Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo
ayaa dhaleeceeyay in ka badan 200 oo dhakhaatiir Cuban oo Koonfur Afrika ka
caawinayo la dagaallanka coronavirus.
Pompeo wuxuu ku eedeeyay Cuba inay ka faa’ideysaneyso safmarka
haatan dunida saameeyay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.
“Waxaan aragnay in rajiimka Havana uu ka faa’ideysanayo
safmarka Covid-19 iyadoo u sii mareyso dhakhaatiirta”
“Waxaan bogaadin u
dirnay hogaamiyeyaasha dalalka Brazil iyo Ecuador kaddib markii ay ku gacan
seereen tacaddiyada rajiimka Cuba, waxaan ka codsanay dalalka in tallaabo noocaas
ay qaadaan”
Dhakhaatiirta Cuba waxay Koonfur Afrika gaareen habeenkii
Axadda, waxay isugu jiraan dhakhaatiir leh takhasus kala duwan.
Dhanka kale, madaxweynaha Cuba Miguel Diaz-Canel ayaa ku
tilmaamay hadalka kasoo baxay Pompeo meel ka dhac iyo weerar ka dhan ah
dhakhaatiirta Cuba.
Ururada dhakhaatiirta Koonfur Afrika waxay sheegeen in
dhakhaatiirta maxalliga ah fursad la siiyo intii la qori lahaa kuwo ajaaniib
ah.
Koonfur Afrika waxay haataan 5,350 qof oo uu ku dhacay
coronavirus halka 103 qofna ay u dhinteen.