Madaxweynaha Nigeria oo xil u magacaabay qof dhintay

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya oo xaqiijiyay kiisas kale oo cudurka Korona ah

    Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa kamid ah meelaha uu gaaray cudurka Covid-19, waxaana ilaa hadda la shaaciyay in afar qof laga helay cudurka. Dr Yussuf Maxamed Cali, madax xafiiseedka caafimaadka deegaanka Soomaalida ayaa BBC-da u sheegay in dhammaan dadka laga helay cudurka ay uga yimaadeen dhanka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Bosaaso. Dr Yusuf ayaa iigu warramay khadka telefoonka ee Jigjiga.

    Qoraalka Codka, Dowlad deegaanka Soomaalida oo xaqiijiyay kiisas kale oo cudurka Korona ah
  2. 'Cabsi laga muujiyay in cudurka Korona uu ku faafo Soomaaliya'

    Dad gargaar u fidinaya dadka ku nool xeryaha qaxootiga

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Dad gargaar u fidinaya dadka ku nool xeryaha qaxootiga

    Ururka Laanqeyrta cas ayaa sheegaya in ay jirto cabsi ah in dalka Soomaaliya tirada dadka qaaday fayraska corona ee la shaaciyay ay gaartay 582 ay intaas ka badan karto tirada rasmiga ah.

    Isu duwaha caafimadaka ee Soomalaiya ee ha'yadda ICRC's ayaa sheegay in todobaadyada soo socda ay jiri karaan tiro badan oo ah kiisaska fayraska corona ah.

    Nidaamka caafimaadka Soomaaliya ayaa burbursan muddo soddon sanno ah oo ay dalka ka jireen colaado iyo rabshado wajiyo kala duwna leh.

    Badanaa isbitaalada ma qalabaysana mana haystana koronto joogto ah

    Dhaqaatiirta ayaa sheegaya in gudaha Soomaaliya ay dadku ugu dhimanayaan feyraska Korona.

    Dad badan suurta gal uma ahan in ay ku dhaqmaan tallaabooyinka looga hortagayo faafitaanka fayraska maadama ay ku nool yihiin xeryo guryuhu dhinacayada isku hayaan.

  3. Madaxweynaha Nigeria oo xil u magacaabay qof dhintay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa nin dhintay u magacaabay in uu xubin ka noqdo guddi hoostaga laan ka tirsan dowladda.

    Wareegtada uu madaxweynaha xilkaas ugu magacxaabay ayaa soo baxday 2 bilood kaddib geeridiisa.

    Madaxweyne Buhari ayaa warqad ay ku qoran yihiin magacyada 37 qof oo uu isaga soo magacaabay ku qoran yihiin u diray aqalka senetka si ay u ansixiyaan, balse madaxweynaha kama uusan war heyn in Tobias Chukwuemeka Okwuru uu geeriyooday bishii February.

    Madaxa warbaahinta ee xafiiska madaxweynaha Lauretta Onochie, ayaa sheegtay in Tobias Chukwuemeka Okwuru xilka loo magacaabay isaga oo nool.

    "Wuxuu dhintay isaga oo magacaaban xilli uu sugayay in xildhibanaada senetka ay ansixiyaan, wararka ku saabsan geeridiisana wax xiriir oo lagala sameeyay ma jirto dhinaca dowladda" ayay tiri.

    Ma ahaan markii ugu horreysay ee madaxweynaha Nigeria uu xil u magacaabay dad dhintay.

    Sanadkii 2017-kii, madaxweynaha wuxuu xilal u magacaabay ugu yaraan shan qof oo muddo dheer ka hor dhintay.

  4. Save the Children: Geeska Afrika waxaa ku habsaday saddex masiibo

    Dad isa soo xilqaamay oo qalabka nadaafadda ka qeybiyay xeryaha qaxootiga ee ku yaalla ee Kenya

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Dad isa soo xilqaamay oo qalabka nadaafadda ka qeybiyay xeryaha qaxootiga ee ku yaalla ee Kenya

    Ha'yadda gargaarka ee Save the Children ayaa ka digaysa in Geeska Afrika ay ku soo aaddan yihin saddex masiibo, oo kala ah, feyraska corona, ayax badan oo soo food leh iyo fatahaado. Ha'yadda Save The Chidren, waxay sheegtay in gargaar degdeg ah, ay u baahan yihiin carruurta Afrika, ayn tahay in la soo caawiyo dadka ugu nugul adduunka.

    Ha'yadda waxay ka dhawaajisay in ka badan 5 malyan oo carruur ah oo ku nool Geeska Afrika ay wajahayaan macluul baahsan xilli dhaqaalaha iyo adeegyada caafimaadka uu saameeyay safmarka Covid-19.

    Waxaa la saadaaliyay in gobolka uu ku dhufan doono ayaxa bisha Juun, waxaana sidoo kale da'ay roobab mahiigaan ah oo daadad dhaliyay.

    Ha'yadda Save the Children waxay ku baaqday in gargaar deg deg ah oo caalami ah ay u baahan yihiin dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya.

    Waxay sidoo kale ha'yadda ka digtay halista ah in feyraska uu ku baaho xeryaha qaxootiga oo hoy u ah malaayiin qof.

  5. Xumada/Qandhada iyo Covid-19

    Halkan ka daawo muuqaal ku saabsan qalabka xumada/qandhada lagu cabiro ma sheegaa qofka qaba Covid-19?

