Dhacdo yaab leh: Markii ciidan iska soo horjeeday ay dagaalka joojiyeen islana qadeeyeen

Kaddib xabbad-joojin aan cago adag ku taagnayn oo laga gaadhay mid ka mid ah dagaalladii ugu dhiig daadashada badnaa ee ka tirsanaa Dagaalweynihii Labaad ee Adduunka, ayaa waxa layaab noqotay in laba askari oo ka kala tirsanaa Maraykanka iyo Japan ay xabbada joojiyaan oo ay is dhinac fadhiistaan.

Sida uu sheegay barafasoor ka tirsan Jaamacadda Newcastle oo baadhistan qayb ka ahaa ayaa sheegay in dhacdadani ay mudan tahay in si weyn loo aqoonsado.

"Waxay ahayd arrin layaab badan markii Dagaalkii Koowaad ee Adduunka la arkay askarta Ingiriiska iyo Jarmalka oo joojiyay dagaalka maalintii Christmas-ka, laga yaabee in xitaa ka sii yaab badan tahay tan ciidanka Maraykanka iyo Japan" ayuu yidhi Nick Megoran oo ah bare cilmiga siyaasadda iyo juqraafiga.

Wuxuu ka mid ahaa koox u safartay xeeb fog oo ku taalla jasiiradda Aka ee Japan si ay u xusaan dhacdo ay dad badan oo jasiiradda ku noolnaa ka war qabeen.

Sannadkii 1945-kii ayaa Dagaalkii Okinawa, askarta Maraykanka iyo Jabbaan ay joojiyeen xabadda si ay u wada hadlaan, wax u cunaan, una tukadaan.

Barafasoor Megoran ayaa yidhi: "80 sano kaddib waa waqtigii ku habboonaa in laga hadlli lahaa xilli cajiib ah oo inta badan la iska indhatiray."

Muddo dheer kaddib, dhacdadani dadka ka warqabaa waa ay iska yaraayeen.

Laakiin sanadkii 2004-tii, macallin jaamacadeed oo Jabbaan u dhashay oo la yidhaahdo Hiroshi Sakai, markaasna wariye ka ahaa wargeys ayaa diyaarad la raacay lamaane da'weyn oo sharraxay in ay ahaayeen carruur ku nool jasiiradda Aka intii uu socday dagaalku.

"Waxaan weydiiyay haddii ay la kulmeen waayo-aragnimooyin xunxun," ayuu yidhi, laakiin waxay sharraxeen in askarta Maraykanka iyo Jabbaan ay yeesheen wada-hadallo ka dhashay xaalad joojin-dagaal.

Prof. Sakai ayaa sheegay in uu "la yaabay."

"Inkastoo ay ahaayeen marxaladihii ugu dambeeyay ee dagaalka, xoogagii Jabbaan weli waxay muujinayeen iska-caabbin aad u daran dhammaadkii Juun," ayuu yiri.

Wuxuu bilaabay baaritaankiisa, bishii Maarso 2024, wuxuuna email u diray Prof. Megoran oo cilmi-baaris ka qoray kuna daabacay heshiisyadii Christmas-ka 1914-kii.

Prof. Sakai wuxuu ku lifaaqay sawir muujinaya askarta Jabbaan iyo Maraykanka oo xeeb ku wada tukanaya bishii Juun 1945-kii.

"Waanla yaabay gabi ahaanba," ayuu yiri Prof. Megoran.

"Waxaan halkaa fadhiyey muddo dheer anigoo sawirka fiirinaya , dhab ahaantii indhahayga ilmo ayaa ka buuxsantay.

"Waxaan si dhab ah u ogaa in sheekadan ay tahay mid u baahan in la sheego."

Dagaalkii Okinawa wuxuu sababay khasaare aad u weyn dhinac kasta, oo ay ku jiraan dad rayid ah oo badan.

