wax ku bartaan oo ay ku tagaan goobaha waxbrashada maadama qaarkood aaney awoodin helitaankaqarashaadka waxbarashada ayna la daalaa dhacayaan nolol maalmeedkooda.

    Meelaha aaney inta badan caruurta helin waxbarasho waxaa ka mid ah xeryaha ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ahinkasta oo goobahaas ay ku yaallaan iskuulaadhaddana dadka awooda in caruurtooda ay waxbarashada ka bixiyaanwaa in yar.

    Axmed Cawil oo booqday xerada Jilab oo ku taalla Garowe ayaa ka shekeynayaa xaaladda ay ku nool yihiin ardeydaas.

    Qoraalka Codka, Barakacayaasha ku nool xerada Jilab oo ku taalla duleedka Garowe
  3. Madaxweynaha Ciraaq oo ansixiyay in xukun dil lagu fuliyo in ka badan 340 maxaabiis ah

    Madaxweynaha Ciraaq , Barham Saalex ayaa ansixiyay in dil toogasho ah lagu fuliyo in ka badan 340 maxaabiis ah oo lagu helay dambi ah inay argagixiso ahaayeen iyo dambiyo kale.

    Wax faahfaahin ah lagama bixin kiisaskan balse xabsiyada Ciraaq waxaa ku xiran dad badan oo looga shakiyay inay ka tirsanaayeen ururka la magac baxay dowladda islaamka.

    Dadka ka faalooda arrimaha Ciraaq ayaa sheegayaa in arrintan shaaca laga qaaday ee ku saabsan xukunka dilka ah ay walaac ka muujin doonaan dadka u ololeeyo xuquuqul insaanka kuwaas oo si weyn u dhaleeceen jiray nidaamka caddaalladda ee dalkaas.

    Waxay sheegayaan inay soo badatay in la jirddilo maxaabiista si ay u qiraan dambiyada lagu soo eedeeyay isla markaana maxkamadeyntooda lagu deg dego.

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  4. James Swan iyo madaxweyne Qoor Qoor oo kulamo ku leh Dhuusamareeb

    James Swan ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb

    Xigashada Sawirka, SONNA

    Qoraalka sawirka, James Swan ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb

    Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire James Swan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa kulamo kula leh magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor iyo xubno ka tirsan maamulkiisa.

    Kulanka ayaa looga hadlayaa ismari waaga ka taagan doorashada Soomaaliya oo maalinba maalinta ka dambeysa dib u sii dhacaysa sababo la xiriira khilaafka madaxda Soomaaliya.

    Wakiillada beesha caalamka ayaa wada dadaadallo ay doonayaan in xal loogu helo khilaafka taagan.

  5. Qalab sheegaya marka aad faraxsan tahay ama aad murugeysan tahay

    Qalabka casriga ah

    Xigashada Sawirka, MOODBEAM

    Qoraalka sawirka, Qalabka casriga ah

    Waa qalab casri ah oo gacanta lagu xirto, waxaana la yiraahdaa Moodbeam, ma ahan qalab la soconaya xaaladda caafimaad balse waa mid la soconaya xaaladda shaqaalaha gaar ahaan dareenkooda marka ay shaqeynayaan.

    Qalabkan oo lagu xiriiriyo teleefoonka ama Internetka ayaa wuxuu leeyahay labo meel oo laga riixo mid waa jaalle halka tan kalena ay tahay buluug.

    Tusaale ahaan, haddii aad riixdo midda Jaallaha ah waxay ka dhigan tahay in aad faraxsan tahay halka tan buluugga ay ka dhigan tahay in aad murugeysan tahay.

    Markii waxaa xogtaas helaya madaxda shaqaalaha oo la soconaya xaaladda uu ku sugan yahay qofka shaqaalaha isagoo ka eegaya Online-ka maadama xogta qalabkaas uu kala soconaya teleefoonka ama Internetka.

    Sababta loo soo saaray qalabkan ayaa ah in shirkadaha ay la socdaan xaaladda shaqaalahooda ka shaqeynayo guryaha, waxaana shaqaalaha lagu boorinayaa inay xirtaan qalabkan si loola socda xaaladda ay ku sugan yihiin marka ay ku gudo jiraan shaqadooda.

    "Shirkadaha waxay isku dayayaan in xiriir wanaagsan ay la yeeshaan shaqaalaha ka shaqeynayan guryaha" ayay tiri Christina Colmer McHugh oo kamid ah dadka soo saaray qalabkan.

  6. Shiinaha: Macdan qodayaal ku go’doomay god dahabka ah oo lasoo badbaadiyay

    Macdan qodeyaasha lasoo badbaadiyay

    Xigashada Sawirka, CCTV

    Qoraalka sawirka, Macdan qodeyaasha lasoo badbaadiyay

    Shaqaalaha gurmadka deg dega ah ee Shiinaha ayaa soo badbaadiyay 9 qof oo macdan qodeyaal ah oo muddo labo toddobaad ah ku go'donsanaa god dahabka laga qoto oo ku yaalla dalkaas, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda.

    Macdan qodeyaasha ayaa ku go'doomay halkaas kaddib markii qarax dhacay uu ku xiray godka.

    Mid kamid ah macdan qodeyaasha ayaa markii dambe geeriyooday.

    Ilaa hadda lama ogo waxa sababay qaraxa ka dhacay godka.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  7. Maxaa sabab u ah amni darrada ka jirta Muqdisho?

    Muddooyinkan waxaa isa soo tarayey waarerada lagu bartilmaameedsanayo mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Soomaaliyaiyo dilalka joogtada ah ee ka dhacamaagalada Muqdisho.

    Shariif Hussein Robow oo horay uga tirsanaan jiray nabad sugidasoomaaliya ayaa BBC u sheegay inay jiraan arrimo isbiirsaday oo caqabad ku ah amniga magaalada sidaas darteed loo baahan yahay in xal laga gaaro.

    “Xal waxaa laga gaarayaa guud ahaan soomaali oo dhan inay xal gaarto, ha’yadaha amniga kaligood meel ma taagno iyagoo naftooda waxay mashquul ku yihiin siyaasadda..marka meeshaas waxaa ka imaanayaa maadama caro badan ay jirto oo dano badan oo iska soo horjeedo ay Xamar ka jiraan dadkiina aysan helin wax ay ku nafisaan oo siyaasad ah aanan jirin howsha inay sii adgaato ayaa laga yaabo haddii xaaladdan lagu jiro”

    Waxaana falalkaan amni daro ay imaanayaan xili dadlku isu diyaarinayo dooraasha oo amniga uu ka mid yahay wxayaabaha muhiimka u ahhirgalka hannaanka doorashadaas.

    Shalay oo ugu dambeysay Illaa lix qof ayaasiyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho.

    Halkan ka dhageyso wareysiga:

    Qoraalka Codka, Amniga Muqdisho
  8. Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Axad ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.