  6. Trump: Waan ogahay waxa uu sameynayo Kim Jong-un

    Qoraalka Muuqaalka, Donald Trump oo sheegay in uu ogyahay halka uu ku maqanyahay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, balse waa uu diiday in uu faahfaahin ka bixiyo.
  7. Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay in uu diyaar u yahay wadahadal uu la galo dowladda federaalka

    Qoraalka Muuqaalka, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam
  8. Jaamacadda Oxford iyo shirkad qaabilsan dawooyinka oo iska kaashanaya soo saarista tallaalaka Covid-19

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Tallaalka looga hortaggayo cudurka Covid-19 oo ay ku howlan tahay Jaamacadda Oxford ee dalka UK ayaa waxaa soo saari doontaa isla markaana qeybin doontaa shirakadda weyn ee soo saarta dawooyinka ee la yiraahda AstraZeneca iyadoo aysan wax faa'ido ah ka sameyn doonin arrintaas.

    Haddii la xaqiijiyo waxtarka tallaalka waxay horseedeysaa in si deg deg ah loo gaarsiiyo dunida.

    Tijaabada tallaalka waxay jaamacaddu bilowday 23-kii bishan iyadoo boqolaal qof oo isa soo bixiyay ay ka qeyb qaadanayaan, dowladda UK waxay barnaamijka ku bixisay 25 malyan oo doolar.

    Sir John Bell oo bare ka ah kuliyada caafimaadka ee jaamacadda Oxford ayaa BBC u sheegay in iskaashiga uu yahay awoodda ugu weyn ee looga hortaggayo safmarka.

    Wuxuu sheegay inuu ku rajo weyn yahay in natiijada kasoo baxda tijaabada dawada la ogaan doono bartmaha bisha Juun.

  9. Askari ka tirsan AMISOM oo laga helay coronavirus

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Askari ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee Amisom ayaa laga helay cudurka covid-19, sida uu sheegay wargeyska Daily Monitor oo soo xiganayo afahayeen u hadlay ciidammada difaaca Uganda.

    Askarigan oo ka tirsan ciidammada Uganda ee ku sugan soomaaliya ayaa haatan lagu daweynaya magaalada Muqdisho, sida uu sheegay wargeyska.

    "Waa run, wuxuu kamid yahay ciidammada Uganda ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya kaas oo laga helay coronavirus" ayuu yiri janaraal Karemire.

    Soomaaliya waxay xaqiijisay 582 oo kiisaska coronavirus ah halka dhimashadu ay gaartay 28.

  10. Ra'iisul wasaare Afrikaan oo uu ku dhacay coronavirus

    Ra'iisul wasaare Nuno Gomes Nabiam wuxuu sheegay in saraakiil sar sare oo ka tirsan dowladda uu ku dhacay cudurka

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Ra'iisul wasaare Nuno Gomes Nabiam wuxuu sheegay in saraakiil sar sare oo ka tirsan dowladda uu ku dhacay cudurka

    Ra'iisul wasaaraha Guinea Bissau, Nuno Gomes Nabiam ayaa laga helay feyraska corona, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas.

    Wasiirka arrimaha gudaha iyo labo wasiiro oo kale ayaa laga helay cudurka Covid-19.

    Ra'iisul wasaaraha wuxuu sheegay in xubno ka tirsan guddi wasiiro ah oo loo xilsaaray dadaallada looga hortaggayo cudurka in uu ku dhacay cudurka.

    Adeegyada caafimaadka ee dalka Guinea Bissau ayaa ah kuwo liita, waxaana arrintaas loo aaneeyay maamulo xumo iyo dhaqaale la'aan ka jirta halkaas.

    Dalkan ku yaalla galbeedka Afrika wuxuu xaqiijiyay 205 qof oo uu ku dhacay coronavirus.

  11. Mareykanka oo dhaleeceeyay dhakhaatiir Cuban ah oo la geeyay Koonfur Afrika

    Koonfur Afrika waxay kamid tahay 22 dal oo taageero ka codsaday Cuba

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Koonfur Afrika waxay kamid tahay 22 dal oo taageero ka codsaday Cuba

    Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa dhaleeceeyay in ka badan 200 oo dhakhaatiir Cuban oo Koonfur Afrika ka caawinayo la dagaallanka coronavirus.

    Pompeo wuxuu ku eedeeyay Cuba inay ka faa’ideysaneyso safmarka haatan dunida saameeyay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

    “Waxaan aragnay in rajiimka Havana uu ka faa’ideysanayo safmarka Covid-19 iyadoo u sii mareyso dhakhaatiirta”

    “Waxaan bogaadin u dirnay hogaamiyeyaasha dalalka Brazil iyo Ecuador kaddib markii ay ku gacan seereen tacaddiyada rajiimka Cuba, waxaan ka codsanay dalalka in tallaabo noocaas ay qaadaan”

    Dhakhaatiirta Cuba waxay Koonfur Afrika gaareen habeenkii Axadda, waxay isugu jiraan dhakhaatiir leh takhasus kala duwan.

    Dhanka kale, madaxweynaha Cuba Miguel Diaz-Canel ayaa ku tilmaamay hadalka kasoo baxay Pompeo meel ka dhac iyo weerar ka dhan ah dhakhaatiirta Cuba.

    Ururada dhakhaatiirta Koonfur Afrika waxay sheegeen in dhakhaatiirta maxalliga ah fursad la siiyo intii la qori lahaa kuwo ajaaniib ah.

    Koonfur Afrika waxay haataan 5,350 qof oo uu ku dhacay coronavirus halka 103 qofna ay u dhinteen.

  12. Kulanti wacan akhyaarta halkan nagala socotaay kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.