Bishii Juun 1945-kii, ku simaha Koloneel Maraykanka ah oo la odhan jiray George Clark ayaa loo xilsaaray in uu sugo amniga jasiiradda Aka, halkaas oo saldhig Jabbaan leeyihiin uu ku sugnaa.

Wuxuu isku keenay koox yar oo ka kooban saraakiil Maraykan ah, iyo maxaabiis Jabbaan u dhashay oo ogolaaday in ay iska kaashadaan si loo badbaadiyo nolosha dadka.

Waxay maalmo dhowr ah ku qaateen wareegidda jasiiradda iyagoo adeegsanaya warbaahinta si ay ugu baaqaan in la is dhiibo.

Iska-hor-imaadkii ayaa istaagay markii mid ka mid ah kooxda oo la odhan jiray Lt David Osborn uu u dabaashay oo uu dhulka u gudbay, isaga oo calamo wata calamo ay ku qoran yihiin.

Ugu dambeyntii, taliyaha saldhigga, Major Yoshihiko Noda ayaa diyaariyay wadahadal, balse wuxuu shardi ka dhigay in uu goobta joogo Major Yutaka Umezawa, oo ahaa sarkaal ay ciidammada Maraykanku hore u dhaawaceen una qabsadeen.

Trudy Johnson, gabadha uu dhalay Lt Col Clark ayaa sheegtay in aabbaheed iyo Major Umezawa "ay aad isugu dhawaadeen."

26-kii bisha Juun, koox ka tirsan ciidammada Maraykanka iyo Major Umezawa ayaa xeebta soo degay, iyadoo ciidammo Jabbaan ah ay ku fidsanayeen buuraha.

"Waxay la kulmi karaan rasaas wakhti kasta, balse aabbahay wuxuu had iyo jeer ahaa qof aan cabsan ," ayay tidhi Ms Johnson.

Beddelkii rasaasta, Major Noda ayaa soo muuqday.

Labada taliyeyaal ayaa isa salaamay, hubkoodana dhigtay, kaddibna bilaabay wada hadal. Intii lagu guda jiray wada-hadallada, waxaa la diyaariyay qado doofaar la dubay ah, waxayna xeebta ku cunteeyeen iyagoo wada qadeeyay.

Warbixintiisa rasmiga ah, Lt Col Clark wuxuu ku tilmaamay dhacdadan in ay ahayd "muuqaal uu layaab yahay in la helo".

Ciidamada Jabbaan ayaa sheegay in aanay awoodin inay is dhiibaan, balse heshiis xabbad-joojin dagaal la gaadhay.

Lt Col Clark weligiis dib ugu ma noqon dalka Japan, hase yeeshee sannadkii 1987-kii ayaa laga waraystay telefishanka Jabbaan oo su'aalo ka weydiiyay waaya-aragnimadiisii xilligii dagaalka, iyadoo gabadhiisa ay wareysigaasi dhageysanaysay.

Ms Johnson ayaa sheegtay in aabbaheed "sannado badan aamminsanaa in qaar ka mid ah ragii dhinaca Jabbaan la toogtay eed ka xidhiidha khiyaano qaran, kaddib heshiiskii nabadeed."

"Taasi waa marka kaliya ee aan arkay aabbahay oo ooyaya — waxayna ahayd markii loo sheegay in arrintaasi aanay run ahayn," ayay tidhi.

"Anigu hadda waan gaboobay, waana rabay qof arrintan halkaas ka sii wada, aad baan ugu faraxsanahay in Nick uu soo baxay," ayay raacisay.

"Dabcan, waxay ahayd dadaal kooxeed, waxaana ku jiray rag geesiyaal ah oo ay ka mid ahaayeen maxaabiistii Jabbaan ee noloshooda khatarta u geliyay.

"Laakiin aabbahay wuxuu ahaa nin wanaagsan, wuxuuna ogaa in wixii ay markaas samaynayeen ay ahaayeen kuwa sax ah."